Total Pageviews

Monday 27 October 2014

Guddoomiye Jawaari: Uma hakaneyno


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cumsaan Jawaari, ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay in aan la buunbuunin, ee la qaboojiyo waxa uu ugu yeeray “ra’yi kala duwanaanta maalmahan soo if baxday”.

Wuxuuna ballan qaaday Guddoomiyuhu in howl u baaqan doontaa aanay jirin.

Guddoomiyuhu wuxuu ku tilmaamay in arrintan oo kale iyo kuwo ka culusba ay hore dalka u soo mareen laguna xalliyay biseyl uu muujiyay Baarlamaanku.

Guddoomiyuhu wuxuu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan.

Guddoomiye Jawaari wuxuu ballanqaaday in arrintu ay ku dhammaan doonto danta dadka iyo dalka.

Waan ku raacsan ahay Guddoomiyaha in marxladdan laga gudbi doono, oo giraanta dowladnimada Soomaaliya ee muddaba soo luudeysay aanay u joogsan doonin.  Shalay ayaan aragtidaas ku soo bandhigay qormo aan u bixiyay Xariifnimada Xisaab ayaa ka dambeyn.

In la buunbuuniyo iyo ina qaboojiyo waxay ku xirnaan doontaa laba arrimood.

Midda hore waa wararka saxaafadda ee ka soo baxaya Xafiisyada Sare ee Qaranka iyo guud ahaanba Madaxda siyaasadda.

Midda kalena waa muddada ay qaadato xal u helidda “ra’yi kala duwanaanta maalmahan soo if baxday”.

Weliba haddii uu xalku soo dhakhsan waayo, waxaa hubaal ah in ra’yi kala duwanaantu ay saameyn ku yeelan karto shaqada socotay.

Sidaa darted, maaddaama hadalka Guddoomiyuhu u dhadhamayo laga in xalka hadda laga sugayo Maxkamadda Siyaasadeed ee dalka ugu sarreysa oo ah Baarlamaanka, in aan lala soo daahi doonin.

6 comments:

  1. Buunbuninta saxaafada waa tan mar walba dabka shidalka ku sii darta fursadana ay siyeen hogaanka qilaafka ka dhaxeeya markay fariinta isugu gudbiyeen saxaafada.
    Waan ku raacsanahay Mudane jawaari kuna kalsoonahay in qilaafkan xal loo helaayo kuna boorinaaya in sida ugu dhoqsiyaha badab loo soo afjaro bacdamaa waqtiga yar yahay howshuna badab tahay.

    Waad mahadsantahiin

    ReplyDelete
  2. Waxaan dhib weyn ku qabnaa sadexdan Jago: Madaxweyne, Guddoomiye baarlamaan iyo R/wasaare... War waan daalnaye maxaan u heli la'nahay madaxweeyne kaliya?... sidii kii towradii barakeeysneeyd ee Kacaanka!

    ReplyDelete
  3. Waxa ay ilataha khilaafka hada lee uu soo shaacbaxay lkn waa uu soo jiray cid ka hadasahy malahan kaxkamad kala xukmiso ma jiro qawaaniin kala celisa ma jiro Midkood in uu tago lee waaye labadaan nin. Nabsigii Saacid laga galay ayaa dilaacay.

    ReplyDelete
  4. Muddo laga joogo qiyaastii sannad, ayaa oday ka soo laabtay Xamar, wuxuu iiga sheekeeyay arrin aan ka naxay. Dabcan arrin i kadisay ma aha, oo waynu fili karnaa, maadaama aynu la sicono wadciga dalku marayo. Wuxuu yidhi: "waxaa i marti qaaday xildhibaan ka mid ah dillaaliinta codadka xubnaha barlamaanka, oo yidhi, adeer markuu mooshin jiro ayaanu nafisnaa oo aanu daymaha iska bixinaa".

    Alloow saha ummuuraha.

    ReplyDelete
  5. Yusuf dowladnimada somali way sii socon kaliya ila ma ahan,isqabsiga oo loo sababeeyo ku dhaqan la'aanta sharciga noo degsan kadibna ay ku bisho shubato laaluush la laaluusho baarlamaankii qaranka oo aan u hiilin dastuurka ee u hiiliya xoogaga shilimaanta dowladnimadeena ma dibay u celinaysaa mise horay noo dhaqaajinaysaa?,hadaanan nafteena sababayn xaaladu ma qurxoona

    ReplyDelete
  6. Magaceygu wa geljire- waxan rabaa in an wax ka iraahdo hadalka yuusuf garaad
    madaxtooyada marka hore Quran laguma akhriyo ee waxa laga abaabulaa wa dulmi iyo qabiil jicleeysi in Waziirka uu xil dad ka qado madaxweynahan nin jicleeysi uu mesha la fadhiyo hadna isiga oo shacabka oo dhan metela ayuu dhahay fadhiya meshiina taasi waxey muujineysaa in uu san sharci ka jirin ee ey tahay maqayad Madaxweynaha hada ka hor isga oo ka qeeb galay xaflada lagu qabtay minesota USE waxa uu shegay in dad uu xilkaqaday uuna arkay dadkii xilka laga qaaday qabiilkiisa waxey col u qadeen dowlada ,marka hada qofbaa xilkala warejin lagu sameyi e maxa keenay kar karkaan. dadka waxa ka mid ahaa Taliyaha Poliska shariif shekhunaa

    ReplyDelete