Total Pageviews

Saturday 29 March 2014

Dood


Ma isku filan nahay?
Inqaasta Yusuf-Garaad


Waxaa la i weydiistay in aan ka qeyb galo barnaamij dood ah. Waxaa la is weydiinayaa ayaa la igu yiri su’aasha ah:

Soomaalidu ma isku tashan kartaa? Oo inta ay iyadu dhexdeeda ka heshiiso wax ma wada qabsan kartaa?

Aniga waxay ila tahay in jawaabtu ay tahay Haa, inkasta oo ay tahay mid adag.

Waxaan weliba u qabaa in haddii Soomaalida laga waayo in ay iyadu is afgarad gaarto, in aanay jirin cid is-af-garadsiin karta.

Maxay adiga kula tahay? Maxaan kaa geeyaa goobta?

Aad baan kaaga sii mahadcelinayaa talada aad igu biirin doonto.

Mahadsanid.

55 comments:

  1. Fadlan taladaada halkan iigu reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf mahadsanid kadib Haa somalidu wey heshiin karaan hadii laga dhex baxo oo la yiraahdo xal gaara runtii sida aad sheegtay waa mid adag Lkn ugu danbeyn waa is af garad iyo aan wax wada qabsano Lkn ha iloobin in aad dooda ka sheegto arrinka ah in la hello somali kala danbeysa si xushmad ahaaneed oo iyo mid ka yar uu ka danbeyo kan weyn si xal loo gaaro


      Aniga waxan Ku noolahay south Africa markii arrin la isugu yimaado dad koofur afrikanka ahu wey garramaan mana isku buuqaan ayagoo waliba aan isu heyn xushmad gaar ahaneed ayey sidaa Ku dhaqmaan marka ay timaado in wax la xaliyo marka dadkeena is maqalka ayaa ka ma maqan 2dii meel gar isugu soo fariisato mural iyo buuqaan ayey Ku bilaabaan xaajada !

      Delete
    2. "Abeeso ku cuntay afka uma roona" waa maahmaah somaliyeed.

      Waxaan ula jeedaa "maya" oo somalidu ma taahan karto in layiraah wey adagtahay, oo waa quus kama danbays ah.

      "Haa" hadii aan iraahdana waxaa imaanaysaysa su'aal kale oo ah: hadaa may tashadaan? 24-sano iyo hada oo ayna muuqan rajo wada hadal xal guud lagu doonayo ayaa u baahan in laga jawaabo.

      Mrka, Yuusuf wax aan ku faro oo aad iga geyso ma hayo.

      Ama intaa qudheeda iga gee.

      Mahadsanid

      Delete
    3. MAYA JAWAABTU WAA MAYA HORE UMA AYSAN HESHIIN YACNI WALIGOOD ISMA FAHMIN DHEXDOODANA WAX MA ISKU AFGARAN WALI TAARIIKHDU MA QORIN TUSAALE DAWLADAAN HADA JIRTAA MARKII LADHISAYEY WAX SOMALI KU HESHIISAY MA AHAYN EE MR MAHIGA AYAA MAR KUU ARRAY DADKAAN AYUU ASAGU TALO IYO GO'AAN QAADAY WUUNA KU MAHADSANYAHAYYY

      Delete
    4. Aniga waxaad iga gaysaa sidan: Somaliland iyo Puntland waa dad iyagu wax qabsan karaa waxaana marag u ah sida isu-tanaasul-ka ay uga gaadhaan arimahooda, laakiin marka laga hadlayo Somalia inteeda kale, waxay ila tahay inaanay wada tashan karin, waxaana waxaana ina tusaysa Rubuc qarniga ay rafaaka ku soo jiraan. xalka ugu dhawina waa in Trusteeship dib loogu celiyo, waayo Amisom-na waxay u muuqataa inay meesha ka dhigatay mashruuc aan la rabin in mushaharkiisu dhamaan. Hassan Suud, Adcovate, Legal Clinic

      Delete
    5. Soomaali markaad leedahay Yuusufow yaad u jeedaa? Maa Soomaali oo dhan oo ay ku jirto Jibuuti, kuwa degan Ethiopia, kuwa degan Kenya, Somalia iyo Somaliland. Soomaali aniga aragtidayda waa dad badan ee ha isku qaadin. Talo toosan si aad u heshona halkaas ka bilow oo xadid Soomaalida is-haysa ee talada u baahan. Mahad sanid.

      Delete
    6. haaaa tusaale waxaa u ah maxaakiimtii islaamiga ee qabiiladii markaa ku heshiiyey wax badan ka badalay xaaladdii amaan iyo middii siyaasadeedba

      Delete
  2. Mudane jawaabtu waa HAA way isku tashan karaan hadday is qiimeeyaan isna maqlaaan is aaminaana soomaalidu ha qaadato talooyinka wan wanaagsan waddan dad aad u yarbaa samata-bixiya

    ReplyDelete
  3. Haa Way Isku Tashan Kartaa Weyna Hashiin Kartaa Si Fudud Walibana, Hadii La Helo Rag Ay Intaas Ka Go, antahey Oo Wax Kale Aysan U Dhadhameyn, Dhibkaan Hada Taagan Rag Baa Abuurey, Hadii La Helo Rag In Ay Naga Saraan Diyaar U Ah Oo Aan Indho Iyo Dhego Kale Qabin Waa Sahlanaaneysaa. Inta Ka Horeyso Rajada Lugu Gaarayo Ma Sahlana.

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid marka hore sida aad ujeceshahay afkaar wada wadaaga waana sunandii Nabigeena NNK.Waxuu ah qof dadka la tashto.asgooo waliba waxyi samada ka helaayay hadana talada dadka waa uu qiimeyn jiray.
    Su aasha hadaan isku dayo ka talo ahaan.Somalidu..waa tashan karaan lakiin ayaa ku jirrto waxana waa wada qabsan karaan.lakiinta hadan sii jilciyo Somaalida maanta ...wada tashigooda waxaa ka maqan is aaminid marka hore dad is aaminsan ayaa wax wada gaari karo.haday heshiis dhab ah wada gaaraan dhaxdooda waxaan ku rajawaynahay inaan nahay dad tashankaro tashan jiray lakiin towfiiqdii yara seegtay.waxaan kaloo hadalkeyga ku xoojinayaa iney tashan karto somaalida is aaminsan waxaa tusmo iyo talo cad inoogu filan Somaliland iyo putland oo ah somali kaligood tashtay waliba dadka lama xasdee somaliland sida aan taarikhada ku hayo geed hoostii ayay taladooda ku goosteen .putland waataa tashatay marka inaan somalideena kale tashano waan awoodnaa ee is aaminaada yaa ka horeeyso wada tashiga ayay ila tahay aniga .
    Axmed Dhagaxtuur .....

    ReplyDelete
  5. asc wr wb Yuusuf, magaceygu waa Abdikarim Mursal Farah, jooga magaalada Cape Town ee dalka South Africa.

    marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa fursadda aad inoo siisay ra'yiga yaga, aniga waxay ilatahay sida aad sheegtay oo ah in Soomaalidu isku filantahay oo is afgarad iyo wax wada qabsi gaari karto waa haddii la helo hogaan go'aano adag oo ka mira dhalin karo wixii lagu wada heshiiyay, ha ahaato qabaa'il wax ay ku hehsiiyeen ama mid mid dowladeed kuu doono ha ahaatee.

    Talo bixin: aniga waxaan ku talin lahaa laba qodob midkood, 1. in maamul gobaleedyada faraha badan oo si madax banaan uga qeeyb galaya shirarka caalamiga ah sidii dowlad wadanka katalisoo kale. 2. in hada Soomaaliya loo sameeyo dastuur ay qarayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo kafog danaha shisheeye laguna saleeyo diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

    hadii labadaas lahelo waxaan aamin sanahay in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagi doonto, laakin hadii aysan dhicin waxaa dowladda Soomaaliya dhib ugu filan maamul gobaleedyada garab maray dastuurka naloo soo meeyriyay.

    mahadsanid Yuusuf.

    ReplyDelete
  6. Soomaali waa tashan kartaa waana heeshiin kartaa. Mar walba waxaa khaldku ka jiraa dadka la heshiisinayo dadka kala matala. Hadaan hogaanka kuwa sheegta ee reeraha soomaalida kala matala, wax laga bedelin hab dhaqankooda iyo sida lagu soo xulo, soomaali waqti dhow ma heshiinayso. Dad og waxay ku dirirsan yihiin, way gaari karaan heshiin waxna waa qabsan karaan,

    ReplyDelete
  7. Yuusuf aniga waxay ila tahay in xalka uu ku jiro, inaan isfahanno iskuna tashano. Hadii laga sugaayo ummadaha kale ee dunida ka jira iney wax noo qabtaan, waxay ila tahay waan hurudnaa oo Turkigaas noogu horeeya ayaaba hada Raisal wasaarahoodii mushkilaad ku furanyihiin, Marka waa inaan wajahnaa mushkiladaheenna, oo aan isku kalsoonaanaa.

    ReplyDelete
  8. Jawaabta oo koobani waa maya, Waayo soomaali ismaba haysto, Nimanka is haystaa waa siyaasiyiinta madaxda ah iyo inta quuddaraynaysa in ay madax noqdaan , mid walibana si uu ka ksle iskaga celiyo waa in uu xidhiidh dhow la yeesho gumaydiga cusub ee raba in uu Soomaaliya u gumaysto si dadba, hadii ay u suurta gashana si cad

    ReplyDelete
  9. XIldhiban Publications:- Marka hore iga guddoon salaan kalgacaltooyo, salaan diiran ka dib, Shaki kuma jiro in Soomaalida dhexdeeda ay ka heshiin karto, waxna ay wada qabsan karto, waase haddii beesha CAALAMKU daacad ka noqoto dowladnimada Soomaaliya.

    Mahadsanid.

    C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
    Qoraa Taariikhda, Siyaasadda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida
    London

    ReplyDelete
  10. cajiib "hadii nabar uu qofka kaga dhaco xubin jidhkiisa kamida waxa sahlan in uu garto halka xanuunaysa kadibna dawo lala radiyo waxa uu xanuunku yahay bogsiisa lakiin hadii qofku uu xumadi hayso magaran karo meel xanuunaysa balso si uu horta wax u kala garto waa in xumada laga jebiya" somalia waxa lagu muday xanuun laga soo shaqeeyey mudo dher waxana la gadhay xiligii xanuunku dili laha waxan uga jeeda xiligii burburka somalia iman laha inuu hada yahay, hadan u so noqdo su asha jawabteedu wax dhaw ee waa hal shay oo keliya inay intii ismamuli kartaba is maamusho waxa laga yaba in imika ay ku dhibto jawabtani waxa se aad ogtahay (damaca reer galbeedka + danaha qarson ee carabta + ujeedoyin cad ee wadamada deriska ah) hadaba weriye yusuf garad SU ASHA JAWABTEEDU WA QOF GOD MADAW GALAY wuxu lakulmina aan ogayn

    ReplyDelete
  11. Soomaalidu waa dad heshiin kara. Waxa ku kala qaybsanyihiin waa arrimo yar, iyo kala shaki qabyaaladeed. Waxaa loo baahanyahay si aynu dawlad u noqono in qof waliba is bedelo oo niyadiisa ka saaro inyar oo qabiil ah, kolkaas qofku is waydiiyo muxuu u qaban karaa wadankiisa si dawladnimo taam ah loo hello. Kolkaas ayaa in qofwaliba u huro waxa uu awoodo -waqtigiisa, caqligiisa, maalkiisa- si dawladnimadaas loo gaadho. Sheeko fadhikudirir ama falanqeyn iyo inyar oo madax ah in wax laga sugo gobonnimo ku gaadhi mayno. Waxqabad dhab oo gudaheena ah ayey soomaali gob ah ku gaadhi karnaa.

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid Yusuf.
    Waa hubaal in somalida isku tashan karto, somalidah maanta age ahaan 25 ilaa 35 waa dad qabyaalada ku yartah bisil laakin ubaahan in si fiican loo manage gareeyo. Somalida waa dad firfircoon laakin hormoodkoodah ayaa ah dad musuqmaasuq iyo qabyaalad iyo xatooyi ku weeynaadey. Waa hubaal jiilka cusub hadee heleen jiheyn wanaagsan somali cid uma baahno .

    ReplyDelete
  13. Jawaabtu waa maya ilaa la helo Hogaamin lagu kalsoonyahay

    ReplyDelete
  14. Anigu waxaan odhanlahaa soomalidu iskufilnaansho magaadhin wakhtigan marka hore ilaahay inaan waydiisano kaalmo marka xiga soomaalidu waa inay dadaal layimaadaan oo wixii aan qabsankarno aanqabsanaa kadib markii la arko umad waxqabsanaysa oo horay usocota ayaa aduunka wixii waxkula qabanayaana ku caawin markaa ma odhankarno iskufilaansho ayaan gaadhnay laakiin waan gaadhikarnaa sifudud weeyaan ujeedadu.

    ReplyDelete
  15. Asc waad ku mahadsantahay Yusuf Garaad ra'yigaada oo aad noo soo bandhigtay iyo Fursad aad noo siisay inaan fikirkeena ka dhiibanao.
    Waxay aniga ila tahay in ay soomali heshiin karto, ayna ka heshiin karto wax walbo, laakin waxaan ubaahanhay siyaasiyiin wadaniyiin ah, sidookale waxaa loobaahanyahay dhalinyaro dusha saarata xaalada adag ee ay mareeso soomaaliya, kana fikiraan soomaaliya sidee loo dajinkaraa oo dadka dhibaatoyinka kala tabanaayo sidee loo heshii siin karaa, waxaa kaloo loo baahan yahay in lafahmo kursiga somaliya ama madaxtinimada soomaaliya in lahelaa inaysan macno bada keeneyn ee sideen soomaliya dhibka ugu bixinaa waa in lays waydiyaa, sidookale xiliga yaa dhibka naga bixinkara, siduu dhibka inooga bixin karaa, maxaa ka hor imaankara qofkaa doonaya in uu dhibka ka bixiyo soomaliya, waa in daraaso badan laga sameyaa arimahaan oo kale, laakin hadaan ku jirno maalin walba sidee u heshiinaa, laakinsa aysan madaxda ama dadka xukunka hay markii ay kursiga ku fadhiistaan aysan wax is waydiin, dhibkaan waan ku sii jireeynaa,
    Marka aniga waxaan dhalinyarada soomaliyeed u soo jeedin lahaa in ay wax qabsadaan oo ay fadhiga ka kacaan, una istagaan wadankooda ayna gacmaha is qabsadaan, ayna samestaan urur ay ku mideesan yihiin,
    waxaa kaloo boobaahan yahay in raga wax bartay in ay doolada ku taageraan waqtigooda 2 saac ama 3 saac ugu yaraan, dadii ay ahaan lahay in ay ka shaqeyaan dhanka wacyi galinta, dhanka amniga, dhanka wax barashada, laakin taasi waxaa qabankaro dhalinyaro doonesa inay ugar gaarto soomaaliya, dunidan horumartay waxay wax ku gaartay wada shaqeen. hadii aan lahelin wada shaqeen wax inoo qabsoomaayo malaha oo mesha aan hada taaganahay inaan kasii hoos marna moyee wax inooma qabsoomaayo, fikir ahaan intaas ayaan qabaa,
    waxaan ku kalsoonahay soomaalida, aduunka waxuu isku heestaa fikin laakin anga maba gaarin inaan fikir isku qabsano ee waxaa la'nahay doolad shacabka soomaliyeed wax u qabata oo amniga u soo celisa oo xili walba meshuu doono wax ka barankara, ama wax un qabsan kara, taasina waxaan ku heleenaa oo kaliya inaan isku tanaasulno oo qalbiga isku furno oon is dhageesano waliba waxaan u baahanahay inaan wada tashiga badinaa, kheer moyee shir inoogama imaaneso,
    waadna mahadsantahay Al ustaad Yusuf Garaad...

    ReplyDelete
  16. yuusuf-garaad cumar marka hore waan ku salaamay, salaan kadib,
    runtii jawaantu waa sida aad sheegtay oo ah HAA, balse waxaa loo baahanyahay in dadka soomaalida ah wakhti xaadirkan aan laysugu keeni karin xagga siyaasadda markaas haddii aad ka hadlayso siyaasad waa inaad ku xisaabtanto in dadku 20 sanno ka badan kala afkaar ahaa oo ay adagtahay inaad qof ku canciso wuxuu 20 sanno maqlayay inaad badasho. waxaanse ku talin lahaa in howsha siday u kala horrayso loo lakala guro oo aan marka hore siyaasad laga hadal inta xal laga gaadhayo nabadaynta. mahadsanid

    ReplyDelete
  17. HAA, Soomaalidu waa isku filantahay oo isku tashan kartaa. Sida ad qabto si la mid ahna haddii aanay Soomaali heshiin karin shisheeye iskuma qasbi karo ayaan qabaa. Se marka runta laga hadlo ma sahlano inaan heshiino Soomaali ahaan wa'ayo heshiis dhab ahi waxa uu iman karaa uun kadib tanaasulaad badan markii ay sameeyaan bulshooyinka Soomaaliyeed qaarkood ama gabi ahaantoodba. Tusaale ahaan waxa jira gobolo Soomaaliyeed oo nabdoon, nabdoonaana illaa iyo dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyay. Goboladaas waxa ka jira maamulo wax fiican ka qabtay nabada adkaynteeda iyo adeegyada bulshada, kuna tallaabsaday horumar la taaban karo marar badan. Dadka goboladaasi nabdoon degani ma rabaan inay ku khamaaraan xasiloonidooda iyo waxa ay dhisteen in laga burburiyo taas awgeed kuma dhiiran karaan inay si dhamaystiran isugu dhiibaan dowlada federaalka ah ee Muqdisho maanta ka jirta. Laakiin waxa la arki inay ku dhici lahaayeen inay isu dhiibaan oo isu xoolo darsadaan dowladaasi Soomaaliyeed haddii hogaanka dowlada ee maanta jiraayi uu samayn lahaa tanaasulaad. Caasimada oo Garowe ama Bosaaso loo raraayi waxay suuro galin kartaa in halkaas ay ka abuuranto dowlad awood badan oo Soomaaliyeed. Hogaanka Puntland oo lagu casuumo ka qeybgalka hogaaminta dowlada federaalka ahi waa tallaabo suuro galin karta in maamul goboleedka Puntland uu toos u hoos tago dowlada federaalka ah.

