Total Pageviews

Tuesday 4 June 2013

Sawir macnayaal badan


INTA AY GOORI GOOR TAHAY
Inqaatsa Yusuf-Garaad
Waa sawir weyn ku fadhiya. Aragtideyda waxaa iigu muhiimsan waa laba arrimood. Waa in uu muujinayo xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed meesha uu marayo, siiba qabaa’ilka qaarkood. Waxaa kale oo uu muujinayaa meesha uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo derisnimo ka sokow ay ciidammadeedu gacanta ku hayaan ammaanka degaanno ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Kismaayo.

Isku soo duub, meesha aan annagu ka dhahno toban walaalaheenna Oromadu waxay dhahaan kudhan. Sawirkan waxaa ku dhan heerka ay mareyso siyaasadda Gudaha iyo Midda Dibadda, gaar ahaan tan Gobolka ee Dowladda Soomaaliya.

Inta ay goori goor tahay, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon waa in ay gartaan in aanay ku sii socon karin sida ay hadda ku socdaan. Waa in ay qaataan dariiq cusub oo ay ku wanaajinayaan isfahamkooda siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan kuwa ka soo jeeda qabiilka hadda ka didsan siyaasaddooda. Oo markaa kalsooni ay ka abuurtaan waxna la isla qabto.

Xiiriirkooda Kenya waa in ay ku saleeyaan muhiimadda aadminnimo, siyaasadeed, ammaan, bulsho iyo ganacsi ee ay Kenya u leedahay Soomaaliya.

10 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Qoraal ayaan halkan ku qoray xalay. Laakiin waan tirtiray markaan arkay jawaabtaad i siisay qoraalkaaga Kismaayo .

      Qabyaalad qof Soomaali ah ku maagi maayo sababtoo ah waa waxa keliya ee aan ka siman-nahay. Laakiin cadaalad daro ayaa qabyaaladda ka xun. Taas weeye ta dadka degaanka SSC ay ka tirsanayaan Idaacadda aad masuulka ka ahayd.

      Ma taqaan degaanka SSC inuu k weyn yahay degaanka SNM oo dhan? Labo nin oo Burco & Hargaysa kala jooga ayaad tiri ka soo warama degaanka SSC. Labaduba waxay tol yihiin askarta duulaanka SSC ku soo qaaday. Soomaali adigoo yaqaan cadaalad ma ka sugaysay nimankaa? Ma ku dheeli tirteen warar madax banaan oo reer SSC ama Soomaali kale ka yimid? Maya

      Ninka Axmed Cige la yiraahdo waxaan xusuustaa maalin aad isaga su'aal waydiisay. Waa berigii nin wadaad ah lagu jir dilay xabsiga Hargeisa oo lagu lahaa "war maxaad wax uga sheegtay Ethiopia" isagoo la korontaynayo. Wuxuu isku dayay inuu been cad oo qayaxan sheego. Laakiin adigaa ku qabtay oo yiri "Ninku waa jiraa oo cajaladdii baa naloo soo diray" Hadalkaaga ka dib ayuu bedelay siduu wax u sheegayay. Ninka dhibanahaa shaqsiga ah ee xaqdaradda lagu jir dilay runta ka sheegi waayay miyaad ka sugaysaa in arin qabyaaladaysan uu runta ka sheego oo waajibaadkii weriyanimo ka soo baxo? Waa maya.

      Laakiin Axmed Cige ayaad u daysay inuu u sheego warka sida uu rabo. Maatadii dhulkooda loogu yimid ee kaaraha la mariyay kii kaaraha mariyay warkiisii baa war laga dhigay oo Soomaali inteedii kale la gaarsiiyay.

      Yusuf, "The bucket stops here" Adigaa ayaa masuulka idaacadda ahaa. Iska ilow Soomaalida kugu maagaysaa "Qabyaalad" iyo waxyaabahaa kale. Laakiin ma is leedahay masuuliyaddii aad haysay waad ka soo baxday? Qalad jiray ma qiraysaa?

      Nin baa laga sheegay:
      "Live so that when your children think of fairness, caring, and integrity, they think of you." Ma oran kartaa maanta caddaalad baad ku gudatay waajibaadkii & masuuliyadii ku saarnayd?

      Delete
  2. asc yusuf garaad
    walal salaan kadib waad ku mahadsantahay waanada aad waanisay madaxda dalka laakiin dadku adayba kugu xaman jireen inaad howlahaa kujirtay.

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. War heedhe goormaad garashadan yeelatay?

    ReplyDelete
  5. Yuusuf hambalyo waa talo fiican waan kugu raacsanahay

    ReplyDelete
  6. Well done Yusuf garaad. Taladaasi waa talo fiican waxaana ku darsanayaa taladaada in labada dhinac waa dawlada & puntland/jubalander-kaba ay isku tanaasulaan oo qoladaan dawlada way is cajabiyeen oo waxaa kasoo horeysa aduunka ayaa na ictiraafay oo cidna la tashanmayno taasina waa big mistake,dawlada ay ku faanayaan xataa body guard-kooda waa Ammison, marka somaliya waxay maanta ubaahantahay in wax la tartiibiyo iyo qof isku soo aruursha dadkaan kala irdhoobay looma baahna dagaal iyo colaad, marka waxaa ayaan daro ah inay kuwada hadlaan dal shisheeye, thanks Mr garaad

    ReplyDelete
  7. Yusuf Garaad aad ayaad u mahadsantahay waxa ay xaqiiqdu Tahay in Dowlada Somalia ay ku fashilantay ama uu dib u dhac fara badani kajiro Arimaha Gudaha Dowladan Hassan Sheikh in Badan waxay culayska Saartay Arimaha Dibada wax badana way ka Qabatay lakiin tii Gudaha ayeey dayacday wana ta ka muhiimsan tan kale ee dibada Imika waxaad moodaa Sawirkani inuu ka turjumaayo Laba Dowladood oo Isu Dhiganta taasina waa Khasaare sidan wax haka badalo Hassan Sheikh Intuu Thank you America iyo Thank You Afrika wado Thank you Local ah ayaa Loo baahan yahay

    Thanks sida fiican ee ugu Jawaabayso dadka fikir akaaga dhaleeceeya aallaa mahad leh

    ReplyDelete
  8. horta Yusuf Garaad ma yahay qofkaan meeshan lahe?

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete