Total Pageviews

Wednesday 26 March 2014

Dhallinyarada sida ha loo dhaamo.


Ayax teg, Eelna reeb
Inqaatsa Yusuf-Garaad
Allaha u naxariisto wiilka Sawirka ka muuqda. Xasan Aden Kerow ayaa maanta lagu aasay Baydhabo. Bal is weydii muxuu galabsaday oo naftiisa ku waayay?

Wuxuu tusaale u yahay barbaarta Soomaaliyeed ee qaar ay dileyso xabbad Soomaaliyeed qaarna xabbad shisheeye. Qaar ay goobaha dagaallada iyaga oo dhinacyo kala duwan ka soo jeeda ay iyagu is dilayaan. Qaar kale lagu hayo xabsiyo Soomaaliyeed ama xabsiyo shisheeye iyaga oo ku eedeysan xag jirnimo ama argaggixiso.

Qaarka waxaa u adkeysan waayay ee dibadda u qaxay xaalku uma sahlana. Waxaa sugaya tahriib badda ama lama degaanka ka sokeeda lagu dhimanayo ama lagu siganayo.

Kuwo dalalka deriska jooga oo qaar badan ay yihiin sharci la’aan waxaa ay ku nool yihiin cabsi iyo caga jugleyn. Maanta oo u dambeysay Dowladda Kenya waxay dadweynaheeda ka codsatay qof sharci aan haysan hadday arkaan in ay soo sheegaan.

Bal qiyaas marka aad tahay dhowr iyo toban jir ama dhowr iyo labaatan jir aan sharci lahayn, dalka aad ku nooshay dadkiisa oo dhamina ay amar ku qabaan in ku soo sheeegaan?

Kuwa gudaha ku haray, in badan oo ka mid ah ma haystaan waxbarasho iyo shaqo midna. Daryeel caafimaadna ha sheegin.

Jiilka maanta koraya  intooda ka badbaadda khataraha maxay ku korayaan maxayse berry dalka u qaban karaan?

Jiilka ka waaweyn ee xaaladdan abuuray, ama xallin la’, sow ma noqon doonaan ayax teg, eelna reeb?

18 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb ra'yigaaga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa arin aad u xanuun badan runtii, Yuusuf. Dhallinta Soomaaliyeed waxay noqdeen dhibbanayaal aan loo diirnaxaynin. Waxaan la soconaa dhowr iyo labaatankii sano ee dagaaladda ka socdeen Soomaaliya, waxa dhimmanaayay waxay ahaayeen intooda badan dhalinyaro aan ogayn waxa ay u dhimanayaan. Kan dhintay la gartay, kan dhaawacmay ama ku cuuryaamay dagaaladda haddaad weydiiso waxa uu u cuurmaayay, nasiib darro kuuma sheegi karo, nasiib daradda kale ee jirta waa weeyaan ninkii uu u dagaalamayay xitaa kama warqabo ama ma ogo, daryeel uu siiyo warkiisa dhaaf. Waxyaabaha aan la yaabo waxaa ka mid ah magacyadda loo bixiyey dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah " MA LIIBAANAYAASHA LAGU LIIBAANO " oo loola jeedo wiil yar oo dagaalamaya oo ku taagan wakhti kasta ama inuu dhaawacmo ama dhinto ama uu dilo ama dhaawaco wiil kale oo Soomaaliyeed, balse aan ogayn waxa uu udhimanaayo ama uu wax u dilaayo. Xaqiiqaddu waxay tahay am uu u dhimanaya nin oday ah oo siyaasi ama qabqable ah, oo laba gooraba ninkaasi odayga ah ama da'da ah tiigsanaya dano siyaasadeed oo shakhsi ah, isagoo wiilasha yaryar ka dhigta jaranjaro uu ku gaaro danihiisa shakhsiyeed. Ilaahayow siyaasiyiinta Soomaaliyeed garansii xalka iyo xaqqa oo ka dhig kuwa u diirnaxa dalkooda iyo dadkooda oo ay ugu horeeyaan dhalinyaradda oo runtii ah ubaxii dalka iyo jiilkii bari la wareegi lahaay dalka. Mahadsanidiin

      Delete
  2. Waa Runtaa Waa Xaalad Murugo Leh, Somaliya Iyo Dalaka Dariska Ah Labada Waan U Jeednaa In Ay Dhalinyaradii Dhib Weyn Ku Jirto, Yiusuf Garaadow Hooyo Somaaliyeed Baan Ahey Dhibka znoocaas Ahna Wadanaheyga Uma Adkeysan Karo Runtii Ee Please Arintaas Inta Wax Ka Qaban Karta Oo Awoodeeda Leh Ha U Istaageen Ha La Badbaadiyo Dhalinyarada Meel Kastow Ka Joogaan Dalka , Anigoo Ilmaheyga Ku Heysto Meel Nabad Ah Baan Gariirey Markaan Aqriyay Maqaalkee Hooyada Ama Kenya Ku Heyso Ama Dalkii Hooyo Xaaladeeda Runtii Lama Qiyaasi Karee Allow Amuuraha Fududee Oo Rageena Kuwa Naxa Oo Dhibka Xaliya Inooga Dhig

