Total Pageviews

Thursday 6 June 2013

Madaxweynaha Puntland


Kulankeygii Madaxweynaha Puntland
Inqaasta Yusuf-Garaad
Maanta waxaan la kulmay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Maxamed Maxamud. MadaxweyneCabdiraxmaan waa Madaxa maamul goboleedka keliya ee si buuxda uga hana qaaday Soomaaliya.

Waxaa uu hadda ka hor soo saaray warar kulkulul oo ku wajahan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xataa markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu booqday Garowe, labada hoggaamiye markay saxaafadda la hadlayeen Cabdiraxmaan waxaa uu muujiyay in ay jiraan qodobbo ay isku af garan waayeen.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu horkacay siyaasiyiin Soomaaliya ku leh miisaan culus mar uu toddobaadkan la kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha sida aadka ah  ugu ololeeya taageerada Shirka Jubbaland ee ay dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda ay taagan tahay in uu yahay mid aan sharci ku dhisnayn.

Wuxuu ii hormariyay in maaddaama aan weriye ahay, siyaasaddana aanan ka fogeyn aan kolleey ka warhayo meesha ay wax marayaan iyo mowqifkiisu waxa uu yahay.

Sheekadu markii aan isla helnay waa uu sii watay, wuxuuna si gooniya oo faahfaahsan iiga warramay xaaladda Jubbooyinka, sida qabaa’ilku u kala degaan, iyo xilligii doorashooyinkii xorta ahaa degmooyinka Gobolka Gedo iyo labada Jubba dadkii ka soo geli jiray Baarlamaanka. Waa ka hor Oktoobar 1969.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu ii sheegay sida uu uga xun yahay in dastuurka wax laga beddelay. Waxaa uu ii dhiibay nuqulka waraaq uu ii sheegay in ay diyaariyeen qaanuun yahanno uu u xil saaray in ay isu eegaan dastuurkii ay saxiixayaashii ku-meel-gaarka soo af-jaray ay gudbiyeen iyo midka hadda ay dowladdu ku shaqeyso.

Waxaa uu ii sheegay markii ay saxiixayaashu gudbiyeen ka dib in hal qodob wax laga beddelay, kaasna mar labaad dib looga soo saxiixay mid kasta oo ka mid ah saxiixayaasha.

Warqadda uu Madaxweyne Cabdiraxmaan i siiyay waxaa si faahfaahsan ugu yaal 31 qodob oo mid kasta wax laga beddelay.

Anigu waxaan u sheegay in aan ugu tegey in aan xasuusiyo kuna adkeeyo mas’uuliyadda ka saaran in Soomaalida la kala badbaadiyo. Waxaan ka codsaday, in uu ka fekero raadka uu ka tegi doono taariikh ahaan marka uu aakhirka siyaasadda ka fariisto. Ayna habboon tahay in lagu soo xusuusto kaalin nabad doonnimo. Laguna xushmeeyo.

Waxaan u sheegay in haddii uu kaalin hoggaamineed oo nabad doonnimo uu qaadanayo, in markaas ay dad badani diyaar u yihiin in ay gacan ku siiyaan aniguna aan kuwaas ka mid ahay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan, waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in nabadda laga wada shaqeeyo. Waxaa uu ii sheegay oo kale in uu dhiniciisa diyaar la yahay in Soomaalida la kala badbaadiyo. Wuxuu intaa ku daray in waxa uu mar walba nabadda ka shaqeeyo iyo in Soomaaliya ay lahaato dowlad dadku raalli ka yahay oo hana qaadda.

Xataa wuxuu ii sheegay in uu carruurtiisii wakhti u waayay, intii uu ku hawlanaa nabadeynta Soomaaliya. Waxaa kale oo aan hadalkiisa ka marnayn in uu ku manna sheegtay in Madax uu isagu ka mid yahay ay dalka ka saareen nidaamkii Ku-Meel-Gaarka. Taas oo aan u haysto in aan doodi ku jirin.

Intaa ka dib waxaan soo geba gebeynay kulankeennii, sababta oo ah waxaa uu la ballansanaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaan u rajeynayaa in ay gaaraan is af-garad Soomaaliya u horseeda iskaashi iyo wax wadaqabsi.

61 comments:

  1. wali warkiisa kama muuqato wax nabad qaadanaya nabadooninimadana waa loo dhashaa mahbarnimadana waa loo dhashaa c/raxmaan faroole somali waxay ku baratay in uu yahay nin aan nabad ka shaqeen , doonaya tayda haday socon weydo halagu kala tago lakiin waxaan hubaa xaaladaan socota faroole ceeb ma harta ah ayaa ka raaci doonta cid baryeesa ma jirto waxaa istaagay shaqadii ay dawlada somaliya ka heesay soamliya waa xasarada iyo qalalaasaha uu wado waxaana u cad uuna ka shaqeenayaa somaliy in ay islayso dagaal sokeeye dib u soo noqdo masuuliyadeeda ayuu qaadan doonaa dhib kasta oo ku dhacda dawlada somali maanta dhisatay

    ReplyDelete
    Replies
    1. Nin nabad heysta ayaa garanaya qiimaha ay nabadi leedahay,waa tan 1aad,tan 2aad Faroole hal hadal oo uu colaad ku abuurayo kuma qorna qoraalkaan..Balse haddii ay gambodaadu kuu sheegtay waxaannu ujeedin waa caado balo abuurka lagu yaqaan..

      Delete
    2. faroole waxaan kubaranay dowladii kumeelgaarka ahayd ee sheekh shariif markii uu hor istaagay maamulkii farmaajo iyo howlihii uu wadey oo dhab ahaan waxku ool ahaa isaga iyo sxbkiis mahiiga waana nin qabyaaladu dilootay oo eyba kala weyntahay qaranimda faroole haku daalina qoriga dabka ah uu wareejinaayona asaga ayaa ku gubanaayo ilaahay idinkiis

      Delete
    3. Faroole abaabul qabiil ayuu wadaa oo uu fitno ku kicinaayo. Dorraad wuxuu la kulmay xildhibaanada laga soo doorto Gaarisa, si uu ugu qalqaaliyo inay taageeraan mashruuca uu asagu daba ka riixayo ee Jubbaland.
      Siduu qabiil ugu barlaxawsan karaa dadka mar haddii uu ka soo horjeedo R/wasaare Saacid oo ay isku beel guud yihiin? mise dano jufo ayuu rabaa? ama dano shakhsi ah?

      Delete
    4. Furoole xamar oo nabad ah iyo resal wasaare aan reerkiisa ahayn uunbuu guryan iyo carqaladeyn bilaabaa balse waxa uusan ogeyn nin guri dhalo ah kujira in uusan dhagax tuurin isaga waxa ku soo socota doorasho haduu qaska deyn waayana isagana carqalad iyo jabhadeyn baa laga abuurayaa hadii uusan maslaxada shaqsiga ah uu wato oo uusan deyn in uu tan qaranka ka hormariyo meeshu uu cirka galo baana laga galayaa

      Delete
    5. This comment has been removed by the author.

      Delete
    6. soomaali maxay nabad noqotaa kii balad joogay kii baadiye joogay waa wada siyaasi kkkkkkkkkkkkkk walee waan yaabay

      Delete
  2. Faroole waa sax in uu howl ka soo qabtay xaaladdii kala guurka ee Soomaaliya, laakiin waligiisba wuxuu ku hayey Soomaalida dhexdeeda amaba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo waliba Ra,iiisul wasaarayaashii soo maray xiligii kumeelkaarka marka laga reebo kuwa ay isku Gobolka ka yimaaden amaba madaxweyne ha ahaado amaba ra,iisul wasaare,e marka Faroole wuxuu rabaa in mar kale Soomaaliya ay mar xalad dagaal sokeeye uu ka abuuro waana la ogaan doonaa qoladii mar labaad Kenya lagu shubo wuxuuna rabaa in uu sooo celiyo nimankii Mooryaanta ahaa ee nij nsiyaasi ah horey u yiri waxaa la rabaa wiilshii indhaha guduudnaa inaan soo celino intuu la yaabay urur beeleed SAHAL la magac baxay oo ku socda si qabiil ah. Kismaayo arinteedana wuxuu u galayaa waa hab beeleed waliba wuxuu qabo waa siyaasi aan qarsan karin ee dadweynaha ayuu ku naacleeyaa marka xiligii aad culeys ku saari jirtay madaxda qaranka in danta reerka aan ku cadaadiso waa la soo dhaafay waxaana dalka ka hana qaaday dowlad arimaheeda aad loo tix galinayo ee daaadku yuusan ku qaadin adiga iyo inta daba ka riixeysa waxa loogfu yeero Jubbalan.

    ReplyDelete
  3. runti uma maleyneyn in qof dhalinyaro ah oo sidan u hadli kara inuu ku jiro millions ka da`ayerta somaliyeed wan ka xumahay "a kadiye " hadalkaada waa wax an loo dulqaadan karine sxb caadi iska dhig nac nac aya la jogta wadnaka imow oo hada wax qaban karto kaley si tabarucaad ah u shaqee anaga hore u tagney hadana u socone hadi kale mesha fadhi ku dirir iyo nac nac haala fadhiyine

    ReplyDelete
  4. Waligeey ma arag siyaasi ka afxun ninka la yiraahdo Faroole ee Puntland ku abtirsada.

    ReplyDelete
  5. mahadsanid walaal yuusuf waxaad noo soo gudbisay maqaal aad uqurux badan, waxaana iiga baxay in gocosho meesha kujirto gaar ahaaan arimaha jubooyinka iyo sida ay dowladu wax urabto uusan kuqanacsanayn Faroole,waxaakalo iimuuqda in uu doonayo in asagakaliya wax laga maqlo, intakalana warkiisa ay udhaga raariciyaan, waxaan leeyahay faroole wanaaga allaha tuso kolba saan saanta iimuuqata maqurxoona,

    ReplyDelete
  6. waa wax lugu farxo inaad la kulanto marka kobaad marka labaad hadalka mas,uulka waa mid aad u mogweyn waxaan ka fahmay malahan aniga xumaan iyo wanaag waa un hadal siyaasi waa un hadalka madaxwene xasan sheikh maxmuud

    ReplyDelete
  7. Marka duul Ilaahay rogayo.dad aan la af garanayn,wax ay doonayaan iyo wax ay diidayaanba aan la garanayn ayuu madax uga dhigaa

    ReplyDelete
  8. kkkkkkkkkkkkkk aadbaan ula yaabaa dadka qaarkood faroole cidna khal khal galinmaayo waa ninka keenay somali waxay kuwada noolaan karto si nabada dadka khal khalka jecelna waa layaqaanaa faroole anaga ayaa dooranay una dhiibanay maamulka hada ka dhisan puntland taasoo aan ku baraarnay alhamdulillaah wixii cay ahna idinkay idiin gaar tahay tan kale dagaal sokeeyaad afka ku haysaan yaan idin ka jecel in sokeeye is dagaalo yayse udaran tahay waa idinka sokeeye sokeeye kusoo cel celiyee yaab dadkiina dhinac ka raaca

    ReplyDelete
  9. Mahadsanid Yusug Garaad,run ahaantii waxaa iiga kaa muuqata somalinimo waxaan soo dhaweynayaa taladii aad siisay Madaxweyne A/rixma faroole waxaanse kaa codsanayaa in aad taladaa mid la mid aad siisid Madaxweyne hassan Sheikh, madaxweyne Hassan wuxuu heystaa fursad aanan soo marin kuwii ka horeeyay balse waxaad moodaa in uu san sidaa u arag marka fadlan kula tali in uu umada bad baadiyo horayna loo socda balse aanan lagu noqon wixii meesha aan mantay mareeyno na dhigay Mahadsanid.

    ReplyDelete
  10. C/raxmaan Faroole waxan ku dhiiri galinayaa in uu ilaaliyo dastuurka islamarkaana difaaco xuquuqda ay u leeyihiin deegaanada kala duwan ee soomaaliya dhismaha maamul federaal ah oo maxaliya in uu hirgalo, jubooyinka arinteedu waa mid ay muqdisho kaga gaashaamanayso maamul ay samaystaan deegaano badan oo koonfurta ah,

    Yuusuf Garaad waxan ugu hambalyaynayaa in uu aakhirkii noqdey nin maslaxad doon ah oo ku hawlan nabadaynta umada soomaaliyeed, yuusuf oo aan la yaabanaa in uu isku sharaxo madaxtinimada soomaaliya ayaa haatan u eeg nin wax badan ka tanaasulay wixii soo dilooday idaacadii bbcsomali ee ay mar soomaalidu jeclayd isaga oo halkaas ku lumiyay sharaftii iyo haybadii ay soomaalida ku dhex lahayd kadib markii uu qoriga la dhex qaaday saxafiyiin waayo arag ah oo ay soomaalidu wada taqaano kuna badalay caruur isaga u hogaansan kuna barbaaray propagandada iyo qabiilaysiga.

    ReplyDelete
  11. "Hal Bowli Ah, Nirig Xalaal Ma Dhasho" Inta dulmiga cadaalad darada qaab qabiil lagu difaacayo waxa dulmi iyo bur bur aheen lagama dhaxlayo , marka Soomaaliye aan cadaalada raadino aan xal waaro helnee Allana hana abaal mariyee

    ReplyDelete
  12. Assalaamu Caleykum wr wb salaan ka dib qof waliba waa u xor fikarkiisa waxaan wanaagsan in loo qiimeeyo. Mid koowdaa waxaa la yiri Naftiisa Gabe Nafkale ma kal kaalo, waxaan kaga jeeda Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Maxamed Maxamud Gobolkiisi waa nabad wuxuuna ka yahay madaxweyne, wuxuu la mid yahay nin naftiis aan gabin oo masuul ah. marka xigat waa ruuntiis hadii u soomaaliya ugu amaalsheegto inu ka mid ahaa dadkii ka saaray ku meel gaarka waayo wuxuu horseed u ahaa shiirkasta oo soomaaliya loo qabnaayey. Inkasto soomaali badani aamiin sanyihiin inu dano gaar ah lahaa, ani ahaan waxaan qabaa inuu soomaliya wax badan qabtay xiligii kala guurka. sidaa ruunta wuxuu mudan yahay ku dayaasho waayo ninkii inta gobalkiisa nabaad iyo kala danbayn gaarsiyay hadan soomaliya inteeda kale rabaa inu wax la qabto waaa ragaanimo iyo wax wanaagsan oo ku dayaasho mudan marka waxaan leeyahay Hanbalyo jaale Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Allah soomaaliya haka saaro culaada iyo cudurka ku raagay ee la yiraa qabiilka amiin

    ReplyDelete
  13. Xildhiban Publications:- Waxaan idin xusuusinayaa in wax ka badelka dastuurka ay shaqadooda tahay, xubnaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi darteed doodda C/raxmaan Sheikh Max'ud "Faroole" xaqiiqada ma waafaqsani, sidaasi darteed dadka Soomaaliyeed ha gareysteen in howshaasi ay tahay howl u taalla Golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Mahadsanidiin.

    C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
    Qoraa Taariikhda Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida.
    London

    ReplyDelete
  14. ninkasto asagaa is lasaxan hada faroole waxaa u isku haystaa inuu yahay ninka kaliyah ee maslaxada umada soomaaliyeed wado maalin dhawayd wuxuu nairopi kalahaa markaan yaraa qabyaalada waan ka xishoon jiray lkn hada kama xishoonaayo waxaan leeyahay faroole wanaag lagama sugaayo ee geedkuu gaaro mira ha ka gurto soomaali dib u laaban mayso ninkii ku riyoonaayo inay soomaali dib ugu laabanayso dhibaato taas waa laga soo gudbay adeer ha ku dalin waqtina yuu kaa lumin ayaan leeyahay qabyaalada

    ReplyDelete
  15. runtii waxa i farxad galisay sida ad wanaag san ee ad ula dar daaran tay p.faroole , yuusuf garaad insha alah F.presiden

    ReplyDelete
  16. Waxan ummalaynaya in laga wada dheregsan yahay hawshi uu madaxweyne faroole kasoo qabtay somaliya xilligi kala guurka ahayd iyo siday isu fahmeen madaxdi xiligaas lkn waxa nasiib daro ah in xakuumada haa jirta lamoodo inayasan uqirin kana garaabin hawshi adkayd ee faroole ka soo qabtay xilligu adka ee kala guurka.
    Arinta xalka ubaahnase wa xalinta khilaafka jubboyinka oo dowlada ay diidantahy shirwweynihi dadka jubooyinku kudoorteen madaxdooda.
    waxa waajib ah oo saaran madaxweyne faroole inuu taagero maamul gobleedyada wadanka ka dhismaaya ha ahaado juuba land ama mid kaleba si ay u dhismaan dowladihi xubnaha ka mid kanoqon laha dowlada Dhexe

    ReplyDelete
  17. Runtii waxa uu ahaa kulan wnaagsan Taladaasuna waxy ahayd munaasab ama mid toosan Dr Faroole anıga waxy ila athay inuu wax badan uqabty somali oo ay kamıd yıhıın shirarkii wada tashiga ee garowe iyo shirar abdan oo uu kaqayb galay gudaha ııyo banaanka koobabkii ısdhxgalka soomaaliya nabadaynta qayb kamıd ah Somaliya iyo dadaalka uu ugu jiro koonfurta oo uu intaas talooyın ıyo wax qabadba bixiyo wayw naagsanthy in dalka iyo dadka wax wanagsan looga tago

    ReplyDelete
  18. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  19. Waxaan Yusuf Garad waydiinlhaa inuu sidookale waraystay madaxwayne Hassan Mohamoud oo isagu diiday Jubaland ilaa hadana aan lakulmin Madaxwayne Madoobe. Waxaan ognahay inuu Kenya lahadlay iyo IGAD arinta Jubaland balse aanu wali wajahin Jubaland khalad iyo saxba midkay doonto ha ahaatee. Waxaan jeclaan lahaa inaad Madaxwaynaha Somalia oo dhan isagana su'aalahan aad Faroole waydiisay waydiisid. Waxaan arkaa in Madaxwaynaha Somalia aanu hayn wadadii uu ku maaraynlahaa in Somaliyi wada dabagasho ama raacdo ee uu keliya ilaa hada ku faraxsanyahay dadka aan Somali ahayn ee wadamada shisheeye ee wali u sacaba tumaaya lehna waan ku taageeraynaa. Lama yaqaan intay u sii soconlahayd taageerada Dibedu. Ilaahay Somali quluubtooda haysu soo dumo. Kuwa hanjabaaya, waa mooryaan iyo jiri oo ah dadkii iyagu dadka iyo dalka fuuqsaday magaca Somalinimadana aan inaan uga baxno raadinaynay.

    ReplyDelete
  20. Siyaasiyiinta danahooda ka dhex arkay in Somalia ay ku noqoto dirirtii qabiil ee 1991-kii ha iska illoobaan waxaas...Siyaasiyiinta qori caaraddiis iyo anaa taabsaday iyo dowlado shisheeye ayaa i taageersan jago ku raadinaysa, ha iska illoobaan waxaas..

    ReplyDelete
  21. Aad baa u mahadsantahay Yusuf Garaad akhii , walaalahayga kalana ee soomaaliyeed yuusan idin qaadin qabyaalad iyo cadifada qabiilka.Labo malaag baa kaa qoraya waxaa sheegaso ama qoreysaba ee ha hilmaamin. Qabri 2 meter ah ba inta saa laguu dhigo lagaaga soo cararaya ee Allah aan ka baqno Ummada soomalieeydan inta yaroo hartay badbaadinteeda iyo hishiisiinteeda aan ka shaqeyno waa wax lagu faa' iidayo adduun iyo aakhiraba xaqiiqdi illeen dad muslimiin ah oo walaalo ah ba sulxi ama nabadeyn ka dhex sameysayee.

    ReplyDelete
  22. Well, Well, Well I think it's pretty obvious, that this man is suffering for mental health issues, Waxaan ku keenay wax kale maahane aduunka aan maanta ku noolahay waxaa jira wax la yiraahdo rolle and responsiblity, marka aniga ma arko wax rolle ah oo uga banaan amase masuuliyad ka saaran Faroole umada Somali, and yes waaba xanuunsan yahay aniga sida aan u arko, marka ninkaan xil ha iska saaro Pintland iyo degaanka beesha uu u ka dhashay oo uu sharci darada ku heysto, arimada Soomaalina ha uga baxo dadka ka mudan oo loo doortay, Wabillaahi Towfiiq and Many Thanks to You Garaad, keep up the good JOb

    ReplyDelete
  23. Thank you Mr. President. Sida Madaxwaynhuhu badheedhihiis u soo bandhay ninkaan u qaadan qaadan karin, waa nin ujeedo kale leh oo duulaan qaawan ku wada dhul weligeed la degana oo rabo in laga qaado dafkii lahaa oo in badan oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ku jiraan 22 sano.

    ReplyDelete
  24. Nabadda koonfurta soomaaliya tolow illaa xillima ayay marba hal qof u xanibnaanaysaa? Faroole waa nin arrinta jubooyinka ka taagan halkii uu Moorgan 1992-kii ka taagnaa. Haddii ay jirtoba oo uu soomaaliya ku meelgaadhkii ka saarey, ma in uu shacabka ku rakaateyaa? Haddii qof guul uu soomaaliya u keenay, abaal marintiisu noqonayso in maamulka jubbooyinka la siiyo. Shiikh Shariif ayaa heli lahaa oo suurta geliyey in xamar iyo kismaayoba doorasho lagu qabto. Ninka maanta sidaa u hadlayaa iilama muuqdo nin garawshiiyo keenaya waayo waxa muuqata in uu is tusiyey in ummadduba khaldantahay oo abaalka faroole ay garan la'yihiin.!!

    "taariikh wacan oo nabadoonimo ah samayso oo lagugu xusuusto mustaqbalka markaad siyaasadda ka fariisato", Yusuf Garadow adiga laftigaagu kelmeddan aad ku tidhi Faroole xillima ayaad baratay ma intii aad BBC-da ka tagtay?

    ReplyDelete
  25. Allaah Nabad na siiyoo, Maxaan Nabad ugu bahan nahay Qofkii wali si weydinay

    ReplyDelete
  26. Qabyaalada iyo qadhmuunkeeda Illaahay soomali ha ka badbaadiyo, ninka ku taamaya in qabiilkiisu sedbursi helo waa khayr-laawe. Shidada iyo dhibta Soomaliya ka dhacdayna mid hore iyo mid danbeba qabyaalad ayaa sal ah. Siyaasisyiinta Soomaaliyeed lama garanayo goorta ay qaangaadhayaan.

    ReplyDelete
  27. dhibaatadena maanta waxa ugu weyn qalad madaxweyne xasan galaya waa nin aad u madax adag philosophy yadisuna tahay ( my way or no way) maxu madaxweyne xasan ugu yerinaya juboyinku sey isu raacayan ayaga ma lo daayo sey isu raban ha isu racane. maxuuse ku diidan yahy dasturka federalka

    ReplyDelete
  28. Marka aan akhriyay dhalinyarada blog gaan fikirkooda ka dhiibtay waxaa ii muuqata in inta faroole ka soo horjeeda qabiil ayay uga soo horjeedaan inta amaanaysana qabiil ayay ku amaaanaysaa. Goorma ayaan ka gudbi doona maskaxda ku salaysan qabiilka 23 sano meesha uu na geeyay qabiil anagoo og hada wali waxaa muuqata in aanan wali ku cibra qaadanin.

    ReplyDelete
  29. Runtii aniga hadaan ka hadlo Fakarkeyga Mr Faroole ol-olaha uu hada wado ee u ku joogo Kenya waxaa dabada ka riixaya dowlada cusub ee Kenya, aniga iyo in kaloo badan waxaan aad ula yaabnay markii madaxtooyada Kenya loogu so dhaweeyay Faroole si'aan hore loogu so dhaweyn nin hogaamiye kooxeed/gobol/qabiil ah waxaa loo so dhaweeyay sida madax weynayaasha caalamiga ah oo kale, taas u jeedada ka dambeysana waan fahmi karnaa.

    Kenya waxay wadaa howlo ka dhan ah Dowlada Xasan Sheekh, waana ka muuqataa ififaalaheeda, marka waxaan u sheegi lahaa Dowlada Somalia iyo dadweynaha Soomaaliyeed ba in Baruurta ka weyntahay Orgiga micnaha in Dowlada Kenya howl kale damacsantahay.

    ReplyDelete
  30. ALOOW SOOMAALIDA NABADA IYO KHEYRKA WAAFAJI,ALOW NAGA QABO CADOW DARISKA AH OO IN BADANOO NAGA MIDI KA DHIGANAYAA WALAAL AMA SAAXIIB.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waad salaman tihiin dhamaantiin bahda uu yusuf garad hor kacayo lkn faroolle ilama qumana waayo Jupaland iyo Tageeradiisa waa uun geelow gedahaas iska daaq moyee sheikh Ahmed faolle tagerro ugama bahna

      Delete
  31. qof runta ka hadlay adiga kaliya ka jira sxb inta wax soo qortay ee aan arkay lkn qabyaalad ma dhamaanayso inta madaxdii ay sidaa u hadlayaan shacabkina ay taageersan yihiin

    ReplyDelete
  32. yusuf garaad aad ayaan kuu salamayah kolay waxaa kaa muqatah inaa tahay nin damqasho somalinimo ay wadoh wana waajib saran qof kastah oo soomali ah ama ha garowsado xilka saaran ama waxaan natiijo lahayn iyo qabyaalad haku wareegeeh, waxay aniga ila tahay hadalka madax weyne faroole sidaas aad u dhigtay waa ila qumanyahay oo wax sixitaan ayuu u egyahay sidoo kale waxaan labada mas'uul u rijaynayaah waa president taha somaliya hassan sheikh mohamud and president taha puntlend mr faroole is afgarad iyo isku aragti inay ka noqdaan hannanka hididiilaha leh ee somalia kasoo iftiimayah waad mahadsantihiin

    ReplyDelete
  33. somalidu waxba islama dii dana ay dawladu waxay kadiday gobol somalia kamida oo hadana kenya ay uga faro dhuu dhuubantahay siyaasad ahaan iyo amaan ahaanba markaa anigu waxaan qabaa in kenya inta ay meesha kujirto ee siyaasiyiinta jubaland u ololeeyana garabsanayaa aanay waxba hagaa geen KENYA GET OUT OF SOMALIA

    ReplyDelete
  34. Faroole ma ahan nin nabadeed waa nin qabiil tankale ninka yiri kitaabka Alle soo dejiyay ma dhamaystirna oo sida baabuurta loo kala celiyo kuma jirto allana quraanka ku sheegay in loo garsoori doono tan geeska leh iyo mida garooman marka duulka sugayo inuu hogaamiyo iyagaa is og soomaali xaal haqadato isagaa dhaqan celis u baahan

    ReplyDelete
  35. Asc runtii wey iska cadahay faroole bunt land ayoo nabaden la yahay maxeey tahay kismayo nabada oo la rabo adeer faroole wa jeraar waxaan wato dad gaar ah eey ka mid yihiin Ethiopia & Kenya iyo kuwa ka badan ruux gadtay dhulkiisa uma dahayo juboyinka Allah ayaan xala ka sugeen Rabi talo ku filan

    ReplyDelete
  36. Waxaan filayaa in Yusuf ujeedadiisu tahay in uu qiimeeyn ku sameeyo dadkii la oran jiaray Somaliya kadib markii ay qabiilo noqdeen sida ay fekerayaan kadib 22 sano oo jahawareer lagu soo jiray. Aniga waxaan u arkaa Yusufoow weli in bislaasho jirin oo gurbaankii qabiilka dhawaaqiisa dhaga dad qaar ku sii raxeeysanayaan.

    Hadaan u soo noqdo hadalka Madaxweyne Faroole, hadii qoraalka uu kuu soo bandhigay ee lagu xadfay dastuurkii dhoobdhoobka aha sax yahay dowladda Madaxweyne Culusoow wakhtigeeda waa koobanyahay hadii uusan sax aheyna jiitanka waa sii socon doonaa inta laga heleyo ciidamo qaran oo u adeega danta dalka iyo dadka. Ciddii qabiil ku riyoona wakhtigeeda waa iska koobnaan doonaa.

    Wadanka weli ma helin Nelsen Mandela, oo xornimada siiyey kii isaga xabsiga ku hayey, waad u jeedaa qoraalada halkan sida qabiilka saftiisu un afeeysantahay.

    Waxaan adiga gaar ahaan kaa codsan lahaa in fekerada noocan aad inoo daadihisid laga yabee in shacab wax fahma oo is uruursada la helo kadibna sidii ka dhacday wadamadii carbeed ee kaligii taliska dhulka la galay.

    ReplyDelete
  37. yuusuf garaad waad mahadsan tahay aad baan kuugu hanbalyaynayaa yuusuf waa nabadoon ku caan baxay hufnaan dhex dhexaadnimo aad baan u jeclahay qoraaladaada iyo kaalinta wanaagsan ee aad ka qaadatid arimaha somaliya iyo mawaaqiftaada dhexdhexaadka ah allaah yacizak horay u soco weli dhalin yaro ayaa tahay mustaqbal wanaagsan ayaad leedahay insha allah waan arki doonaa maalin uun adigoo hogaamiyaha somaliya ah. ahmed abdirizak warsame somaliya puntland garowe

    ReplyDelete
  38. maanshaa allaah faroole waa aqoonyahayan dr ah waana shiikh diinta wax ka yaqaan waa na ninkii iska lahaa figrada dastuurka federaalka ah waxana uu doonayaa somalia oo wada dhisan oo aan gobol gobol kale wax uga baahnayn gobal walbaa dadkiisu ay amni iyo hormar iyo kala danbayn dhamaanba adeegyadii dawladu ay u dhamaystiran yihiin, waxaan filayaa ninka intaas diidan oo somali qoonsada isla markaana dalka ku celinaya sidii xilioyadii hore ee laga soo gudbay ee ahaa in umada somaliyeed ay u kala dabqaadaan dalal shisheeye sida hadaba xassan uu durba ugu tafa xayday in arimaha jubooyinka loo kala dabqaado oo uu igad ugu cararayo taasi macna wayn inoo samayso nina meeshiisa lagama qaadi karo igadna dadka ma xasuuqaysao ee caqliga fiican ha shaqeeyo oo wadoon yinkii hore ee lagu fashilmay yuuusan madaxwaynuhu hada sii raacin waayo khasaaro iyo hantti burburin iyo colaaad waxaaan ahayn laga faa iidi maayo ee halaga tashado madaxwaynuhuna ha iska daayo anaa iri iyo aniga wax walba ha la iiiga danbeeyo wax saas u fakarana aduunka laguma arkin ee talada hala wada yeesho dalkuna ha wada dhismo yaan xamar oo qura dalka laga dhigin oo aan wax walba loo sad burin hadii kale cuqubo ayaana ka dhacaysa ee dadaw taa hala ogaado

    ReplyDelete
  39. sida ku cad maqaa;adai ugu damyey ee siyaasada soomaliya gaar ahaan kuwa jubbland iyo guud ahaan dalka somaaliya ama mudnaanta turxaan bixinta dastuurka soomaliya ee wali qabyad ah mudane Faroole waa shakhsiga weliya ee muujiyey mudnaan siinta nabad gelyada iyo wada jirka dalka samaliya isla markaasna u dhaqdhaqaaya ilaalinta dastuurka taasi oo tarikhta somaliya ay misaan wayn siindoon

    intaasi kadib waxaan dadka somaliyeed gar ahaan dhalinta somaliya kula talin lahaam in aysan ku milmin qabyaalda ay ku wayey aayohooda balse ay ka fekeraan in kuwa ka damyey ay ku samayaan lahaayeen muqtabal wanaagsan taasi oo lagu dhidbay badbaadinta dalkooda hooyo ee codaado la degtay

    ReplyDelete
  40. Runtii wadahadalka idin dhexmaray waa mid wanaagsan oo laga dheehan karo halka uu marayo xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, wayna wanaagsan tahay in la helo siyaasi ama qof kasta mawqifkiisa siyaasadeed si xal waara loo helo. Mahadsanid Yusuf, waxaa intaas ii dheer in la xushmeeyo fikirka qofka iyo xilliga uu Yusuf galiyay in uu qoraalkan ku soo diyaaro iyo in laga foggaado aflagaaddo.

    ReplyDelete
  41. Waa arin wanaagsan in laga fikiro , wixii soomali u dan ah oo la iska ilaawo qabyaalada aan meel ay gaadhsiinaysaa soomaliya aan la garanyn, waxaan rajaynayaa in dadku mar uun ku eegi doonaana indho ka madax banana qabiil markay wax cabirayaan. sidaan shaqsiyan u arkana waxad moodaa in qabiil u dagaalan uu faroole muujiyo marka uu ka hadlayo arimaha soomaliya , sidii khayr leh ayaan alle ka baryaynaa,,,,

    ReplyDelete
  42. Yusuf Garad wad ku mahadsan tahay wareysiga Faroole marka xigta Faroole ee siyasi somaliyed xaqna wu u leyahay in uu ka hadlo arimaha Somalia lkn aniga fikir ahantayda waxan oranlaha urur goboleedka igad watey goamiyen in loga danbeyo wixi mamaul ah dawlada hada wadanka ka jirto isagana waxaan kula dardarmi laha in uu arimaha mamulka dawlada uu u dayo islamar ahantasana kala shaqeyo arimaha mamulada gedo iyo juboyinka wa hadi uu donayo nabad iyo xalka Somalia ma ahan manta in lagu noqdo waxyabihi la so marey lagana faideysto fursadaha hada la haysto madama ay calamka o dhan garab tagan yihin dawlada hada ka jirta wadanka Somalia Madaxweynaha Puntlanad waxan dhihi laha hadi uu rabo in uu sharaf ku yesho wadanka iyo dadka dhexdodaba haka shaqeyo nabad iyo sidii dadka somalida laysugu so dhoweyn laha. thnks so much.

    ReplyDelete
  43. Sxb waan ku salamy salaan kadib waxaad aad ugu mahadsnath faalooyiniagan lkn waxaan rabaa inaad madaxwayne xasan sheikh kula teliso inuu iska ilaaliyo xasaradaha qabiilka aduna aad talo wacn siisid

    ReplyDelete
  44. Aniga rayi ahaan waxaan qabaa inta madaxweyne faroole uu taageerayo maamulada sharci daradda eey dowlada somaliya ku tilmaamtay, isla markaana uu ku dadaalayo in uu kismaayo qabsadaan dad aan wax faa'iido ah aan u keeni karin gobolada jubooyinka iyo gedo in uusan noqon karin noqona doonin nabad doon soomaliyeed, marka hadii uu doonayo inuu noqdo nin eey taariikhda baal wanaagsan eey ku xusto waa in uu arintaan jubooyinka iyo gedo uu dhexdhexaadka noqdaa, maxaa yeelay hadda waxaan xaqiiq ku heynaa in uu faroole dhexdhexaad ka aheyn waxa ka taagan goboladaas...waad mahadsantahay

    ReplyDelete
  45. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  46. yaab qofba shaar xiray manta waa caddan shalay madow ayuu ahaa dorraadna cassaan ayuu ahaa,,,,,,,yuusuf manta shaarkiisa inuu caddaan ka dhigo ayuu rabaa cml,,,kkkkkkkkkkk,,,,mara cad oo wasakhowday sideedi ma noqoto ama hee somalidu waxay tiraahda laf jabtay sideeedi ma noqoto,,,,,siyaasiga cusub ee yuusuf garad xilligan maahan xilligaa sumcad iyo taagero shacab raadin lahyd lkn xilligasi wuu ku dhaafay waa xilligii aad 2o-ka malyan ee geeska afrika ku nool aad dhagahooda haysatay,,,,xilligasna waa la ogyahay waxaa kasbatay,,,,

    ReplyDelete
  47. Yusufow waxii aad ku wada hadsheen faroole waad soo gudbisey, waana ku mahadsanytahay warka aad nala qaybsatey, bal soo daa wixii aad Madaxweyne xasan kala kulantey please si aan war buuxa u helno oo guud.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  48. froole ilaah baa iga yaqan lkn markasto oo uu hadlo hadlkiisa waxxaan kad reemaa.....
    anaa qalaa anaa qeebinaa qeebta ubadana anaa qaadaanaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!1

    ReplyDelete
  49. Anigu waxaan u arkaa in c/raxmaan faroole uu isticmaalo "my way or no way" taas oon xal u ahay umada soomaaliyeed.

    ReplyDelete
  50. Yusuf waxaad amaanta mayaad waysay ninka aad leedahaynabad buu ka shaqaynaa soo ma aha ninka sanad xoog ku darsaday qabiil kuna uu googooyay give me a break

    ReplyDelete
  51. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  52. War Yuusuf Garaad, kaan naqaanayba maahan

    ReplyDelete
  53. Yaab waaye wlhi ilahoow umadda ka qabo

    ReplyDelete
  54. Waa Halyey Faroole waayo wali taariikhda Somalia intii burburka ahayd ma soo marin hogaamiye hal mab,da leh sida Madaxweynaha Puntland oo isagu hadafkiisu yahay in dalka nidaam Federal ah Dowladnimo looga dhalin karo, anna waan ku raacay

    ReplyDelete