    Maxaa qasab ka dhigay in Soomaaliya ay ka bilaabanto kuna dhamaato Muqdisho. Intaas oo goor ayaa la isku dayay inay dowlad Soomaaliyeed ka hanaqaado Xamar laguma se guulaysan. Goormaan qaladkaasi wax ka baran doonnaa? Goormaan ka waantoobaynaa inaan ku adkaysano waajibnimada ah in Xamar ay noqoto caasimada Soomaaliyeed. Miyaanay ka weynayn badbaadinta qaranku in Muqdisho caasimad noqoto? Miyaanay ka weynayn badbaadinta qaranka iyo magaca Soomaaliyeed in hal beel uuni madaxweyne noqoto? Maxaa diidaya in Cabdiweli Gaas ama Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo uu madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed noqdo tiiyoo la eegayo sidii loo soo jiidan lahaa beelaha Soomaaliyeed oo dhan.

    Rajo badan ayaa ii muuqata haddii Soomaaliya laga bilaabo Puntland amaba Somaliland, kadib markii laga dhaadhiciyo madaxda beesha Hawiye inay markan tanaasulaan; madaxda maamuladana inay taariikhda dib usoo noolaynta qaranka Soomaaliyeed baal dahab ah ka galaan. Ilama aha inaanay Puntland fikirkan soo dhawayn doonin – aad bay ugu riyaaqi lahaayeen baan filayaa. Hada la soco oo hay malaynin inaan u hiilinayo dad an isu beel nahay; anigu waxan ka soo jeedaa gobolada waqooyiga (Somaliland).

    Kama an saarin meesha suurto galnimada in markii wadanku dowlada federaalka ah gacanta usoo wada galo oo nabad dhidibo adag ku taagan la helo in caasimada dib loogu raro Muqdisho ama meeshii kale ee la rabo.

    Mahadsanid
    Hassan Deri

    ReplyDelete
  18. magaceyga waa salaad abukar oo ku nool swedan marka hore waan ku salaamay yusuf garaad marka xiga jawabta su aasha waa haa waxana daliil u ah in soomalidu kaligeed tashan karto go aana gaari garto markaan xurnimada dooneynay cidna kalama tashan cidna gacan nagama siinin waxaan mideynay fikirkeena iyo maskaxdeena iyo caqligeena iyo taladeena iyo inaan ismaqalnaa dhaxdeena oo aan kala danbeynaa taas ayaana ku gaarnay gobanimada somaaha hada xiligaas waan ka aqoon badanahay balse waan ka caqli xunahay sababtoo ah inta xun iyo inta san waxaa batay inta xun insha allaah maquusaneyno dadaalaana waa gaara dadaaalka hala badiyo fikirka iyo caqliga iyo talada aan mideyno soomaaliyeey

    ReplyDelete
  19. Somalidii isku tashan lahayd ta hada joogta ma aha ..waa in loo taliyaa oo la kala nabad geliyaa tan oo weliba haday suurto gal tahay trusteeship lagu celiyaa

    ReplyDelete
  20. asc marka hore suxufiga weyn ee somaliyeed. Magaceygu waa c,rashiid c,laah , hadaan ka hadlo fikirkeyga waa sida aad jwbta u sheegtay uu ah (haa) Somalido wey hasheen kara hadey umaraan sharuucda ey umidi ku heshiiso waxan is leeyahay hadey rabto somali iney heshis waa in ey latimaad qudubadan eyna isku afgartaan 1_umadda uu dhan wa in ey ilaahoda weyn u noqdaan oo ey danbi dhaaf weydistan 2_ in ey umadda is cafiyaaan ey qaluubtoda isku furaan gaar ahaan dadka wax kala tabanaya 3_dham somalida wa in ey garawsadan
    dadnta guud in ey ka hureyso midda gareed,isfahmaan ,quluubta isku furaan waxe horay u dhaca lahilmaao bug cusb lafuru lagana fikiro fac hada jira sidey u helilahayan nolosha waxa ey ugu bahan yihin taas uu muhimadeydo tahay jiilba jiilka kadanbeeyo in uu ka dhaxlo wanaag iyo hormar ......

    ReplyDelete
  21. Haa oo waa ay isku filan tahay haday caanahooda iyo hilibkooda isku casumaan oo meel wada fariistaan si dhab ahna u wada xaajoodaan oo kitaabka illaahayna kitaabkiisana isku dhaarsadaan wey isku filan yihiin hirgeliyaana wixii ay isku dhaarsadaan oo ku balameen isna cafiyaan wixii ay horey u ga dhacay oo dhan.

    ReplyDelete
  22. Yusuf,ugu horreyn waan kaaga mahad celinayaa sida joogtada ah ee aad fikradaha muhiimka ah iyo wacyi galintaba ula wadaageyso dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala aaladda internetka.
    Sida aad u sheegtayba,anigu waxaan qabaa in ay Soomaalidu heshiin karto,waxaanan taas ku saleynayaa:
    1) Soomaalida oo ka daashay dagaal sokeeye iyo rafaadka dowlad la'aanta oo aan sidii hore loogu tumi karin durbaan qabiil
    2) Caqiidada diinta Islaamka oo qabta inaan raxmadda Ilaaheey laga quusan(heshiiska).
    3) Soomaalida oo leh dhaqan haddii lagu dhaqmo heshiis lagu gaari karo.
    4) Khilaafaadka u dhexeeya Soomaalida oo aad uga yar kuwa heysta waddamo badan oo QM xubno ka ah,gaar ahaan kuwa dariska nala ah.
    5) Soomaalida intooda badan oo ay u muuqato in lagu hayo dibindaabyo aan dhammaaneyn oo lagu kala qeybinayo si looga gaaro dano gaar ah oo ay leeyihiin dalal kale.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  23. Salaan kadib,

    Yusuf Garaad waxaan kugu biirin lahaa dhowr arimood oo ay ugu horeyso Jawaabta oo ah HAA.

    Waxaan kaloo raacinayaa in Somalida laga daayo fara gelinta iyo heshiisyada shisheeyaha ee shirkadaha shidaalka iyo shirkadaha ciidamada illaa la helayo dowlad dalka wada hanata oo leh awood ay xuduudaheeda ku ilaashato. Inta ka horeysa oo ay dowlado iyo shirkado kala dano ah ay dalka isku heystaan ma dhacayso in dalku dago.

    sida BANCROFT, AMISOM, SOMA OIL & GAS EXPLORATION LIMITED, SOMA OIL & GAS HOLDINGS LIMITED.

    http://wck2.companieshouse.gov.uk//compdetails

    IYO

    http://wck2.companieshouse.gov.uk//compdetails

    ReplyDelete
  24. Haa, way isku tashan karta, sababtoo ah waa dad isku af ah, isku dhaqan ah, dawladnima soo wadaagay, qabiil qabiilna u degen oo xeerar dhaqameed kala leh, xigto, xidid iyo caws wadaagba noqday, haddii deeggannada isu dhaw marka hore laga bilaabo, kadibna loo gudbo dhammaan degaannada Soomaalida waxa hubaal ah in ay wax isla garan karaan, hadday kala go'ayaan iyo haddii ay midoobayaanna halkaas lagu goyn karo, turxaanta iyo colaadana lagu joojin karo, inta diin u dirirka ku gabanaysana la isku warraysan karo oo dhinac looga soo wada jeesan karo, haddii diinta islaamka siday farayso ay xandaabkeeda ka gudbaan

    ReplyDelete
  25. Sida annigu aan qabo, Soomaalidu hadii aysan aydu is fahmin in cid kale is fahansiiso iska daaye maba fahmi karto wax ay isku hayaan cid kale.

    Sida aan maqlay, hada ka hor baa Nelson Mandela waxaa lagu yiri nin weyn oo la xushmeeyo oo african ah baad tahay ee maad soomaalida kala dhex gashid. Sida la igu yiri waxa uu ku jawaabay in aan kala dhex galo waxaa ka horeeya in aan si sax ah u fahmo wax ay soomaalidu isku hayaan oo aysan ayagu ku heshiin karin.

    Waxaan heshiinaynaa markaan ogaano in wax walba oo aan raadinayno aan anagu haysano ayna haboon tahay in aan masaalixda is waafajino oo aan ku heshiino.

    ReplyDelete
  26. Yuusufow Waqtigaan la joogo MAYA.
    ilaa nala qabsado oo axmaaro ama balaayo kale gumeesi cad lasoo baxdo, oo Somali aragto in hal cadow naga wada dhexeeyo markaas ka hor ma isku filnaan karno.

    ReplyDelete
  27. jawaabtu waa haa waxaana tusaale u ah maxaakiimtii islaamiga oo qabiilladii markaas ku heshiiyey wax badan ka badalay xaaladdii siyaasadeed iyo middii ammaanba

    ReplyDelete
  28. Somalidu horta way badan tahay oo waa qoomiyad dhan, waxayna kala dagantahay jabouti, kililka 5aad, Kenya NFD, Koonfurta somalia, iyo somaliland ba intaas dadka daga ayaa la isku yidhaahdaa QOOMIYADA SOMALIDA,

    Umalayn maayo inuu khuseeyo maqaalku jabouti iyo NFD iyo DDS midna, Laakin waxa uu khuseeyaa intii 1960 kii israacday ee la isku odhan jiray JAMHUURIYADA SOMALIA. oo ka koobnayd somaliland iyo somalia

    hadii xaal sidaa yaahay oo somalia dagaalo sokeeye ka dhaceen oo la is wada dilay haba lagu kala badnaadeee,, SOOMALINA LAWADA YAHAY
    Ma is waydiisay maxay somaliland u dagantahay?
    siday wax ku bilowday?
    yaa goob jooge yaal ka ahaa markay shirayeen?
    ma turjumaano ayay u baahnaayeen mise intaba iyagaa isku ahaa oo xataa shilimaad ka ay shaaha ku cabayaan iska soo ururiyay/?

    Ceeb maaha inay koofurta somalia kudayato somaliland siday puntland ba ugu dayatay.

    sidaad adiguba sheegtay waxaad tidhi su'aashu way adagtahay? WAA RUNTAA

    Maxaa adkeeyey su'aashan weeyaan haddaba?

    1. dadka daga magaalada Muqdisho run iskuma sheegaan waligoood
    hadii run lagu wada dhaqmiwaayana waligeed jaantaa rogan ayay noqonaysaa
    2. waxay aamin sanyihiin hadii nabadi dhalato in ganacsi badan oo ay haystaan uu ka lumi doono sida aya dadka qaar ku doodaan. markaa waa inay qul qulatooyin ka shaqeeyaan waligoodba. ogowna caasimadii ayay dagan yihiin
    3. malaha qaab dhisimeedka ay leeyihiin qabaa'ilka kala ee waawayn ee somalidu sida isaaqa iyo daaroodka,, waxan ka wadaa oday ddhaqameedku iyaga xagooda waxa ka awood badan inan yar oo qori sita,, markaa dhagta kaliya ee ay wax ka maqlaan waa xabad iyo isku xoog sheegasho garasho kale DAAAA, Waxay yidhaahdaan odaygii rajiimka ahaa ee siyaad bare ayaa yidhi HAWIYE XABADA ka ilaaliya ISAAQNA xukunka ka ilaaliya isagoo reerkiisa la dar daarmaya

    dadka ilaahay in xun iyo in sanba way leedahay oo dood ka dhigan maayo lkn reerkaa muqdisho daga 20sano ayay dhex dooda heshiin laayihiin, waxay ku doodaan in ay gacan shisheeye ku jirto, gacanta shisheeye ma la luqadbaa cidii aan ku hadlayn luqadooda miyay iska dhex saaraan.

    aan usoo noqdo su'aasha
    Soomaalidu ma isku tashan kartaa? Oo inta ay iyadu dhexdeeda ka heshiiso wax ma wada qabsan kartaa?

    aniga waxay ila tahay is fahamka somalidu inuu adagyahay, waayo kubadu kolba nin ayay taagantahay, hadaan shalay anigu (SOMALILAND) talo ku keenay labadii xoroobay aan isku darno,,, haddana anaga maanta waxay naga taagantahay Somaliya MAYA,,,

    sababo badan ood ka dharagsantahay awgood,, yaa haddaba laga rabaa xalka hadii somaliland sidaa yahay go'aan keedu?

    1. waa in koonfurta somalia aya lakaalaydaa HADAL GARA OO GOBI KUHAASAWDO,

    2. waa inay gartaa waxa kala gudboon somaliland

    waa markaa marka aynu ka jawaabaynu somalidu ma isku tashan kartaa mise way kala tashan kartaa intaa ka horaysa waa la iska laa laadayaa uun

    ReplyDelete
  29. Yusuufoow, Somaalida laga hadlayaa hadday tahay Soomaaliya ama Soomaali oo dhan way kala duwan tahay. Soomaali intay isku timaado, tashan kartaa maanta ma suurtoobeyso, oo Doomaalida Jabuuti, Somaliland, Somaaliya, Itoobiya iyo Kiiniya ku kala nool, waxa maanta ka dhaxeeyaa Afka-Soomaaliga iyo Isirka Soomaalinimo ma dhaafsiiisna. Taladu hadday mid siyaasaddeed tahayna, weligeed suurtoobi meyso taasi. Soomaalida laga hadlayaa se hadday tahay Soomaaliya. Haa way isku tashan karaan, sida walaalahooga kale. Sida reer Somaliland ayey isku tashan karaan, Sida reer Jabuuti ayey isku tashan karaan IWM.

    ReplyDelete
  30. marka hore somali ma wada dagaashana ee dagaalku waxa uu ka jiraa caada qaatayaal oo aan aqoon laheen laakiin garanaya lacag qadasho ilaa kuwaas laga cirib tiro dalka wax suurto galaaya ma jiraan

    ReplyDelete
  31. haa, soomaalidu waa heshiin karaan, waxayse ku heshiin karaan oo keliya shareecada islaamka. tusaale fudud u qaado lixdii bilood ee maxaakiimta, wax kale haddaad gayso adi lee waaye., mahad allaa leh.










    ReplyDelete
  32. Bismilaah

    Haaa waan isku filanahay waana isku tashankarnaa 1Dad ahaan 2 Dal ahaan 3 Diin ahaan 4 Dowlad ahaan 5 Calan ahaan iyo waliba Af ahaan yacni luuqad ahaan qof walba oo soomaaliyeed intaa in aan iskugu filanahay waa ogyahay qalbigiisa ayeyna ka guuxaysaa waana sugaynaa xiligay doonto ha noqotee kolay waa maalin ka mid ah maalmaha 7 ah kana sii mid ah bilaha 12 ka ah cid maanta og xiliga ahay tahayna ma jirto aan alle ka ahayn ilaahow noo soo dedeji adaa awoode Yusuf garaad sxb aamin dheh Wabilaahi Towfiiq

    ReplyDelete
  33. Yusuf sxb Soomaalidu wax walba wey qabsan kartaa, gudaheedana isma dagaashana ee waxaa is dagaalsan rag aan annigu u aqaano xirfadlayaasha qabyaalada. oo ah siyaasi aan kala saari karin qabiilka iyo waajibaadka qaran.

    Sidaa darteed inta ragaasi wali talada hayaan ama u haliilayaan Soomaaliya iskuma tashan karto.

    Mahadsanid
    Ayaanle

    ReplyDelete
  34. waxaan qabaa inaan isku filanahay hadaan tallo saarano allahii na qalqay

    ReplyDelete
  35. Asc Walaal Yusuf waa suaal qof walba u cad jawaabtuna waa haaaaaaaa!.
    Laakiin waxay taas ku dhici kartaa hal shey oo keliya taasoo ah marka hore waxkasta oo la qabanaayo waxay u baahan yihiin gundhig iyo cid hogaamisa, marka soomaalidu waxay isugu filaan kartaa oo keliyaa inay hesho cid jidkaas ku hogaamisa gundhigna uga dhigta cadaalad. Markaas waxaa lahubaa inay isku filaanayaan wax kastana ka gudbayaan ogow soomaalidu calool ku qaad ma leh waana dadka ugu fudud in la hogaamiyo.ku darsoo soomaalidu ma kala maaranto.

    ReplyDelete
  36. Yuusf garad iyo dhamaan ista ka soo qeeb gashay tala siinta walaal keen yusuf dhamaan waan idin salaamay ma doonayo inaan sii badiyo qoraalka jawaabta waa inaan wada taabanaa... Somaliya Wey isku filan tahay ee ha ka dhax baxaan dhinacyada kale ee aan somali aan eheen talada dalkana ha inoo daayaan waa hadii la doonayo xal dhab ah oo waara mahadsanidiin dhaan

    ReplyDelete
  37. wan ku salamayaa marka hore Yusufow, marka xiga waxaad iga geysaa inaan isku filanahay lakiin aynaan ka dhamayn caalamka intii samajecle ah. hadii aan arintaa xogaa sii dhex galo waxay oran lahaa horta aan helno sxb adag oo aan ula jeedo wadamada xoogga weyn leh, wadamada dhaqaalaha haysta laftooda waxaan uga baahanahay kaalmo. inta aan intaaba la gaarinse waxaan u baahanahay HOGAAN weliba furfuran oo intaa aan sheegayba meel marin kara. taasi waa dhanka sxbada iyo hogaanka. hadii aan usoo laabto shacabkeena iyo bulshadeena inta aqoonta leh, waxaan idin xasuusinayaa ama aan farayaa inaydaan ku degdegin hogaanka ama hada jira ama imaan doona oo curdunka ah. waxaan idin leeyahay dhalaanka saanqaad ah aan hadal adag iyo hagardaamo midna xamili karin ee codkiinana kii wax u dhibi kara uga tura, garab istaag aan hagar lahayna siiya. yusuf dhanka tacliinta, waxaad moodaa oo keliya inaan barano wax aan lahayn YOOL ama higsi waxaan leeyahay hala helo tacliintii badda, beeraha, dhismaha berriga, dhismaha wadooyinka, dhismaha maraakiibta, xanaanada xoolaha iwm. waxaad moodaa dhalinteenii inay ku wada haminayaan sidii aabe yaasheen oo ahayn (ka dhereg oo ka dhoobo) taas oo an ula jeedo (hawl yar iyo hanti boob ah oo badan). iga raalin noqo wax badan oo aan qof iga dhegeysta waayey baa iga buuxee hadii hadalku isku milqo.
    Qore Axmed Maxamud Axmed. (Geedgale)

    ReplyDelete
  38. Yusufow somalidu ma dagaalsana soomaalidu waa heshiis waxayse u baahan yihiin hoggaaniye daacad ah ogna waxa uu qabanayo aqoonna u leh labo tusaale 1-lixdii bilood too maxaakiimta in kastoo aysan aqoon u lahayn leadership ka hadaf iyo taarged muuqdana uusan jirin hadana waa marag maddoonto wixii dhacay 2- lixdii bilood m c farmaajo wuxuu na baray Somali in at yihiin dad hoggaan daacad ah u baahan marka Somali wa heshiise hogaamiye daacad ah too waddani ah too aqon u leh waxa uu qabanayo ayaa loo baahan yahay wallaahu aclam

    ReplyDelete
  39. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  40. Hello Haddii aad u baahan tahay si amaah ah si ay u xaliyaan dhibaatooyinka dhaqaale aan bixino aynu amaah dulsaar aad u yar xiiso of 2%, fadlan nala soo xiriir on famousloans@hotmail.com

    ReplyDelete
  41. Hello
    Tani waa shirkadda amaah caan ah. Waxaan halkaan u joognaa in ay bixiso daymaha kuwa dhibaatooyin dhaqaale. Ma u baahan tahay si amaah ah inuu bixiyo biilasha, ama haddii aad rabto in aad ku bilawdid ganacsi laakiin aanad haysan caasimada on gacantaada ku jiraa? Haddii aad u baahan tahay kaalmo dhaqaale si aad u hagaajisid ganacsi ama xallinta arrimaha dhaqaalaha qoyska dhaqaale. Ka walwal mar dambe sii jirin sababtoo ah waxaan halkaan u joognaa in aan hubinno in aan kaa caawiyo in aad xaliso xasilooni darro dhaqaale oo aad dhaqaale xasilloon mar kale. Waxaan bixinaa deyn degdeg ah shaqsiyaadka iyo qoysaska. Ay ka mid yihiin ururada iyo warshadaha. Nala soo xiriir hadda aad amaah dulsaar ah danta yar intii 2%.
    Waxaad nala soo xiriiri kartaa xagga email (famousloans@hotmail.com)
    Fadlan, marka appllying, dalban macluumaadka soo socda;

    FULL NAME:
    GALMADA:
    DA'DA:
    DAL:
    Lacagta Daynta:
    Term Loan:
    mahad

    John Famous
    famousloans@hotmail.com

    ReplyDelete
  42. Hello
    Tani waa Shirkadda amaah caan ah. Waxaan halkaan u joognaa in ay bixiso daymaha kuwa dhibaatooyin dhaqaale. Ma u baahan tahay amaah ah inuu bixiyo biilasha, ama haddii aad rabto inaad ganacsi ka bilowdo laakiin aanad haysan caasimada on gacantaada ku jiraa? Haddii aad u baahan tahay kaalmo dhaqaale si aad u hagaajisid ganacsi ama u xaliyaan arrimaha dhaqaalaha qoyska dhaqaale. Mar dambe ma walwalo sababtoo ah waxaan halkan ku sugan yihiin si loo hubiyo in aan kaa caawiyo in aad xaliso xasilooni darro dhaqaale oo aad samaysaan dhaqaale xasilloon mar kale. Waxaan bixinaa deyn degdeg ah oo la siiyo shaqsiyaadka iyo qoysaska. Ay ka mid yihiin ururada iyo warshadaha. Nala soo xiriir hadda aad amaah dulsaar ah danta yar intii 2% .Waa inaad nala soo xiriiri kartaa xagga email (famousloans@hotmail.com)
    Fadlan, marka la dalbanayo, dalban macluumaadka soo socda;
    FULL NAME:
    GALMADA:
    DA'DA:
    DAL:
    Telefoonkaaga gacanta:
    AMAAHDA QADDARKA:
    XILLIGA AMAAHDA
    Thanks

    John Famous

    ReplyDelete
  43. * Ma u baahan tahay amaah degdeg ah?
    * Mothly bixinta bilaabi 8 bilood gudahood ka dib marka aad soo ururiyay amaahda on xisaabtaada bangiga.
    * Dulsaarka Low 2%
    * Bixinta muddo-dheer (1-30 sano) muddo.
    * Shuruudaha amaah debecsan iyo lacagta bil kasta.
    * Muddo intee le'eg bay qaadataa in lagu maalgeliyo? Ka dib markii codsiga amaah gudbisatay
    Waxaad filan kartaa jawaab horudhac ah in ka yar 24 saacadood, iyo ***.
    *** Maalgalinta 72-96 saacadood gudahood ka dib markii la helo xogta aan u baahanahay.
    ka aad hadda Nala soo xidhiidh
    Email: trustloan87@gmail.com


    Fiirsan BEST,
    Mr.Anthony Dave.
    Trust Loan Company
    Email trustloan87@gmail.com

    ReplyDelete
  44. Maalin wacan,
    Ma u baahan tahay oo amaah ah oo u dhexeeya shakhsiyaad si ay ula qabsadaan dhibaatooyin dhaqaale iyo ugu dambeyntii soo baxay ismariwaagii keena bangiyada u diidey ee ay baahida diiwaanka credit? Waxaan bixinaa amaah dhab ah laga bilaabo 1000 ilaa 100 million, ma damaanad bangiga iyo dulsaar ah la awoodi karo ee 2%. Waxaan kaa caawin karaa samaynta lacagta gaar ah amaah aad rabto. ii soo xiriir haddii aad xiisaynayso.
    EMAIL: mauricefinance@hotmail.com

    ReplyDelete
  45. WAXAAD U BAAHANTAHAY IN LAGU QAADO LACAGTA LAGU QAADO DEBALKA, SHAQAALAHA AMA XIRIIRKA KALE EE LAGU XIRIIRAYO: anitabrenceloanfunds.usa@gmail.com WIXII MACLUUMAAD DHEERAAD AH.

    ReplyDelete
  46. Maalin wacan,

      Raadinta deyn degdeg ah? La xiriir UNICREDIT FAST LOAN hadda macaamilkaaga degdegga ah. Waa Aan Si sahal ah loona xaqiijin Karin.

    MACLUUMAADKA XIRIIRKA:

    EMAIL: unicreditfastloan@gmail.com

    TELEFOON: +17815611941

    WHATSAPP: +2348146606842

    Hantida dhaqaale ee aad ku kalsoon tahay.

    ReplyDelete
  47. (Code360)
    Ma waxaad raadineysaa amaahda ganacsiga, amaahda shakhsiyeed, amaahda guriga, baabuurta
    Deymanka, amaahda ardayga, amaahda deyn ururinta, amaahda aan amaan ahayn, ganacsiga
    Capital, iwm ... ama waxaa laguu diidaa amaahdaada bangiga ama hay'ad maaliyadeed
    Ugu yaraan hal sabab, waxaad ku jirtaa booska saxda ah
    Sii kharashka karaankaaga!
    Waxaan ahay deyn bixiye gaar ah. Waxaan lacag siiyaa shirkadaha iyo shakhsiyaadka.
    Sicirka dulsaarka iyo qiimaha la awoodi karo
    2% qiimaha
    Diyaarsan tahay? Nala soo xiriir si aan ula socdo hawlgallada kareedhiska iyo
    Ku wareeji 48 saacadood gudahood

    Faahfaahinta codsiga:
    Magaca:
    Maalinta dhalashada:
    Jinsi:
    Xaaladda guurka:
    Cinwaanka:
    Magaalada:
    Gobolka / Gobolka:
    Lambarka boostada:
    Dal:
    Taleefan:
    E-mail:
    Ujeedada amaahda:
    Qadarka amaahda:
    Muddada Deynta:
    Dakhliga saafiga ah bishiiba:
    Nala soo xiriir @ {Code360optionsloancompany@gmail.com} Wixii macluumaad dheeraad ah ee nagu saabsan, fadlan booqo cinwaankayaga cinwaanka shabakadda www. Xtradeoption.com

    Mahadsanidin,
    Mrs. Kim

    ReplyDelete
  48. Duurjoogta: Faarax Agungs
    Maandooriyeyaasha: Jakarta Indonesia
    cadagungs@gmail.com
    BRI: 1460-01-337001-855
    Amaaho: Rp150,000,000
    La xiriir: +628246924547

    Magacaygu waa Faarax Agungs oo ka socda Jakarta. Waxaan u adeegsadaa warbaahintaan inay ka marag kacdo shaqada wanaagsan ee RIKA ANDERSON LOAN COMPANY nolosheyda. Qodobka iigu dambeeya ee aan ku idhaahdo salaanta amaahda raadinta ayaa ah markii Ilaah ii soo diray cunto ganacsi iyo noloshayda ilaa maantadan.

    Waxaan arkay qof ka markhaati furay amaahda Facebook Amalia Amangkurat e-mayl amaliaanmangkurat@gmail.com iyo Zulaikha Yugesh email zulaikhayugesh@gmail.com sidaas ayaan u dalbaday, RIKA ANDERSON LOAN COMPANY: Whatsapp +19147057484 ayaa i siisay amaah Rp150,000,000 wuuna wareejiyay si toos ah akoonkeyga bangiga ee BRI dhawaan. Waxaan ku bixin karaa marag kayga khadka tooska ah sababta oo ah waxaan ogahay inay jiraan dad badan oo banaanka jooga oo baahi weyn qaba, isla markaana leh dulsaar hooseeya.

    Ha ku lumin waqti dheeraad ah oo bixinta deymahaaga iyo biilashaada iyadoo lala kaashanayo RIKA ANDERSON LOAN COMPANY. Waxaad ku biirin kartaa hooyada adoo adeegsanaya rikaandersonloancompany@gmail.com, waa hooyo naxariis leh, sidaa darteed ha ka baqin inaad la kulanto caawimaad. Haddii aad shaki ka qabtid ama aad ka baqdo, waad igala soo xiriiri kartaa calagungs@gmail.com.

    Madaxa shirkadda RIKA ANDERSON LOAN COMPANY
    Wac / Whatsapp +19147057484
    COMPANY Email: rikaandersonloancompany@gmail.com

    ReplyDelete
  49. Duurjoogta: Faarax Agungs
    Maandooriyeyaasha: Jakarta Indonesia
    cadagungs@gmail.com
    BRI: 1460-01-337001-855
    Amaaho: Rp150,000,000
    La xiriir: +628246924547

    Magacaygu waa Faarax Agungs oo ka socda Jakarta. Waxaan u adeegsadaa warbaahintaan inay ka marag kacdo shaqada wanaagsan ee RIKA ANDERSON LOAN COMPANY nolosheyda. Qodobka iigu dambeeya ee aan ku idhaahdo salaanta amaahda raadinta ayaa ah markii Ilaah ii soo diray cunto ganacsi iyo noloshayda ilaa maantadan.

    Waxaan arkay qof ka markhaati furay amaahda Facebook Amalia Amangkurat e-mayl amaliaanmangkurat@gmail.com iyo Zulaikha Yugesh email zulaikhayugesh@gmail.com sidaas ayaan u dalbaday, RIKA ANDERSON LOAN COMPANY: Whatsapp +19147057484 ayaa i siisay amaah Rp150,000,000 wuuna wareejiyay si toos ah akoonkeyga bangiga ee BRI dhawaan. Waxaan ku bixin karaa marag kayga khadka tooska ah sababta oo ah waxaan ogahay inay jiraan dad badan oo banaanka jooga oo baahi weyn qaba, isla markaana leh dulsaar hooseeya.

    Ha ku lumin waqti dheeraad ah oo bixinta deymahaaga iyo biilashaada iyadoo lala kaashanayo RIKA ANDERSON LOAN COMPANY. Waxaad ku biirin kartaa hooyada adoo adeegsanaya rikaandersonloancompany@gmail.com, waa hooyo naxariis leh, sidaa darteed ha ka baqin inaad la kulanto caawimaad. Haddii aad shaki ka qabtid ama aad ka baqdo, waad igala soo xiriiri kartaa calagungs@gmail.com.

    Madaxa shirkadda RIKA ANDERSON LOAN COMPANY
    Wac / Whatsapp +19147057484
    COMPANY Email: rikaandersonloancompany@gmail.com

    ReplyDelete