Total Pageviews

Friday 16 May 2014

Madaxweynaha Vs Xildhibaanno


ISGOYS
Yusuf-Garaad


Qarannimada Soomaaliya waxaa ku yaalla dakharro badan. Haddii Soomaali oo dhami ay u istaagto lama hubo in ay ku guuleysan karto badbaadinteeda. Sidaas ay tahay qaar badan oo naga mid ah ayaa si ula kac ah ama ogaal la’aan ah uga shaqeynaya waxyaabo lid ku ah Qarannimada,

Maanta halis weyn waxaa ku jira habsami u socodka Howlaha Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba jirtaanka hey’adaha Federaalka ugu sarreeya.

Waxaa u sabab ah khilaafka Madaxweynaha oo aqool xumadiisu u keentay in mudanayaal boqol kor u dhaafay ay ka dalbaan in uu is casilo iyo isaga oo aan u diyaar ahayn in sida ay doonayaan uu u yeelo.

Arrintan oo aad mooddo in in badan oo wax ka tari lahayd ay isku fiirsanayaan, qaar kalena ay ka arkaan fursad ay lacag iyo dano kale oo shakhsi ah uga gaaraan ayaa ah mid horseedi karta khatar aad u weyn. Waxaa imaan karta in Baarlamaanku uu laba u kala qeybsamo oo uu markaa gudan waayo waajibaadkiisa.

Mudanayaasha Baarlamaanka waxaa ila habboon in si kasta oo ay u weyn tahay dhaliisha ay Madaxweynaha iyo Wasiirrada ku dhow dhow ay u qabaan, in ay habboon tahay in ay marka hore uga digaan falalka aan iyaga u cuntamin. Ka hor inta aanay u gudbin isku day xil ka qaadis.

Hadda oo xilligaa laga soo gudbayna, waxaa ila habboon in ay talada ku darsadaan, in ay dalbaan tallaabo kasta oo wax lagu sixi karo oo ka sokeysa in Madaxweynaha xilka laga qaado.

Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in aanuu cadow u arag Xildhibaannada ka soo horjeeda. Waxaan Madaxweynaha xasuusin lahaa in Baarlamaankani uu yahay kii isaga ku doortay 190 cod. Welibana Madaxweyne xilka haya ka weecday oo isaga door biday.

Markaa Madaxweyne waxaa hubaal ah in xildhibaannadani ay ka biyo diiddan yihiin siyaasadaada oo ama qaldan ama aad ku guul darreysatay ama aad quursatay in aad iyaga u fasirto xilligii ay ku habbooneyd, si aad uga baaqsato tan maanta ku haysata.

Waxaa kale oo iyaduna suurta gal ah in ay kaaga xun yihiin waxyaabo ay ahayd in aad wax qabato oo aad ka baaqsatay.

Xusuusnow Madaweyne in xildhibaannadu ay yihiin kuwii ku doortay.  Waanan hubaa in aad qiran tahay in ay xilka kaa qaadi karaaan hadday dariiq qaanuunka waafaqsan ay u maraan. Laakiin xataa hadday ku guuleysan waayaan in ay xilka kaa qaadaan, laakiin ay caddaato in aqlabiyadda Baarlamaanku ay ku diiddan tahay, waa mid wiiqyesaa awooddaada Madaxweyne. Maaddaama adiga xilkaaga iyo dantaadu ay tahay in hey’adaha Fedraalka oo dhami ay shaqeeyaan, kulana shaqeeyaan. Xafiiskaagana waxaa dul fuuli doona calaamtu su’aal weyn oo dadka Madaxiisa ku sawiran.

Waxaad Madaxweyne maanka ku haysaa in aad dalka oo dhan iyo hey’adaha dalka oo dhan aad adigu mas’uul ka tahay. Baarlamaanka aqlabiyaddiisu hadday ku diidaan, laakiin aanay gaarin tiradii codka kaa qaadi lahayd, waxay taasi aad u wiiqeysaa welibana ay su’aal gelineysaa sidii aad xilkaaga ku gudan lahayd.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in mudanayaasha Baarlamaanka aan midna la soo xasuusan doonin magaciisa, laakiin dhaawac kasta oo soo gaara hey’adaha Qaranka iyo dib u dhac kasta oo dalka ku yimaada in cidda la xasuusan doono, mas’uuliyaddeedana qaadi doonta ay tahay Madaxweynaha.

Xilligani waa xilligii Madaxweyne Xasan Shiikh. Haddii aad Baarlamaankii ku doortay ka shaqeysan weydo, haddii aad dagaal la gasho, iyo haddii aad is afgarad la gaartaba taa ayaa lagugu qiimeyn doonaa. Waxaan jeclaan lahaa in aan xusuustaada dib u celiyo ololihii 2012 ee aad ku guuleysatay. Sidaaaad u xodxodatay xildhibaannada soo xusuuso, ooh ore noo dhaqaaji.

Waxaan kuugu duceynayaa in Ilaaheey kugu hago, kuuna sahlo waddada ay dantu ugu jirto Soomaaliya.

FG
Waxaan u mahadcelinayaa al fannaan, farshaxan Amin Amir, oo saacado kooban gudahood iigu soo sameeyay sawirka sare, ka dib markii aan anigu ka codsaday.



   






15 comments:

  1. Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha aad ku sheegto in Aqoon dari ay hayso. Ani waxaan ku dhihi lahaa taa waa aqoon dari aad u leedahay Madaxweynaha. Tan kale, waxaadan ka dhawaajin oo aadnan marna soo hadal qaadin in xildhibaanadaan is aruursaday ay ku jirto caadifad qabiil marnana aysan wax ka sheegin maamul goboleed yadda ay kaoo jeedaan. Maxaa qasbay in Horumarka Muqdisho ay cagaha saartay in dhabar jab lagu keeno ma isweydiisay arintaas mase ka hadashay. Taa waa kuugu aqoon dari ama waxa Reer Galbeedka ay ugu yeeraan BIASED REPORT. Aniga waxay ila ahaan la heed in maadaama baarlamaanka uu ku saleysan yahay 4.5 shuruud looga dhigo in qabiil kasto uu baxsho lacagta xildhibaanadda la siiyo ilaa iyo 5ta sano ee soo socota. In xildhibaan kasto uu la yimaado ugu yaraan 500 oo ciidan kasoo jeeda qabiil kiisa si loogu daro ciidanka xooga dalka. iyo sharuudo badan haddii ay taa ka soo bixi weyaana aysan ka mid noqon karin baarlamaanka. Yuusuf Garaad waxaad ila ekeyd nin erayadda kasoo baxa afkiisa lagu kalsoonaan karo, laakiin horaa loo yiri Timir Laf baa ku jirta. Thanks Brother now i know who you are.

    ReplyDelete
  2. Aniga Waxay Ila tahay In Madaxweynuhu Iyo Group Ka Ku Xeeran Ay Ku fashilmeen Hogaminta Wadanka Ayna habontahay In Uu Iskaga Tago Xilka

    ReplyDelete
  3. Madaxwaynaha Wuu dadaalayaa, dabcan arinta ah daacadnimo iyo danaysi mid na laguma sheegi karo qof kasta oo muwaadin Soomaali ah oo aan lagu maxkamadayn.

    Lkn waxaan hubaa in xildhibaanada shalay ay madaxwaynaha ku doorteen lacag iyo dano kale oo gaar ah sida jagooyin looo balanqaaday.

    Maanta wax waliba waxaa ka muhiimsan in garanwaayaan awoodaha golaha shacabka uu leeyahay iyo wadada loo maro in tallaabo noocaas ah la qaado.

    si kastaba, Waxaa xaqiiq ah in xildhibaanada badankood ay dan midnimo u joogin meesha ee ay yihiin qowlaysato fursad gaad ah.

    kolley arin umad anfacdo kuma kala bixi doonaan ee lacagta yuusan la daahin ee uusan isdhaafinin xilliga ay waxtarto.

    Waan ka xumahay hadalladayda qallafsan.
    lkn xildhibaannadaan markii la dooranaayay waxaan u haystay in yihiin kuwii soomaali samata bixin lahaa, waxaanse ka quustay markii uu Prof Axmed Samatar iskaga tagay ee ku sheegay waxa meesha jooga in aysan ahayn Qaran.

    ReplyDelete
  4. Salaan kadib anigu laba dhaliil baan u wadaaa Dowlada Somaliya , ha ahaadan Barlamanka iyo Madaxweynaha Qaranka ...
    Madaxweynaha run ahaantii waxa uu ku fashilmay hogaaminta Umada daashay Barlamankuna Hunguriga baa dilaacsan oo waxaa igu maqaala ah in 100 kii dhaliishay madaxweynuhu in ay bar lacag qateen ilaahow umuuraja inoo hagaaji ..... FG wan salaama Mr Garad

    ReplyDelete
  5. Hadalkada qaarkooda contradiction ayeey isku yihiin. balse aan ka qaato laba erey mida koowaad waxaad dhahday hadii eey kaa qaadi waayaan oo ay tirada buuxin waayaan calaama su'aal ayaa koraya madaxtinimada madaxweeynaha waxaana meesha ka baxaya lashaqeenti eey kula shaqeen lahaayeen.meesha dowlad waaye sheeko mooryaanimo mashaqeeneyso cidi aan howsheeda gudaneene waa la eryayaa..mida mida labaadne aan ku xasuusiyo madaxweeynuhu naftirkiisa xildhibaanada waa uu kala diri karaa haduu sharciga umaro sidaana waxa ay ku qorantahay dastuurka

    ReplyDelete
  6. Runtii aad iyo aad ayuu ii taabtay qoraalkan, waana INTII AAN ODHAN LAHAA. Waad ku mahadsan tahay Walaal sida dhabta ah ee aad u daneyneyso danta guud ee dalka iyo dadka ee aadan ka hadleyn shaqsi jacayl ama shaqsi nacayb, waxaanan ku darsan lahaa Adayga Qalinkaaga oo ah mid toosan, oo ay siku dayayaaan qaarbadani oo jecel in laga hadlo qof jecleysi ay qaloocin kari la'yihiin. Aad baan kuugu mahad celinyaa adiga iyo AaminArts

    ReplyDelete
  7. yusuf salan kabid waad ku mahadsan tahay aragtidaada,waxaad ilowday in rag badan oo baarlamaanka somaliya ku jiraa ay DANO gaar ah u ololaynayaan iyo waliba dowlad goboleedyo gaar ah,iskuna dayayaan in ay curyaamiyaan dowkadii dhexe, waxaa ila haboon in MP aysan waqtiga ku lumin mooshino arimo gaar ah laga leeyahay, lana siiyo fursad madaxweynaha. mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. I really agree with you, Dano gaar ah ayeey leeyihiin ee hadalkaada qiimaha badan kama dagaayo!

      Delete
  8. Aad ayaa u mahadsantahay Yuusuf Garaad talooyinka wax ku oolka ah ee aad usoo jeedisay labada dhinac. Allah hakaa ajar siiyo aamiin.

    ReplyDelete
  9. Aniga uma malaynayo waqtigan xaadirka ah inuu jiro ama jiri doonto Madaxweyne ka daacadsan Madaxweynaha hadeer xukunka haya. Bal fiiri wadanka Dal iyo duunyaba weerar ayaa lagu yahay. Waad maqasheen dhibka waxaa keenay markuu ka dhawaajiyay in Odayaasha Qabiiladda uu mid kastaba weydiisto in Hebel jago loo siiyo. How stupid that could be, War Allaha idin cadaabee Qabiilka iska daayee Tii Alle iyo wadani-nimo fiiriya wadanka hadduu dago shaqsi Soomaali ah oo Faqiir ah aduunka waa laga weyn doonaa ee aan wax wada qabsano isu tanaasulno. Ha xumaado ama Ha samaado aan taageerno oon ku caawino sidaan u dhisan laheen wadankeena. Madaxweynaha waxaa nooga daran oo aadnan marnan ka hadleynin, wadamadda Deriska nala ah oo qaran nimmaddeena ka soo horjeeda aan ku was u jeesano. Wasalaama Calaykum.

    ReplyDelete
  10. asc,ninkan wax jiro maaha.wax ayaa layska dacayedeyaa ayuu maqley bes..nimaka raba in ee wax tuuraan iyo yusuf garaad wax isma dhamaan,waxee ka simin yihiin person intresste...

    ReplyDelete
  11. Xubnaha Baarlamanka kuma qaldana motion-ka, laakiin waa niman ay yar tahay iney go'aanadooda ku adkeystaan. Xassan Shiikh waa nin poor leadership quality leh, mana istaahilo xilkaan. However Baarlamankuna kheyr ma leh Xassan Shiikh na maaha qof wax lagu haleyn karayo, waxaa la yiri sheydaan baa hoyadii jiiday saa laye, alleyleh sheydaan wax hooyadii jiida waa yahay habar sheydaana wax la jiido waa tahay, haatan baarlamankan wareersanna Xassan jiida waa yahay Xassanna wax la jiido waa yahay.

    ReplyDelete
  12. Saciid qof wax fahmi karo waa u hadal egtahay laakiin hadaladdaada waxaa ka muuqato xoogaa aflaado iyo Caadifad Qabiil iyo naceyb. In qof lacaayo loona hadlo sidii dumarkii ma wanaagsana ee waxaan ku dhihi lahaa ka hadal siduu Adaawe ka dhawaajiyay (Maxaa inoo dan ah?). Ra'yigaada ka dhiibo adoon qofna aflagaadeynin. Madaxweynuhu waa madaxwenaheena ee sideen wadankeenii wax uGu qabanaa?

    ReplyDelete