    ReplyDelete
    Replies
    1. Layla, walaal waad ku mahadsan tahay in aad nala wadaagtay dareenkaaga hooyonimo ee aad ugu danqaneyso da'yarta Soomaaliyeed. Walaal qormada uguma talo gelin in aan kaaga gariiriyo ama uga nixiyo hooyo Soomaaliyeed. Markaa iga raalli ahow. Waxaa ballan ah in aanan ka seexan, lana hor fariisto qof kasta oo aan is leeyahay gacan ayuu ka geysan karaa samata bixinta iyo barbaarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa kale oo aan qabaa in iyaga laftooda abaabulkooda iyo wacyi gelintooda la xoojiyo si ay iyagu ay wax badan isu taraan, ugana fogaadaan waxa aan hore u marineyn. Waad ku mahadsan tahay ducada.

      Delete
  3. hadday da'yartu tahay mustaqbilka ummaddi leedahay, waxaa cad oo marag madoonto ah in Somalia mustaqbil aysan lahayn. waxay aniga ila tahay inta goori goortahay wixii la badbaadin karo in la badbaadsho badbaadin.

    ReplyDelete
  4. aniga fakar ahanteyda waxey ila tahay dalkan ilaa xukunkisa ama hogankisa ay qabtan mid anoo kale ah oo sidan u fakaro oo kale u fakaraya micnaha fakarkeygu wa anigon waxba goyn karen go,ana qadan kareyn hoganka umadan ahay ma,irahden madaxda matana ineysan go.anka dalka iska lahen wa iska cadahay insha alah mid go,an gari karana wa iman wana huba insha alh

    ReplyDelete
  5. ma aqaan waxa an ka sheego qormadan. lkn waa mid aad kusoo koobtay dhamaan dhibka dhalinyarada heeystaa dal joog ama dibad joog darxumaan ku jirnaa cidina nooma diir naxdo anana isma daryeelno dawacooyin diirata ah ayaan hadba daba ordeeynaa. dullownayee masidan baan ku dabar go'i doonaa? mise duulka inaga dambeeyn doonaa diirsandoono?

    ReplyDelete
  6. Arintaan aad ayay u naxdin badan tahay

    ReplyDelete
  7. Runtii waa arin aad iyo aad u xanuun badan waxeyna ka turjumeysaa sida uu mugdi u sii galayo mustaqbalka iyo rajada dhalinyarada soomaaliyeed meelkasto oo eey dunida ka joogaan. Marka waxaan kula dardaarmayaa in dhalinyaradu eey tahay mustaqbalka maanta loona diyaariyaa in eeybyihiin mustaqbalka maanta ma ahan kan bari sida eey dadka badankood hal qabsi ka dhigtaan. Dhalinyaradu waa bulshada laf nabarkeeda, hadii eeysan dhalinyaro wanaagsan aan la soo saarin mujtimaca bulshadaas qatar ayuu ku jiraa. Ee Allow cudurka qabyaalada naga daaweey hadii aanu nahay bulshada soomaaliyeed aamiin. Runtii cudurkaas waxaa looga bixi karaa in bulshada la wacyigaliyo dhaqaalana lagu bixiyo iyo waqti. Marlabaad Yusuf cumar garaad waad mahadsantahay, siina xooji barnaamijyada dhalinyarada ku saabsan.

    ReplyDelete
  8. Sxb yuusuf thank u.......... Dadka waxa waaye Maliibanayaasha lagu liibaano?

    ReplyDelete
  9. inaalilaah wa ina illah rajicuun Allaha u naxariisto wiilka yarka ah ehelada uu ka geeriyooday iyo anagana samir iyo iimaan allaha naga siiyo.waa arin aad unaxdin badan.

    ReplyDelete
  10. ASC, Runtii waa arin murugo badan, maaha jiilka kaliya ee dhib haysataa; waxa muuqata in dhamaan mustaqbalka soomaalida MUGDI badani ku jiro. MA DHADHAWA, waxaad arki iyadoo sii badatey, waxaad arki SOOMAALI BADAN OO LA GAALEYSIIYEY, WAXAAD ARKI SOOMAALIYA OO LAGU ABUURAY DHAMAAN XANUUNADA ADUUNKA KA JIRA, DHAMAAN MUKHADARAADKA ADUUNKA KA JIRA, DHAMAAN DHAQAN XUMIDA ADUUNKA KA JIRTA & QAARKALOO BADAN. WAXAAD ARKI INAADEERKAY, INAADEERKAA & SOOMAALI BADAN OO GAALAWDEY. Hadaan runta laysu sheegin oo aanad naftayda & naftaada ka bilaabin way sii murgeysaa. AAN JOOJINO CALAACALKA WAA IN AAN QAADNAA MASUULIYADA AH IN DHIBKAN AY KEENEEN ADIGA, ANIGA & INTA INALA MIDKA AH. AAN ALLE KA BAQANO, JOOJINO QABYAALADA & TAAGEERIDA CADAALAD DARADA, XAQA U HIILINO DIYAAR U NOQONO INAAN WAQTI, MAAL & NAF U HURNO WANAAJINTA UMADA. KA BILOW NAFTAADA, KADIB QOFSKAAGA, ASXAABTAADA.

    ReplyDelete
  11. yusuf garaad walalow aad ayaad u mahadsan tahay aniga waxan ahay arday jooga dalka india dhigtane madada Public Administration waxaa marwalbo isku dayaa inaan sameyo waxyalo anagane noo fudud wadankeenane uu ku badbaadayo taasne markan ku fikiro dhalinyarada meeshan iila joogto waxey ileeyihin nin yahoo waxa tahay nin walan waxa shegeyso wax soconayo ma ahan timirtii hore ayaa dab loo waayay waxaan ku fikiray waxaa wayay inaan sameyno dadka qurbaha wada joogo in bishii qof walbo oo somali ah oo dibada joogo uu laga soo qaado lacag gaareyso 10$ waa dadka yurub iyo america jooga dadkeenan wax baranayo oo joogo wadamada hindia malaysia chine indinosia ukrain bangaladhesh thailand sudan uganda ina laga aruuriyaa bishi wax garayo 2$ taasi waxeey badbaadineysaa amaanka magallooyinka somalia waxaana xal loo helaa ciidankeena amniga sugayo lama siiyo mishaar toos ah marka adiga xita wad fahmeysaa qof kuu shaqeynayo hadane aadan mishaar sinin sida saxda aad shaqada u rabtay kuuma qabanayo marka haddanu somali nahay inan isku tashano oo cidamadena aan anaga mishaar siisano wadanke side u nabadeyana iyo xarumaha sharci ilaalinta sida ayagane dib loo soo celsho walalo arintaas bal adiga sidee kula tahay

    ReplyDelete
  12. Ac waa mahadsantahay walal qaaliyah ayaa tahay Allah u naxariisto aniga magaceyg waa Guled Hussein oo hada joogo Garissa kenya waxaana u aaday sharci inan soo sameesto waana walwalsanahay hadalkaas aan maanta maqlay sanadkaan bishiisii kowaad ayaa ka imaaday dalkeeyga hooyo aan jeclahay marwalba waxaa Allah ka baryaa inaa ilmaha aan dhali doono DAL nabad ah iyo aan diyaariyo mustaqbal wanaagsan 1990 ayaa dhashay dhicis ayaa ku dhashay mataana waa ahaa ilaa hadana dowlad soomaaliyeed ma arag meel kasta aan marno waxaa nahay shabaab jamacad waa dhameeyay hadana shaqo ma heesto meel inoo fiyoow ma lahan xagee aadaa inta aniga ilamid ka ahna wuu heesta dhib ka su,al hadaa ku weeydiiyo maxaa inoo xal ah yaa Rabbi

    ReplyDelete
  13. Dhalin-yaranimo Cudurada Dillaaga ah halagu Daro, waayo waxa socdaa waa Dabar-goyn iyo yasid, yaraysi iyo ceebeyn, Anigu kelley dhibka aan sugayaa ayaa ka wayn dheefta aan aduunkan ka sugayo waayo waxaan kamid ahay (Dhalinta soomaaliyeed),

    ReplyDelete
  14. Dhalinayarada dhibka haysta waxaa ka masuula waridka dhalay sababtooah iyagoon waxba ugu talagalin bay iskadhalayaan caruur tiradii kabadatay dhaqale uma hayaan waqtina umahayaan ay wax ku baraan hadii waridku qoys yar oo kooban ay yihiin waridku siiba aabuhu xataa haduusan wax haysan wax waa ka adkaan karaa

    ReplyDelete
  15. Yuusuf, Soomaali waa ladhexjoogaaye waxba iyadu madhexyaalaan.

    ReplyDelete
  16. Yuusuf 1001 jeer ayad mahadsantahay, dhibatada in heesta laga xariiqo ama laysu sheego waa qayb ka mida xalka waan niyad jabsanaa laakin markan arkay masuul sidan u fakiraayo iyo dhalinta commentiyadooda niyada ayaan dhistay waxana aaminsanahay in xalku dhawyahay hadii gacmaha lays qabsado, yuusuf garaadow dadaalkaad wado Ilaahey hakuugu garab galo halkaana kaga haay,, somaliyey faraj ayaaa dhawaaaday

    ReplyDelete