Total Pageviews

Monday 1 July 2013

Madax dhaqameed la fara-saaray


Ballanbaxyo, Xarig iyo Garaacid

Inqaasta Yusuf-Garaad
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Shabaab ayaa Muqdisho lagu xiray. Buuq ka dhashay xariggisuna waxaa uu sababay in ciidanku ay garaacaan arga-gaxna geliyaan Cuqaal beeleed, Xildhibaanno iyo Wasiirro hore. Arrintaan ayaan qormadeyda ku eegayaa aniga oo ka soo billaabaya markii Xasan Daahir uu tegey Cadaado.

Maamulka Ximan iyo Xeeb waxay mudan yihiin in Dowladdu ay ku ammaanto ugana mahadceliso in Xasan Daahir Aweys oo gacantooda soo galay, ay si nabad ah u wareejiyeen.  Waxay ku wareejiyeen akhyaar iyaguna ku ammaanan in ay Xasan Daahir oo qorshayaal kale damacsanaa ay u diidaan fursad aan ahayn in uu iyaga Muqdisho u raaco.

Cuqaashaasi waxay ku doodayaan in Mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda ay damaanad ka haysteen in Xasan Daahir la dejinayo guri lagu ilaaliyo. Laakiin sida ay ayagu sheeganayaan, markii Xamar ay yimaadeen, Xasan xabsiga ayaa loo taxaabay, iyagana waa la garaacay. Qaar iyaga ka mid ahna daqarro iyo dhaawacyo kale oo  loo geystay ayay saxaafadda u soo bandhigeen.

Anigu ma joogin goobta kamana warqabo xaqiiqada. Ma garan karo in ciidanku iyaga oo aan naftooda la baxsan waayin sabab ay dad u garaaci karaan, weliba duqey xurmo mudan ah.

Taas Dowladda waxaa looga baahan yahay in ay shacabka u fasirto sida ay wax u dheceen, isla markaana ciddii dembi yeelata lagu qaado. Tan kale, waa in ay ciidankeeda iyo Taliyaashiisa ay xaqiijisaa in aanay marnaba u gacan qaadin dad rayid ah.

Arrinta xabsiga haddaan soo koobo, Xasan Daahir wuxuu noqonayaa ninkii ugu horreeyay ee Madax ah ee lagu soo oogo dacwad ku saleysan in uu dalka dembi ka galay loona xiro. Khaladna ma ahan oo waa in ay mar uun billaabataa, haddii la doonayo in caddaalad darrada laga baxo.

Waxaa igala muhiimsan in uusan noqon ninkii u dambeeyay. Waa in qorshuhu ahaadaa in dadka dembiyada galay marba inta taagtu ay gaarto la soo qabto. Dambiilyaasha waxaa ugu dambeeyay kuwa dagaalka hadda Kismaayo ka socda ka mas’uulka ah. Kuwii madaafiicda ku garaaci jiray Muqdisho iyo meelo kale. Kuwa Shabaab ka tirsanaan jiray iyo qaar waliba u furay Xeryo ay ku tababbartaan. Kuwa Shabaab lacagta siiya. Iyo kuwa hantida shacabka iyo midda Qaranka xaday ama hantida ma guurtada ah xoog ku haysta.

Dadkaas dembiilayaasha ah ee aan tilmaamayo qaarkood waa Madax, qaar kale waa Ganacsato, iyaga iyo kuwa demebiyadaas galay inta nool dhammaantood xorriyad ayay ku mushaaxayaan. Dalka gudihiisa kuwa joogaa waxay ugu badan yihiin Muqdisho.  Ma lihi maanta ha la soo wada xiro laakiin waa in dhiirrideeda iyo daacadnimadeeda la yeesho.

Ragga aan sawirradooda arkay ee leh Ugaas, Cuqaal aftahana, Culmaa’u diin, Xildhibaanno, Wasiirro hore, Jeneraallo, qurba-joog iyo qaar kale in ay ku fekerayeen in iyaga oo qabiil ah, oo aan cid kale la ogeyn ay intay Muqdisho keenaan Xasan Daahir ay haddana dowladda iyo kumanyaalka AMISOM ay u diidi karaan in ay la wareegaan.  Malahaygana, sabab ay u doonaan oo ay u soo qaadaanna maba jiri lahayn.

