Total Pageviews

Thursday 16 May 2013

Kismaayo


Ma ahan in dhiig dambe ku daato!
Inqaasta Yusuf-Garaad

Shalay ayaa la shaaciyay in shirkii ka socday Kismaayo uu xilka Madaxwynaha Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaan. Cid la tartantay ma jirin. Murashixintii xilkaas u taagnaa qaarkood muran ayay geliyeen sida ay doorashadu u dhacday.

In yar ka dib waxaa soo baxay war ah in Barre Hiraale, oo hadda ka hor Wasiir Difaac ahaan jiray, uu isaguna sheegay in loo doortay isla jagadaas.

Dowladda Soomaaliya oo hore ugu tilmaantay shirka Kismaayo in uu sharci darro ku yahay Dastuurka ayaa iyaduna isla shalay Kismaayo u dirtay wafdi ka kooban xildhibaanno iyo Wasiir ku xigeen. Xukuumaddu tallaabadan ayay qaadday inkatsa oo ay baarlamaanka taallo dacwad la doonayo in iyada lagu kala diro.

Sidii in Kismaayo aan intaasi dhib ugu filneyn, ayaa waxaa iyaguna Muqdisho ka hadlay odayaal ku hadlay magac qabiil. Hadda ka hor odayaashu wey hajnabeen, laakiin markan Kenya ayay ku eedeeyeen khatarta ka imaan karta Kismaayo. Puntland iyaduna waxay ka soo saartay dhowr hadal oo ku wajahan xaaladda oo mid ka mid ahi u hambalyeeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan.

Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo dowlad iyo shacab Soomaaliyeed midkoodna Kismaayo daafici Karin. Ciidammada dalka deriska ah ee Kenya ayaa berriga Kismaayo Soomaalida is khilaafsan dusha uga ilaaliya. Baddana Soomaalidu kamaba warqabto.

Muqdisho saaka waxaa ka degaya wafdi ka socda IGAD oo xaqiiqo raadis ah. Wuxuu daba joogaa go’aankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ay ku gaareen Ethiopia.

Kismaayo waxaa hore loogu daadiyay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waxaan is weydiiyay - Maxaa laga bartay? Dadka naftooda ma waxaa ka qiimo badan dhulka iyo qabka qabiilka iyo qofka?

Maanta oo kale xikmaddu kuma jirto hanjabaad iyo qir iyo qir. Kuma jirto is magacaabid. Kuma jirto in reernimo in la isu bahaysto ee reeraha kale hawada loo mariyo hanjabaad. Kuma jirto in la is moodsiiyo in dad la duudsin karo.

Waxaa ila habboon dadka colaadda hurinaya xagga idaacadaha, websiteyada iyo gaar ahaan Facebook in ay ka dhowrsadaan colaad dad maanta nool laga yaabo in ay ku dhintaan.

Sidoo kale inta aan Kismaayo joogin waxaa habboon in aanay arrinta uga sii darin. Waxaa habboon in, haddii ay karaan, ay gacan ku siiyaan in marka hore dadka gudaha Kismaayo ku sugan ay is qanciyaan.

Waxgaradka faraha badan ee Kismaayo ku sugan oo uu ugu weyn yahay Ra’iisal Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan marka hore in aan Kismaayo gudaheeda lagu daadin dhiig dambe oo Soomaaliyeed. Kismaayo laba shir kama socon ee hal shir ayaa ka socday.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah Somalia Somaaliya oo dhan waa in ay xal deg deg ah u heshaa si aan ammaanku gacanta uga bixin. Taas kuma filna wafdi xildhibaanno ah. Berrina jawaab noqon meyso in la is eedeeyo. Dowladda ayada oo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka geysan karta waa in ay xaqiijisaa in aan la is dilin. Mas’uuliyaddaasi iyada ayay saran tahay.

Ma aha in indhaha laga qarsado in IGAD oo ay ugu horreyso Kenya, oo ciidankeedu gacanta ku hayo Kismaayo, madaxda halkaa joogtana ay qaarkood xulufo la yihiin, aan looga maarmeyn in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaari lahaa xiisadda aloosan. Hawl aan ku huri doonin horaa loo qabtaa.

Geesi waxaan maanta u aqaan qofkii xiisadda qaboojiya. Qofkii tanaasula. Qofkii xal keena.

Geesi waa Qofkii dadkeenna kala badbaadiya.

61 comments:

  1. Runti arrinta dib u soo laabashada Soomaaliya iyo dastuurka federaalka cusub waxaa dad badan oo damac ku jiro u fahmeen una isticmaalayaan si khaldan oo aan Soomaali danteed iyo aayaheed midna ka shaqayneyn. Hadallada iyo ficilkaba waxay ku tusayaan in horjoogayaal badan ay weli caqli qabiil ku xisaabtamayaan. Runti marwalba oo aan arko maqaal arrin Soomaali ka hadlaya hadana xanuun badan, waxaan isku sabarsiiyaa in waxani adduun yahay, in sha Allah waqti kadibna ay dhici doonto in umadda dad u diir naxa maamulaan. Aad ayaad ugu mahadsantahay ra'yiga wanaagsan. Balse waxaan ku dari lahaa, dowladda Soomaaliya waa taag darantahaye yaanan saameyn badan laga sugin ee ciddi awoodda umadda Soomaaliyeed ha u shaqayso hana ka badbaadiso dad dano shaqsi wata ama aan garaneyn dhibka uu umadda u keenayo.

    ReplyDelete
  2. yussuf garaad BBC da markaad joogtay maxaad sidan daacad ugu ahaan wayday ?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Qalbi, waxani waa ra'yigeyga iyo weliba taladeyda. Markaa BBC lama oggola in aad ra'yigaaga iyo taladaada ku darsato arrimo siyaasadeed iyo kuwo ammaan oo khilaaf ka taagan yahay. Haddaan kuu soo koobo, aniga hadalkeygu waa khilaafka joojiya iyo yaan la is dilin. Adiguna idaacadaha uma dhegeysatid in weriyayaashu ay kuu sheegaan waxa kuu habboon ee ay tahay in aad sameyso.

      Delete
    2. Laakiin inaad bulshada Somaliland aad sawir xun ka bixiso Kuwii kaa sareeyey may kuu madax banaanayn jireen?

      Delete
    3. Mohamed, weligeey Somaliland sawir xun kama bixin. taa cagsigeed wax badan oo wanaag ah oo ay Somaliland wabsatay ayaan ka warrannay. Haddaad taas daliisheeda hayeso keen. Waa haddii aad hayso wax sawir khaldan ka bixinaya. Haddii kale waa la lahaa iyo anigaa la ii soo meeriyay meesha kama soconeyso sxb. Waxa aan xaqiiqada ku dhisnayn dadka isku fikradda ah ayaa isugu nacamleeya ee fagaaraha lama keeno.

      Delete
    4. Yusuf sxb waa hubaal inaadan Somaliland waxba ka sheeginbal saad sheegtey aad buunbuunin jirtey iyada iyo xamar oo cadaabtii oo ifka la keeney ahayd dhawr sano ka hor xiligii adeerkaa Cabdiqasim. waxaanse shaki waxgararadka uga jirin in meesha aad dagaalka la gashey ahayd Puntland iyo dadka ku abtirsada. waanu haynaa oo maahan wax naga dayacmey taariikhdaadii xiligaad bbc ushaqeysneysay iyo sidii buunbuuninta badneyd ee aad u shaacin jirtey dhibaatooyinka ka dhaca Puntland haba yaraadeene. Waxaa kaloo xusid mudan Kismayada aad hadeer nabadoonka isaga dhigeyso sidii aad uga qeyb qaadatey buunbuuninteeda xiligii Bare hiiraale uu udeerkaagaa Cabdiqasim Xamar ku hubeynayay si uu ugumaado umada ku nool deegaanka Jubooyinka. sidoo kale xiligii Caydii Baydhabo uu weerarka ku ahaa oo aad adiguba joogtey Xamar adigoo wararkiisa iyo buunbuunintiisa kasoo tabinayay meeshaas, waanu haynaa cadaymo adigoo faafniaya in Madaxweyne Caydiid saad ugu yeereysay xiligaas uu booqasho ugu ambabaxey Baydhaba si uu gobolka uga fuliyo mashaariic horumarineed waad saad tiriye, kadibna cid walba waa xasuusataa gumaadkii uu u geystey shacabka baydhabo isaga iyo wiilkiisa. Yuusufooy waa nasiib daro in maantey aad hunguri ka qabto dalkii aad qayb ka ahayd burburkiisa usoo raadsato xukun iyo shaqo. Inkastoo Somalidu aysan waxba qori oo taariikhda dib ufiirin hadana waxaa jira in yar oo wax garad ah waxna kaydisa diyaarna u ah waqtigey qaadatba in ay soo saaraan markii loo baahdo oo ay ku haboontahay. Waxaan Naxariis u waydiinayaa Alle Aabahaa Garaad Cumar oo ahaa muwaadin nadiif ah dalkiisana usoo shaqeeyey meesha aad adigu ka dooratey in aad qabqableyaasha saxaafada kuwo ugu waaweyn kujirtey oo aanba ka dambi yareyn qabqableyaashii dagaalka.

      Delete
  3. walaal yuusuf waad mahad santahay, xiligii ladooranayay xasan guur guurte magaalada muqdisho waa la awooday in dadkale ay dhahaan ana waa la idoortay.
    mida labaad madaxda dalka way og yihiin xaqiiqda somali ukala dhantaalan tahay in ay tahay qab yaalad.
    qabiilka soomaali inteeda badan wax kasheegtaana waa uu kasoo jeedaa madax waynuhu, awoodiisuna saad og tahay waa mid kooban,
    anigu marka waxaan maanta kahadlayaa waxaa weeye dadii yarayd ee sodon jirka ahayd iyo wixii kayar maanta waxaa laga dhaadhicinayaa xasan culusow hantida ay beeshiisu naga dhacday 1991 ayuu maantana rabaa inuu kismaayo kadhaco oo calooshood ushaqaystayaal noosoo adeegsado, hadana mahan nin xushmay naya dastuurka, guryaheeni shalay ay naga qabsadeen bayna maanta kujiifaan kaagayna rabaan inay kudarsadaan ...........
    marka walaal ilmaha waxaas maanta kadhaadhacsan ama laga dhaadhicinayo xasan guur guurte haduuba daacad yahay halkii laga dawayn lahaa kamuusan marine dabkii hol cayay ayuu bansiin kusii daray balse waynu arki doonaa halkay kudanbayso

    ReplyDelete
  4. Yuusufow hadalkagan wadaninimo ayaa ka muuqata iyo sida aad uga xuntahay isqabqabsiga ka jira Jubbaland lkn waxaa iswaydiin leh Adiga yuusuf ahaan daacadnimadan laguguma barane maxa iska kaa bedalay ma qabiil kii ayad wax ku wayday o waxad aqoonsatay inuusan qabiil waxba tarin ..

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdighani,
      Maanta iyo kal hore anigu isku mid ayaan ahay. Ismana naqaan aniga iyo adigu. Hore waxaad iiga maqli jirtay idaacad kaalinteyduna waxay ahayd in waxa jira uun aan soo gudbiyo laakiin aanan ra'yi shakhsi ah iyo talo midna ku darsan. Hadda oo aan fikirkayga iyo sida ay ila tahay u hadlaya oo aan idaacad mas'uul ka ahayn ayaad i aragtaa. Farqigu waa kaa. Laakiin marnaba raalli kama ahi horena ugama noqon in dhiig la daadiyo. Haddana Ilaaheey dadka iyo dalka ha noo badbaadiyo.

      Delete
  5. Thank you very much for your honest and sincere advise, you have really spoken like man of state. I wish if we could have that voice in our government, today we need I wise man like you to talk and to speak out, Dear Yusuf its your responsibilities to step up and not only contribute with your wisdoms and your thoughts but also to further go ahead and play a role in bringing back somalis together.

    In the real absence of a leadership people will listing to everyone who step up to the microphone, I am absolutely disappointed with way in which the Villa somalia handling the issue of Jubaland what is message they are trying to deliver,whatever its is not reaching people out there. !

    I compere the twitte from the interior minister of SFG and yours, waw. unfortunately they are also wasting a very valuable opportunity to bring back somalis together, and building the country without making such big noises.

    I cannot imagine a better person to lead the process and douse the flames, without naming any parties the two leading big clans in somalia needs to forget the past, and not waste present. how many years we need to grow up?, seriously. We have nothing a country a live , a dignity yet we are talking about nonsense issues in 2013. ..

    That person is you, believe me a lot of people couldn't believe that we have a voice of wisdom yet in somalia.

    ReplyDelete
  6. thank you mr Yusuf Garaad. Qabiilku waxa uu noqday weak point aan leenahay. sida caadada ahna Cadawgu meelaha aad ka liidato ayuu kuu soo marayaa ee Soomaaliyey inta Shiyeeye na qaybsan lahaa inagu aan isku tanaasulno fadaln

    ReplyDelete
  7. yuusuf garaad waa rayi wanaagsan waana soo dhaweyneynaa lkn dadka yuusuf garaad ku duraaya inuu qabiileeyste yahey waa ku been abuuraneysaane ja jooga qofka daahirka baa laga raaacaaye uurkiisa kama war qabtaane oo wanaaga fiiriya tan kale xiligii u madaxtinimada u tartamayey wuxuu muujiyey khudbadiisii inuu kusoo korey xoolihii dalka ama canshuurtii dadka oo uu aabihiis ahaa askari XDS ah asna uu abaal badan u hayo dalkan iyo dadkaan

    halna hala ogaado oo ah kismaayo dhibka heysta weligeed masoo marin intii dagaalada sokeeye kasocdeen oo taa macnaheeda waxan ula jeedaa badii baa xiran wado kastoo gashoo alsheydan u xiran madaarkii ama aayrboorkii baa xiran magaaladana ciidamo dadka dhib badan ku haya ayaa jooga oo uu hogaamiyo ahmed madoobe iyo kenya oo rabta iney dana gaara ka fushato deegaankaan iyo dadkaan marka hadaan xal siyaasadeed la helin huri meyso in dib u xoreyn somalida oo dhan ka qeeyb qaadato lagu sameeyo si wadan xora loo helo leto kamando in kismaayo la isku yiraahdo waa qalad ma ahan gaariso oo awal qalad kenya nooga heeysatey iyo deegaano kaloo badan sidaas aaawadeed waa iney dowlada wado kastoo aan dhiig ku daadan eey xal kuu raadisaa hadii lawaayana waa in la iska kiciyaa cadoowgaas sidii dalkan iyo dalkan uu xoriyadiisa dib ugu heli lahaa taas macnaheyga maahan inaan qabiil gaar aan u maagayo ama aan kuwa leeyahey idinkaa lehe kuwaas duudsiya waa maya meeshaan qof kasta oo somali ah baa ownership ka wax kaleh qabiil walbaa dega oo afka somaliga ku hadla marka isku fikir halaga qaato oo dhiig soomaali dhexdeeda yuu ka daadane hadii dhiig ku daadanayo ha noqdo mid soomaalidoo idil eey dalkeeda ku xoreeysaneyso
    dowladana cadaalad iyo sinaan iyo waxaa laga sugayaa wax kastoo muwaadin kaste oo soomaali ah uu xaqa u leeyahey in laga helo dalka iyo dadkana loo cadaalad falo ayadoo la xeeranaayo somalinimada islamnimada ehel nimada isku luuqad deriska wax naga xumaanayoo maleh markaas hadaan ilaahey wada talo saarano wabilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  8. Waa Qormo xiiso badan, waxana rajeynaya in ay dad badan ku qanci doonaan, una hiilin doonnaan Nabadda.

    ReplyDelete
  9. Waa qoraal aad u fiican,soomaliyoo dhanna ilaahey nabad ha ka dhigo,waxaad mooddaa in ay wax sii kharribeyaan qolyahan afka beelaha ku hadla,oo aad mooddo in ey marwalba dib inoo soo xusuusineyaan dhibaatadii wadanka halkaa geysey.Dowladduna ma aha in laga uriyo haba yaraatee wax dalka iyo dadkiisa werwer ku abuuraya,kan dacalka u shisheeya jooga iyo ka kale ee jooga dacalka kale waa in ay isku si ugu shaqeysaa.

    ReplyDelete
  10. aad ayaad u mahadsantahay yusuf run ahaantiii waxaa inaga maqan caqligii saliimka ahaa waxa inoo muuqdana waa inaan is dilno lkn midaas xal ma keenayso oo waa adiga qormadaadaba ku sheegay inaysan xal ahayn in qof maanta nool la dilo,,,, qofkii maanta tanasula ama xal keena ayaan uwada naqaan labadeenuba geesi,,, mahadsanid marka lakale

    ReplyDelete
  11. ani waxey ila tahay dowlada soomaaliya xaq ayay u leedahay dalka soomaaliya inay danihiisa ka shaqeeyso waana taas mida loo dhisay, hadaba maamulki shalay looga dhawaaqay ma eheen mid loo dhamaa oo umada halkaas ku nool ay raali isaga wada ahaayeen wuxuuna u ekaa sheeko la yiraahdo ka gaarsiiye iyo deg deg aad moodo in dowlada lagala cararayo howsha,sidaas darteed wax kasta oo dhisma ayada oon raali la isaga eheen meel ma gaari dooonaan waxaana dowlada ugu baaqayaa inay sida ugu deg degta badan qoraal u dirtaa golaha amaanka kaas oo ay uga ashtakooneyso dowlada Kenya oo faragalin qaawan ee ku heeysa dalkeena ilaa ay mareeyso in madaxdi dowlada ay u diido inay ka dagan buqcad ka mid ah dalka Soomaaliya hadii taas lagu guuleystana waxaa meeshaas ka baxaya dagaal dhiig ba an ku daato oo meeshaas ka dhaca waayo Kenya waxay rabtaa in qabaa,ilki is laayo una kala xagliso sidaas daraadeed Kenya waa in si deg dega looga saaraa dalka isla markaana meelaha ay fadhiyaan la geeyo ciidan dowladeed oo kaashanaya ciidamada Amisom ee aan danaha ay Kenya laheed aan ka leheen dalkeena sida Jabuuti oo kale .

    ReplyDelete
  12. waa mida loo bahanyahy umada somaliyeed iney manta gartaan in aysan faido ku jirin in dhiig danbe oo somali ah uu daato umada somaliyeed ee joogta qurbaha ee ah dhinacyada ku kala aragtida duwan arinta kismaayood waxaan leyahy dajiya xalada oo ka shaqeeya sidii looga hortagi lahaa in umad somali ah ay isleyso ee yaan loo caleemo tumin dagaal .... mida kale
    waxaan leyahay madaxda ku sugan kismaayo oo uugu horeeyo raisal wasarihii hore ee somaliya cumar c/rashiid waa inuu ka shaqeeyaa sidii looga hortagi lahaa inuu daato dhiig sokeeye dawladanah sida uu yusuf garaad shegay waa iney qadataa goan geesinimo leh oo xal looga gaarayo inta aysan arintu faraha ka bixin

    ReplyDelete
  13. Good job ina garaad, runtii firkaradahaaga waa kuwii xalka keeni lahaa kursiga uu ku fadhiyo xasan sheekh hadad joogi lahayd waxaa hubaa inaysan howshu halkaas aysan gaarteen, meesha ay wax ka khaldan yihiin waa hogaamiyaal aan isku tanaasuleen iyo siyaasad ku dhisan nin iska dhici, adan madoobe wuxuu ka faa idaystay siyaasad xumida xasan shiikh, maanta dadka kasoo jeeda jubooyinka waxay u arkaan ina culusow inuu yahay mid diidan danahooda hadii si loo fiirsho waxay u eg tahay wax macquul ah, wayo madaxwaynaha isagoo ka soo jeeda beel kamid ah beelaha isku haysata jubooyinka ayuu hadana dhinac soo istaagay waxaa laga raba inuu u muuqdo mid dhexdhexaad ah oo shacbiga kasbada

    ReplyDelete
  14. aad aad iyo baad u mahadsan tahay walaalkay yusuf garaad cumar waxaa kaa muuqata wadaninimo waxaa mudan in la taageero ra yi kasta oo kan oo kale ah maanta kismaayo dhiig danbe uma baahna wakhti qab qablayaashuna way dhamaadeen waxaan taagan nahay ha la noolaado aduunka wax ha laga qabsado qabiil ha tir tiro ha laysu tanaasulo ha kala danbeeyo hala taageero wax kasta oo wadadii horumarka loo qaaday waxaanu ka shaqayn doonaa nabad maamulkan cusub ee axmed ma doobana waanu taageeraynaa cadaaladna hala helo

    ReplyDelete
  15. Yusuf, waa ku mahadsan tahay fikaradda wanaagsan, waxaad sheegtay fikarado munaasab ah oo aad sheegtay waqti ku munaasab ah. Soomaalidu hadda waa bislaatay, Durbaanka qabyaalaadda waa la bartay waqtiga la tumo iyo waqtiga loo jiibiyo. Arrinta Kismaayo waxaa ii muuqda in Ahmed-madoobe uu helay Mandate taas oo keenaysa in Barre u muuqdo "ku qabso ku qadi mayside" iyo looma dhamma iyo haddaan kooyay IWM. Siyaasi ayaad tahay waa ka xishootay inaad xustid odaayasha ku hadlay magac beel inaad magaca beesha ay ku hadleen aad xustid(kaftan)

    ReplyDelete
  16. Mid waan kuu qirayaa maanta, waxaad u hadashay si Soomaalinimo iyo xil kasnimo ku jirto. Su'aashu waxaa weeye, maanta masuul ma tihid adigu ee maxaa kuu diiday inaad garato xaqa masuuliyadu leedahay markaad masuulka ahayd?

    Idaacaddii BBC waxaa iigu dambaysay (welina sidii baan uga maqnahay anoo maqlay inaad ka tagtay) markaad SNM hibo u siisay dembiyadda SNMna aad hoosta gelisay.

    Markaad Burco, Hargeisa laba nin oo isku reer ah geysay tirina ka soo warama idinku degaanka SSC reerkoodiina dagaal ku hayo degaankaas Soomaalina taqaanid ma cadaalad baad ka sugaysay nimankaas? Ma Cigeh ninkii la oran jiray (mooji weli joogyaa) ayaad weriyanimo uga fadhiday?

    Kolay hadalkaagan maanta iyo shaqadaadii khilaaf baa ku jira. Maanta nin Soomaali hunguri siyaasadeed ka leh baad u muuqataa. Berigaad BBC joogtay fikirkaasi kuguma jirin?

    "Gaal dil gartiisana sii". Waan kuu qirayaa qoraalkan inuu daacadnimo ku jirto. But I will never forget your collusion with SNM when they were massacring innocent people in SSC.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiib anigu marnaba SNM lama safan, kamana soo horjeesan. Sidoo kale SSC. Dagaallada aad ka hadashayna ma tegin goobaha ay ka dhacayeen xilliga ay ka socdeen iyo ka dib toona. Xogta aan haynayna sidii Ilaaheey nagu ogyahay ee noola muuqatay sida ugu saxsan ayaan u sii deynay. Laakiin waan ogahay dadka dagaallamayay iyo kuwa kale ee goobta lagu dagaallamayo joogay ama ehelkoodu dagaalka ku jiray in ay naga xog roonaan kareen. Marka kuma lihi war aan sax ahayn ma sii deyn, laakiin waxaan ku leeyahay war aan ogahay in uu khalad yahay anigu weligeey idaacad iyo idaacad la'aan marnaba kuma hadal. Weliba waxaan kula socodsiinayaa in dadka aad SNM ku tilmaameyso qaar badan oo ka mid ahi ay igula col ahaayeen in aan u xagliyey SSC. Labada midna sax ma ahan.

      Delete
    2. yussuf ta ogadenya iyada xaalkeedu waa sidee ? ma ka cadaalad samaysay ? mise qayb amxaaarada kamid ah ayaa iyana kugu xaglinayay inaad la safnay shacabka somalida ah ee itoobiya gumaadolagasoo bilaabo 2007 waxii ka danbeeyay dhagar wayn ayaad ka gasshay bulshadas masaakiin ta ah ee ilaa maanta dhiigoodu daadanayo

      Delete
  17. aaaaaaaaaaar somaliyaa xil jacayl,madaxtinimo jacayl

    ReplyDelete
  18. yusuf ilaheybaa horta og sidaad dacad u tehey bal hadalada ka sobaxaya aad bey niyada ugu wanagsan yihhin

    ReplyDelete
  19. scw
    waan salaamayaa somali idilkeed meel ayjoogaanba marka hore waa maqaal kusalaysan caqli, cilmi, nasteexo, bini aadminimo, daryeelid dadkaaga somaliyeed ah, waa qifkii fahmaya ee ilaah garansiiyo waxaan anigu cabirayaa aragtidayda inkasta oo aana ahayn qof kusugan goobtaas xaaladu ka aloosan tahay laakiin maahmaah meesha taala miyaan hilmaanay oo odhanaysa (cimiga halaguudhigee caqliga kaashobaalayidhi) kenya iyo itoobiya waxay leeyahiin mahad celin inkasta oo ay danahooda siyaasadeed kujirto dawlada somaliyeedna waxay hilmaantay ama noqotay (hooyo ubadkeeda cunaysa baahina ayna ugaynin) tankalena waa dadka deegaanka eray aan idhaahdo (waxaad tihiin hooyo dhashay ilmihii oo laakiin ayna wali ibidii ka imaan lana sugaayo xiligaa marka hooyadu kujirto waxay udhaxaysaa nolol iyo geeri ) waxaana idinla gudboon 3 arimood oo kala ah 1: isutalaasul 2: go,aan adag 3: caqli aragtifug leh
    intaas ka dib fariintan waxaan udirayaa dhamaan waxgaradka somaliyeed gaar ahaan masuuliyiinta dawlada iyo dawladaha
    by: Dr.jaamuus qorax

    ReplyDelete
  20. Yusug Garaad. waa nin aqoon iyokarti leh laakin soomalidu mar walba ninkood adoorka way daba yaacaan(caayaan)Yuusuf noolow waxaan dhihi karaa Yuusuf magaca soomaliyeed meel fiican ayuu geeyay.. teeda kale qof haduu meel shaqaale ka yahay wuxuu raacayaa qaabka shaqada ee ka jira meesha. waxaan kale oo aan qirayaa anoo cidna u xaglin yussuf ka hor sidee u egeet BBC laanta afka hooyo it was bad yuusuf waa isku duba ridyay wuxuu keenay shaqaale aqoon fiican leh. marka waxaan leenahay yuusuf waa halyaayay soomaaliyeed. War hooy qabyaaladaan iska daaya waa idin dilatee..

    ReplyDelete
  21. kkkkkkkk, Yuusuf aniga maa soomaali ka dhalo ku dhahay, waan hubaa hadaad janada geyso dalkoo dhan in aad maqleyso kuwa kugu eedeynaayo in aad dan ka leedahay, dadka aad la hadleyso waa dad runta neceb beenta jecel, diinta neceb qabiilka jecel, isma lihi yuusuf amaan buu rabaa ama xog ogaal uma ahi garaadka dadka uu ka dhashay, kan ku taageersan waxaa dhici karta inuu kugu taageerey qabiil kan ku nacsanna qabiil buu kugu nacay, ila aha mid aqoonsan waxa uu yahay YG inuu jiro, yaanan ku niyad jabin shaqadaada iyo fakirkaaga nadiifka ah wado, fadlan waan kuu han weynahay naga ilaali cadkaanoow ku cuney ama ku ciideeyey..

    ReplyDelete
  22. Aad baad ugu mahadsantahay hadlkaaga qiimaha badan, xaqiiqadana tilmaamaya. Nin walba oo wax garanaya hadduu sidaas u soo gudbiyo fikirkiisa, inta aan garaadka lahayna iska aamusaan, waxbaa hagaagi lahaa!.

    Intii aad BBC joogtey, dad badan baa kaa tirsanaya inaad "qalab-faranjiga" u adeegsatay si aan "waddaniyad" ahayn. Waxa ay kuu qarinayaan, ama kuu qaawinayaanna waad garanaysaa. Shalay waa maalin tagtay, wixii dhacayna, Ilaahow towba iyo maanta iyo berri oo la toosiyo ayaa u dawo ah. Haddaba, Garaad, hagaaji wixii aad hagaajin kartid. Dadka eeddooduna yaanay ku mashquulin, kuna niyad jebin.

    ReplyDelete
  23. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  24. Waa balanced message. Waana fariin culus. Eye for eye makes the whole world blind. Warka intiisa muhiimka ahi wuxuu ku kooban yahay caqliga hala isticmaalo oo waxa maanta la xallin karo yuusan berrito dadkan soo daalay sii kala fogaynin oo yuusan dowladda lafteeda galaafan.

    Taladaadu waa talo fiican -

    ReplyDelete
  25. Sxb Yusuf Garaad Talo Fiican Ayad soo Qortay lkn sxb waligaa waxaa laga rabay inaad sidaan oo kale u hadashid runtiina anigu sxb inbadan ban ku dhagaystay hadii aa leedahay bbcda ayaa rayigayga xanibtay oo lama oggalayn inan rayigayga ku darsado runtii sxb Shaqadada ayad doratay dantii somalidana wad ka tagtay sidoo kale sxb madama ad ogalatay arintaas inad rayigaga dhiban de wax kalena waad noqon kartaa oo de shaqo kale ayaa lagu soo dhibay ban umaleen , .

    ReplyDelete
  26. aniga waxay ila tahey umadda somaliyed waxay u bahantahey inta waxa kale oo dhan la iska dhigo meel in lagu dhaqaaqo dib u heshisiin dhab ah 18 ki gobol iyo 84degmo ba latago oo la dhiso national reconciliation committee iyo in la helo ciidan qaran oo belahodhan ah laga so aruurshey inlen bel bel aminimayso sasan isleyahey xal walagu gari kara hadan intas la helin way adkaneysa in la is amino thanks mudane yusuf garad

    ReplyDelete
  27. aniga waxaan qabaa in sideedaba 4.5ka iyo goboleysiga ayaa dhibka keenay oo loolanka qabaa,ilka sii hurinaya waayo qabiilkasta waxa uu kufakarayaa
    sidoo gabalo dheeraad ah ugusoo dimilahaa xagiisa ee waa in meesha laga saaraa hadii larabo in qabyaalad lasuuliyo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sxb xal ayaa la rabaa, dadku somalinimo waa ka tageen ee maxaa la isugu keeni karaa?

      4.5 wax fiican ma aha lakiin waa luuqadda dadku garan jireen, hadeer qoraalada halkan aad u dhuux, dhamaan qabiil ayey salka ku hayaan. marka su aasha waxa ay tahay maxaa dadku wadagaan

      Delete
  28. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  29. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  30. Waa wax laga xumaado in dhiig nadiif ah oo aan waxba geysan lagu daadiyo dano aan u adeegeyn dadka iyo dalka.
    Waxaa se la yaab kale leh kuwa halkaan ku soo qoraya hebel ayaa halkaa ka yimid, Kenya ayaa faraha wadanka kula jirta. waxaad ogataa adiga hadii qof kale oo walaalkaa ah aad magac uusan laheyn u bixisid maxaad ula yaabi in wadan kale farah kula geli.

    22 sano caqligaan ku garan weyney in danta Somalidu dhexdeeda taalo ee maanta aan ku garaneeyno ciidamo Ugaanda ah oo xafiiska madaxweynaha waardiya ka ah, baarlamaanka waardiya ka ah, Reysal wasaraaha ka ah.

    Aduunka waxaan dan laheyn waxaa jira Somali, midkii imtixaan ka dhacaa waxuu oranayaa macalinka ayaa i cunsuriyeynayaa intuu oran lahaa dadaalkeeyga ayaa gaabiyey.

    Kenya, Itoobiya, Uganda America etc dan ayey wada leeyihiin lakiin danta culusow, Madoobe, tarsan, Fiqi iyo inta la halmaasha maxuu yahay?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aniga waxaan is leeyahay fikirkaa yusuf inuu fiican yahay loona baahan yahay malaayiin soomaali ah sidaa u fikirta in lahelo oo markaa xisbi siyaasadeeed furata. tan kale arinka kismaayo oo uu ka hadlay Yusuf way jirtaa inay dadka reer kismayo ay ka mid yihiin dadka ugu dhibaatada badan ay ka soo gaartay dagaalada qabiiliga oo meesha ka dhacayo. waan kugu raacsanahay inay arinta sida cidwali u sheegayso inay wax qalad ah uu jiro dhinackastaba lakin waxaan is leyahay dowladu inay tahay inay u fikirtaa dowladii dalka ahdana ay xaqiiqsataa inaysan lahaynd awoodii dhionackasta mid siyaasadeed iyo mid ciidanba hada markaa ay samaysaa siday ula macaamili lahayd gobolada dalka inta ay ka gaarayso heerkaas waxaad moodaa diidmada maamulka kismayo inuu dowlada ay ku bixisay waqti dheer oo xal ay ku keeni lahayd aniga fikirkaygana waxaan aaminsanahay in xamar ay tahay meesha soo abaabusha dhibka ka jira kismaayo markasta oo dhib ka dhaco. dib baan waxaan ugu noqonayaa xiligii ugu horeeyey oo daghaal ka dhaca waxaa ahaa dagaalkii ay isku dagaaleen Morgan iyo ina Cumar jees oo markaa caydiid taageersanaa, waxaa ku xigay kii Bare hiiraale oo isaga xamar laga keenay iyo Galgaduud, waxaa ku xigay kii maxkamada isaga xamar ayaa laga keenay oo waa kii Ahmed madoobe loo soo diray ay bare hiiraale ku dagaalameen gubada dhexe, kii u danbeeyay ee maxkamadaha iyo Shabaab labaduba waan ognahay waxaa laga keenay isagana Xamar oo raga shabaabku xamar bay kka amar qaadanayeen oo madaxdu ay jogtay. Aniga iyo in badan oo reer Jubada hoose ah waxaan aaminsanahay inay jiraan rag ka kooban siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, aqoonyahano isku sheeg ah inay ka midaysan yihiin inaan la arag kismaayo oo aan xamar laga hogaaminayn inay qatar ku tahay jiraantaankooda, wayna iska cadahay oo magaaladaam kismaayo xitaa xiligii kacaanka waxaa kaliya laga dhoofin jiray mooska oo kaliya xitaa markuu Expensionka ku samayay companigii Joorge Fuler oo mareekan ahaa inkastoo uu dagaalkii sokeeye wax yar ka horeysay.markaa. waxaan ku leeyahay adiga aniga war badan kaama hayo ku jirtaa ragaas aan sheegtay ma ogi lakin dadka qaar ka mid ah oo ku dhibsada uunbaan maqli jiray inay sax iyo qalad yihiina ma garanayo. BBC dana maba dhegaysto oo guud ahaan fitanka ka dhecayso somaliya iyo calamkaba wax bal ka edahay iuyida iyo journalada dunibada marar badan. hada iyo dan hadalkaaga waan soo dhowaynayaa lakin waxaad ogaataa inay meesha wax ka qaldan oo u diidan deganaashaha kismaayo ay tahay xamar xamarna adigaa hada ku sugan siyaasina ah ee welcome hadii aah wax qabanaysid wax qabad baa loo baahan yahay.umadaa meesha ku baa, ba aysa dad u naxo oo caqli u leh bay u baahan yahiin. tan mamulka la samaayay waxan ka oranayaa waa waqti koban hadii uu dhacay markastata oo wax ladhisana rer qayliya la waayi maayo oo markii la dhisayay DFS waan ogay waxii ka dhacay looma dhamo uunbaa la lahaa. maamulku siduu doonaba haku dhicee ma fiicna midimidi ku taag ee sidii lagu wada qanci lahadowlada haka shaqayso oo waxii maanta ka dhacay maa ka xun. xoog oo la isu shegtaana waxaba lagu keeni waa. maamulkana haka shaqaayo waxii amaanka qalqal galin karana hala iska illaliyo dadkana haloo wado shaqeeyo. W/C

      Delete
  31. Yusuf garaad maalin aan BUSH HOUSE kuugu soo booqday aad baa ii soo dhawaysay waad ku mahadsan tahay saaxiob dad badan oo ku eedaynaya waan arkay dadka reer adeerkay ha u badnaadeen xitaa kuwa FACEBOOK kuugu jira aniga intaan kaa maqlay wax xun kuma arag ee yusufow maxaa qaldan saaxiib

    ReplyDelete
  32. Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
    Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
    Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
    Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
    Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

    Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
    Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
    Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
    Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

    Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
    Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
    Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
    Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
    Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

    ReplyDelete
  33. Yuusuf, Soomaali inteeda badan way og yihiin kartidaada iyo wixii aad qabatay mudadii aad BBC-da joogtay. Waxaad ku dadaashay inaad kor u qaado aqoonta saxaafada Soomaalida, oo mudo dheer fadhiid-ka ahayd.Inta ku dhaliishay ama kugu eedeyneysa wax aan jirin, waa loo baahan yahay inay jiraan mar walba.Ugu danbeytii, waxaan kusoo koobayaa qoraalkeyga "Dad kuma wada aamanayee yaan lagu wada caayin"

    ReplyDelete
  34. waxaan marka hore kugu salaamaya salaanta islaamka asc inataa dabadeed runtii yuusf garaadaw waxaa soomaalidu ku maah maahda FIQINA BAHDII KAMA JANO TAGO taas oo macnaheedu yahay in aan nina ninkiisa ka dheereyn waxan hadalka uga goleeyahay nin baa layidhi waligaa abeeso maku cuntay markaas ayu ku jwaabay afkaba mayga qaada haatan yuusuf garaadaw qabyaalada iyo tafaraaruqa yuusuf garad ayaad u tahay intaan ognahayna waxaan ka wara haynaa inaad tahay hoyga qabiilka waxa soomaalidu ku maah maahdaa HAL BOOLI AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO bi macnaa kalima qabyaalada iyo is daba maryan waa tii aad kusoo bur burisay BBC haatan hadal kaaga ama maqaal kaagu waxa uu iila muuqda HABAR BAA ISKA HAW HAWLEE HEELADA INOO TUMA waa halkii yoonise mark aiander naga raali ahw cid kalaba haa lkn adiga maya waxba kaa dhagaysan mayno hadanu nahay dhalinta mustaqbalka soomaaliya meel kale ka haaneed sxb

    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiib dhallinyaro Soomaaliyeed inta aadan magacooda ku hadal, marka hore isu quur in aad magacaaga ku hadasho. Abwaan iyo Caashaq midna magac ma ahane, horta godkaka soo bax oo magacaaga qor.

      Delete
    2. wale abwanku hadalkiisi tuuray,lakin yusuf garad ma madaxwaynu raba in loogu shubo ileen somali miyir maleeh, manta xasan aragnayee yusufow ma adigaa soo socda, kolba waad dhami lahayd hadii lagu keeno maxaa hyeelay iska qabiil badnow lakin ma adan ahayn xog hayihii uruuradii xasuuqa gaystay, dabcan wad garan waxan ula jeedo

      Delete
  35. habar baa iska hawl hawlee heelada inootuma

    ReplyDelete
    Replies
    1. Walaal Abwaan, qofka miyuu khaldami karin? miyaa ka gudbi jkarin waxuu shale sameeynayey?

      Hadaad Abwaan rasmi tahay wxaad garan laheyd Abwaan waxuunsanad hore ka gabyey ayuu dib u tirtiraa sababtoo ah marxaladeedii ayaa laga gudbay.
      Anigu Yusuf aqoon uma lihi ku reerna ma ahi aan ka aheyn shaqadii bbcda uu ka hayey, inta uu halkaan ku soo qorayna waa aragti aad u qiimo badan hadaan si wanaagsan u cabirnana waxaan u gudbi karnaa in qofku fahmo xaqiiqada dhabta ee agagaarkiisa ka dhaceeysa.

      Ma filayo Yusuf in ujeedadiisu tahay in halkaan lagu amaano ama lagu aflagaadeeyo ee waxgaradka Somaliyeed ayuu rabaa in uu caabiro sida ay iyagana ula muuqato. Walaal fekerka cabir, ka har Yusuf shakhsi ahaantiisa. Qabiil cidna sxb lama aha ee waa cadaw ummadda xidid bixinaya.

      Delete
  36. asc Aad Baan Ku salamayaa Yusuf garaadow , waxan Ka Xumahay in maqalkaga Aad So qortay oo Somalinimo Iyo Dad jecleysi ka muuqdo Iyo Dhibka ha la Joojiyo dadka Qaar ay aflaagaado Toos Ah Kuu quudheen anigu Anoon Aan Kula feker ahayn Sida wax loga wado Kismaanyo Ama Arimaha SOmaliya Odhanba hadana maaaha In Aan Kugu Miisamo wax Dad Sheegeen Ama Idacad aad ka soo shaqeysay wax Dad kaaga Aminsanaayen Lakin Anigu Waxan Eegayaa Uun qoralkagan waxa Qofka U qarsona Isaga Iyo Ilahay baa Is Og lakin Somaliyey maanta ka maanta Dhasha ee Aan weligi aduunka Arag Qaar baa Iin U sameynaya ama Odhanaya Waa qabyaali,Markaas qabyaaldii Waxay Inaga gashay lafaha iyo dhiiga, Kii meel ka hadlaba waxaynu lenahay waa qabyali Abaha baa RI Iga dhacay ama ADeerkaa baa Qabyali Ahaa OO Uu tageri Jiray Aynu Iska Dhaafno wixi Hore ee dhacay, Aynu Hore Uga socono ,waxana La Yidhi Nin Aan Waxa Jooga garan waxa Soo Socdana ma garto,markaa Aynu Iska Ilowno wixii dhacay iyo wixi lakala Aminsanaaa Somali Odhan baba Wada Danbiile ah , adigun Ysusuf garaad Waad ku mahadsan tahay qoralkagan Iyo Fikirkagan Kolay hada Aniga Qoraal Saliim Ah Iila Muuqada,Waadna mahad santahay

    ReplyDelete
  37. Yusuf walal waad mahadsan tahay. lkn waxaa jirta arrin aadan waligaa soo hadal qaadin wanna, dadka guryahoodii iyo hantidii ay muqdisho kulahayeen rerihiinu haystaan, waligayna afkaga kama maqal dadka soomaliyeed hantidooda haloo celiyo adiga iyo madaxwayne xassan shiikhba.
    marka hada wanaaga aad kubaaqaysid see ku Aaminayaa in ay daacad kaatahay ?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdinur, waan ogahay in dad guryo laga haysto, raallina kama ahi, kamana aamusi doono. Ninkii guri ama hanti kale isaga oo og in dadkii lahaa aanay raalli uga ahayn xoog ku haystaana waa booli-maal ee reer ma ahan. Marka aniga ha i xijin. Isagana reer ha u yeelin.

      Delete
  38. MR yusuf waad ku mahadsanthy lkn ani waxaan soo jeedin lahaa dawladau in ay dhexgasho hogaamiya koooxdyada iyo madaxwayne Axmed madaxwayba mamulka jubbaland oo aad taa iftiimisid

    ReplyDelete
  39. Sxb Yusuf Garad manta iYo maAlin hore iyo maqalo bdn aad qortay wan aqriyey welina xaladii wa tagan tahay, aad ayaad isku taqanin siyaasiyinta dhiiga faraha kula jirto iyo dawlada Somalya, adiga yusuf ka ahan adigoo dad la kaashanayo Kismaayo badbadisin, Alle iyo umadda Somaliyed ducadoda wad heleysabn abaal aan guurina wa idin haraa ......

    ReplyDelete
  40. wixi hore halaga so tago manta badbado ayaa la rabaa melkasto madaxa lala geli karo manta waa in lala galaa waa ninkee Tarikhadu xusi dontaa Kismaayo dhiig danbe ka ilaaliyo

    ReplyDelete
  41. Kismaayo aqoon badan ayey u baahantahay inta xalkeeda baadi goob loogu jiro, aniga waxaan ku dhashay maskiintaas la oran jiray kismaayo, kuna barbaaray waxyaaabo badan oo hadeer dadka laga dhaadhiciyey sal iyo raad ma lahan.

    Waxaa nagu soo maray iyadoo dadku habeenkii guryaha lagala baxayo sabab la an, kufsigu meenuga ugu qoranyahay mooryaanta. Waxaa hadeer inoo xigta wasiirkii gashaandhiga ayaa ciidan ku abuubulayaa, kuwa ayaa madaxweynayaal ku dhexsheegtay, Kenya ayaa difaac ka xiratay, dadkii dibadaha ku noolaa ayaa colaad meel kasta ku qorayaa, waa yabee xagee wax ka qurunsanyahay?

    Culusoow waxa uu baahanyahay garasho daqiiq ah, foojignaan qoto dheer, hadii kale kama badalnaan doono qabqable cusub, kama hadlayo cid kale sababtoo ah Culusoow la mid ma aha hogaamada kale ee waa madaxweyne Somaliyeed mid mid jecel iyo ku neceb.

    Waxaan oran laha dowladdu dib ha isugu noqoto, ha ogaato in shacabkeeda ay ka adkaan karin, waa xaqiiqo qabyaalad meelkasta waa ka jirtaa, dowladda ayaa dadka ka gudbin kartaa sidaa awgeed waamin ay ka fogataa waxkasta oo iyada u ekeeyn kara in ay qabiil ku shaqeeyn.

    ReplyDelete
  42. yuusuf anoo ku hadlaya dhalinyarada reer pl waligaa waxaad dabada kawaday in aad ladagaalanto dawladi c/laahi yusuf hogaanka u hayey oo aad dadka ugu xun xun aad wici jirtay oo inta aadan duubin warka aad u sharaxi jirtay waxa ay dhahyaan maantana waxaad ka hadlaysaa in dhiig uusan daadan ma waxaad taageeraysaa dawlada xasan shiikh uu hogaminayo oo aad is leedahay yuusan siyaasada ku fashilmin tankale waliga waxaad kashaqaynaysay sidii reerkaaga aad dadlka uga saro marin lahayd adoo adeegsanaya saxaafad lkn ilaahay waxa uu u jeeda xaqa kan wada iyo kan dulmiga wada adiga adigan xaqdaradii ayaa lagaaga soo cayrshey idaacad adoo isku beegayey xiligii kala guurka ayad muqdisho timi dadkii kusoo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa indho cadde oo aan ognahay taariikhda somalia halka uu kaga jiro

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sorry marxuumka allaha u naxariisto asagaa su'aalo badan la waydiinaya hada majeerten wax ka xaasisidsan malahan ayagbo khaatuma ayay waligood xasdayeen

      Delete
  43. Yusuf faalooyinkaagu ma xuma waana loo bahaanyahay
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  44. Waxa i muuqanaya in hada xaalada taagan ay la mid tahay tii 2013 taasi oo keeni karta in xaaladu ku laabato halki ay maftay shalay allah ayaanse ka magan galeynaa.

    Hadi dagaal ka dhacana waxa aan masuuliyadda dagaalka u saarin lahaa xukuumada fadraalka ah ee soomaaliya
    Iyo axmed madoobe oo isaguna ah xarkak xilka kaliya u muuqda xalka bulshada Jubaland uusan u muuqan

    ReplyDelete
  45. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  46. Mudane wasiir arinta aad ka hadashay lix sano kahor welina wey jiri kartaa Sanado badan hadaan Soomaalida baranin
    isu tanaasulka is aaminaada iyo is cafinta waayo Madaxda ama Siyaasiyiinta Soomaalida xaldoon ma aha ee waa xoolo iyo xukundoon. Mahadsanid Mudane

    ReplyDelete
  47. Qabiilka aad bhu u xanuun badan yahay wiil majeerteenow

    ReplyDelete