Total Pageviews

Thursday, 28 September 2017

Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye.  Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo.

Sagaashanaadkii
Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la’aan.  Waa xilligii abwaan Soomaaliyeed oo aan kula kulmay Baydhaba uu ka tiriyay tix aan ka xusuusto hooriskeeda oo ahaa: 

"Wada Tuute noqannaye, 
nin waliba tabtuu rabo, 
ha u rido tumaatida".

2000 iyo ka dib
Waxaa kale oo aan ka soo gudubnay tobankii sano ee xigay ee Hoggaamiye Kooxeedyo hub badan haysta, mararka qaarna degaan ka taliyaa ay Dowladda is hor taagi jireen amaba ay ridi jireen.  

Hoggaamiye kooxeedyadaas oo uu mid waliba u duulo caasimad shisheeye tii uu doono iyo weliba mararka qaarkood gobollo shisheeye si uu heshiiska uu doono ula soo galo Dowlad ama sharikad iyada oo og in aanuu heshiiskaas fulin karin haddana dano gurracan dartood shaar ka weyn u toli jirtay Hoggaamiye kooxeedka.


2012
Waa laga soo gudbay xilligii ku meel gaarka, inkasta oo weli xagga dib u heshiinta iyo dib u dhiska hey'daha Dowladda siiba ciidanka ay wax badani ka dhimman yihiin.

Waxa la isku afgartay ee Dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay, oo uu Madaxweyne ku noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Madaxweynayaashii isaga ka horreeyayba ay ku noqdeen, waa Dastuurka dalka oo isaga laftiisu weli ku-meel-gaar ah ilaa afti laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Dastuurku si cad ayuu u qeexayaa in Siyaasadda Dibadda ay u xilsaaran tahay KELIYA Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurku wuxuu awood u siinayaa in Madaxweynuhu uu yahay mas’uulka dalka ugu sarreeya, fagaarayaasha caalamiga ahna uu isagu ama wakiilkiisu ku matalo Soomaaliya.

Dastuurku ma qorayo in Gobol waliba uu dalka uu doono la geli karo heshiis ama taageero siyaasadeed u fidin karo.  Sidoo kale, Dastuurku ma qorayo in Gobolkii doonaa uu Dowladda uu xiriirka u jari karo ama uu ku qaadi karo dagaal.

Madaxda Dowlad Goboleedyadu cod iyo mas’uuliyad heerkooda ah ayay ku leeyihiin talada Dalka. Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalkuna waa ay ku xushmeyneysaa.  Haddii ay la soo gudboonaato mar go’aan ay Xukuumaddu gaartay uu u cuntami waayo Madaxweyne Goboleed ama uu hayo talo ka wanaagsan go’aanka Xukuumadda, waxaa u furan in uu Dowladda Federaalka ah u soo jeediyo talo.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka dhexeysa wadashaqeyn fiican xagga siyaasadda iyo xagga amnigaba.  Khilaafna kama jiro Arrimaha Gudaha ee dalka.  Arrimaha Dibaddana go'aankeeda waxaa leh Madaxweynaha Jamhuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.

Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa in aan dhammaanteen siinnaa qiimeynta ugu weyn.  Waa waxa keliya ee waaraya.  Xil uu qof mas’uul ahi hayo heerka uu doono ha noqdee waxaa ka weyn Qarankeenna. Manfac iyo damac kasta oo kale waxaa ka weyn wadajirkeenna iyo Madaxbannaanideenna.  Iyaga ayaa waaraya.

Sidaa darteed aan ka dhowrsanno in Hoggaamiyaha dalka ee maanta iyo berri lala qabsado isteerinka. Hoggaamiyaha maanta ee dalku waa Maxamed Cabdullaahi Maxamed.  Hoggaamiyaha berri imaan doona ama imaan doonta ma naqaan. Laakiin mid kasta oo Hoggaamiye noqda waxaa uu jeclaan lahaa, Soomaaliyana u roon, in uu la wareego Dowlad wax-ku-ool ah oo nidaam iyo kala dambeyn ku socota oo aan is-barbar-yaac lahayn.

Dastuurka Soomaaliya meelaha qaar ma cadda oo mugdi ayaa ku jira.  Meelaha qaarna waa mid aan dood geli karin waxa uu Dastuurku ka qabo.

Soohdinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada marka ay joogto Arrimaha Dibaddu uma baahna fasiraad badan marka aad akhriso Dastuurku sida uu u qeexayo. 

Qofka ka dhowrsan waaya in uu si sharci darro ah isteerinka ula qabsado Hoggaamiyaha Dalku, ama aan si kale u dhigee ku kaca fal lid ku ah Dastuurka dalku ha ogaado in uu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.

Friday, 1 September 2017

Soomaaliya waxay Mareykanka ka codsatay taageero Militeri

Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan ku wargelinayaa in Dowladda Soomaaliya ay weydiisatay Dowladda Mareykanku in ay gacan ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa degaannada Soomaaliya ee ay gacanta ku hayso.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan.  Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidan howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayay Dolwadda Soomaaliya codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

Friday, 11 August 2017

Maxkamad Mumbai oo maanta xukuntay 26 Soomaali ah

Maxaabiista Soomaaliya ee ku xiran India ayaa maanta 26 ka mid ah lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah iyo ganaax. Hore ayaa waxaa ay isla maxkamaddaasi xukun min 7 sano ah ay ku ridday isu-geyn 31 Maxbuus.

Bishan 19-keeda ayaa la filayaa in 61-ka Maxbuus ee harsan ay Maxkamaddu ku riddo xukun.

Halkaas waxaa ku soo geba-geboobaya xukunka Maxaabbiista Soomaaliya eek u xiran Mumbai.

Heshiis ay Soomaaliya la saxiixatay India oo maxaabbiistaas lagu soo celinayo dalkooda ka dib marka uu xukunku ku dhaco ayaa wuxuu qorayaa in marka hore heshiiska ay ansixiyaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo India.

Axmed Xiish oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee New Delhi ayaa dhowaan goor dhoweyd i soo gaarsiiyay xogtan, taas oo ay mahaddeeda leedahay Safaaradda Soomaaliya.

Wednesday, 9 August 2017

Axmed - Kismaayo, Soomaali sharfan iskuna kalsoon

Axmed - Kismaayo 10 cisho hortood, Nairobi
Axmed Maxamed Cali oo loo yiqiin Axmed Kismaayo wuxuu ahaa saaxiib aan muddu dheer soo wada shaqeynay marxalado kala duwanna aan isla soo marnay.

Axmed – Kismaayo oo shaqadii ugu adkeyd, ugu xasaasinayd badneyd isla markaana ugu sannado badneyd ay nagu dhex martay BBC oo uu uga soo warramay goobo kala duwan oo ay ugu badan tahay xarunta Puntland ee Garowe, wuxuu ahaa Soomaali aad u qiimo badan.

Axmed wuxuu ahaa nin aammin ah, run yaqaan ah lana baqin runta.

Wuxuu ahaa nin ahalu diin ah.  Wuxuu ahaa nin saaxiib yaqaan ah.

Dhinaca kalena wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo aan kaftama.  Wuxuu ahaa nin ciyaal magaal ah oo cayaari jiray kubbadda cagta, yaqaan qawaaniinteeda isla markaana xiiseeya.

Axmed – Kismaayo oo aan anigu qoray shaqada BBC, wuxuu ahaa arrimaha lagu muransan yahay ee ka taagan degaanka uu ka soo warramayo nin dib uga degi kara oo ka bixin kara sawir guud oo dheelli tiran. 

Axmed – Kismaayo oo aan muddo dheer tifatire u ahaa weligeey inta aan ka shakiyay dib umaan baarin war uu soo diray.  Wuxuu ka mid ahaa weriyayaasha warka ay tebiyaan marka ay dacwo ka daba timaaddo, aan aniga oo aan baarin haddana aan kalsooni ku qabi jiray in marka la baaro aan laga heli doonin wax aan xaqiiqo ahayn.  Mar kastana sidaas ayay ku sifeysnaayeen wararkiisu.

Waxaa kale oo uu Axmed ahaa nin hal abuur leh wax akhrista, waxna qora.

Wuxuu nin hal adag, siiba marka uu u arko in uu gar ku taagan yahay.

Axmed waxaan ka wada shaqeynay Radio Muqdisho siddeetamaadkii.  Waan is weynay markii caasimadda iyo magaalooyin kale oo badan laga qaxay.  

Waxaan dib isu helnay 1998 mar aan horseed ka ahaa mashruuc ay BBC tababbar u fidisay weriyayaal Soomaaliyeed.  Axmed – Kismaayo waxaan berigaas isku aragnay Hargeysa oo lagu qabtay wejiga koowaad ee tababbarka. Wejiga labaad wuxuu ka dhacay magaalada Marka maaddaama EU oo bixineysay kharashka tababbarku ay diidday in Muqdisho lagu qabto.

1998 Axmed wuxuu Tifatire ka ahaa wargeyska Riyaaq oo ka soo bixi jiray Garowe.  Wixii xilligaa ka dambeeyayna Axmed waan iska warqabnay, iyada oo wada shaqeynteennu ay sannadba sannadka ka dambeeya ay sii xoogeysaneysay ilaa aan anigu shaqada ka tegey 2012.

Markii uu dhacay dagaalka sokeeye ee Soomaalidu, Axmed wuxuu ahaa dadka og qiilka reero badina ay leeyihiin iyo qiilka ay is moodsiiyeen in ay leeyihiin.

Axmed - Kismaayo oo xil loo dhaarinayo
Waxaan is iri waxaa taas u suurta gelisay dhalyadiisa iyo xididkiisa oo dhammaantood ahaa beelo kala duwan.

Axmed wuxuu ila qabanqaabiyay heshiis dhex maray BBC iyo idaacadda SBC oo berigaas cusbeyd. ka dibna wuxuu igu soo dhoweeyay Boosaaso iina qabanqaabiyay xafladda ku dhawaaqidda iskaashiga BBC iyo SBC.

2011 oo aniga iyo hooyadeey macaan Allah ha u naxariistee aan soo wada xajinnay, Axmed-Kismaayo wuxuu ka mid ahaa rag mar aan aad u qandhooday igu soo booqday teendho aan degganaa. Allah ajar ha ka siiyo.

Xilalka kale ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland.  Waxaan u qaatay in uu ku muteystay kartida, mas’uulnimada, caddaalad – yaqaannimada iyo runta aannuu la gabban.

Duullimaadkii India



Qormadii Axmed ugu dambeysay, tii ka horreysay
Muddo hadda laga joogo toban maalmood ayaan Axmed si kedis ah isugu aragnay gegida dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.  Waxaan u wada soconnay magaalada Mumbai, India.

Goobtaas ayaan isku soo boodnay.  Codku waa uu ka xirnaa laakiin haddana waan is wareysannay.  Codka aad u hooseeya ee aan la maqli karin ka sokow, muuqaal ahaan, xoog, tallaabada, qosol iyo socod intaba wuxuu u muuqday nin caafimaad qaba oo xayi ah.  Waxaa wehlisay gabar dhakhtarad ah oo ah Hindida Kenya.

Wuxuu soo jeediyay in aan sawir isla galno, taas oo aan ku farxay.  Aroortiina marka aan ka degnay Mumbai wuxuu sawirkii soo dhigay bartiisa Facebook.

Markii aan maanta eegay barta Facebook ee Axmed-Kismaayo, si aan sawirkii ugala soo dego, waxaan arkay qormadiisii ugu dambeysay ee uu abid daabacay middii ka horreysay oo sawirro wadata oo uu iigu hambalyeynayo saxiixii heshiiska ay Soomaaliya la gashay India.

Soomaalida Hyderabad markii ay toddobaadkii hore iigu warbixinayeen in bil kasta ay Hyderabad ku dhintaan qof ama laba Soomaali ah, kama aanan warqabin in Soomaaliga ugu horreeya ee ku geeriyoon doonaa uu yahay saaxiibkeey Axmed- Kismaayo.

Ilaahow u naxariiso Axmed Maxamed Cali.  Ilaahow Jannada ka waraabi.  Ilaahow xaaskiisa, carruurtiisa iyo waalidkiisba Samir iyo Imaan ka sii.

Friday, 4 August 2017

Farriinta Taloja: Soomaali yaanay xabsiga nagu illoobin



Xabsiga Taloja ee Mumbai, India oo ay ku jiraan 118 maxbuus oo Soomaali ah ayaan booqannay.

Waxay ahayd maalin aan isu diyaariyey in aan la kulmi doono murugo iyo caloolxumo laga yaabo in ay hurdadeyda iyo raashinkeyga saameyso.

Waxaan u arkayay in ay tahay in aan cagaheyga ku doonto murugada si aan u ogaado xaaladda dhabta ah ee maxaabbiista Soomaalida ah.

Waan ogaa in aanay xorriyad haysan oo ay maxaabbiis yihiin.  Waan ogaa in aan weli la xukumin oo isla maalinta aan booqanayay ay 15 – kii ugu horreeyay ay ku maqan yihiin Maxkamad oo la xukumayo.

Waan ogaa in xorriyaddooda ama xataa in iyaga oo weli maxaabbiis ah dalkooda lagu celiyo ay tahay mid aan dhoweyn oo saacado ka hor uun aan soo saxiixay heshiiska ay Soomaaliya la gashay India oo arrintaa faahfaahinaya.

Qol weyn oo saqaf leh, ilaa hal mitir oo keliya uu derbi ku wareegsan yahay, dhinacyada ka haawanaya si neecow loo helo, marwaxada dhowr ahi ay neecawda yar ee ku soo dhacaysa ay sii babbinayaan, dhulkuna uu shameento yahay, ayaa dhammaantood la fariisiyay iyaga oo kabaha dibadda uga soo tegey.

Markii aniga iyo wafdiga ila socdaa aan soo galnay qolka ayay noo istaageen waxayna isla markiiba billaabeen in ay qaadaan:

Soomaaliyeey toosa,
Toosa oo isku tiirsada,
Hadba kiinna taag daran,
Taageera weligeen.

Qaar badan oo ka mid ah waxay kor u taagayeen waraaqo A4 ah oo ay ku sawireen calanka Soomaaliya.  Mid iyo labana waxay gacanta ku hayeen calanka oo ul suran.

Waxay ahayd muuqaal iyo maqal qiiro badan.

Heestii marka ay sii dhammeynayaan oo aan fariisan rabno ayaa mid ka mid ahi uu gariiray. Dhulka ayuu ku dhacay.

Wuu suuxay!

Ha i weydiin.  Ma aqaan sababta.

Midbaa qoorta dhulka uga celiyay isaga oo jilibkiisa barkin uga dhigay.

Mid kale biyo ayuu ula soo orday.

Anigu lama kulmin Shucuur iyo murugo intaa ka badan, marka laga reebo in aan ogahay in aan iyaga uun dhegeysto oo niyadda u adkeeyo rajana ku abuuro moogiye in aanan wax deg deg ah u qaban karin.

Maxaabbiistu waa rag Soomaaliyeed oo ay da’doodu kala duwan tahay laakiin wada dhallinyaro ah.

Jirkooda iyo dharkoodaba waxaa ka muuqda nadaafad.  Macluul iyo ilgooyo kama dareemin.

Waa wiilal ay ciidammo shisheeye badweynta ka soo qabteen.  Qaarkood, rasaas la isku weydaarsaday barta laga soo qabtay.  Goobtaas ay dad Soomaali iyo ajnebiba lihi ku dhinteen.  Iyaga oo weli qaba arga-gax la geeyay dal shisheeye oo aad uga fog dalkooda.  Lagu xiray xabsi aan magaalo ku ool ee heyjad buuro hoostood ah ka dhisan.  Toddoba sano ku dhowaad halkaa ku jira.

Haddana marka aad eegto niyaddoodu waa cajiib. Weli waa ay soo taagan yihiin.  Ma rajo dhigin.  Welibana quruxda iyo niyadda ka muuqata waa mid aad u sarreysa marka lagu jimeeyo xaaladdooda.

Ka dib marka aan uga warbixinnay xaaladdooda iyo heshiiska aan la galnay India ayay qaarkood hadalka qaateen.  Su’aalo, warbixin, salaan, dardaaran, farriin Madaxda dalka u sarreysa, mahadcelin iyo xataa talo intaba waa ay noo soo jeediyeen.

Guud ahaan farriintooda waxaa lagu soo koobi karaa – Dadkeenna iyo Dowladdeennu yaanay xabsigan nagu illoobin.

Mid iyaga ka mid ah ayaa markaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu ciidanka ilaalada iyo Madaxda Xabsiga uu uga mahadceliyo in ay munaasabadda suurta geliyeen.  Markii aan mikrofoonka u dhiibay wuxuu kula hadlay afkooda.

Maxbuusku wuxuu gashanaa funaanad kuwa Sportiga ah oo ay ku summadeysan tahay SYL.

Wuxuu ii sheegay in kooxo kubbadda cagta ahi ay ka jiraan xabsiga oo dal dal loo beratamo.  Wuxuu ii sheegay in kooxda Soomaaliya uu magaceedu yahay SYL.  Wuxuu intaa iigu daray in ay dhowaan ay SYL ku guuleysatay tartan dhex maray Maxaabbiista Soomaaliya, Nigeria, Nepal iyo Bangladesh. 

Ka dib ayaa Madaxa Xabsiga oo Xafiiskiisa iigu warbixnayay waxaa uu ii sheegay in qaarkood ay barteen afka Hindiga qaarna ay barteen afka Marathi oo ah afka looga hadlo Gobolka Maharashtara oo xabsigu uu ku yaallo.

Waxaa kale oo uu ii sheegay in ay yihiin dad akhlaaq wanaagsan.  Wuxuu kaloo ii sheegay in beryihii hore ay la qabsan waayeen raashinka xabsiga balse hadda ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.

Booqashada waxaa igu wehliyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda.

Booqashadeenna India oo qaadatay afar maalmood oo aan ku tagnay New Delhi, Mumbai iyo Hyderabad caawa ayaan soo gebagebeyn doonnaa Insha Allah.