Marka hadday jirto in markii hore ballan loo qaaday Cuqaasha ninkan khasabka ku keenay Muqdisho, waa in loo fuliyaa ballantii lala galay. Ballan baxyadu shakhiga kuma habboona iskaba daa dowlad dhan. Haddaan ballanqaadkaasi jirin Dowladdu waa in ay noo sheegtaa.

Xasan Daahir nin sahlan ma ahane haddii ay quwado kale meesha soo galeen oo aan maya lagu dhihi karin, dowladdu waa in ay ogaataa in laga gar leeyahay markaasna ay si uun u qancisaa duqeyda.

Ilaa ay Dowladdu arrinkaan ka hadleyso ama ay si hoose u xallineyso waxaa shacabku ku khasban yahay in uu rumeysto waxa uu maqlayo arkayana. Waxaa uu maqlayaa Odayaal sheeganaya in la khiyaamay oo ballantii lala galay markay intooda fuliyeen intii kale looga baxay. Wuxuuna arkayaa Madax dhaqameedyo sheeganaya in la fara saaray kuwaas oo muujinaya daqarrada gaaray.

Qormadeyda tan xigta, haddii Allah oggolaado, waxaan rajeynayaa in aan ku eego ninka uu yahay Xasan Daahir Aweys. Kala soco Blog geyga.

34 comments:

  1. aad ayaaan u mahadsanahay Yusuf markle sxb,
    Garaca iyo dhibka loo gaystay odayasha ma cuqaaasha waa mid loo wada gaystay dhaman odayasha Somaliyed oo ah waxa kali ah oo noo bad baday xiligi burburkii haawlo badan oo muhiim ahna qabtay inti ay awoodeen,
    tan kale, ficilkaan fool xumadiisa kasokoow waxa uu muujinaya dawlada tabar darideeda iyo kalsooni la'aan teeda. oo ah oday kaligi o hub wadan oo garoonki oo ah mesha dawlada ugu awood badantahay in wadashadiisa ay sababto garac odayaled iyo inay booban ninki looba keenay!!
    side ayey u dhici kartaa? in Odayaal hawl loo diray oo hawshi soo qabtay in la garaco meeshi loo mahad celin laha,,, Dawlada Xasan Shiek wax yabo badan aya ka qaldan ee ha isi saxdo hadii kale sharciyadeeda ayey waynaysaaa

    ReplyDelete
  2. Asc wr
    Waa arin aad loola yaabo waxa ka dhacay Aden Cadde International Airport runtiina waa iska ayaan darada jirta iyo siyaasad xumada ku habsatay ummada Soomaaliyeed oo weli aad isleedahay waaqiciga iyo wixii lasoo maray waxba laguma qaadan.
    Waxaan rabaa inaan seddex qolo oo ay arinta dhacday saamayn ku yeelanayso wax ka iraahdo.
    Kow odoyaasha dhibka sheeganaya waxaan leeyahay odoyaal caalamku maanta waxa uu dhaqmaaa itus oo i taabsii waxa aad sheegaysaan ee aad leedihiin dowladaa balan nooga baxday maxaad ku cadaynaysaan ee qoraal(Documents)saxiix madaxeed leh oo aad haysaan? waxaan ula jeedaa dadka ka tirsan dowlada ee shaqadaas idiin diray qoraalkii aad kala saxiixateen iyo qodobadii (terms) aadku heshiiseen ayadoo saxiixan keena maxkada ayaa lagu kala bixi karaa markaas waa la idiinkugu garaabaa cadaalada darada cidda wadana ummadda soomaaliyeed oo dhan ayaa wada arkaysee. Hadaadse inaad weji ka samaysataan dowlada dad ku jira si berri aad wax hoose uga heshaan aad sidaas arintii ku gasheen ka dibna la idinkaga baxay hadde ciddna ha eedinina Lax walbaa shilalkay is dhigtaa lagu qalaahe raalina ahaada adduunka horay u marayna wax ka barta.
    Dadka raba inay banaanbax ka muujiyaan wixii dhacay adinkana waxaan idin leeyahay fadlan 1991kii lama joogee ee cagta dhulka dhiga fowdo iyo nin jacalysi waxba kuma gaaraynee si nabad ah ha lagu noolaado waayo haddii aad maanta samaysaan banaan bax berina mid lid idinku la sameeyo wax macnaa ma soo kordhayaan bal fowdo iyo kala fogaansho iyo is nacayb hor leh ayaa dhalanaa wax maanta loo baahanyayna maahan magacyana yaan la isu bixin maanta nabad ayaa xalku ku jiraa hala digtoonaado oo nabada la hayso hala ilaaliyo.
    Dowlada waxaan leeyahay xoog iyo xeelad aad xasan daahir ku soo qabsataan haddaad leedihin horaad usoo qaban lahaydeen ee dadka soomaaliyeed ee wanaag doonka ah yaan laga abaal dhicin oo qofka wanaaga uu sameeyo halagu abaal mariyo laga soo bilaabo M/X/X ee Cadaado illaa Muqdisho nina asagoo iska socda iskama imaane dadka yaan lagu abaal ka dhicin haddii kale waxaa muuqanaysa tuhunkii awlaba jiray ee ahaaa in dowladu waxa ay sheegayso iyo waxa ay ku dhaqmayso aysan shuqul iyo shaqo isku lahayn taasina ay wiiqo doonto kalsoonidii dadka halkaasna ay ka dhalato in dowlada lala shaqayn waayo oo shakiba la galiyo dowladnimadeeda dibadaha haba laga aqoonsanaadee.
    Waxaan kaloo ka digayaa in ashqaas aan qaranimo iyo dowladnimo soomaaliyeed oo taabagasha aan doonayn aan lagala tashan masiirka dalka iyo dadka ashqaastaasi meelkasta oo xukuumada gudeheeda iyo dibadeeda ah ha joogeene.
    Guntii iyo gabagabadii Soomaalifu waxay tiraa "SIDEE XEEGO LOO XAGTAA ILKANA KU NABADGALAAN" dowladaa laga rabaa sidee xeego loo xagan lahaa ilkana ku nabadgali lahaayeen,
    WABILAAHI TOWFIIQ

