Total Pageviews

Wednesday 7 August 2013

Farxadda Ciidda aan Wadaagno


Ciid Wanaagsan
Inqaasta Yusuf-Garaad

Soomaaliyeey ciid wanaagsan. Waa maalin farxadeed. Waxay maalin farxadeed u tahay carruurta iyo qof kasta oo soomay. Waa maalin cibaado. Waana maalin saddaqo.

Farxaddaas si ay u muujiyaan, dadka awoodaa waxay isku marti qaadaan qado, casho ama qaxwo. Qaarkood waxay isku casuumaan qaad. Qaarkoodna miyuusik ama cayaaro dhaqan ayay tuntaan. Qaarkood waxay u baxaan dalxiis.

Carruurta waalidkood awoodo waxay ku labbistaan dharka ciidda. Waa dhar cusub oo loo soo iibiyay si ay ugu ciidaan maalintaan farxadda leh. Waxaa kale oo loo iibiyaa haddiyad sida mobile cusub, cayaar ama filim video ah, buufin, firimbi, kubbad iyo waxyaabo kale. Ehelka soo booqda iyo deriska ayaa laga yaabaa in ay ugu daraan lacag caddaan ah oo haddiyad ah. Waxaa loo kaxeeyaa qaraabo salaam, makhaayad, xeebta, filim dibadda lagu soo daawado ama wareeg.


Marka laga reebo farxadda ciidda looma sinna damaashaadka kale.  Waxaan ummadda inteeda kale la wadaagin dadka saboolka ah iyo carruurtooda.

Waxaa laga yaabaa carruurta kuwooda aad u sii da’ yar ineysanba garan karin sababta uu waalidkood sideedaba dhar ugu iibin waayay ama mid cusub hadda ugu soo iibin waayay. Sidoo kale ma fahmi karaan sababta uu waalidkood ugu keeni waayay haddiyadaha carruuraha kale loo keenay kuwo la mid ah.

Dadka saboolka ahi waxay joogaan xaafadaha magaalo kasta oo geeska Afrika ah. Haddaad geeska Afrika joogto, uma baahnid in aad meel dheer ka raadiso qof sabool ah. Bal daqiiqado yar jooji akhriska qormadaan ee hareeraha fiiri bal in ishaadu qaban karto qof sabool ah.

Waan gartay. Haddii ay ishaadu qabatay qof sabool ah, is weydii – ma ka farxin kartaa qofkaas?

Hadday ishaadu qaban weyday, mar kale akhriska jooji oo ka feker deriskaaga. Ma ku jiraa qoys sabool ah?

Ma xasuusatay? Is weydii – maxaad qoyskaas u qaban kartaa ciiddan? Maxaad uga farxin kartaa?

Dadka saboolka ah ee gargaarka u baahan waxaa ka mid ah kuwa ku jira xeryaha Barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga.

Waxaan iyaguna farxadda si buuxda bulshada ula wadaagin dadka yaalla Isbitaallada iyo kuwa kale ee iyaguna xanuunsan laakiin aan isbitaal gaarin ama aan awoodin.

Dadkaasi waxay u baahan yihiin daawo, qaarkood waxaa kale oo ay u baahan yihiin raashin, gogol iyo hu’.

Dadka xabsiyada ku jira, haddayba magaaladaadu ay xabsi leedahay, iyagana farxaddoodu ma buuxdo. Baahi aanay iyagu dabooli karin ayaa u dheer tahay.

Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.

Dadkaas oo dhan waa dad u baahan in la xasuusto, la booqdo, loo gargaaro, lagana farxiyo  ugu yaraan maalinta ciidda.  Maalmaha kale qofkii ku daraana waa rag-ka-rooni.

11 comments:

  1. CIID MUBAARAK. TAQABALAAHU MINNAA WA MINKUM SAALIXUL ACMAAL. Kheyr ALLAHA kusiiyo walaal Yuusuf Garaadoow, sida aad noogu baraarujisay kaalmeynta walaalaha Soomaaliyeed, ee dalka hooyo kudhibaateysan.

