Total Pageviews

Monday 20 May 2013

Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds, MP


Su’aalo ku saabsan Soomaaliya, Somaliland iyo UK.
Jawaabaha Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmonds MP



Wasiirka Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dowladda Britain, Mark Simmonds, ayaa galabta si toosa uga jawaabay su’aalo u furnaa in qofkii doonaa weydiiyo. Wasiirka oo isla markaana ah mudane Baarlamaanka oo la soo doortay ayaa qiyaastii 45 waxaa uu toos uga jawaabayay su’aalaha lagu soo weydiiyo twitter. Su’aalaha la weydiiyay oo fara badnaa kama wada jawaabin. Jawaabihiisana midna kama badneyn 140 xaraf oo meelaha bannaan lagu tirinayo - taas oo ah mugga twitter uu qaadan karo halkii marba. Su’aalaha la weydiiyay iyo jawaabaha uu bixiyay intooda badan ayaan u soo tarjumay saaxiibbadeyda Soomaaliyeed ee aan Ingiriiska akhrin ama aan twitter isticmaalin amaba aan maanta la socon.
AFEEF: Tarjumadani aniga ayay igu kooban tahay. Ma ahan mid ay tasdiiqisay, dalbatay ama laga wargeliyay dowladda Britain.

SU'AAL:                      Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland si wanaagsan ayay hore ugu socdaan. Laakiin maxay ku dhacday in laga fekeri waayay in arrinta ku saabsan maamulka duullimaadyada iyo hawadu ay dhib keenayaan?

WASIIR UK:                Arimaha ku saabsan [duullimaadka] hawadu waa arrimaha ay tahay dartood in ay u wadahadlaan Somalia iyo Somaliland.

Su’aal:                         Militerigii iyo booliiskii Soomaaliya waxay burbureen 21 sano ka hor. Ciidanka Muqdisho joogaa waa hal beel. Ma dhiirri gelineysaa ciidan midnimo Qaran?

Wasiir UK:                   Midnimo Qaran oo xagga qabaa’ilka iyo Gobollada ah ayaa muhiim u ahaaneysa Soomaaliya in ay nabadgelyo iyo horumar gaarto.

Su’aal:                         Maxaad u maleyneysaa in muhiimadda koowaad ee UK ay tahay si ay caawiso dowladda Soomaaliya?

WASIIR UK:                Madaxweynaha [Soomaaliya] muhiimaddiisa koowaad waa ammaanka. Annaguna waan la qabnaa wixii ka dambeeyay [shirkii] Soomaaliya 2013.

SU'AAL:                      Kenya waxay wiiqeysaa dowladda Soomaaliya iyo dadaalka Britain ee ah in la xasiliyo Soomaaliya. Arrintaasi waxay u gogol xaareysaa Qabqablayaal dagaal. Waa maxay mowqifka UK ee Kismaayo?

WASIIR UK:                Gobolku wuxuu xuddun u yahay ammaanka iyo xasilloonida Soomaalia. In xal laga gaaro UK waxay kala shaqeyneysaa dhammaan dhinacyada oo ay ka mid tahay Kenya.

SU'AAL:                      UK waxaa ku sugan Soomaali aad u badan. Dowladda Britain ma qaadday wax tallaabo ah oo ay kula xiriireyso?

WASIIR UK:                Qurba joogta kaalin muhiim ah ayaa u bannaan in ay cayaaraan. Waxaan qaar ka mid ah kula kulmay [xaafadaha London ee] Ealing iyo Westminster iyo [magaalada] Cardiff. Waxay mustaqbalka biirin doonaan wax weyn.

SU'AAL:               Maaddaama Nicholas Kay loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, kaalinta IGAD ma lagu wareejin karaa QM?

WASIIR UK:                IGAD iyo QM waxay leeyihiin kaalimo kala duwan. Ka dib,
                                    dib-u-eegidda QM iyo magacaabidda Nick Kay ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, isuduwidda hawluhu waxay noqoneysaa lama huraan.

SU'AAL:                     G8 ma bixin doontaa miisaaniyadda loo[ga] baahan yahay [Soomaaliya], taas oo ka korreysa lacagta aan badnayn ee £200 milyan ah ee ay ku baaqeen, si loo xaqiijiyo dib u kabasho dhaqaale iyo xasillooni?

WASIIR UK:         Waan kugu raacsan ahay muhiimadda dib u kabashada dhaqaalaha. F.G. Kulankii ganacsiga ee aan anigu marti geliyey 8 May – horumar dhaqaale waa furaha koboca mustaqbalka.

SU'AAL:              Waa maxay istaraatiijiyada aad ka leedihiin in al Shabaab laga suuliyo Soomaaliya maaddaama ay kooxdaasi dhibaato hor leh ay sii horseedeyso?

WASIIR UK:                Waan kugu raacsan ahay in al Shabaab ay wiiqeyso ammaanka. Laba sano ka hor waxay haysteen Muqdisho. Abaalka waxaa leh AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.



SU’AAL:                      Dowladda UK qorshaha ma ugu jirtaa in ay cadaadis ku saarto maalgeliyayaasha caalamiga ahi in ay ka guuraan Nairobi oo ay degaan Hargeysa ama Muqdisho?

WASIIR UK:                UK waxay dib u furtay Safaaraddeedii Muqdisho. Waa safaaraddii Yurub ee ugu horreysay 21 sano. Qaar kale in ay ku dhiirri geliso in ay ku daydaan ayaan rajeyneynaa.

SOO JEEDIN:             Meynaan maqal UK oo cambaareyneysa dil toogasho ah oo boobsiis ah oo ka dhacay Puntland iyo gobollo kale oo Soomaaliya ah. UK waa in ay ku dhaqaaqdo in la joojiyo falalkaas.

WASIIR UK:                UK wey ka soo horjeeddaa xukunka dilka meel kasta oo ay ahaato dunida. Dib eegidda garsoorku waxay ka mid tahay waxyaabaha uu Madaxweynuhu siinayo muhiimadda. Waxaan rajeyneynaa in uu arrinta [xukunka dilka] dib u eegi doono.

SU’AAL:                    Haweenka Soomaalidu waxay u baahan yihiin in la badbaadiyo [xuquuqdooda la sugo]. Dowladda Britain ma leedahay qorshe cad oo ay dowladda Soomaaliya la horfariisaneyso oo arrintan wax looga qabanayo?

WASIIR UK:          Soomaaliya waxay ka mid tahay waddammada haweenka ugu daran. UK waxay horseed ka tahay falka lagula dagaallamayo faraxumeynta haweenka goobaha colaadda.

                 Aad baad ugu mahadsan tihiin su’aalihiinna. Waan ka xumahay in aanan kulligood idiinkaga wada jawaabin. Waxaan ka dhur sugayaa shirka soo socda ee Brussels.

Akhristow maxaa kaaga baxay?

Inqaasta Yusuf-Garaad

1 comment:

  1. Marka hore Yuusuf Mahadsanid. Marka xigta, Wasiirku inkastoo uu jawaabihiisa soo koobayay kuwa taxliil u baahanna uusan ka bixinin faahfaahin dheer, Haddana waxa muhiim ah in Soomaaliya ay markan adduunku u soo jeestaan dhibaatadana ka baxno.

    ReplyDelete