    ReplyDelete
  3. ASC HADII SHEKHA DHIBATO LOOGESTO AMA LAXIRO WAXAA IMANEYSO IN RAGII KALE EE ISASOO DHIBILAHAA ALBABADA AYKAXIRMAN:MARKA DOWLADA TAS DHABARJAB AYEYKU NOQONESAA.

    ReplyDelete
  4. Aniga waxan qabaa in xasan dahir xoriyadiisa loo siiyo shuruud la'aan ,waxan ku salaynayaa labada qodob e sosocda marka waxa rabaa inan cadeeyo aniga iyo shiekh xasan waxaa naga dhexeya somalinimada oo kilya, hadi wixi somaliya ka dhacay ee danbi 25sano ee u danbeyey la iskula xisaabtamayo waa soo dhawaynayaa lakin in kaligii gaar loo xukumo iyadoo waa ila khaldantahay waayo waxaa xor ah oo wilba la karameeyaa qabqablayashi 20sano ka badan daadinayey dhiiga dadka soomaaliyed ee an waxba galabsan.

    1)Dowladu waa in ay door mahima siisaa siyasada gudaha intee ay reedin lahay amaan dowlada shiisheeye, sidaa darteed waxan u arkaa in sida loola dhaqmo shiekh hasan dahir ay samayn ku yeelan doonto dad badan oo somali ah marka laga tago qabiilkisa waxan jira dad badan oo aaminsan inu xasan daahir yahay 70 jir somaliyed oo u soo halgamay sharafta dalka iyo diinta islamka waana astaan loo hiilin karo dhaqan somalida.
    2)dowladu hadii ay heshiis la gashay guuritidi xasan dahir ka soo kaxaysay cadaado waa in ay u fulisaa sidii u ahaa waayo somalia waxay u baahantahay dib u heshiisiin waxan samayn karta oo qudha dowlad la aamin karo (reliable government)

    ReplyDelete
  5. aniga waxaaan ka ahay sida uu sheegay yuusuf garaad cumar oo ma eheen goob jooge ku sugn goobta ay dhacdadan ka dhacday waxaase maqalka meediyaha uu si cad u sheegayaa in ay balanta ka bexeen dowlada federalka balanka haba ka baxde ee sidee ay ku jir dileen odayaasha dhaqanka ee dhaxda haya dhaqanka iyo wanaaga umada 2 sidee ay ku dhacday in loo gacan qaado odayaashii ansixiyey dastuurka waa in su aalo laga weydii wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaran cabdi kariin xuseen gfuuleed oo ah wasiirka ugu hurdadad badan ma wuxuu mooday UNDP iyo XAFIISYADII CADAALADA INUU QARXIYEY OO UU KU FASHILMAY XAGA AMAANKA iyo bashiir goobe oo ah taliyaha hogaanka sirdoonka waa in ay ka jawaabaan su,aalahaas iyi cidii amartay hadalka wuxuu si toos ah ugu socdaa siyaasiga somalieed ee yuusuf garaad cumar aad ka mid tahay baarlamanka federalka somaliya warbixintan waaba mid loo baahnaa oo waxaan ka aqristay wabsetka malaha adne aad garaneyso wwww.goobta.com insha,alaah

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  7. War niman yahoow dowlada ayaa gacanta ku hayso xassan daahir waana dowlad somaliyeed waxaa ku mahad san cuqaashii ka qeyb qaadatay gacan galint xassan waxayna qabsadeen howl qaran xassan waa u bad baado oo waxaan ognahay waxii baraawe ka soo raacdeeyay mana dhihi karno beel ayaa daafici karto aan iska daayno qabyaalada qaasatan yuusuf waxaa aheed musharaxiintii madaxweyna yaashii somaliyeed yeen ku qaadin cadifad qabiil dowladii somaliyeed aan ugu war sugno arinta xassan daahir waa iga talo

    ReplyDelete
  8. aad ayaan kaaga mahad celinayaa yusuf qormadada aan turxaanta lahayn ee meelaha badan taabaneysa. xaqiiqidii wixii aan dhihi laha adiga ayaa yiri, lakiin waxaan xoojinayaa weedhaada ah. dowladdu waa in ay mawqifkeeda caddeeysaa oo hadii shisheeye uga awood raanaaday arrinta Xassan Dahir Aweys, u sheegtaa shacabka iyo odayaasha si ay uga qancaan wixii dhacay. hadise taas la waayo waa weji cusub oo colaad huris ah oo ay dowladu oodda ka qaaday. dab dowladu huritaankiisa rabtana ma demo baan leeyahay ee ha loo dhug lahaado.

    ReplyDelete
  9. xoogaa suaalo ah baan halkaan kusoo gudbinayaa oo madaxayda ku dhex wareegayey.

    horta yaa na maamula? dowlad nimada yaaw maqan? midnimadii dalkeeniyo maamuuski yaaw haray? midkee nabad horseed u ah? maja dhooqo kee bixin? muranbaa la daalshee mustuhuulka kee bixin? maslaxada dalkeeniyo shacabka mudanee yaa u ah? milkiilaan cadkii dhimanoo ku muusanaaba waa kuma? meelaan aadno weynee marjiceenu waa kee? mellez geeriyooyee ma mareykanbaa uu? ma mid kenya joogoo maatideena laayaa? ma maxaxa ugandhoo milateriga keenaa? ma urdugan ma yeeraha muutaxleyni xamarbaa? ma midowga europ aadeen isku raacin meelnaa? mise madaxda teenaaa bay xaajadu u milantaa mugdaa galay arimehee.

    ReplyDelete
  10. HUBSIIMA HAL GEEL LA,SIISAY,
    aniga waxay ilatahay yusufow dowlad ma jirto haday jirto ugaas mala dakhreen
    REEWAAMO WAXAY KU MAHMAHAAN (WARANKA GUNGALKIISA WAA RIXIN KOOS CARADIISA WAA RUUX GOOS)SHEEKH XASAN DAHIR MANOOLO SIDA AAN MALEYNAYO MAADAMA UGAASKII AAN U JEEDO WAXA KUYAALO OGADIISA waan ka xumahay,se ha ogadeen kuwa umaleynayo xasan dahir inuu yahay habar gidir ma ahan ee waa wadad somalia ah oo loo helanyahay geridiisa iyo gala u dhiibkiisa shaleyto ayaa ka dambendoontaa
    waxaan ilaah ka codsanayaa inuu asturo ceybta sheekh xasan akhiro iyo aduunba nin uu faransiin qatay aqiba malahan haday soo celiyaan xitaa waa nin dilan waan ka xumahay walahi

    ReplyDelete
  11. Lakiin mid ayaad halmaamtay Yusuf haddii ciidanka laga hor istaago in ay gutaan Howshooda, in ay taasi qasbeyso in la Fuliyo Sharciga xitaa haddii ay taasi keneyso in kuwa sharciga in la fuliyo diidan la garaaco, it is a simple principal lkn inta badan ma fahansana. Xasan Daahir waa danbiile laayay dad badan oo Somali ah xitaa kuwaan maanta dhahaya waa nala dilay ee ugu xadreynaya qaab aad ciriiri u ah (Qabyaalad) ilmahooda ayuu laayay, war hooy waxba ha difaacina Argagixiye Soomali oo dhan laayay, lama simi karo Xasan Daahir iyo Danbiile kale Xasan dahir waxaan tixi karnaa boqolaal criminal accounts oo uu galay, war ka daaya arintaan in aad qabyaalad u rogtaan, enough is enough ninkaan Soomaliya waxba uma hayo oo aan ka ahayn shido iyo dhibaatada oo sii socota, idinkana Somali ayaad ka tirsantihiin ee ka dhaafa arinta in aad wax isku duubtaan oo qabyaalad ka dhigtaan.

    ReplyDelete
  12. Doqontii ismoode arooskeed ka Heestay armaan noqonnaa , xassan iyo xayn badan ayay tahay in la horgeeyo caddaalad , Laakiin haattan aniga waxaa igala muhiimsan xarigga xassan Kumanaan dhalin yaro ah oo shabaab meel ay udhaafaan garan waayay ,haddii ay arki lahaayeen xassan oo xaalkiisa la dajiyay oo aan la kil killayn inay iska soo daba dhici lahaayeen , laakiin waxay haattan sii galayaan hawdka oo habaar qabayaashii hor boodayay ayaa kusii shubi sheekhii sida loogalay soomaydaan arag .

    Su'aal se Yuusuf eraygan Anqaasta xaggee kaaasoo galay ma adigaa maskaxdaada kaashayda mise Qorayaal soomaaliyeed ayaad ka dhaxashay ? waxaan rajaynayaa inaad iiga jawaabto .

    ReplyDelete
    Replies
    1. F IBRAHIM, Inqaaas waxaan u aqaan khadda lagu riiqo dugsi quraanka. Waa wixii iigu horreeyay ee aan ku far barto. Ma garto goortii iigu horreysay mana xusuusan karo marka aan billaabay adeegsiga ereyga.

      Delete
  13. Waa wax aad u wanaagsan in la xirxiro lana qabqabto ragga 22 sano kuwaday dalka dhibaatada, barakaca iyo dilka naxariisdarada ah. Xasasn Daahirna waxuu ka midyahay dadkaas.

    ReplyDelete
  14. Waa yaab Oday dhaqameedku ma sharciga ayuu ka weynyahay, hadiise uu isku dayo in uu carqaladeeyo Fulinta shariciga sow ma noqonayo danbiile, Ninka maanta dhahaya Danbiile ayaan kula heshiinay dowlada in la dejiyo guri, isla markaana la halmaamo dadkii uu layay oo ay ka mid yihiin kuwa maanta ugu xadreynaya Qaab ciriiri ah ( Qabyaalad) wuxuu u gafay dowladnimada, dhibtii dhacday 20 sano waxaa uun lagu halmaami karaa in cadaaladu heshaa wadadeeda, waana in aan fahana in aysan jirin cid sharci ka weyn haddi uu doono ha ahaado Oday Dhaqameed ama cid kale, cidii hor istaagta fulinta sharciga waa in ay wajahda cawaaqibta ka dhalan karta taas. Xasan Daahir waa danbiile xitaa caruurta ayaa kusoo oogi karta thousands of criminal accounts marka daaya in aad la barbardhigtaan kuwa kale ee danbiyada shacabka ka galay si markaas loo qalado, Rayul caamka, waxaan aaminsanhay in looga faa'ideysto qoraalada in lagu saxo qalad ee aan loo isticmaalin in lagu daafaco dhiig yacab kaga jira soomaali laeeynta Kaalinta 1aad. Qabyaalad kama saari karto Soomaliya dhibta maanta heysata.

    ReplyDelete
  15. waagii xisbul islaam uu hogaaminayay maxay u keeni waayeen odayaasha, markaas ee keenistiisa qaymo laheyd ee maanta keenis ma'ahan ee waa badbaadin. xataa adiga Yusuf ah qoraalkaaga cadaado aad ka soo bilawday far baa ku jirto.

    ReplyDelete
  16. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  17. asc waxaansalamaya umada soomaliyeed dhamntood waxan layabanahey ninka yusuf garad mawax uu udoodayaa danbiilaha adeerkii ahaa dowlada waxakasaaran dalka waa waajib neysooqabto danbiilkasta oo danbikagaley dalka iyo diinta beesha reer yuusuf garaad waxan leeyahay sharciga halaraaco dalka dowlad baakajirta iskana day qabyatada ad wadaan maxaayeley waxaadkudoodeynaa xsan halasoodhoweye kuwakalena iyagana rerkooda basoodhoweynaya sida danbiile xsan dahir ookale walalayal dalka waxaakayira wa dowlad ee sharciga halaraaco iskana daya qabyaalada aadwadaan tana waa waxaad ugunoqteen degaanadiina hore siada cadaado iyo guriceel iyo xaafada balacley kulushey yarjucu ilaa aslihii weye iimanka halasigto dowladana halataageero baan leeyahay yuusufna haiska sdaayo wax uukuhayey bbcda intuukashaqeynayey waalagoga wax uukasameye cidacada bbcda lanata afsoomaliga soomalina guul baan urajeyanaya dowlada halaraaco sidaa iyo nabadgelyo nabadey aqraareey fii maani laahi

    ReplyDelete
  18. Waa in dhamaan dadkii ka danbeeyey xilalka ay dowlada ka hayaana laga casilo maxkadna la soo taagaa

    ReplyDelete
  19. Dowladu waa tabaryartahay ineey cadaalad daro ku xoogeysatona ma ahan.
    Warka uu maanta uu wasiirka arimaha guduhu ku hadlayna waa too litle too late, ruuntii wayba sii fogeysay ar inta.

    ReplyDelete
  20. Cadaalad darada meesha ka dhacday ma ahan in dadkii ka danbeeyey ay ka tacsiyeeyaan waa in madaxda kale oo ku lugta laheen ka hadlaan, hadeysan hadda ka hadlina mar aysan ka qaban karin ayey afka furan doonaan!!!

    ReplyDelete
  21. Nimankii jirdilay muwaadiniintii nabada ka shaqaynayey si iskaa wax u qabso ah , hadeey dowladu hoosta gashato oo ay difaacdo, una ogolaato iney dowlada ku sii jiraan maxkamadna aan lagu soo taagin faldanbiyeedkii ay geesteen, qof walba ha sheego waxa laga sugayo dowlada?

    ReplyDelete
  22. waxay ilatahay in dawlada markii hore arintu ka khaldantay iyadoon la isku wada dari karin dawladoo dhan laakiin cidii howsha fulisay oo sida lasheegayo ahayd madaxwaynaha iyo wasiirka arimaha dibada iyo qolyo cankaas waxay khaladka koobaad galeen markii arinka si beeleed uwajaheen dawladu labo siyaabood inay mid yeelaan bay ahayd inay ninkaa meeshiisaas isaga daayaan ilaa uu iyaga isaga soo dhiibayo ama maamulkaasi si iskood ah usoodhiibayaan ama ay iyagu si dawladnimo oo saraakiil iyo wasiiro intay diraan qaab dawladeed kula soo wareegaan labadiiba seegtay hadiise ay arinka sidaa uwajaheen qaabkaa beeelnimada ah balamaahaas ay odayashu sheegeena aygaleen waxay ahayd mid ay meel ugadhaceen odayaashaa inkastoyna iyaga laftoodu kafiirsan arinkaa waxaanse anigu qabaa in dawladu sikastooy wax udhacayaan sheekh xasan daahir wax lawadaan sida muuqata waxaan oo qorsha yaal ah na loosamaynayo in isaga lagu furdaamiyo oo dadyawgaa kale larabo in lagu qanciyo waxyaabaha dhacaya oodhan inay yihiin wax khatar hor le kaga imanayso dawlada soomalia sidaa darteed sheekhaan laga saaro liisaska waa aragti ahaan saan u arkay laga yaabo inay khaldantahay.

    ReplyDelete
  23. Qoraalkaada xiga yusuf ha halmaamin gabood falkii uu geystay Xasan Daahir, waxaan kaa sugnaa in aad iftiimiso shaqsiyada Xasan ee ma sugi doono in aad u dhigtaa nin Wanaagsan oo aan danbi laheeyn, Tariikh ayaa qormeysa nin walbana waxaa uu reebo ayaa ah dhaxalka ka haraya, qoraalkaada yuusan noqon a tainted one, waxaan ku leeyahay hana tarax tagin hana ka gaabinin in aad cadaalada mar walba u hiiliso thank you all

    ReplyDelete
  24. asc dhamaan sigaar ah waxaan usalaamay yuusuf garaad intaa kadib aniga waxaey ilatahay arinta xasan mid qof walba umuuqata lana wada garanaayo xasan waxa uuyahay mida dhacday oo hada eey dowladu umaara la,dahay ugu horeyn dowladu waxa eey gashay qalad qaladkaasna wuxuu dhacay markii xasan loo diray odayaal dhaqameed siyaasiyiin cuqaal kasoo jeeda beeshiisa lagulana balamay in eey arintu ku dhamaaneyso jawi wanaagsan sideey aniga ilatahay waxa eey ku habooneyd dowlada laf ahaan teedu ineey doonato xasan hadii eey taasi dhici lahaydna waxaan aaminsanahay xasan inta maanta looqabo looma qabeen lkn arinka xasan waxaa taageera badan siiyey sida eey dowladu ula macaamishay wax garadkii keenay iyo sida eey u wax yeeleysay mana aaminsani dowladu ineey arinkaan ku dhiiratay ayadu balse waxaan aamin sanahay ineey faragelin shisheeye eey jirto waana mida ugu weyn oo aan isleeyahay arinka ayadaa sidaan udhigtay isku soo wada duuboo waxeey iila muuqataa dowladu arinka xasan inuu mugdiweyn geliyey siyaasadeeda waxeeyna jooga labadaran mid dooro waana ka war dhowreynaa sideey wax u maareyso xasana ugu dambeyn weey siideyneysaa dowladu dadka isleh ama aaminsan xasan waa la ciqaabayaa aniga iima muuqato taas ineey dhacdaase weey fiicnaan lahayd list dheer ayaa bilaaban lahaa oo dad badanoo maanta xasan tiisa u arkaa ineey xaqtahay eey kusoo bixi lahaayeen ama qeyla dhaan tooda lala yaabi lahaa rag badanoo maanta madax ismoodana maxkamada cadaalada ayey ka hor muuqan lahaayeen

    ReplyDelete
  25. Bismillah, waa ka xumahay dhibaatada odayaasha loo gaystay, waxayna u muuqataa in aan weli nidaamka dawladnimada iyo sharciga ilaalintiisa loo bislayn, dawladda ayaana laga sugayaa wixii ay arrintaas ka tiraahdo iyo wixii ay ka qabataba.

    waana arrin u baahan in sharciga lala tiigsado ciddii eedda yeelata markii si fiican loo baaro oo loo hubiyo cidda dhibka ka masuulka ahayd, dhinaca kalana odayaasha haddii loo diray Hassan Dahir inay soo qaadaan oo waxna la isku ogaa maxaa is beddelka keenay.

    waxaanse anigu aad uga xumahay dawladda iyo odayaasha beeshuba sida ay u weyneeyeen Hassan Dahir oo lagu eedaynayo inuu ka mid ahaa ururka Somaalida dhibaatada u gaystay oo waxbadan xasuuqay; isagoo aan si rasmi ah isu soo dhiibin oo ka toobad keenin fikraddii qaldanayn ee uu ku bannaysanayey dhiigga ummadda SOOMAALIYEED wixii ay siday qabaan la qabin oo raacsanayn, oo la soo qabtay oo weli dawladda u arka inay riddoowday oo gaalo tahay.

    Odagu haddii u isa ka soo laabto fikraddii khaldanayd, ummadda Soomaaliyeed iyo dawladda uu cafis weyddiisto waa in la soo dhaweeyaa oo la xurmeeyaa, haddii kalese waa in uu sharciga hortagaa oo wixii uu xaq u yeesho ka helaa haddii eedo cad lagu helo.

