Total Pageviews

Wednesday 19 March 2014

Socdaal Gaaban


Nairobi
Inqaasta Yusuf-Garaad


Nairobi ayaan gaaray. Sidii wax igu cusub ayay noqotay in aan subixii bixi karo aniga oo aan cidna weydiin su'aalahan:

Xalay maxaa dhacay?
Saaka xaaladda ammaanku waa sidee? 
Meel hebel ma la aadi karaa?

Waxaa kale oo sidii wax igu cusub noqday Taksi xiimaya, oo qofka wada aanan aqoon, in aan habeen madow raaco oo uu meesha aan u sheegto i geeyo. 

Waan rumeysan la'ahay in xilligii aan doono aan tago makhaayaddii aan rabo oo ka cunteeyo ama ka qaxweeyo. 

Jugtii yeerta hadda uma qaato in ay qarax tahay. 

Waxaa iga yaraaday in aan ka cabsado qof aanan weligeey arag, waxna u dhimin.

Oo welibana, haddaan sidu sida ahayn, aan is shinsan lahayn oo wax is tari kari lahayn.

Horumar waxaa ka horreeya bedqab. 

Allow Soomaali dhiiggeeda kala badbaadi.

Allow cadowgeedana ka badbaadi.

40 comments:

  1. Amiin Illahay ummada Soomaaliyeed imtixaanka ha kasaaro, Yusufow soomalidu waxay ku maahmaahdaa "Col ku galay Cabsi kugu reeb" waabad dadaashay hadaad durba cidkasta aaminayso.

    ReplyDelete
  2. Mudane aniga nabad iyo degenaan iyo welwel la'aan waxaa iigu horreysay sudan ma baqo oo gadaashayda ma fiiriyo ma naxo.
    Farxad waxaa iigu horreysay markaan is iri hoobiye danbe maqli maysid o an muqdisho Diyaarad kasoo raacay 2009
    Ilaahau nabad hana siiyo

    ReplyDelete
  3. Fadlan halkan ku reeb ra'yigaaga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf Garaad cabsida iyo wal walka aad qabto waa sax lkn is bar bar dhiga aad sameeysay 2da magaalo ma ila aha mid ila wanaagsan waayo mogdisho dagaal sokeeeya ayeey waqti badan ku soo jirtay lkn Naiyrobi dagaal sokeya ma aaysan soo marin tan kale marka aad qiimeeyn iyo miqyaas sameeyn waxaa ila fiicneed rayi ahaaan in aad ku qiyaasto mogdisho 5 sano ka hor iyo hada sideeey tahay maxaa iska badalay on aad ku qiimeeyso adigoo weli niyada ku haayo sida foosha xun oo leys kugu laayay magaalada gudaheed marka waxaaan dhihi lahaay yeeyna dag dagin waad mahad santahiiin

      Delete
    2. Mohamed, isbarbar dhig ma sameyn. Ee waxaa kaliya oo aan soo bandhigay sida aan dareemayay markii aan Xamar joogay iyo sida aan hadda dareemayo. Muqdisho wey soo martay xilliyo ka liita sida ay hadda tahay, xilliyo aad uga wanaagsanna wey soo martay, laakiin waxaan anigu ka hadlayaa dareenkeyga.

      Delete
    3. Yusuf Garaad, ma aanan diidin in aaan cabirto dareeen kaada lkn waxaad u cabirtay si raja xuma Ku jirta ugu yaraan waxaa ila fiicneed in aad sheegto mogdisho mresha aay ka timid ka dib aad ku darto dareeen kaada

      Delete
    4. nabad waxay ila tahay inaan gaari karno marka lawaayo ama uu yaraado nin raba inuu sixaqdaro ah dawlada wax uga helo sida beex musuq oo qofku ku xisaabtamo jeebkiisa iyo muruqiisa si caqli gal ah

      Delete
    5. waa runtaa qofki qalqal iyo cabsi ku jiray oo hela nabad wax badan ayuu is wedinaa .. aniga waxaan aqaana nin wax badan joogay muqdisho xiliga ugu cabsuda badaneed ilaa hada marku noo yimid qof kasta waxeey is wedisay ninkaan maxaa ku dhacay balse waqti gaaban ka dib sxbkeen waa is furfuray

      Delete
    6. In aad cabsato waa wax meesha ku jira, waayo waxaad tahay:
      1-wariye caan ah, 2- Nin isu soo sharaxay madaxweyne, 3-wariyenimadaada ka sokoow waxaad tahay qof bulshada dhexdeeda miisaan weyn ku leh, intaas marka laysku daro oo aan laga reebin xog ogaalka aad u tahay in cadowga umada Soomaaliyeed dadka ay beegsadaan ay yihiin kuwa umada indhaha u ah ayey kugu dhalatay in aad cabsato, hadii aadan intaas iyo kuwo kale oo wax taraya umada aadan lahayn cidna waxba kuguma fasheen waxyeeladaadana umada uma dhutiseen.
      Hadalkayga waxaan kusoo koobayaa is ilaali oo cabso, Labad geeridaadey jecelyihiin a-diric shisheeye iyo doqon sokeeye.

      Delete
  4. Aamiin...Waa Qormo Aad isoo xusuusisay Muqdisho oo Muddo 6 bil ka hor igu danbeysay; Yusuf Garaad Waa Dhab Horumar Waxaa Ka Horeeya Bedqab Madaxdeenuse Sidaa Wax Uma Oga Miyaa? Mase Way Ogyihiinoo Waysan Taag Uheyn.

    ReplyDelete
  5. My French Teacher Yusuf Garaad in Cultura De Francais in Mogadishu from 1988-1990.
    Nairobi is not safe as before, specially for Somali People. Or May be you have changed and it was like that 20 Years ago, but you were fearless by that time.

    Nice to communicate with you my teacher

    ReplyDelete
  6. qoraagu mid waa haminayaa, midna waa hurri la'yahay: waxa uu haminayaa inuu arko magaaladiisii oo nabad ah, meesha uu rabano walwal iyo murugo la,aan ku gaadho; waxa uu hurri la'yahay in ninkii uu isku ilaalin lahaa isaga uu iska ilaaliyo,cadawgii uu meel dheer ka filayane guntigiisa uu ku jiro.

    ReplyDelete
  7. taas tu u dhow baa igu dhacday markaan soomaaliya ka imid oo aan wadan kale oo nabad ah imid markii iigu horaysay. Waxaan xasuustaa saan u nixi jiray markii uu iga daba yimaado qof aanan garanayn. waxaa kaloo igu soo dhacda sidaan oga shakin jiray hadii aan arko qof markaas ka hor ishaydu qabatya, waxaan ku fakari jiray qofkan hadaayeyna waad aragtay ee maxuu kuu daba socdaa; dabcan buufis kalay ugu xirnaa maahayn ee xaalka muqdisho baa sidaas ah oo waxaad noqonaysaa askari naftiisa kaliya u xilsaaran.

    ReplyDelete
  8. Yusuf Garaad SCW

    Anuu sidaydaba ma dhaafin deeganadan Somaliland laakiin waxan hada adiga aad kuu farxad galiyay runtii halkan (Hargeisa) waa wax iska caadiya, hargeisa waad timid inbadan hadaad tagsi soo kiraysato 9saac ee habeenimo macnaha 03:00am ee habeenimo sida ay u yaqaanan dadkayagu waxad arkaysaa Lacagtii tuulnayd dariiqa ku caanka sarifika lacagaha ee ku yaala farsmagaalaha Hargeisa markaa wax laysku dilo waxa u mudan maanta lacag taasina halkaa ayay iska taal.
    Markaa Mr. Yusuf Garaad waxan u malaynayaa in waayo aragnimo hore oo aad u lahayd Nairobi ku dhaxal siisay Cabsidan ama waxad kusoo dhego barjowday wareerarka iyo qaraxyada ka taagan Muqdisho oo aan marwalba u ducayno in ALLE indhaha ay maanta leedahay kuwo ka duwan inagu tuso

    ReplyDelete
  9. Mudane Yuussuf, argagaxa iyo ka cabsashada wax aan la garanayn iyo xitaa qof waliba oo aadan garanayn waxaa abuuray waadka dharagsan tahay dabcan, lkn in kalsoonidii dadka ka dhaxaysay dib loo soo celiyo ayadana waxay u baahantahay waqti iyo in la dareemo in uu amni ka in jiro.

    ReplyDelete
  10. Amiin insha Allah. Salle agtiisa wax a kama ahan waana gaari doonaa waqti Alan fogayn Alle idinkii

    ReplyDelete
  11. Mudane Yususuf Garaad waa runtaa oo Horumar waxaa ka horeeya bedqab Nairobi iyo Muqdisho kala duwan oo isku mid ma ahan Dadka Kenyanka ahna waxaad moodaa inay Soomaalida ka Nabad jecelyihiin kana Wadanisanyihiin. Ninka leh Nairobi sidii hore ma ahan oo Saamaalida uma fiicna inuusan joogin ayaan u malayni waad saad sheegtee anigu 3:00Am marmarka qaar intaan guriga kasoo baxo oon wada istaago ayaan gaariga sugaa anoon cidna amaankayga ooga baqaynin baagayga Laptopkana wata waxaana laga yaabaa Xaafadaan joogo ilaa Townka inaan muddo saacadd ah kusii jiro jidka anoo kaligay Soomaali ka ah buska hadana Ruux kugu mashquuli oo ku dhihi Soomaali ayaad tahay ama yaad ahayd ma jiro Ninkasta shaqadiisa iyo dantiisa ayuu u socdaa. Ilaahoow Wadankii nabad iyo meel xasiloon nooga dhig.

    ReplyDelete
  12. Aniga Muqdisho waxaa iigu dambaysay 2007 18 August barigaa ciddii laga baqaaba waxay ahayd calalo-uus iyo tuug kaa dhaca waxaad sidato xafadaha qaarkood, iyagana waa la yaqaanay barahooda waana laga baydhijiray. Waxaanse hada hadalka inna Garaad ka dhadhansaday amma aan ka war hayaa in laga baqo cidkasta oo aan la aqoon da'day doonto ha ahaatee. Wax yaalihii iigu yaabka badnaa waxay ahayd nin sxb kay ah oo aan meel ka wada shaqayno ayaa Muqdisho tagey 2012-kii wuxuu igu yidhi. "anoo maqaaxi kala qaxweynaya midka mid ah asxaabtii aan halkaa ugu tagey ayaa cunug yar oo aan dadiisu ka wayneyn 6-8 sano na soo agfadhiistay markaas ayaa ninkii ii iljabiyay oo joojiyay sheekadii, cunigii yaraa waa iska tegey markaas ayuu sxb kay iyiri waa basaas waa siganay war naga kici meesha inta aan lay noogu imaan.

    ReplyDelete
  13. waxa ah wax lagu faano oo aan la dafiri karin indhahana aan laga qarsan karin isbiimaynta uu yuusuf garaad ku tagay mogdisho yadoo ay adag tahay in lagu noladaa gaar ahaan qof yuusuf garaad oo kale ah oo wariye ahaan jiray dad badanina ay aaminanyihiin inuu ka galay danbi xarkadooda,reerkooda,kooxdooda siyaasadeed.ay suurto gal tahay in xili kasta iyo meel kasta oo mogdisho ka mid ah lagu soo weerari karo inuu hadana maalin kaste kasoo tabiyo wax yaabo qofka ka maqan magaalada u iftiimin kara rajo haba yaraatabee wax kastoo magaalda ka dhacana ka eegaya dhinaca wanaagsan islamarkaana badley caadadii foosha xumeyd ee aheyd xagey dantaadu ku jirtaa islamarkaana dadka tusay in hal qof oo niyad fiicani uu wax ka badli karo qarankan la qaribay........#yuusuf_garaad thnx u.............by we can do,i can do, u can do.

    ReplyDelete
  14. weeynu gaari doonaa iinsha alaah, marxaladaas.
    balse waxeey u baahantahay, soomaalida oo ayagaa isku duban wadankoda hormarkiisa ka shaqeeya.
    ilaahey hana waafajiyo towfiida

    ReplyDelete
  15. mashaa alah yusuf beentaa maaha ani muqdishaan ku dhashy waana ka baqaa inaan ku nolaado waayo dadkeedu waa wada xanaaqsan yihiin matalan askarigu markow rabo inow ku joojiyo istaag afka maka dhahaayo ee qorey aw kugu joojinaa alow nabad nasii

    ReplyDelete
  16. markaad dib u fiiriso wixii dhacay 22 sano murogo iyo walbahaar unbaad ka qaadi, Laakiin soomaaliya way ka bixi doontaa silacan ay ku jirto hadda waa hadii la helo midnimo iyo wadan macanaha uu leehayahay lafahmo

    ReplyDelete
  17. ماشا الله

    ReplyDelete
  18. aamiin inshaa alaah waan gareynaa hadane inta aan heysano alaha noo siyaadiyo lkn ogow somalia mela kamid ah inad sidaas iyo si la mida usocon karto hadaad nairobi sidaas ku aragtay waxaa laga yaabaa ineysan olin mombasa iyo wajeer

    ReplyDelete
  19. Horta, feejignaantu waa mid meesha ku jirta, waxaase iiga soo dhex baxay hadalkaaga in Niarobi amaan ahaan hadda aanay fiicnay.

    ReplyDelete
  20. waa runtaa nolosha nuucaas ah ee qawaafka ku saleeysan waxaan ku nooleyn for the last 25 years, cimrigeyga intuu jiro odoyaasho ayaana sabab u ah iyo intii dhibtaaa dowlad la aanta haba yareete qeyb yar kuleheeed.. Sababtoo ah wax qimrad ah meeysan ka helin ilaa haatan dowlad la aanta waxa eey tahay iyo dhibta eey noo geeysatay, walina qabiil ayeey aaminsanyihiin inta badan odoyaasha dhaqanka.

    ReplyDelete
  21. masha allh yusuf garad wa mahadsantahy qof walba o comment bixiyay dabcan ma amaanin badankod moqdishu aniga wan ku dhashy waxban ku bartay jamacadeyda 1aad ban ku qata uganda ayan ku diyariyay qeybteyda 2aad east africa melo dhowr ah ban boqday iyo magaloyin bada waxa ku suganahy wadankeyga hoyo iminka xmar meel no dhaanto ma haysaan aan idin weydiyee? yaase ka sugeyna ina qurxino? hadanse qurxin weyno maxa xal no ah ? ma ina ka dhoofno ka tagno o kuwo kale amano ? su'alahas ma jecla somalida lkn wey jeclyihiin iney ka shekeyaan wadamada ay qoxotiga ku mareen iyo dowldaha dariska amantoda wa mahadsantihiin.

    ReplyDelete
  22. Geel labo jir soo wada mar caasimadahaan aduunka ugu waawayn mar bay bahalo galeen ahaayeen RUWANDA.BURINDI. UGANDA . LIBERIA hadii ay nolashii ku soo noqotay somaalia waa ku soo noqon doontaa yaan la dag dagin

    ReplyDelete
  23. sida aad ugu sheekeeyday wadan kaas ood usheegi wanaagiisa wadanka aad udhalatayne waan kaasugeeynaa ina aad kasoohadashid dhiniciisa wacan maadaama aadahay weriye

    ReplyDelete
  24. Waan kula qaba ra,yigaa somaliga nairobi jooga waa danbiile ma oga wadad uu maraya in ay safe tahay xiligu doono ma socon karo tuug iyo askari labada midna isma arki karaan

    ReplyDelete
  25. yuusuf garaad hada waxa uu bilaabay inuu kasaaro commentiyada runta sheegaya kkkkkkkkkkk suxifi weeyn baad tahay dadka fikradooda soo gudbi

    ReplyDelete
    Replies
    1. Fikrad wiixii ku kooban kuna saabsan mowduuca marnaba kama saari doono. Hase yeeshee, qofkii aflagaaddo sameeya ama maaga qof, qabiil ama koox wax aan meesha qabanna ka sheega, ma aqbali karo. Mahadsanid. Weliba qofkii xad gudubkiisu bato ama aad u dhaawac badan yahay waxay keeneysaa in aan block gareeyo. Mahadsanid.

      Delete
  26. Aniga arinta ku aadan is bar bar dhigga Muqdisho ee Yuruf Garaad dhinac kale ayaan ka arkaa. Yuusuf berigii uu BBCda Laanta Afka Somaliga uu madaxda ka ahaa. waxa uu ahaa nin shaqadiisa darteed ay dad badan cadaawad u qaadeen, mid qabiil iyo mid daneedba. Midda 2aad isaga laftigiisu niyad ahaan jagada uu ku fadhiyay iyo miisaanka uu lahaa ayaa u diidayay inuu meeshuu doono kaligii maro iyo xilligii uu doono. Laakiin maanta waa shaqsi Somaliyeed oo caadi ah. sida dadka kale ee Nairobi jooga ee Somalida ah. Marka Yuusuf adigaa isbedelay mooyee Nairobi isma bedelin.

    ReplyDelete
  27. Asc wr wb. "Talo isuma kaa sheegto" waa maahmaah Somaliyed. Inta aad sheegtay & ka badanba waa jiraan Muqdisho, lkn qoraaga maqaalkaan in uu noo muujiyo hilow iyo jaceyl 100% ah, Muqdisho ceebteeda iyo fadeexeenteeda sidii nacabkii u soo gudbiyo waa 2bo arin oo kala fog. Maalin hore aad iyo aad ayaan ugu farxay sawir qurux badan aad ka qaaday Muqdisho xilli fiidnimo ah, kaasoo websites badan ay kaa sii qaateen.

    ReplyDelete
  28. Asc wr wb. "Talo isuma kaa sheegto" waa maahmaah Somaliyed. Inta aad sheegtay & ka badanba waa jiraan Muqdisho, lkn qoraaga maqaalkaan in uu noo muujiyo hilow iyo jaceyl 100% ah, Muqdisho ceebteeda iyo fadeexeenteeda sidii nacabkii u soo gudbiyo waa 2bo arin oo kala fog. Maalin hore aad iyo aad ayaan ugu farxay sawir qurux badan aad ka qaaday Muqdisho xilli fiidnimo ah, kaasoo websites badan ay kaa sii qaateen.

    ReplyDelete
  29. salaan kadib yusuf garaad waxaan is leeyahay yusufow sida aad hore in badan halkan ugu qortay waxaan kugu raacsanahay in somaliyi ayan weli heshiis ahayn islana joogin ee ay kala qoqobantahay oo reer walba meeshuu uqaxay uu ootay sida waqooyi iyo waqooyi bari oo hada lo yaqaan puntland iyo somali land iyo kuwakale oo farabadan anigu waxaan kugu raacsanahay soamaliya xasilooni kama jirto siyaadadeed iyo mid amni marki laga reebo meelo kooban somaliya guudahaan teed waxay u baahana tahay somaliya dib isugu yeeris iyo heshiisiin wadafadhiisi isu garaabis iscafiniyo wax isucelin hadaan midaa lahelin sidaan u sheegay 7 sano kahor waxaa iri somali hadayan ayadu wada hadalin oo sidhaba uwadahadlin waxa dhacaysa dadka soamliyeed in ay dhulka kaqaxaan oo micin bidaan kuwii shalay cadawga u ahaa kadibna waxaa dhicidoonta in dadkale lagu beero wadanka oo laqato wayna soo dhawdahay waxyar baana kadhiman oo oo dadka in dheer garadka way wada og yihiin wayna muuqataa oo wax hada laqarinayo maahan waad aragtaan dhalin yaradii wadanka meelkadta in ay kudadanayaa badaha libiya yaman africada dhehe waad ogtihiin in ay meelkasta ku xiran yihin wiilasheenii ayago loqabtay burcad badeed wiigii dhawayto waxaa kudhintay yaman kuwo kamida xabsi walaalayaan waxaan leeyahay dalka iyo dadka hala caymiyo oo halabadbaadiyo waxaa kasaaran qofkasta oo muwaadina oo dhug fog leh waan ku mahad celinayaa yusuf garaad waxaana u bahanahay in wadanka labadbaadiyo mahadsanidin

    ReplyDelete
  30. Yusufow, kolka hore khayr kuso noqo.meejanaadna Facebook ga kaga fiicantahay ina-abow..jawaabta hadalkaaga o kooban waa xaal aduun.hadiise xigmada kadanbaysa larabo labada xaaladood eed sheegtay, ta hore ee Muqdisho waxa asal sabab u ah Ethiopia labana waa Kenya..Somali oon dawlad ahayn waxa weeraray Ethiobian o dhul naga qaatay walina haysta.waxay isku Dayday Inay dawladnimo naga hor istaagto. Waxay ahayd wadankii ugu horeeyay ee hubkeeda jamhad usoo dhiibta ilaa wadankii lagu burburiyay.waxay xamar ku xasuuqday ilaa 14000 o qof kuna burburisay dhismayaal badan.waxay wali taageerta koox kasta o dawlada kaso horjeeda.waxayna marna so wadan wax dan soomaaliyeed ah walina waan soo dhawaysanaa.kenya, iyana dhul bay naga haystaan madaxwaynaha maanta haysta aabihii, kolkii u kenya xornimada u raadinayay wuxu kala dagaalamayay in soomalida in lo ogalaado inay walaalahood raacaan. Daniel arab Moi wuxu si public ah usheegay iyaga iyo Ethiopia inayna marna raali kanoqonaynin xasilida soomalia, Kibakina waakii ciidamada so galiyay, kana kobtii buu kasii wada..waxa iyana hubaal ah in aynu somaali ahaan qayb kuleenahay xaalada wadankeena. Gabagabadii Sayid Mohammed alun, geeraar u somalidii xiligaa kaga garqaadanayay, ayuu yidhi "Nin dilkaaga raba darin looma fidiyo" maanta madaxda dalku tuulana ha xukumee, waxay walaaleheen ugu yeedhaan labadan dal.dhexdoodana, cadow bay isugu yeedhaan.waana meejan halka ay nabad u haystaan iyana, taayadana ay usii laalayaan.inta aynu labadan wadan u kala tartamayno, tii EEBE waa meel, masa qoodhbadna in dalkeenu wax iska badalo.

    ReplyDelete
  31. Waxaan la yaabanahay ma aha dareenka yusuf. Waxaan la yaabanahay nin isu sharaxay madaxweeyne oo damcay in uu u istaago in uu asagu ku soo celin doono dalka nabadda isla markaana ku ku baaqay in uu isaga wax ka bedelli doono xaaladda amniga..in uu hadda yiraa Ilaah ayaa iga soo bixiyey oo waxaa ka reeystay wadna xanuunkii iyo cabsidii joogtada ahayd. Miyeeysan waajib kuugu ahayn yusuf in aad ka shaqeeysid baahinta nabadgelyada iyo wax quman ka sheegideeda misse waa la yaabaye nimankiina warbaahinta ah maxaad ku tooran tihiin .In aad dareenkaaga ka hadashid oo kaliya macno ma sameeyneeyso hadii ula jeedo aadan ka lahayn gaar ah in aad iska daayso ayaa walaakeeniyow ka quman.xusuusta in mediyada aay quwad lexaad leh tahay- si fiicanna u adeegso.

    ReplyDelete