Total Pageviews

Saturday 5 July 2014

Ii Dhis ka dibna ii Nadiifi


Arrad mise Uskag?
Yusuf-Garaad
Waxaan maqli jiray Arrad waa dan laakiin Uskag waa dadnimo xumo.

Turkey waxay noo dhistay waddooyin. Waxay u sameysay nalal aad u iftiin badan. Sax ma kula tahay in haddana loogu daro in ay qashinka iyagu ka qaadaan waddooyinka? Maxaan markaa isku tilmaannaa haddaan nahay Soomaalida Muqdisho ku nool? 

Waan qirayaa in ay jiraan Soomaali ka shaqeysa nadaafadda Muqdisho, xushmadna waan u hayaa. Laakiin weli waxaan arkaa Turki ka shaqeyneysa nadaafadda Muqdisho sidii in ay naga reer Xamarsan yihiin ama ay naga Soomaalisan yihiin.

Dad badan ayaan weydiiyay sababta. Kamase helin jawaab aan ku qanco. 

Waxaa jawaabta ii sheegay dhagxaan, loox iyo muraayado. Waa derbiyada dhaadheer ee shubka  ah iyo muraayadaha quruxda badan ee dhismayaasha magaalada ku yaalla iyo kuwa kale ee hadda la dhisayo.

Waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho ay ku fara adeygaan, horumariyaan, aadna u naashnaashiyaan hantidooda gaarka ah.

Waddooyinka magaaladuna waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho aanay dan ka lahayn waxa iyaga ka dhexeeya oo ay u arkaan wax aanay iyagu lahayn.

Haddii waddooyinka naloo dhiso, oo nalal nalookugu sameeyo, sow nalama gudboona in aan annagu nadiifsanno?

16 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku qor. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Inta badan dadkeena Soomaaliyeed lama barin micnaha Hantida Guud ama mida Qaranka ee ka wada dhexeysa umada oo dhan, Laamiga waxaan u naqaana meesha lo soo fogeeyo qashinka! wasaqda iyo wax walbo o xun, guri qurxoon hortiisa in aad qashin dhigto laguuma ogola lkn Laamiga qof kaa celinaysa malahan! Sabab? Diinteena Islamka waa mamnuucday in qashin la dhigo lamiga in laga qaadano waxay ka mid tahay Imaanka.

    Si kastaba waa mahadsanyihiin Walaalaheena Reer Turkey.

    ReplyDelete
  3. Yusuf fiqi bahdi kama jana tago, reerkaagu meel ay ku roon yihiin waayay dhac iyo boob weeye dad nimadiinu, somali ceebeyse alle ha idin ceebeeye!!!!

    ReplyDelete
    Replies
    1. Maahir, anigu kuma dhicin kumana boobin. Haddaan xog kula wadaagay kaama mudni af lagaaddo. Fadlan la noqo qoraalkaaga ama raalli gelin ka bixi.

      Delete
    2. Maahir, xanuunka Soomaalida la degay baa ku haya. ALLAH ha ku siiyo caafimaad adiga iyo kuwa kula midka ah.

      Delete
  4. Waddo nadiifinta ay Turkidu ka wadaan Muqdisho waxey daliil cad u tahay waxqabad la'aanta iyo fashilka guud ee ka jira dowladda hoose ee gobalka Banaadir.
    Si wax looga qabto nadaafadda wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, waa in maamulka gobalka Banaadir ay howl-galiyaan shaqaale nadiifiya waddooyinka waaweyn ayna canshuur nadaafadeed ka qaadaan dhamaan guryaha saaran waddooyinkaas; ama waa in uu maamulka gobalka Banaadir uu howsha nadaafadda waddooyinkaas ku wareejiyaa shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeyo nadaafada lana sameeyo xeerkii ay ku wadashaqeyn lahaayeen shirkadahan gaarka loo leeyahay iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

    ReplyDelete
  5. Shacab waxaa haga hoggaankooda, halkaa uun ayayna la'dahay.

    ReplyDelete
  6. Waa arin aad looga xumaado.Yussufow su,aashan mar hore ayaan runtii iswaydiiyey..war heedhe dadkan wadada qashinka ku qubaya miyaa wadanka iskaleh mise kuwan nadiifinaya,nuurinaya ee nalalka casriga ah ka laalaadshay?waxaa la ii sheegay in turkigu haamo xaafadaha u qaybiyeen si qashinka loogu qubo baabuur qaadana u sameeyeen.dadka ka shaqeeyana mushahar iyo guno u qoreen dadkan la qoray waa somali lkn waxaa jira Turki hawsha laqabta oo lagura..Maxaa dhacay marka malaga faaidaystay maya!!

    waxaa dhacay:meeshan waxaa jira 3 guruub.
    1.Somali lookeenay haanta qashinka lagu rido oo guriga hortiisa loosoo dhigay.
    2.Somali la qoray oo lacag ku qaata qashin qaadista baabuurna lasiiyey.
    3.Turki iyaguna dhinicooda kawada shaqada oo gura qashinka.

    -qoladan 1-aad intooda badan qashinka waxay kudaadiyaan haanta dusheeda ee gudaha uguma ridaan,sida raashin hambo ah,faradhaq iyo boco jeex jeexan oo cunto ku jirto ayaa dusha iyo hareeraha looga daadshaa haanta.kuwo ayaga kamid ahina waxay intay iska fiiriyaan turkiga ayay wadada ku daadshaan ayagoo dhuumanaya.

    qoladan 2-aad ee gawaadhida wata ee loogu talagalay inay qashinka guraan qaar kamid ah baabuurta way iibsadaan..qaarkoodna markay soo gaadhaan meeshii loogu talagalay inay uruuriyaan wasakhdii way kala firdhiyaan oo qaarna way katagaan qaarna way qaadaan.

    qoladii 3-aad ee reer Turki iyagu marwalba majoogaane waxay yimaadaan meelo qorshuhu ahaa in dhawr isbuuc ka hor laga guro qashinka oo uuranyahay hadana wadada daadsanyahay meeshii wax laga qaadayna intooda badan aan si hamsami leh loo qaadin.cajiib.

    ReplyDelete
  7. Shacabka haddii canshuur laga qaado dowlada hoose ayaa eedaa iska leh.Idaacadaha magaaladana waa in wacyi galin iyo dhaqan celin laga baahiyaa lana soo ceshaa ololihii iskaa wax uqabso ee nadaafadda magaalada.

    ReplyDelete
  8. Dadkeenna waxaa ka maqan garasho ah 'hantida guud' ama waxa la isla wada leeyahay. Tus.ahaan waxaad arkaysaa qof (rag iyo dumar) hameenkii, dariiqa baabuurtu iyo dadku maraan qashin iyo wasaq ku seyraya. 'MAXAA IGA GALAY'daa nagu badan...

    ReplyDelete
  9. waan salaamay dhamaan dadka somaliyed ee fakarkooda sida wanaagsan u dhiibanaya iyo qoraaga faalada yuusuf Garaad. walaalayaal somalida kaliyah maahan, dhibtaan dalal bdan oo burburay ayaa nala-wadaaga aniga waxaan malayn jiray in somalidu wadaniyad eysan laheyn, lakiin taa waxaan uga qancay; Ciraaq, libaya, suuriy, centeral Africa iyo dalal kale oo badan.

    markii dowladii la'riday shaqsi kasta waxa uu qaatay wixi gacantiisu gaadhay, hadii maamul adag la'waayo foowdo, dil, dhac, qashin iyo waliba wax kadaran ayaa la'arkaa. waxaan filayaa in qodobka aan hada falan qeynayno uu muuhim uyahay wakhtiga waayaha aan dhex maquuranayno. waxaan arkaa in ay horumar tahay inaan garano oo aan kahadalno talaabo qaadkuna waa uu ku xigaa INSHA-ALLAAH.

    walalayaal, dhamaanteen masuuliyad ayaa nasaaran inaan arintaan ugudbino maamulada, wax garadka, ganacsatada, culumaa u diinka, miidiyaha iyo dhamaan shacab weynaha. miidiyaha waxaan leeyahay isagaa ugu wanaagsan"shift paradigm"oo ah in sida dadku ufakirayo loo badalo cida ugu wanaagsan waa miidiyaha arintaas door -wanaagsan kacayaari kara.

    ReplyDelete
  10. Shaqooyinka waa lagala leeyahay dawlada hoose ayaa nadaafada ku shuqul leh waxaa ILA haboon in company in la siiyo nadaafada lagulana xisaabtamo kharashkana dawlada hoose ay bixiso waana in la magacaabaa xoghayaha nadaafada

    ReplyDelete
  11. Waad mahadsan tahay walal Yusuf marwalba sida qiimaha leh ee aad noogu soo gudbiso xaalada dhabta ah ee ka jira dhulka hadaan u soo noqdo mawduuca walaal dhibaatooyinki ka dhacay dhulka Soomalida waxaad moodaa in ay dadka dhaxalsiisay dhaqano aan haboonayn taasina ay u bahan tahay wakhti dadka dib loogu dadaynayo

    Waayo umadeenu ma qiimayso waxa la wada leeyahay umana arkan in ay u bahan tahay daryeel wan halka ay tagan tahay muwadinimadooda iyo aqoontoodu sidaa darteed turkigu inagama dal jecla lakin way inaga aqoon badan yihin wanay dhisan yihin iaguna waynu aqoon yarnahay waynu burburnay

    Dhulka ay colaadihii sokeeye burburiyeen waxa ka daran dadku sida uu u burburay markaa sida lamida loo dhisaa micno inoo samayn mayso ee dadka ha la dhiso walaal

    Waad mahadsan tahay

    Yusuf Habiib

    ReplyDelete
  12. Soomaali inteeda badan kuma baraarugsana muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo shaqada la wadaago sida qashinka, aniga waxan soo jeedin lahaa in olole nadaafadeed oo ay ka dhex muuqdaan dadka magaca leh ama xilalka haaya la qaado oo usbuuciiba mar Degmo walba nin masuul ah oo dadka kiciya uu tago si qashin qaadka dadku ula qabsadaan. Yusuf Garaad maadaama aad tahay nin la wada garanaayo doorkaas waad qaadan kartaa ayaan filayaa walaal. Mahadsanid

    ReplyDelete
  13. Dhibtu maaha halka aad ka eegteen, waxaan aad u jeclaan lahaa Yuusuf iyo ragga kaleba in waxa ay yaqaanaan dadka wax ka baraan. Waa in lalkala saaraa howlsha dadka u taala, iyo tan dawladaha u taal.

    Dawladaha iyagaa qaabeeya, dhisana hadba nooca dadkoodu noqonayaan. Haddii dadku wax walba iska sameynayo, dawlado lama dhisteen. Dadka waxaa laga doonayaa ilaalinta sharciga iyo la shaqeynta dawladooda, dawladahana waxaa laga doonayaa u qumida danta dadka, sidaa darteed, nadiifinta wadooyinka, hurumarinta magaalooyinka, u kala garsoorida, iyo meel marinta sharciga, waa shaqo u taal lagana dhowrayo dawladaha dadku dhisteen. Taa macnaheedu maaha in ceebta dhibta markaa jirta aysan wada qabaneyn, laakiin waa masuuliyad rag/dumar ay u soo istaageen isuna soo sharaxeen wax ka qabadkeeda. Thanks

    ReplyDelete
  14. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete