Total Pageviews

Friday 16 May 2014

Laba Laab mise Laba Jibbaar?


Laba Laab ma aha Laba Jibbaar
Yusuf-Garaad

Laba laab iyo waxaa jira laba jibbaar. Haddii wixii aad bixin jirtay aad laba laabto waxay u dhigantaa in intii aad bixin jirtay in le’eg aad ku darto.

Si kale haddaan u dhigo 4 haddaad bixin jirtay, laba laab waa 4 + 4 ama 4 x 2 oo labaduba noqoneya 8.

Haddiise 4 la laba jibbaaro waxay u dhigantaa 4 x 4 oo noqoneysa 16.

Markaa labada eray oo dadka qaar ay isku si u isticmaalaan waxaa u dhexeeya farqi weyn marka loo fiiriqo aqoonta Xisaabta.

Laba jibbaar waxaa badanaa loo adeegsadaa marka laga hadlayo bed.

Dadka qaarna waxay u isticmaalaan isku wareeg.

Markaa Mareykanku wuxuu laba laabayaa kaalmadiisa militeriga Soomaaliya ee ma laba jibbaari doono.

4 comments:

  1. waxaa isku khalda inta badan waa Ciyaal ninty kow "1991". Thanx

    ReplyDelete
  2. Ereyga "Jibbaar" muxuu yahay macnihiisu?

    ReplyDelete
  3. @Siciid Cabdi...laftayda macnaha ereyga 'jibbaar' ayaan raadinayay...haddaad nagu dhaanto nala wadaag.
    @ Yuusuf sidaa aad u kala dhigtay waaye. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  4. YUSUF noo sharrax Ereyga laba jibbaar kheyr allah kusiiyee.

    ReplyDelete