Total Pageviews

Thursday 10 July 2014

Iska Gudub


Baabuurka Hubeysan 
Yaa Baara?
Yusuf-Garaad

Annaga oo gaari saaran ayaa waxaa na joojiyay askar waddada gudub u dhigay bir miritay oo dusha ku leh gano fiiq fiiqan oo aad qodxo mooddo. Waxay waddada ka soo reebeen in yar oo ciriiri ah oo aanan hubin in baabuurku mari karo, laakiin intii yaraydna iyaga ayaa qoryo la taagan.

Darawalkii na waday oo ahaa nin reer magaalkii hore ah, aan hubeysnayn dhexduna ay u dhuuqsan tahay ayaa u degay.

Waxaan ku warhelnay askari dib u degay ee xabbad kor u riday si hanjabaad ahna darawalka ugu sheegay in uu waddada ka laabto. Annaga oo la yaabban ayaan halhaleel u laabannay.

Waxaan ka soo wareegnay meel fog si aan halkii aan u soconnay uga soo galno jiho kale. Jihadii keliya ahayd ee harsanayd ee goobtaas laga soo geli lahaa waxaa daadsan ciidan  sida in ay dagaal saf ballaaran ku gelayaan kala fog fog oo qoryahooda la diyaar ah. Askar qoryo sidata oo nala socday ayaa midkooda damcay in uu u dego una fasiro meesha aan u soconno iyo dadka aan nahay. Askari dhulka jooga ayaa qori ku qabtay oo yiri ha soo degin. Dhanka uu askarigaasi ka degi lahaa ma ahane dhanka kale waxaan iiga muuqday saddex askari oo iyaguna is garab istaagay oo shiishka nagu qabtay oo isu diyaariyay in ay rasaas nagu soo furaan haddii iyo marka ay ayaga la noqoto.

Waa dharaar cad. Waxaas oo dhan waxay dhacayaan ayada oo la diiddan yahay in aan isa sheegno dadka aan nahay, meesha aan u soconno iyo sababta.

Gurmad
Waxaan ku laabannay goobtii aan markii hore ka soo socdaalnay. Gaari ciidan ayaa na soo gelbiyay. Waxaa dusha ka fuushan dhowr askari oo qoryo sita oo inta ay dhabarka is xijiyeen luguhu ay u laallaadaan. Waxay ku soo biireen ciidankii markii hore nala socday.

Inkasta oo dan muhiim ah aan ka lahaa goobta, haddana ma jecleysan xaaladdaas in aan ku dhex jiro. Waxaa goobta nagu sugayay dad boqol kor u dhaafay oo ay ahayd in aan la kulanno.

Askartii xabbadda nagu ridday ayaan bartoodii ku soo laabannay. Waxaan filayay in buuq badani meesha ka dhaco. Askartii markii aan ilaalada culus nala socon diiday xataa in ay nala hadlaan, markan intay waddada dib uga degeen ayay gacanta noo haatiyeen ayagoo noo tilmaamaya in aan gudubno. Xataa baabuurkeennii lama joojin, baaritaanna warkiiba daa.

Maxay kula tahay?
Waa lama huraan Ciidanka dhulka taagani ay anshaxa dhowraan lagulana xisaabtamo kuwa aflagaaddo geysta, dadka la hadli diida ama faruhu ay cuncunayaan ee sabab la;aan xabbadda ridaya. Xabbaddaas oo qof dili karta, maqalkeedu sii damqinayo boogta ku taal ammaanka magaalada isla markaasna lacag khasaartay ah.

Anigu waxaan aqaannay iyada oo la ganaaxo askariga xabbad u rida macno darro.

Laakiin haddii baabuurta hubeysani ay ka awood badan yihiin ciidanka dhulka taagan oo aan la baari karin, ma tahay in ay baabuurtaasi magaalada marba dhinac u mushaaxaan? Ma lahaa waxaa la qaatay in ciidanka baabuurta saaran dhulka la dhigo oo ay ku biiraan kuwa wax baaraya.

Su’aalo badan ayaa madaxeyga ku furmay. Jawaabna ku filanna kama helin dad dhowr ah oo aan kala sheekeystay. Marka laga reebo xabbadda, falkani waa mid Muqdisho ku badan. Maxaa xal ah?

F.G. Fadlan aragridaada nala wadaag, aniga iyo akhristayaashaba. Waxaad ku qreebi kartaa isla boggan meeshiisa hoose. Mahadsanid.

16 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. asc sln ka dibwaa dhib jiro oo xal u baahan

      Delete
    2. Isaga tag inta aad nabad qabtid

      Delete
  2. Yusuf Garaad waxa aad ka sheekeyneyso waa nolol maalmeedka caasimadda, askarta aad sheegtey ee qoryaha idinku qabatey wadnihii baa cadaadey hadba sidii intii loo soo dhawaado la iskugu qarxinaayey beledkiina waa aamin beeley waxa hadda xiran, marka waxaa iga talaa inaad is aruurisid hana u qaadan halka ama labada nin ee gaariga kula saaran ee qoryaha wata inay ku filanyihiin amaankaaga ee is ilaali madaxdeenii berri aa tahay si fudud ha ku bixin.

    ReplyDelete
  3. MARKAAN ARKAY CCTV-GII HOTELKII LA QARXIYEY NINKII LAPTOPKA WADEY SIDII FUDUDEED EE LOO GUDBIYEY IYO NINKA HADDA LAGU QABTEY MADAXTOOYADA EE SHIRQOOLKA LABADA SANO LA DABA TAAAGNAA EE IYADOON LA BAARIN MAALIN KASTA ISKA GUDUB LA DHIHI JIREY, IYO WAXAA II MUUQATO DADKU INEYSANBA DAAWAN AFLAANTA AJANTIGA IYO QAYAAMOOYINKA AFLAANTA CIA-DA. WAXAAN HUBAA INUU AGENTS BADAN AY KA BUUXAN QEYBAHA DOWLADA XITAA XILDHIBAANADA. CIDEY U SHAQEEYAANBA

    ReplyDelete
  4. waxaan xal u arkaa shibiliinka ciidanka inladhiso.nimankan qoryaha wata waa wixii isbaaradu u taalay hareeraha iyo badhtamaha magaalada waxna iskama badalin ee sidoodii..mana aha niman aduunka lasocda.mana oga muhiimada qofka shacabka ah iyo waxa uu ka mudanyahay.

    ReplyDelete
  5. Sidaadoo kale ayaanu yaabanahay. Wax badan ayaa khaldan la saxi maayee kii hore oo kuwa cusub baa la sii sameynayaa. Muqdisho gacan kuma jirto. Hassan waan ku hungoownay fursad qaali ah ayee naga lumiyeen isaga iyo asxaabtiisaba. 2016 ayaanu sugeynaaa walow aan dib wax badan u laabanay. Habenkii 10- sep- 2012 ayee meesha ay mareyso imika dhaantay. waad mahadsantahay YG. shaqo fiican ayaa heysaa.

    ReplyDelete
  6. Yusufow, adigu waxaad jaanis u heshay inaad gaari hubaysan soo hesho qaabkaad doontaba ku soo hele, maxaad dhihi lahayd qof danta aad leedahay iyo ka sii weynba meeshaas ka leh heli karinna gaari hubeysan oo mooryaantaas ciidan Isku-sheeggaa dhaafiya?? Somalidu weli ma aanay bislaan.

    ReplyDelete
  7. aniga waxaa ila qumanmuqdisho hub aan dowlada loogu shaqayneen in laga mamnuuco in ciidanka dawlada iyadoon hawl gal aan loo dirin hub magaalada la dhaxmarin arinta xaquuqda shacabka in dad tababaran oo ugu yaraan aqoon leh la geeyo meelaha koontaroolada ah iyaga ay wax baaaraan si qofka shacabka loogu xad gudbin xaquuqdiisa dhaqdhaqaaqne uwaayin

    ReplyDelete
  8. Dhibka dalkena haysto wax aka mid ah INA ADEER wax la dhaho, taas o kuu surta galineysa in aad wax walba si fudud ku hesho, hadan la iska dhaafina dhibka wa si jira. Dhanka amanka waxad arkeysa qof mel iska gudbaya oo an la bareyn wayo qofka waxa baarayo ayaa ah INA ADERKIIS, waxa ila quman/wanaagsan in askari kasta la baaro xitaa kuwa waqtigoda la badalyo oo habenki so galayo ama malinkii..
    Mahadsanidiin...

    ReplyDelete
  9. walalyaal dhamaan waan idin salaamay, S/C. waxaan mid gaar ah hawada umarinayaa Yuusuf Garaad oo qoraaga maqaalka. somalia waxa maanta kataagan maaha wax qoraal kaliyah lagu sookoobi karo. dowladda fadaraalka ah ee hada jidha wax badan oo lagu filayay hungo ayeey noqdeen, sababta la'iskuma wada raacsana ee nin meel ayuu ku dhufanayaa. waxaan jeclaan lahaa inaan ku dadaalno sidi somalia ay dhibatada, iyo kala shakiga qabiilka ay uga bixi laheyd. hadaan jawaabta usoo daadago waxaan ku jawaabi lahaan maanso uu leeyahay Abwaanka weyn ee Somaliyed: Hadraawi"Aw-tirsi"

    226. Haddaanay astaan lahayn,
    227. Abbaar iyo nuxur lahayn,
    228. Aroor iyo raad lahayn,
    229. Ammaaniyo qawl lahayn,
    230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
    231. Islaamnimo sheeganayn,
    232. Hadday wada eexo tahay,
    233. Hadday asaroorin tahay,
    234. Asaasiran lagu bursado,
    235. Hadday dabin aasan tahay,
    236. Shil iyo wada eeso tahay,
    237. Hadday wada aano tahay,
    238. Hadday agaraadam tahay,
    239. Addoonsigu diin u yahay,
    240. Hadday orgobaysan tahay,
    241. Iimaanku ka qooman yahay,
    242. Hadday Arraweelo tahay,
    243. Hadday abnawaasad tahay,
    244. Af-duub iyo beeno tahay,
    245. Axsaantu ka maydhan tahay,
    246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
    247. Or iyo wada qaylo tahay,
    248. Hadday adhiyaysi tahay,
    249. Hadday adhax-tuujin tahay,
    250. Ilduuf iyo jeeble tahay,
    251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
    252. Siyaasadi aabbe ma leh.

    253. Ku daalka abaabulkeeda,
    254. Alooskiyo baanaheeda,
    255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

    ReplyDelete
  10. waxee qeeb katahey caqabada hortagaan dowlada. aniga waxaa igu dhacey askari kenyaan ah anoo gari wataa iyo asagoo katagaan wada mel bus badaan ayuu waxuu igu yiri jooji gariga waan joojiyay gariga markaa ayuu waxuu soo istagey daqada miidig ee gariga markaa ayuu waxuu igu yiri waad araagtaa mesha aan taganahey marka waxaad ii sii saa shaax dhaqaan ahaan waxaad modaa in ku somalida eey karooyihi lahin xaga musuq masuqa waa is leyyahey wey kadaraan yihin lakin sidaa uu wax ku weydisanaayo wax caga julneen iyo cabsigalin ku ma jirto .oo marka hore ayuu waxuu ku bilabayaa salan.waxaan ku iiri mashaan waxaan uu tagaan tahey waanaga iyo wadanka in aad ii laa liso marka shaax waan kusinayaa lakin waxaan ka rabaa in aad garigeyga barto asogoo cabsanayaa ayaan waxaan siyay lacag oo uuna furay gadaal sida aan isleyahey waxuu ii qatey in aan aheey nin masuul lakin lakin xaqiidda taa wey kafogeed oo waxaan ahaa nin shacab ah nin ka waaxuu kayabey nin lacaagsiyay asoo aan rabin in gariga uu baro ku qasbey gariga in uu baro marka . asogoo an sificaan uu barin ayoo salaan sare ii sarey iguna yiri axsante marta tariiq ahaan askarta kenya gariga hadey kaqataan lacaag mabaraan oo waba kaqaten lacag .marka waxaan uu bahaney in aaskarta lagu dhiraa galiyo in uu gariga baro sii loga baad baado dhibatada amni darada oo aan kawada shaqeyno madax iyo shacaaba si somaliya cagaheyda isku istaagi laheed markale thank yusuf garaad

    ReplyDelete
  11. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  12. Hello Am Mrs, Morgan Debra Am amaahiye amaah sharci ah oo lagu kalsoonaan karo siin deyn
    on a eego cad oo la fahmi karo iyo xaaladda dulsaar 2%. Laga soo bilaabo
    $ 12000 in $ 7000000 USD, Euro Markaasuu oo ginni oo keliya. Waxaan bixin Business Deymaha,
    Daymaha shaqsiga, Amaahda Ardayda, Deyn gaariga iyo Deyn bixin biilasha. Haddii aad
    u baahan tahay si amaah ah waxa ay tahay inaad sameyso yahay, waayo, waxaad si toos ah ii soo xiriir
    at: morgandebra1986@gmail.com
    Ilaah ha idiin barakeeyo.
    Salaan,
    Mrs Debra Morgan
    Email: morgandebra1986@gmail.com


    Fiiro gaar ah: Dhamaan reply waa in la soo dir: morgandebra1986@gmail.com

    ReplyDelete
  13. dalbato amaah aan lacag ku wehlin (waxaan ku siin amaah ah oo aan lacag ku wehlin doona)
    Anigu waxaan ahay Mr John Pedro amaahiye amaah gaar ah, ayaad u baahan tahay si amaah ah deg-deg ah si ay u bilaabaan ganacsi kuu gaar ah ama bixin deymaha aad, waxaan ku siin amaah si degdeg ah oo masuul ka lacagta ugu hooseeya ee 2000 si ay lacagta ugu badan ee 50.000.000 in qayb ka mid ah erayga in lacagta wax aan lacag ku wehlin doona heerka ugu hooseeya ee 2% la muddadiisu waa 1 ilaa 20 sano, haddii aad rabto in aad ka amaahan amaah ah shirkad aan aad tahay si aad u buuxiso foomka amaahdaana hoose si aanu kuu sheegi karaan habka soo socda.
    si aad u dalbato amaah adigoo buuxinaya foomka codsiga hoose oo u soo dir email noo: johnpedroloans@hotmail.com

    Magaca buuxa ................................
    Gender..............................
    Xaaladda guur ...........................
    Age ...................................
    Cinwaanka .............................
    Phone ..............................
    Country .........................
    Qadar Loan ............................
    Duration ..............................
    Shaqada ..............................
    Dakhliga billaha ah...............................

    Email: johnpedroloans@hotmail.com
    Mr John Pedro
    CEO

    ReplyDelete