Total Pageviews

Thursday 7 August 2014

Sheeko Gaaban - Leo Tolstoy


Saddex Su'aalood
Leo Tolstoy
Qeybta Koowaad
Maalin ayaa nin Boqor ahi wuxuu is yiri haddii uu jawaab u heli lahaa saddax su’aalood in aan weligiis talo gefteen.
Waa goorma howl kasta wakhtiga ay ku habboon tahay in la qabto? Waayo dadka ugu muhiimsan ee ay tahay in uu wax ka dhegeysto oo uu la shaqeeyo? Waase maxay waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qabto?
Si jawaabo loogu helo su’aalahaas, Boqorku wuxuu soo saaray wareegto Boqortooyadiisa oo dhan la gaarsiiyay taas oo sheegeysa in uu abaalmarin qiima weyn siin doono qofkii bara ficil kastaa wakhtiga uu ku habboon yahay, iyo kuwa ay yihiin dadka ugu muhiimsan iyo sida uu ku garan karo waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in la qabto waxa ay yihiin.
Niman aqoon leh ayaa ku soo xoomay Qasriga Boqortooyada su’aalihiina siyaabo kala duwan ayay uga jawaabeen.
Su’aasha koowaad iyaga oo uga jawaabaya ayay qaar kula taliyeen in Boqorku uu sameysto jadwal wax walba koobaya. Saacad kasta, maalin kasta, bil kasta iyo sannad kasta waxa uu qaban lahaa uu ku qoondeeyo jadwalkaas. Markaas ayay kuu suurta geli kartaa, ayay ku yiraahdeen, in aad howl walba qabato wakhtigeeda ku habboon.
Qof kale ayaa ku jawaabay in aanay suurta gal ahayn in wax walba la sii qorsheeyo. Wuxuu ku taliyay in Boqorku uu dhinac iska dhigo howlaha aan muhiimka ahayn oo dhan oo markaas uu wax walba uu aad ugu fiirsado si uu u ogaado wax kasta goorta ay ku habboon yihiin in uu qabto.
Qof kale ayaa soo jeediyay, in Boqorku uusan keligiis awoodi karin in howl kasta uu ogaado xilliga ku habboon oo ay tahay in uu qabto. Wuxuu u sheegay in uu u baahan yahay in uu dhiso Gole Cuqaal, markaasna uu ku socdo talada Golaha.
Mid kale wuxuu yiri waxyaabaha qaarkood waxay u baahan yihiin talo deg deg ah oo isla markiiba laga gaaro oo ma sugi karaan talo Gole ka imaaneysa. Markaa haddii Boqorku u baahan yahay in uu sii ogaado waxa dhici doona waa in uu la tashadaa faaliyayaasha iyo sixirroolayaasha.
Sidoo kale, ayaa loogu wareeray jawaabta su’aasha labaad.
Qof ayaa soo jeediyay in ay tahay in Boqorku uu kalsoonidiisa oo dhan siiyo la taliyayaashiisa, mid kale wuxuu ku dooday in uu wadaaddada la tashado, iyada oo qaar kalena ay soo jeediyeen in uu dhakhaatiirta ka talo qaato. Lakiin qaar kale ayaa qabay in uu dagaal yahannada.
Su’aasha saddexaad iyaduna waxay keentay jawaabo badan oo kala duwan. Qaar waxay ku jawaabeen in saynisku yahay waxa adduunka ugu muhiimsan. Qaar kale diinta ayay yiraahdeen waa waxa ugu muhiimsan. Qaarna waxay dhaheen waxa ugu muhiimsan waa xirfad militeri.
Boqorku kuma qanicin jawaabahan. Abaal marinna muu bixin.
Waa Tarjumada Yusuf-Garaad.
F. G. Adiga oo mahadsan, fadlan wixii aad faallo ka bixineyso ku qor isla boggan qeybtiisa hoose. 

8 comments:

  1. Marka hore wad salamatahay waa sheko cajib ah wayna adagrahay in 3das su aal jawab loo helo wad kumahadsantahay sida aad nola wadagtay

    ReplyDelete
  2. Waxaan sugeynaaa dhamaadka sheekada.

    ReplyDelete
  3. hadaan isku dayo jawaabaheyga waxay kala yihiin :

    1) howl kasta wakhtiga ay ku habboon tahay in la qabto waa markii lagaaro

    waqtigeeda ayna imaado baahida hooshaasi

    2)qofka ugu haboon ee uu wax kadhageysan karo waa qofka aqoonta iyo waayo

    arignimada uleh hoosha uu boqorka islamarkasi ubaahan yahahy inuu dhageysto

    mise waxaan dhixi kara qofkasta oo bini aadan ah fikir wuu ka qaadan kara anoo

    raacayo xikmadii ama mahmaahdi oraneysey '' maskaxdii adi kaa maqan madaxa

    walalkagey ku jirta'' ama xikmadii dhaxeysy {خد الحكمه ولو من افواه المجانين)

    3) waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qabto ayadana waxaan ku soo koobaya

    inuu qabto hooshii waqtigasi baahideedi jirto laga mamaarmana u ah shacabka ama umada waqtigaasi jooga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. jawaabahaagu waxay u badan yihiin jawaabo aan caddeyn ama general wada ah, waxaan odhan karaa boqorkuba intaas wuu ogaa ee wuxuu u baahnaa waa specific jawaabo ah. try again.

      Delete
  4. Asc su aalahaa jawaabahoda somali hadii aan nahay hanaga sugin waaayo anagaa kal daadsan inagaa is dileyno oo maba lihin aqli saliima ah oo kaga jawabno su aalahaga

    ReplyDelete
  5. boqorka waxan leyahay iyo madaxda somalia
    in wax walbe inta aysan dhicin laga so fakaro

    ReplyDelete
  6. inkastooy fiicnayd in sheekada dhami tahay hadana ma muuqato in marka la dhamaysto akhrinteeda talo laga dhiibto waayo waxaa muuqato boqorkii in uusan wax xall ah hellin....marka ani waxaan dhihi lahaa Boqorku qudhiisa sadexdaa uu la wareegayo in dib loo eegaa waayo uma arko sadexdan in uu ku yutu'o maxaayeelay waxaa jiro wax badan ooga muhiimsan in uu ogaado siday ku saxanyihiin maadaama umad boqor uyahay, inkastoon ogayn waqtiguu noolaa boqorkan sida loo fakari jiray balse waan hubaa in wax kaloo uga muhiimsan su'aalahaas sadexda ah jiraan waayo waa hogaamiye umadeed sidaa darted waxaan dhihi lahaa si boqorkan iyo hogaamiya yaasha sidiisoo kale umad hogaansho sualahaan iyo kuwa ka qoto dheer jawaab uGu helaa waa in uu boqorku ama hogaamiyuhu noqdaa phylasuuf cabqari ah oo caqligiisa heerka uGu sareeyo gaarsiisanyahy .... taas wax badan bay ka caawin doontaa.

    ReplyDelete