Total Pageviews

Friday 30 May 2014

Nabad Doon


Hadda ayay qabasho leedahay

Yusuf-Garaad

Khilaaf laba hoggaamiye wuxuu u baasbaxay Qarannimada, nabadda, dhaqaalaha iyo dadnimada Soomaaliya. Marka hore ayuu qabasho iyo xal leeyahay.

Haddii uu waayo wuxuu dhalaa khilaafyo hor leh, jilayaal cusub oo meeshuu ka billowdayba aan ka warqabin, shisheeye oo dhamani wuxuu fursad u helaa in sidii uu doono uga yeelo xaaladda.

Midda ugu darani waxay tahay in dadka hadda xallin kara khilaafka labada hoggaamiye aanay hadhow xallin kari doonin khilaafaadka cusub ee dhex mari doona jilayaasha cusub oo mid kastaa gartiisa leeyahay.

Waa talo shakhsi oo nabad doon ah.

1 comment:

  1. Yuusuf Garaad waa talo aad u fiican...Ciddii sama-ka talin rabta haddana karta waxaa qumman in ay ku baxaan.

    ReplyDelete