Total Pageviews

Monday 1 September 2014

Kala Dooro Xafladda iyo Xabaasha


Xafladda iyo Xabaasha
Yusuf-Garaad

Waan soo dhoweynayaa heshiiska Kismaayo. Waan soo dhoweynayaa in is dilkii la joojinayo. Waana sida ugu foolxumo yar ee dagaal ku dhammaado.

Laakiin lama aammusi karo waxa aan gocanayo. Is weydii maxaa la isugu dilayaa wiilasha Soomaaliyeed haddii ay xaflad, is-gacan-qaad iyo qosol ku dambeyneyso?

Qiyaas inta wiil ee ay hooyo dhashay ee xabbad beerka loo geliyay, dhulka ku dhacay ee keligii dhiigbax u dhintay?

Hooyooyinka wiilashoodii uu labadan mas'uul midkood u diray dagaalka, ee kan kale ciidankiisu dilay, iyaga heshiiskan ma laga qeyb geliyay?

Bal qiyaas haddii wiilashii ku dhintay dagaalka ay nimankani u direen la soo tusi lahaa sawirkan maanta. Ma ka tarjumayaa wixii la yiri aan u dhimanno?

Madoobe iyo Hiraale waa ku hal qabsanayaa laakiin waxay ku socotaa iyaga laga billaabo iyo cid kasta oo wiilal Soomaaliyeed soo hubeysa iyada oo dhacdiid u jiifta meel xabbadda ka fog, og inaysan u badnayn in ay ayagu xabbaddaas ku dhintaan, ogna in aan xabbaddaasi lagama maarmaan ahayn isla markaana keeni doonin waxa wiilashaas loo sheegay in loo dagaallamayo.

Tan ugu muhiimsanina ee uu Hoggaamiye kasta ka faa'iisaneyo waa in uu og yahay  in aan loo raacan doonin dhiigga wiilasha uu dagaalka u diray iyo dhiigga kuwa ay soo dili doonaan. 

Wiilasha waxaan dhihi lahaa inta qaddiyad been ah aad u dhiman lahaydeen waxaa la idiin qaatay adinka oo xafladda ka qeyb gala.

14 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Fadlan aragtidaada halkan hoose ku reeb, si ay u waarto. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  3. Waa qormo qiimo badan. waxaan dhihi karaa waxeey u dhigantaa dawo looqoray bukaan qabo cudur halis ah,lkn bukaanada daadan loqoray maka faaiidesan doonaan?
    Aad ban kaaga mahadcelinaa yuusfoow wll ilaaheeyna haka ajirsiiyo.

    ReplyDelete
  4. Waa qormo aad qaaali u ah runti o dareen ahaan taabanaysa qofki caqli leh sido kale waa wacyi galin iyo boorin ku wajahan dhalinyarada la jubeeyay ee aan ogeen qimaha nolosha ay leedahay..

    ReplyDelete
  5. Yuusuf ma qabo in somalidu ay heshiin karto oo ku heshiin karto waxay rabto iyo sidey rabto,maraguna waa badan yihiin kan aad tusaalaha ayaa u danbeeyey oo barre iyo axmed waxa u dhaxeeya oo gacmahooda kor u qaaday GENERAL GABRE oo ETHIOPIAN ah,af soomaaligana aqaoon siyaasiyiinta soomaalidana wuxuu kula hadlaa ingiriis iyo AF XABASHI intii taqaan,waxaa soo raacay oo u dhexeyey nimankaan la leeyahay way xafladeysteen sargaal sare oo ama KENYAN ah ama AFRIKANTA kale ee KISMAAYO joogta ah iyo INA AFEY oo diirka soomaali uga eg laakiin KENYAN ah.
    Waxan uga jeedaa yuusuf waa dhab in wiilal badan la soo laayey laakiin ayagu heshiisna ma ahan colna ma ahan ee waxaa u kala dabqaada shisheeye afaf khalaad kula hadla,qosolkooduna meel majiro iyo isgacan qaadkoodu,hadey garan lahaayeen wiilasha laaya oo idinku si idiin fiican ku heshiiya cawo iyo adduun bay noo ahaan lahayd,allow anaa cadowgay god ugu dhacay,alla qaran jab xumaa oo qab la,aan badanaa.

    ReplyDelete
  6. waa qormo kooban laakiin xambaarsan macno weyn

    ReplyDelete
  7. Heahiiska Col.Barre Hiirale & Sayid Ahmed Madoobe waa mid lagu farxo laguna faano. Heshiiskani wuxuu tusaale u noqonayaa dhammaan SOMALIA khaasatan Gobolada Benadir, Shabelle-yaasha, G.Dhaxe. "Somalia waxay u baahantahay Xaflado Heshiis"

    ReplyDelete
  8. Yuusufoow hadalkaad ku hadashay waa hadal xaq ah. Haddayse hor ilaahay kaa tahay waxaan jeclaan lahaa tan Kismaayo dhammaataye waxaa maanta ubaahan in la wacdiyo oo looga naseexeeyo dhiigga ay daadinayaan nimanka Gobollada dhexe ka yimid ee dhiigga ku daadinaya Shabeellada Hoose. Indhacadde Goobaale iyo kuwa la mid ka ah iyo odayada Afkudhiiglayaasha ah ee Xaad iyo Axmed Diiriye walaaloow haddii innaba codkaagu meel gaadhayo waani oo gaadhsii farriintan raggaas. Waxa nasiib darro ah nimankani waxay ku guul darraysteen inay gobolladoodii nabadeeyaan oo ismaamulaan, waxay kaloo hadh iyo habeen hortaagan yihiin meeshii dadkeedu heshiiyaan oo isku dayaan inay is maamulaan. Tusaale dhow waxay diiddanaayeen Jubaland, waxay diiddanyihiin Koonfur-Galbeed (Bay, Bakool iyo Sh. Hoose), waxay diidanyihiin Puntland oo docodoceeyaan, waxay diidanyihiin Somaliland, waxa la sheegaa inay caqabad ku yihiin in Dawlad ummadda udhexeysaa Xamar ka hirgasho (sida dad qabaan). Walaaloow hadday damqashada Soomaalinimmadu dhab kaa tahay codkaaguna meel uun gaadhi karo fadlan bal walaalahan ha la arko adoo si toosa ula hadlaya. Nabadda Soomaaliya ma hirgelayso xasilloonina lama helayo inta walaalaha gobollada dhexe ka garanayaan inay ismaamul sameystaan, aamminaan degaannaada ilaahay ku abuuray iskana illoowaan inay uhanqal taagan guryo kale. Haddaanayse iyagu waxba samaysan karin haka daayeen walaalaha kale ee ama waxsamaystay ama raba inay wax samaystaan oo ismaamulaan oo kala nabad galaan. Hadday ku adkaatay wax dhisiddu iyo ismaamuliddu walaalahooda kale ha weydiistaan inay gacan siiyaan oo ka caawiyaan sida laysu maamulo, sidaasaa iyana ku kala badbaadayaan Soomalida kalena kaga badbaadaysaaye.

    ReplyDelete
  9. midkasta oo xilku haminaya wuxu soo ururiya wiilal ay isku hayb yihiin kadibna wuu dagaal galiya markaa uu baryo dagaalmo waa loo yeedha xilbaa lagu tiiriya wiilashii dhintay ama dhaawacmayna laysma waydiiyo arintaa soomaali way ka simantahay meelkasta ay dalka ka joogan

    ReplyDelete
  10. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  11. Waano Abuuris ayaa ka horeeysay! Yuusufoow waxaa u maleeynayaa in aad baaquli duleela biyo ku dhureeysid!

    ReplyDelete
  12. Marka hore waxaan aad u salaamayaa uguna mahad celinayaa Mr. Yusuf Garaad Cumar oo inta badan bartiisa Facebook soo dhiga maqaalo aad u xiisa badan ama ah arrimaha taaga marba wakhtiga la joogo aniga ahaan iila muuqata. Hore ayey Soomalidu u tidhi Dagaal ama Colaad Wiil ayaa ku dhinta ee Wiil kuma Dhasho waa in ay ogaadaan midaasi wiilasha ama dhalinayarada aadka u jecel in ay qabiil ku dagaalamaan.

    ReplyDelete
  13. Hadalkan quruxda badan, Yusufow sidee loo gaarsiin karaa wiilasha loo bixiyaya 'ma liibaanayaasha lagu liibaanay' ee iyaga mar kasta dagaalka xaabo looga dhigo?!!!

    ReplyDelete