Total Pageviews

Saturday 5 April 2014

Talo Saaxiib Facebook


Talo Saaxiib Facebook
Inqaasta Yusuf-Garaad

Hagi Abdirizak, oo ah saaxiibkeey Facebook ayaa su’aal i soo weydiiyay. Markii aan uga jawaabay, wuxuu i siiyay talo. Waan la dhacay taladii, Waxaan markaas fasax uga qaatay in aan la wadaago saaxiibbadeyda kale ee saxaafadda bulshada.

Waxaad ka mid tahay siyaasiyiinta Soomaliyeed ee aan ku taxanahay ama kala socdo marba xaaladda dalka.

Jaraa’idka Soomalida kalsooni kuma qabo, mana aamino waxa ay qoraan illaa aan ka aqriyo source wanaagsan.

John Hobbes baa qoraalkiisa Leviathan ku yiri "ummad walba waa laga maarmaan in ay hesho "Social contract" haddeyse umadi ku guulaysan kari weyso, waxay ku noolaataa gaajo, cabsi iyo dagaallo joogta ah.

Ummaddana xaalaaddaa kama baxdo illaa iyo inta ay hesho "heshiis mujtamaceed" oo ka turjumayo iimaankooda iyo dhaqankooda....

Waxaan aaminsanahay in 1980 iyo jabhadahii "isbaddal doonka" illaa iyo maanta iyo doodda siyaaseed "federal haa ama maya?" Ay ka turjumeyso in aan wali baadi goob ugu jirno "heshiis mujtamaceed".

Waxaa iga talo ah, kalsoonina aan ku qabo garashada aad u leedahay arrinkan.

Socrates baa qoraaladiisii ugu caansan mid ka mid ahaa uu ragga 3 u qeybiyay.

1) Rag ka dooda aragtiyada.
Tusaale: federaal haa ama maya!?

2) Rag ka dooda dhacdooyinka
Tusaale: diyaaraddii Maleysia way luntay iyo maysan lumin ee waa been!!

3) Rag ka dooda ragga kale
Tusaale: Xasan Sheikh baa saxsan maya Cumar Cabdirashiid baa saxsan!!

Markaa buu yiri ragga sadaxaad baa rag ugu liita.

Waxaad heysaysaa fursad in badan aysan haysan. Ilaahay wuxuu kugu mannaystay awood aad umadda isugu soo dhaweyn kartid ama ku kala fogeeyn kartid.

Hana illooobin eraydii Rasuulka caleyhi wassalaam:
"Mid walbaa waa mas'uul, mid walbana waxaa laga wareysan mas'uuliyadii uu qaaday.."

Aabbaha waxaa laga wareysan aqalkiisa iyo reerkiisa, hogaamiyahana waxaa laga wareysan shacabkiisa.

Mahadsanid jawaabtaada. Kheyr iyo guul baan ku rajeynayaa.

17 comments:

  1. Fadlan taladaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. SXB taladani waa mid fiican laakiin. Somaliduna way soo jeedin kartaa talo fiican laakiin fulinteedu waa mid ku adag. Markaa si taladani u hirgasho waxaan u baahannahay qof ku sifoobay sifooyinkan hoos ku qoran. Markaa hadaad shuruudahan buuxinayso soo dhawoow:
      1) Daacad - inuu daacad u yahay Somalinimo/Islaamnimo;
      2) Farsamo-yaqaan: inuu layimaaddo ama ikhtiraaco qaab qabiilka loogu isticmaalo qarandhisid;
      3) Maalqabeen; inuu yahay lacaglay u hura lacagtiisa qaran dhisid taasoo badalaysa inuu lacag u soo doonto Soomalia;
      4) masgax furan: abood u leh siduu uga dhaadhicin lahaaa Itoobiya iyo wadamada dariska ah in dawlad soomaaliyeed oon danahooda wax u dhimanyn la dhisayo;
      5) kamadhan kaljeclaysi ku salaysan qabiil ama mabda' somalidu aanay ku midaysnayn.

      Delete
  2. Qoraal sax san oo daacadnimo ka muuqata lakiin adiga yusuf ah maxey tahay shaqada aad ka haysid somaliya ma saxafi baad tahay ma siyaadsho baad tahay xilka aad ka haysid iyo meesha aad uga jirto dowlada somaliya waa halkee

    ReplyDelete
  3. Masha allah, waa talo aad u wanaagsan oo waliba xambaarsan tusaalooyin wacan. Anigu waxa ay ila tahay saaxiibkaa fb waa nin kheyr kula jecel, waayo ummada Soomaalidu aad ay ugu yaryihiin dadka inay is faraan waxa ugu muhiimsan ee ummadaha Islaamka ah uu kala dar-daarmay Nabiga s.c.w oo aheed "al-amru bil macruuf wa nahyi canil munkar." Wanaaga oo la isfaraa iyo xumaanta oo la iska reebo. waxaa ninkan taladiisa ku xusan inuu macruufka ku furay oo waliba uu kuu iclaamiyay inuu Qoraaga ama suxufiga ilaahay awood siiyay, taasoo uu wax badan bulashada ra'yigooda kaga badali karo. sidaa darteed Awooda qalinka iyo codka sucufiga waxaa haboon in loo isticmaalaa sidi wanaaga iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa. Waad ku mahad-santahay sida aad noola wadaagtay. !

    ReplyDelete
  4. waa tallo wanaagsan yuusuf mida kale dalakaan waxa uu ubaahanyahay dad tooda iloobo oo kashaqeeya dal guud hadii aan jiilkii soo korayay ama kusoo barbaaray dhibka ilaa maanta socda nooma muutaqabo, waxaan isleeyahay ama aan kaaga joodaa Nin kadanqanaya danta Guud inaad tahay waa hadii sida siyaasiyiinta somaliyeed aan ku'ogeen markii Allah xilkudhiiba aadan isbadali doonin, lkn ogow sxb waxaad wax kusoo barateen dal dhididka Mamooyin somaliyeed maanta qaarkood laga yaabo inaay qaajo dishay waxay filayeena aan hellin, ee ninyahow dadaalkaaga mesha kawad. Tallo: ( waxaan arkayay adiga iyo wasiir sports ka oo dhiira galinaya Urur dhalinyaro Somaliyeed, waan kuugula talin lahaa in aad ururkaas kasameysaan dhamaan dhalinta Somaliweyn aadna kakala keenteen dhamaan dalka, Adiga aad hurmuud unoqoto si'uusan u fashilmin sida kuwa maanta jira, Laguna guubaabiya dhalinta Muhimada midnimada iyo nadaba aay Somaliweyn u leedahay. Mahadsanid walaal.

    ReplyDelete
  5. asc waad salaamantiihiin, yusuf garaad iyo saaxibka talada bixiyay, waxaan ku darsanayaa, oo kaliya in aad sida talada laguu siiyay aad u qaadato, ayadaan ahayn amar, balse ay tahay ra'yi aan la qabo saaxiibkaa, waxaan aaminsanhay, fursada iyo awooda uu kugu sheegay saaxiibkaa in ay runtahay, waxaana u daliishanaa 3 shay

    1; nin wayn oo masuul ah shacabkana ku dhexjira had iyo goor,
    2; saxafi madaxbanaan in mudana ku soo dhaxjiray, dareemi karana su aalaha ay shacabka is waydiinayaan,
    3;siyaasi leh hami hogaamineed jeceyl isbadel dhab ah.


    mahadsanidiin

    ReplyDelete
  6. Asc waad salaamantihiin dhamaan
    Yusuf Graad , waxay ilatahay talo wanaagsan oo ruux wanaagaga jecel. Katimid inay tahay taladaan aad nala wadaagtay
    Anigu waxaan isleyahay waxaa habooon taladaan in aad qaadato kuna dhaqanto
    Waxay ilatahay taladaan in uu sxbkaa Ku siiyey in aad tahay :
    1. Suxufi ruug cadaa ah xushmad iyo ixtiraamna Ku dhex leh bulsho waynta somaliyeed
    2. Siyaasi fahamsan siyaasada iyo waxyaabaha dalka kadhacaya
    3 . Ruux samayn qoraalkiisu Ku dhexyelan karo bulshada somaliyed xumaan iyo wanaag kii aad u isticmaasho
    Runtii taasina waxay ilatahay masuuliyad laysi suaali dono ilahay hortiisa
    Sida kuxusan axaadiista nabigena suuban NNKH .
    Marka Ku dadaal runta iyo cadaalda iyo isusoo dhowaynta dadka somaliyeed e dhibaataysan adoo ka faiidaysanaya masuliyada iyo awooda saxafinimo ee ilahay kusiiyey
    Mahadsanidiiin


    ReplyDelete
    Replies
    1. Marka hore, Mudane, Yusuf Garaad, aad baan kuu salaamayaa, dhamaan asaxaabta kale ee talo-bixinta qeybta ka ahna wey mahadsan yihiin.

      Anigu, Yusuf Garaad aad baan u la dhacsanahay sida wanaagsan uu shacabka Soomaaliyeed uu la yahay talo-wadaaga, waana siyaasi bulshaawi ah.

      Waxaana Allaah uga rajeynayaa maalin uun Soomaaliyada cusub ee uun inaga xigo KACDOON SHACAB oo loo dhan yahay in Yuusuf Garaad iyo kuwo kaloo badan oo ah Siyaasiyiin Dalka iyo Dadkaba daacad u ah ay ku soo bixin doonaan haddii Alle idmo.

      Anigu talo ma hayo ee waxaan ahay talo doon!
      Mudane, Yuusuf Garaad, waxaan jeclaan lahaa in aad noo sheegto sida ugu haboon ee lagu hirgalin karo, KACDOON SHACAB, oo laguu soo celin karo Soomaaliya mid ah?

      Mahadsanidiin,

      Delete
  7. Rag kii uGu liitay waa uu sheegay walaalkeen anagana inteena badan meeshaay Ayaan ku xaroonay

    ReplyDelete
  8. Runti waxaan aad ula dhacay habka uu wax u qoray iyo talada qiimaha badan ee u ku siiyay,

    ReplyDelete
  9. yusuf graad sxb waa sheeko maldahan maxaad uga jeedaa ?

    ReplyDelete
  10. Mudane Garaad,
    Howsha aad halkan kawaddo waa howl qiimo badan dad badan wax aay fahmi wayeen ayaad garatay somalidu uma baahna ra'yi iyo jiheyn wali mujtamaceena lama siin furayaashii go'aaan qaadashada ooy ugu horeeyso xog sugan qof walba waxa ku qufulan wixii reerkiisu ku sheekeyn jireen marka doorka kaliya ee saxafiga u furan waa inuu meelaha dabacsan toosh ku ifiyo taasi wxaay keeneysa in marka si tartiib tartiib ah u fahman qiimaha qofku inuu maskaxdiisa go'aan ka gaaro u ledahay Asaga iyo umadiisaba .
    Anagana waxa nala gudbooninaan aragtiyada ka doodno halaka ugu sareysa oon dib dambe loo maqal qof qof ku weeraraya shakhsiyadiisa iyo waxa aay huwantahay sida Qabiil,Degaan iyo SHaqadiisa.

    ReplyDelete
  11. wasiirka war faafinta in lagu siiyo ayeey ahayd

    ReplyDelete
  12. Muhiimadu waxey tahay tala markii lagu siiyo inaad inta wanaagsan ka qadatid hadaba yuusuf garaadow warka waa laguu cadeeyey ee awoodaada ha yareysan umadana tageero ayaan uga heleysa wixii wanaagsan oo aad u qabatid waxaan ku dhihi lahaa intaad qoraal iyo afkaar kali ah kusoo koobi lahayd awoodaada cilmiga ilaahey ku barey dadka bar oo intaad marker iyo jeesto qaadatid jamacadaha iyo iskuulada tag ee jahliga umada ku baahey ladagaal waxaan hubaa inuusan is badal imaan karin ilaa dadka maskaxdooda labadalo ilahey kheyrka hana waafajiyo dhamaanteen.

    ReplyDelete
  13. Waa talo fiican hadii aad qaadaneyso! Teeda kale maadaama aad ka mid tahay suxufiyiinta ugu codka dheer waddankeena, maxaadan uga hadlin tacadiyada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Kenya, gaar ahaan Nairobi?

    Dhanka kale mudane Garaad aadbey u wacnaan lahayd inaad noo qeexdo hadda iyo xilka aad u heyso qaranka Soomaaliyeed! Waxaan mar ogaa inaad isu soo taagtay xilka madaxweynenimo ee dalkeena, intaas kadib warkaaga waa yaraa?

    ReplyDelete
  14. Waa talo ku kooban aragtidiisa shaqsiyeed.

    Kolleey waajib inuu kaa saaran yahay ummaddaan waad la socotaa, ee waxaa muhiim ah in aad si niyad iyo laab ha diyaar ugu tahay gudashada waajibaadka qaran.

    Nasiib wanagsan.

    ReplyDelete
  15. qoraalka waxa ka muuqata farshaxanimo aqoon iyo aragti dheer . runtii Yusuf dadka wanagsan ee umada raadaynta ku leh waxyabaha lagu garto waxa ka mida ah in ay bulshada inta wanaagsan ee aragtida fog leh lagu ag arko

    aadbaad u mahadsan tihiin adiga iyo sxbkaaga facebook talooyinka wanaagsan ee qiimaha leh ee aad is waydaarsateen ee aad nala wadaagatay

    mahadsanid.

    ReplyDelete