Total Pageviews

Tuesday 11 June 2013

Facebook


Saaxiibbadeyda Facebook
Inqaasta Yusuf-Garaad

 

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbadeyda Facebook oo ay tiradoodu kor u dhaaftay 10,000 oo ruux (Friends + Followers).

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa kuwa ra’yiga ka dhiibta wararka, sawirrada iyo macluumaadka kale ee aan ku soo bandhigo barteyda. Weliba haddana waxaan u mahadcelinayaa kuwa xog ogaalnimo, aqoon ama aragti qoto dheer oo nabadda u shaqeyneysa ama maskaxda kobcineysa nala wadaaga iyo guud ahaanba kuwa sida asluubta ah u jawaaba.

Waxaan codsanayaa in mowduuca laga hadlayo lagu koobnaado. Waxaan ku baaqayaa kuwa aflagaaddada sameeya in ay ka dhowrsadaan.

Waxaan saaxiibbada barteyda soo booqda uga digayaa aflagaaddo diimeed, shakhsi ama qowmiyadeed. Hanjabaad dagaal iyo hanjabaad nooc kasta oo ay tahay.

Raalli kama ihi in Dumarka si badownimo ah loogu dusiyo hadal lagu liidayo. Sida habar waliba wey ogtahay ama habar fadhida legdini la fudud iyo gabdhahaa caqli dhaama iyo faduusha nooc kasta oo ay tahay.

Waxaa kale oo aan ka digayaa in beel dhan ama gobol dhan la isku qaado oo la yiraahdo reer hebel waa lagu yaqaan iwm.

Dadka igu soo booqda barteyda ee haddana isku daya in ay falalka noocaas ah ku kacaan ha ogaadeen in aan ka xannibi doono isticmaalka barteyda Facebook.

Waxaan rajeynayaa in aan macluumaad badan oo wanaagsan aan halkan isku weydaarsan karno iyada oo aan cidna loo gefin.

Waa in aan u dhaqannaa sida ay haddaba saaxiibbo badan u dhaqmaan. Fikradda aad diiddan tahay sheeg waxa aad ku diiddan tahay ama wax aad adigu qabto soo bandhig.

Laakiin qofka fikirka qoray yuu kuu muuqan. Kuwaas oo aan anigu ka mid ahay. Waxaan qabaa in aan wax badan is wedyaarsan karno iyada oo qofna aan lagu xad gudbin karaamadiisa iyo sharaftiisa la dhowrayo.

Digniinahan farha badan ee aan bixinayo waxaan ula jeeda kuwa hadda ka hor ku qoray barteyda waxyaabo noocaas ah ama kuwa ay ka suurta gal tahay.

Barteyda Facebook qofkii soo booqda, waxaan ka codsanayaa in aad igu xushmeyso oo aanad ku xad gudbin sida aan ugu talo galay oo ah in talo iyo ra’yi aan xanaf lahayn la isku weydaarsado.

Waxaan ka cudur daaranayaa akhyaarta kale ee sharafta leh ee kuwaas ka tirada badan ee aan qormadaan soo hor dhigay.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormadaan.

20 comments:

  1. yusuf garaad cumar axmed walal waad mahsantahy aad ayaan kugu mahad,celinayaa waxaan u hogaan samayaa aniga inaan ilaaliyo xushmada iyo wixi qalad ah oo aan haboneyn waxaan se kaa codsanayaa inaad raali gelin ka bixiso dadkii aad ku canjishay lagjadoo oo ah ree waamo af aad ku af dhaadhaajisay malinkaad ka bixineysay rayiga hadalkii aadan bare ducaale waa haday jirto is xil dhowrid hadad diido aniga waan u honsamayaa kada inkasto uu aniga keliye ay san igu socon digniinta oo shacabka 10,000 ah aad u digtay fadland anoo ku hadlayo codka ree waamo gar maku gashaa se makaa baxdaa iga soo garbax?

    ReplyDelete
  2. Cabdi Oyow, waad ku mahadsan tahay in aad aqbashay codsigeyga iyo weliba talada aad i siisay.
    Yaa yiri af Soomaaliga Waamo, af Soomaali ka fiican ayaa jira? Walaal aniga afka Waamo, iyo kan Xamayr, kan Afgooye, kan Bari, Kan Galbeed isku si ayaan u qiimeeyaa. Waxbaan ka kororsadaa mid kasta. Hadalkii aan maalin dhoweyd soo qoray ulama dan lahayn in aan dhaajiyo, laakiin wuxuu Mudanuhu ka hadlayay arrin xasaasi ah. Intaan dhegeystay ayaan siduu yiri u qoray. Fasiraad xunna ma aan raacin ee waxay ahayd sigasho "sideeda aan u soo guuriyay". Cid kasta oo ka carootay raalli ha ka ahaato. Ujeeddadeydana sidaa ha loo fahmo.

    ReplyDelete
  3. Aa iyo aad ayan kaaga mahad celinayaaa in aad kasoo horjeesato dadka af lagaadeeya gabdhaheena hooyooyinkeena iyagoo waliba qaarkood adeegsanayan maah maahyo qaldan in aad beej shaqsi leeyahay booqatid hadana qoowmid iyo qabaa ilo caydo taasi waa qalad waana arkay in badan dad nuucaas ah comunque grazie mille garaad

    ReplyDelete
  4. waad ku mahsantahy yusuf garaad cumar axmed mas,uul waan kaa qabnaa rali gelinta aniga ayaa u qaaday ree waamo wanay aqbaleen dhammaantood walal waxaan jeelahy xigmadahaada inaan ka faideesto mahasdsanid

    ReplyDelete
  5. ScKUM
    marka hore wan ku salamay Yusuf Garaad. marla xigana waad ku mahad san tahay sida waan ee aad somaliada aad ka dhatay uga xaqab tiraysed bahida ay u qaban war sax ah. tan kale ean qadanay waxad ku tilmantay Dignin lakin anigu an u arko talo aad bixi say.
    Qumane

    ReplyDelete
  6. Yusuf garad @ waad ku mahadsan tahay mahadnaqada iyo digniinta ba iyo walibo xogta iyo kiradaha aad nala wadagto , runtii Aniga waxa qabaa iney tacliin ii tahay oo aan wax badan ka baran doono as a teacher Marka loo eego aqoonta da inadan ahayn Shaqsi ay isku dhigmaan dadka meshan soo booqda intoda badan,
    Saxiibada na waxan dhihi laha Yusuf garad wa aqoon yahan ka somaliyed kuwa caarad ka hore uga jira waana suxufi gaamurey ay u dheer tahay qibrad iyo talent , wa masuul ka kaliga ee BBC da madax ka noqda mudo 13 sano ah ila intii la aas aasay taasna uuku garay aqoonta iyo experience ga u lee yahay shaqadas. Waa nin haya xog iyo akhbaar aad u muhiima oo uu yar yahay ruux haya oo Somali ah. Intas ayado ay jirto waxan qaba waxay no tahay fursad muhiima in Yusuf aan halkan kula xiriiri karo oo an ka kororsan karno aqoontas iyo xogtas u hayo, walibo uu asagu nala wadaago anagoon ka Codsan wuuna ku mhadsan yahay taas. Marka saxibayaal aan isagana ixtiraamno anagana is ixtiraamno illaah na an cabsano. Thanks all

    ReplyDelete
  7. mahadsanid sxb waxaa aad ii soo jiitay xaqiiqdii kalmadaha ama oraahyada xaqiiqdii intabadan ay dadka isticmaalaan oo hooyooyinkiina ama gabdhaha walaalaheena ahi lagu liido ama lagu riixo waa takhaluf waana arrin aad meel fog ka fiirisay intabadana aanan lagu baraarugsaneyn... waan kaaga mahadcelinayaa... fikiradaahaadana aad ayaan oga faa'ideystaa marwaliba maxaa yeelay siyaasada aad ayaan u jeclahay haddana dhaqtar baan ahay oo dalkiisu burburay hadana wali lasii burburinaayo oo aanan waxbo lagu qaadan laabantankiisano ee tagay ... allow dalka wada nagu dug oo nabad waarta nasii..

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Dr. Ishak, aad baad ugu mahadsan tahay farriintaada. Haweenka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay u istaagaan xuquuqdooda, sida caalamka kaleba ka dhacday. Ugu yaraan in ay xaqiijiyaan in erayada dumarka loogu gefayo la isku ceebiyo, haddaanba dembi laga dhigi karin. Waan ogahaya in gabdho badan ay u taagan yihiin hawl wanaagsanna ay qabtee. Laakiin inta aflagaaddada fiirsi la'aanta ahi ay jirto iyo inta xuquuqdooda la duudsinayo ma ahan in ay joojiyaan ololaha.Anigu shakhsiyan xagga siyaasaddana horaan u sheegay in haddii aan ku guuleysto aan magacaabi aqoonyahan haween ah u magacaabi lahaa jagadii ugu sarreysay ee abid loo dhiibo haween tan iyo xorriyaddii. Wax aan maanka ku hayayba hadda waxaan ku farxsan ahay in taa uu ka dhabeeyay Madaxweyne Xasan Shiikh. Tan ku saabsan xaqdarrada haweenka lagu hayo xagga luqadda, waxaan ka soo qori doonaa qormo kooban oo arrintaa dadka u soo bandhigi doonta. Ugu dambeyn, Gabdhuhu in ay wax bartaan sidaada oo kale ayay ila tahay sida ugu wanaagsan oo ay xuquuqdooda ku sugi karaan. Ma rabo in aan kaa mashquuliyo dadka aad daweyneyso. Nabadgelyo

      Delete
  8. yusuf sxbow isku day inaad ogaaalka badiso waaayo waxa ka dhaco boosaaso iyo hargeysa maka hadashid saas ee tahay qalalaadka ka dhaco dowlada somalia waa sheegta plz umada somaliyed u cadaalad gar bax waxa tahay nin aqoon yahay oo lawada eeganaayo uu waxa dhaho la qaadanaayo plz intaas ku dhaha !!!

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmed, walaal waad ku mahadsan tahay taladaada. Waan sidii fiicnayd. Laakiin walaal anigu ma ahi idaacad, mana haysto weriyayaal meel walba iiga soo warrama. Welibana shaqadeydu hadda ama ahan wararka. Markaa hadba wixii i damqa, ee isla markaana aan isleeyahay xaqiiqadooda waad og tahay ayaan iftiimiyaa, ka digaa ama talo ku darsadaa. Markaa waan ogahay in wax aad u badan oo ka hadal, dood iyo talowadaag u baahan in ay jiraan. Hadba inta taagtu tahay ayaan tallaabsan doonaa. Mahadsanid.

      Delete
  9. Runtii waxaan rabaa in aan u mahad celiyo Mudane Yusuf Garaad, wuxuu ka hadlay arin aad dhab u ah, waa arin jirta una baahan in toos lagu ifiyo oo la tuso bulshada, xataa Diini ahaan ayay dambi ama xad gudub u tahay in la adeegsado oraahyadan Faduusha ah.

    Aniga horey uguma baraarugsaneyn lkn waa dareensanaa in wax si u qaldanyihiin marka aan maqlo maah-maahyooyinkan faduusha ah, marka mahadeeda waxaa leh Yusuf Garaad... waxaan jeclahay in aan ku Publishs gareeyo Bolg geyga anigoo Ilaalinaya Xuquuqda qoraaga Yusuf Garaad Isticmaalayana magaciisa iyo in uu asaga leeyahay.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  10. Yuusuf waa runtaa wax badana waa lagaa kororsanayaa walina haddii lagu xirnaado bartaada facebook iwm.

    ReplyDelete
  11. yuusufow waad mahadsantahy in badan waliba.
    ruuxa marka uu si wanaagsan oo cilmi iyo wanaag ah kuula hadlo waxaad kahelee xikmad.
    sidaas darteed qormaad waxeey aheed wacdi iyo waano is wato . waxaana ka marqaati kacayaa in waxa aad kahadashay sax yihiin, oo xataa diintena quruxda badan eesan ogoleen in eray ama ficil toona dumarka lagu liido.
    waxaan kaloo kaga mahdcelinayaa erayga ah KUYIRI KU YEEN !!!!! oo ah eray bixin aad u macaan .

    ReplyDelete
  12. ASC Yusufow waad saxan tahay inta badan fikirkaada kugu ma raaco balse kan waa mid aan kugu waafaqsanahay waad u hiilisey hooyadeen, walaasheen eedadeen gabadheena, xaasaskeena iyo haweenka Somaliyeed oo dhan, Igree waa qalad.waadna ku mahadsantahay.

    ReplyDelete
  13. Ustaad Yuusuf Garaad, waa qoraal aad u qiimo badan, waxana codsiga ku darayaa in la tixgaliyo, Macalinka, Qoraaca iyo Wariyahan qiimaha badan. Waxaan qabaa shaqadii uu Yuusuf ka hayay BBC qof kasta oo hayn lahaa inuusan eed la'aan ahaadeen marka ku tixgali qofka wanaagiisa iyo shaqadii uu soo hayay culayska ay lahayd, adoo waliba xishaatana ku darsanayo xiligii aan soo marnay.

    ReplyDelete
  14. Somalidu, waxay kumah-mahda " oodo dhacamed siday u kala sareeyaan ba lo kala guraa " kufsi, dhac, dil, furid xaq -daro ah ba tagane ka hadal.mah-mahi haku danbaysee ..ninyahow, jago dayday bad tahay, hoyoyinka iska daa.adan hal barnanij wali maku so qadatay wagad qabyalada bufin jirtay?

    ReplyDelete
  15. Mudane yusuf Garaad waa kumahadsantahay talooyinkaa badan eed inoo soo bandhigtay waa in laguugu tix galiyaa hoygaaga.

    Yusuf hal sual baan jeclaa inaan kuweydiyo madaama aad tahay nin qibrad uleh xaga warbaahinta ma isdhihi karnaa warbaahinta xasilooni daro saiyaasadeed ayey dalka dib ogu celinayaan

    ReplyDelete
  16. WALEE waa hadal nin weyn,oo si wanaagsan loo dhigay.

    ReplyDelete
  17. thank you inkasta oonan ka mid aheyn asaxaabtaada facebook.

    ReplyDelete