Total Pageviews

Thursday 3 July 2014

Fadlan Xaqdhowr Marxuumka


Aan Xaqdhowrno Marxuumka
Inqaasta Yusuf-Garaad
Maalmahaan la sooman yahay ayay soo bateen dilalka Muqdisho.  Dhowr iyo toban ruux ayaa Muqdisho lagu dilay dhowrkii maalmood ee bishan Barakaysan ee Ramadan. Waxaa u dambeeyay, Xildhibaanka saaka la dilay. Dhammaantood Allah ha u naxariisto.

Qofku marka uu dhinto wuxuu leeyahay xuquuq ay ka mid tahay in sharafta iyo heybaddiisa la dhowro.

Waxaan sawir qaadayaasha oo ay ku jiraan weriyayaasha, booliiska iyo goobjoogayaasha  sita mobile-ka caaqilka ah aan u soo jeedin lahaa in ay ka fiirsdaan sawirrada ay qaadayaan iyo sida ay u adeegsanayaan.

Ma ahan in wax aanad raalli ka ahaateen in lagugula kaco ad adigu kula kacdo qofka dhintay oo aan isagu yac iska dhihi karin.

Ma ahan in sawirro laga qaado qofka oo dhiig dhex yaalla, indhuhu ay rogan yihiin, afka kala haya amaba dhambacaad u dhacay ama laga yaabo in uu si kale oo aan munaasab ahayn u yaal, meel aan munaasab ahayna dul yaal.

Haddii ay dhacdo in sawirro noocaas ah ama kuwo ka sii xun aad qaaddo fadlan ha soo dhigin baraha internetka.

Tan labaad waa in laga fiirsado goorta iyo sida loo sii deynayo ama loo shaacinayo magaca marxuumka.

Waa in la isku dayaa in ehelkiisa la wargeliyo, ka hor inta aan saxaafadda laga sii deyn magaca marxuumka.

Ilaaheey naguma keeno, ee bal qiyaas adiga oo internetka iska dhex mushaaxaya in uu kugu soo baxo sawirka aabbahaa, hooyadaa, walaal, xaaskaaga, ninkaaga ama saaxiibkaa oo ay haddaayay kuugu dambeysay laakiin hadda dhiig dhex yaalla aadna arkeyso in uu meyd yahay?

Mas’uuliyaddan waxaa iska leh saxaafadda, howlwadeennada caafimaadka, booliiska iyo dowladda. Sidoo kale shacabka oo dhan ayay tahay in ay ka qeyb qaataan xaq dhowrka marxuumka iyo ehelkiisa.

17 comments:

  1. Fadlan aragtodaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Wa talo an wax naxli ah lahayn o ninkii / gabadhii garanaysa, sida alxabi o kale ah e hawraarsan an dhano somaliyey. Kumahadsanid ina abow

    ReplyDelete
  3. Waa tallo aad ufiican. Waxay ubadan tahay in dadka sawirada qaadaya aysan xumaan ugu jeedin, laakiin aysan ku baraarug sanayn dhibka iyo mooraal xumada ay arintaasi leedahay. Marka haddaad Muqdisho joogto adiguna aad tahay qof saxaafada khibrad u leh waa inaad arintaas wax kabadalkeeda ku dadaashaa, sida in idaacadaha iyo shirarka laga sheego. Dadka ladilayo iyo sawirada laqaadayo kuma eka shaqsiyaad kali ah, oo waxaa qayb ka ah Dawlada Soomaalida. Dadka dawladu xukunada dilka ah kufuliso laftooda waa lasoo bandhigaa, waliba marmarka qaar waxaa la soosawiraa qofkii oo geed kuxidhan, dhiigaya haddana ay dad maxas iyo shacab ah daawanayaan. Taasina waxaa kadhalan kara cawaaqib xumo iyo dadka oo si qarsoon ooysan dareemaynin maskaxda uga jirada (psychological trauma). Dad badan ayaa sawiro ay arkaan darteed maskaxiyan ku curyaamaya. Waxaa haboon in intii macquul ah laga fogaado arkida sawir qof mayd ah, xataa meel macquul ah haduu yaalo. Khaasatan ciyaalka oo latuso sawirad qof ladilay oo dhiig kasocdo, waxay kutahay xad gudub iyo fududayn inay wax dilaan, waashaan, ama maskaxiyan curyaamaan. Illaahaw dadkeena miyirka usooceli.

    ReplyDelete
  4. ilaahow naga soo qabo kuwa banaysta dhiga islaamka weliba ayadoo lagu jiro bishii barakeysneyd ee Ramadaanka

    ReplyDelete
  5. Waa talo dhaxal gal ah Yuusufoow Allah hana wada ganasiiyo, anugu waxaan aad ugu dahliili lahaa arintan qolada saxaafada oo qof dhiig baxaya inta dul istaaga masawirro ka qaada halkii ay u gurman lahaayeen, dhiiga ka joojin lahaayeen ama hawada u furi lahaayeen.

    ReplyDelete
  6. waa arin muhiima in laga wacyi galiyo hab dhaqanka qaldan ee saxaafada jiilka cusub waana ku mahadsantahay yuusuf waxaana ku leeyahay sii wadwacyi galinta noocan oo kale wll mahadsanid

    ReplyDelete
  7. Saaxiib, heestu meesha aad ka qaaday maaha, dadka waa in la tusaa foolxumada dhacday, ee ay fulinayaa kuwii bilowgii 90dii fulin jiray ilaa haddana ay wadaan. Yaa dila dadka? Ha odhan Shabaab, waa qabiilkee ama qoyskee ku howlan dadka wax dila. Waxa laga ogaan karaa kuwa la qabto hadallada laga qaado, hadiiba uu sir doon jiro. Naxariista aad muujinaysaa ma muuqato. Dowladda, qabiilka ku dhisan, Safaaradda Itoobiya ee ku dhex taal madaxtooyada. Kuwa aad shalay bar bar dhigtay dowladda laftigeeda ee ad ku sheegtay Hawiye. Miyaadan toos ula hadli Karin oo odhan karin, dadka la dilaya yaa dilay? Haddaadan odhan karin Soomaalidu way ka dheregsantahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. walaal abdul-rahmaan Ramadaan wanaagsan marka hore marka, xiga hadaan comment tigaa aan tix raaco, walaal meesha aad la aaday maaha. qabiil laguma weydiin ee waxa lagu weydiiyay inaad ka jawaabto ayaa wanaagsan waa kaamirada wax lagu sawiro iyo sida wax loo sawira wanaagsa inaad su'aasha fahanto ayaa jawaabteda qeyb ka ah.

      walaal hadaad dood qabiil qabto fadlan waxaad booqan kartaa web-page yada qabiilka looga hadlo. dad aan qabiil aheyn oo qabyalad kamaran ayaa blog-ga fakirkooda ka dhiibanaya marka adiga waxba rer hebel kuma tarayo waana kan meesha dhigay somalia.

      Delete
  8. yuusuf waad ku amaanantahay wacyi galinta aad u soo jeedisay dhalinta aan laheyn qibrada saxaafada ee caadeystay iney dad lugaha ka go,an am mayda soo duubaan

    ReplyDelete
  9. Ramadan kariim waa talo aad iy aad muhiim ah lkn 5bari in 10qof ladilo gacan ku dhiiglayasha aan laqban taas micneheeda waa dowlad oo musliyada ka jiifta.

    ReplyDelete
  10. walaahi walaal waad kumahadsantahay sida wanaaga iyo naxariista badan ee aad fariintaada ugu gudbineysid somalida isticmaasha internetka. aniga waxaan kugu aqaan inaad tahay nin wanaaga jecel oo somalia iyo dadkedaba iney dunida sharaf ku yeeshaan aad maanka ku heysid, qof ahaan adiga yuusuf ah waxaan aqaan codkaaga kaliyah lakiin caaqil ayaa yiri"we are what we repeatedly do. excellence, then, is not an act, but ahabit"ARISTOTLE.

    walaal halkaa kawad dad badan ayaa kugu dayan doona oo aad hada hormuud utahay waxaan rajeynayaa inaan wakhtiga dhaw arki doona bada lagu farxo waa hadaan dadaalno.

    ReplyDelete
  11. Yuusuf waxaad waanisay warbaahinta, booliska, iyo dadka kale oo shacabkaa ee sawirada kaqaadaya dadka la dilay ee meydka ah ilaahay ha u naxariisto dhamaan, waxaadna siisay waano fiiacan ilaahay ha kaa ajar siiyo ayagana alaha ku anfaco. Lkn Yuusuf waxaad ilowday inaad wax u sheegto ood waaniso dadkii intaas oo dhan ka darnaa oo ah dadka maalin Rabadaan umad muslim ah oo sooman dilaya. waxaan u malaynayaa waanada kuwaas ayaa aad iyo aad ugu baahan waxana kamaada dhihin.

    ReplyDelete
  12. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  13. Ruux aan ehel nahay oo sawirkiisa oo mayd ah la soo dhigay mar aan arkay waxan uga murugooday si aad ah. Ruxii sawirkaas qaaday ee baahiyay haddii aan garanayo waan la muddici lahaa. Walaalayaalow, xishooda iska daa sawir ee xitaa hnadallada qaar in si caam ah bulshada loogu soo gudbiyaa ma habboona.

    ReplyDelete