Total Pageviews

Wednesday 9 July 2014

Muqdisho iyo Marka


Marka hore 
Muqdisho iyo Marka
Yusuf-Garaad
Waxaan soo dhoweynayaa, General Khaliif Ereg, oo maanta loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka.

Agaasimihii hore ee Nabadsugidda, Axmed Macallin Fiqi, oo Wasiirka cusub hore madax ugu ahaan jiray, isla markaasna Amniga ay ka wada shaqeeyeen xilli aad u adag ayaa saaka qoraal uu soo saaray ku tilmaamay General Ereg in uu yahay “nin leh aqoonteeda iyo kartideeda”.

Marxaladda uu maanta dalku ku jiro siyaasad ahaan iyo Amni ahaanba ma ahan mid sahlan.  Waxaan u rajeynayaa Ereg in uu xilka loo magacaabay ku guuleysto.

Dabcan Amni xumada Muqdisho xusuusin uma baahna oo dabcan ay ugu horreyso Villa Somalia. Bal in la xaqiijiyo in aan mar dambe dagaal fool-ka-fool ihi ka dhicin Xafiiska iyo Hooyga Madaxweynaha.

Waxaa iga xusuusin ah in Gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay dad badan oo rayiod ah, qaar ka sii badan lagu dhaawacay, qaarna ay barakiciyeen dagaallo.

Wasiirka waxan u soo jeedin lahaa in tallaabooyinka ugu horreeya uu ku darsado in ciidammada Amniga looga fadhiyo in Shabeellada Hoose ay ka dhigaan gobol nabad ah oo shacabka ku dhaqan naftooda iyo maalkooda ay dowladdu u dammaanad qaaddo in ay ka nabadgelayaan Malliishiyo Beeleed.

7 comments:

  1. Taliyeyaasha ciidamada nabad-sugidda iyo booliiska gobolka Banaadir waxay si toos ah u hoos-tagayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir. Maxay tahay kaalinta Wasiirka amniga ee gobolka banaadir?

    ReplyDelete
  2. taliyaha booliska soomaliyeed iyo madaxa nabad sugida somaliyeed ma hoos tegi karaan gudoomiye gobol lkn waxaa la hoos geeye waa booliska gobolka banaadir iyo nabad sugida gobolka banaadir taliyaha booliska somliyeedna ma hoos tegi karaan hal gobol

    ReplyDelete
  3. waa arin lala soo dahay oo loo baahnaa in mar hore la yeelo, hadii ciidanku taliye kale ka amar qaatan oo aan ahay maamulka gobolka waa caqabad oo inta amar loo raadinayo bay dhagarqabe yaashu ka faaiideysanayaan. lkin sidan hada la yeelay MUUNGAAB AYAA BANAADIR KA MUUN AH EE HA IS MUUJIYO AMA HA IS GABO.

    ReplyDelete
  4. yusufoow ma anaa yaabin maalmahaan waxaad ka dhamaan la dahay shabeelada hoose, dadka maalkooda loo amaan galinayo ma dadka beeraha xaaranta heestaa ula jeeda oo aad kaso jeedo oo aan hal tuulo iska daaye xaafad ka degneen gobolka, walee somalia maantee u dhamaate yusufow ma waxaan ku mooday mise waxaad kuso baxday, adeer xaad iyo ina diiriye hadee wax dhagaha kuugu so sheegeen adna ayaga waxba ma dhaantid laakin intee goori goor tahay wasaqda gacmaha kala bax

    ReplyDelete
  5. Mr. Adow Hashi waxaan filayaa in Mr. Yuusuf aanu halkan dad gooniya wax uga sheegin, haddiise adiga aad ka fahamtay qoraal kiisa in qalad ku jiro, waxaa wanaagsaneyd inaad si xushmad asluub leh aad u dhaliisho, inkastoo anigu aanan wax qalada ku arag qoraalkan, waase dhici kartaa in adiga qoraalkan Mr. Yuusuf si kale u fahamtay, waayo hadal waa margi, adiguna hala mid noqon ninkii hasha geela ka luntay oo inta rag isu keensaday ka codsanay in Hasha lala baadi goobo, dabeetana markii laga aqbalay ayaa nin kale oo raggii ka mida soo jeediyey in fursadan looga wada faiideysto in duco roob doon ah la isugu duceeyo. Ninkii Hashu ka maqneyd baa ka xanaaqay ducadii, markaasaa la yiri maxaa kugu dhacay. Wuxuu yiri "ninkan ducada roob doonta ah dalbanaya, waa nadis aan nadis kale jirin oo wuxuu roobka u baryayaa in hasheydii raadkeedii qarsoomo oo aan la helin, ileen roob hadduu da'o raad muuqan mayee". Haatan Mudane Adow ha noqon ninkii roob doonta qaladka ka fahmay oo kale. Thanks

    ReplyDelete
  6. mr said abdi, you talking bulshit sxb, all this rubbish asoo qoreeso who are to answer me, teeda kale bartu waa bar lagu kala fikir duwanaan karo marka adiga taada ku ekoow, tan MARKO hadaan uso laabto adeer dee wax cad baa rabtaan in aad indhaha iska tirtaan, jabhad h/gedir baa magaalada marko kusoo duushe oo kufsi iyo dhac ka wada maamul dowlad baa ka jire, marka jawaabteeda yusuf adaa lagaag fadhiyaa meesha ee h/gedir ee marko ama sh/hoose ka degto waa adigaan maalmahaan sh/hoose diirta saarayee, mise adeeradaa XAAD IYO INA DIIRIYE baa kuugu yiri dhanka media yada naga taageer

    ReplyDelete
  7. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete