Total Pageviews

Friday 6 June 2014

Ka Dhowrso Hantida Qaranka


Xuquuqda Ciidanka

Yusuf-Garaad

Maanta waa Jimco. Waxaan qiyaasayaa Madaxdeenna qaarkood in ay isu diyaarinayaan salaadda Jimcaha.

Waxaan qiyaasayaa in qaarkood ay ku lebbisanayaan khamiis, koofiyad iyo cimaamad.

Waxaan ogahaya qaarkood in ay xalay gurigooda bun ku dubeen.

Waa wakhti Ilaaheey loo towbad keeno, dembi dhaaf la weydiisto, dib loo eego usbuucii ku soo maray waxa aad qabatay. Iyo qaabka aad u dhaqantay.

Waa wakhti ay habboon tahay in la is weydiiyo shilin kasta oo aad cuntay, dad siisay, ama aad isticmaalkiisa aad fasaxday in uu si Ilaaheey raalli ka yahay ku baxay iyo in kale.

Waa xilli ay habboon tahay in qofku keligii ku xisaabtamo oo uu is weydiiyo in waxa uu kharash gareeyay ay ka mid ahaayeen mushaarka, sadka, saadka iyo saanadda ciidanku iyo in kale.

Sawirkani wuxuu tusaale kooban u yahay waxa ay ciidanku ka marayaan in dalku dib cagihiisa isugu taago.

Waxaa uu tusaale u yahay khatarta ay gelayaan iyaga oo aan waliba qalab xabbad ka daafaca aan haysan. Xabbad kasta oo baabuurkaas dushiisa lagu soo rido waxay u badan tahay in ay mid iyaga ka mid ah ku dhacdo. Iyaga oo naga og ayay u bareereen.

Xatooyo iyo si xun u maamulid labadubi waa lumin ama lunsasho hantida Qaranka.

Xaqooda faraha ha lagala baxo. Madaxda martiqaadka iyo sooryada u sameyneysa saaxiibbadood ha ogaadeen in hantidaasi ay tahay mid Qaran, meesha ugu habboonina ay tahay difaaca iyo amniga in ay gasho.

5 comments:

  1. Aragtidaada fadlan halkanhoose ku reeb. Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Yuusuf Garaad mahadsanid. Waxaa fiicnaan lahayd qoraalkaaga in madaxdu si uun uga warhesho...waa intaas oy dib u xisaabtamaane. Xoogga xaaraanta inaan cunno naga ilaalıyo waa IIMAAN iyo damiir NOOL. Ilaahey ha hanuuniyo dadka taladeenna hayo.

    ReplyDelete
  3. Haddii Alle laga baqi lahaa oo qof kasta oo madaxda ah is xisaabin lahaa, dalkan maba gaareen heerka uu maanta yaal. Wxanse leeyhay dad badan umaba baahna in wax loo sheego, waxa kaliya oo lagu toosin karaa waa in ummadda laga hor wareejiyo. waayo way ku xidideysteen maamul xumadda & xatooyadda.marka maba fahmayaan afka aad aad ku hadleyso & waxa aad ka hadleyso.

    ReplyDelete
  4. Maashaa ALLAH! Qoraalkani waa khudbadii Jimce. Madaxda keliya ma ahee qof kasta oo naga mid ahi ALLAH ha ka baqo.

    Aad ayaad u mahadsan tahay, Yuusuf Garaad.

    ReplyDelete
  5. Yussuf Garad salaan! Haddii aan qoraalkaaga dib igu noqdo markaan maqalno ruux jebel baa jagadaas loo magacaabay shacabkii maskaxdoodda durbo waxaan Ku soo dhacaayo hadduu saro dhisan ma jirto hebel wax buu wadanka ku soo kordhin, haddii xataa daacad yahay oo uu illah dartiisabooli IGA dhowraayo . waxaasna waxaan nogu wacan boobista wadanka waa arin soo taxana ahayd. Hadday madaxda wax xadin waa nacas muxuu ka hadli iyo waxbo jagaddii Kama uu faaiidiysane. Sida loga bixi karaa waa in shacabka joojiyaan waxaan aay caadeysteen oo ay raali ka yihiin in LA dhaco hantida wadanka iyo xaqoodda . Shacabka ha joojiyaano fikradda ah ii dhib jago wacan oo aan Ku macaasho. Gabagabaddii hadalkeeyga wadankeenabwaa LA diirtay waxbo kuma harin haddii illah laga bawaayo. Somalidda maanta wurbo ha joogo iyo gudo ha ku noolaadaan waxaan Ku tilmaamay keli cuniyaal , calooshood u shaqeystayall , haddana LA isku noqon oo laga dhiidhin fall xumadda aan cadeysanay sidaan joogno waan ka sii liidan , codka shacabka waa very piwerful , hal mar indhaha intaad isku qabataan u codeeya xaqa oo xisaabtama howdhiinii waad gabteene.

    ReplyDelete