    ReplyDelete
  26. Aniga waxaan qabaa Rayi ahana in la soo qabto dad badan , sida ana wada ognahay Shariif Ahmed oo ahaa danbiile weyne in lagu qanciyay Madaxweyne sida an wada ognahay Shariif waxa uu dilay maalin kaliya Arday uu ka kaxeeyay Schoolada Mogdishu Jiida hore ee dagaalka dadkaasi waa la sharfay dad badan way joogaan oo hada waa madax ma xuma in la qabto Danbiilayaasha laakiin yaa lakala reebin viva Yuusuf Garaad wiligaga umadaa u sheegtaa runta ilaahna ha ku xafido

    ReplyDelete
  27. Yusuf Garaad, Inta Somalia qasnayd 20 sano 13 ka mid ah waxaad ahayd madaxa BBC Somali Section, xilliyadaana aad ahayd shaqsi xasaasi ah oo aad loo hadal hayn jiray- khaasatan Carta iyo xilligii Abdiqasin Salaad.... anoon eed iyo danbi toona kugu qirayn, saamayn intee leeg ayey tifatirintaadii ama shaqadaada idaacada BBC du ku lahayd dagaaladii sookeeye ee dalka ka dhacay?

    ReplyDelete
  28. Xaqiiqada soomaalida oo sidaas u taalla haddii aynu weydiin qalaad dusha kaga keenno oo nidhaahno: Dadka soomaalidu ma waxay doonayaan in ay ku noqdaan (ama weligood ku jiraan) dhaqankii tolnimada ee la doonayey in laga dawladoobo? Jawaabta soo baxaysaa waa ”haa” ama waa ”maya”. Haddii ay ta hore noqoto kolkaa cidina
    xaq uma leh in ay ka dacwooto ama ka eedsheegato fal- dembiyeed uu nin tol kale ka dhashay geystay. Ma na jiro, haba yaraatee, tol ku khasban in uu dembi u arko falxumo uu nin iyaga ahi qolo kale kula kacay, waayo xeerkii awowyadeen ayaa sidaas ahaa.
    Cidda wax la yeelayna nafteeda
    ha eersato Haddii se jawaabta weydiintu noqoto ”maya”, oo loo hanqal taagayo hannaan bulsheed casri ah kuna dhisan ilbaxnimo iyo caddaalad, kolkaas waxaa la noqonayaa doqomo hadalkooda iyo falkoodu isburinayaan, wax aad u badan baana u baahanaya in dib loogu noqdo. Xitaa haddii aan maamul dhexe oo soomaalida mideeya la helayn ilbaxnimada iyo anshaxa guud ee dadnimada ayaa khasbaya in la lahaado xeerar iyo caddaalad lagu kala baxo sida bani aadanka kaleba ka wada dhaxaysa.

    ReplyDelete
  29. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  30. Waxaa Haboon laba Talo in la isu Miisaamo Waajib ayay tahay in Sharciga la hor geeyo dadka Gabood falada Sameeyay waxaa barbar taala in la Miisaamo sidii loo kala jajabin lahaa Al Shabaab isla markaana laga dhigto in Xasan Daahir la siiyo fursad uu Nabada kaga Shaqeeyo Waana Go'aan Laga Sugayo in Dawlada uu hor kacayo Xasan Sheekh ay kala doorato labadaas qodob

    ReplyDelete
  31. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  32. Hello Am Mrs, Morgan Debra Am amaahiye amaah sharci ah oo lagu kalsoonaan karo siin deyn
    on a eego cad oo la fahmi karo iyo xaaladda dulsaar 2%. Laga soo bilaabo
    $ 12000 in $ 7000000 USD, Euro Markaasuu oo ginni oo keliya. Waxaan bixin Business Deymaha,
    Daymaha shaqsiga, Amaahda Ardayda, Deyn gaariga iyo Deyn bixin biilasha. Haddii aad
    u baahan tahay si amaah ah waxa ay tahay inaad sameyso yahay, waayo, waxaad si toos ah ii soo xiriir
    at: morgandebra1986@gmail.com
    Ilaah ha idiin barakeeyo.
    Salaan,
    Mrs Debra Morgan
    Email: morgandebra1986@gmail.com


    Fiiro gaar ah: Dhamaan reply waa in la soo dir: morgandebra1986@gmail.com

    ReplyDelete