    ReplyDelete
  2. CIID MUBAARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA OO DHAN GAAR AHAAN SOOMAALIDA Yuusuf Garaad walaal wax khayr leh Allaha ku siiyo mida kale eebbe ha kula garab galo dadaalka aad wado aakhirana dambi dhaaf aduunkana cizi iyo karaamo

    ReplyDelete
  3. Ciid mubaarak Yusuf Garaad aad baad ugu mahadsantahay qoraalada xiisaha leh eed ummada Soomaliyeed la wadaagto, mar kale ciid mubaarak.

    ReplyDelete
  4. Ciid mubarak mr yusuf garaad.
    waad ku mahadsan tahay baraa rujinta aad dadka somalyeed ku baraa rujineyso iney is xasuustan, oo kooda wax heysta, kooda sa boolka soo xasuusto. ka farxiyo maalmaha dabaal daga damashaad ka , sida ciida oo kale

    ReplyDelete
  5. Yuusuf Garaad, CIID MUBAARAK!

    Waxaad na xusuusisay farxadda weyn ee ciidda, in ay jiraan dad ay duruufo kala duwani hayaan oo ay farxaddoodu kala dhantaalantahay.

    Inagoo wada faraxsan, aynu maanka ku hayno xanuunka ay leedahay ciddii ay haystaan duruufahaasi, aynuna u wada ducayno. Dadkeennan qurbaha ku nool ee waddankii ku soo garaadsaday/barbaaray way dareemi karaan arrinkaas.

    Waxaan kula talinayaa waalidiinta qurbaha ku nool, ee Alle amni iyo barwaaqo siiyay, inay uga sheekeeyaan ubadkooda arrinta uu Garaadku ka hadlay. Hadday awoodaan inay waddamada saboolka ah dalxiis ku geeyaanna ka sii wanaagsan.

    Ugu danbeyn qof kasta oo bloggan soo gala waxaan ka coadsanayaa, inuu uu u duceeyo Yuusuf Garaad mawduucaas muhiimka ah ee uu na xusuusiyay. Garaad, anigu waxaan ku leeyahay, Ilaahay if iyo aakhiraba waxaad jeceshay ha ku siiyo.

    Walaalaha muslimiinta ah, gaar ahaanna bulsho weynta soomaaliyeen waxaan idin leeyahay CIID MUBAARAK.

    ReplyDelete
  6. yuusuf marka hore ciid mubaarak, culucaam wa antum bikheyr, sxb waxaa dhahday aqriska jooji kafikir dariskaaga qoys sabool ah maku jiraan? dariskaygu waa christian maxaan laqeybsan karaa?

    ReplyDelete
  7. Yusuf garaad ciid mubaarak thank you for sharing with us this

    ReplyDelete
  8. Eid Mubaarak sxb Yuusuf Garaad, aad ayaadna ugu mahadsan tahay qoraalka qiimaha leh ee aad kusoo bandhigtay bogaaga. Mar kale ayaan ku leeyahay mahadsanid sxb kheyrna allaha kaa siiyo

    ReplyDelete
  9. Walaal Yusuf Garaad Cumar Axmed, marka hore waxan ku leeyahay Ciid Mubaarak, adiga iyo ehelkaagaba, marka xigta waxan Ciid Mubaarak leeyahay dhammaan Ummadda Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxan leeyahay ku ciida farxad iyo rayn rayn. Marka xigta walaal Yuusuf waxan rabaa in aan kaaga mahad naqo arrintan qiimaha badan ee aad na xasuusiday oo laga yaabo in aaney dadka badankiisu beryahan aad ugu baraarugsanayn oo ay qof walba tiisu ka tan badisay. Waxan rabaa in aan ku daro inta uu Yuusuf Garaad qalinka ku dhuftay in aan ku daro inkastoo ay dhinac walba kasoo gelayaan "AGOONTA iyo NAAFADA" iyo dadka xannaaneeya ee ay ku tiirsan yihiin oo ay hubaal tahay in ay ayaguna yihiin dadka Soomaalida ugu saboolsan.

    Salman Alaska, oo yiri deriskaygu waa Christian ee maxaan laqeybsan karaa? waxan leeyahay oo aan talo kusiinayaa "Ka fikir oo xasuuso Deriskaagii iyo Qaraabadaadii Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo iyaga isku day in aad ka farxiso Maalmaha Ciidda intii aad awooddo.

    Mar kale Yuusuf waad mahadsan tahay.

    ReplyDelete
  10. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete