Total Pageviews

Thursday 30 October 2014

Ma Dastuurkaa khaldan?



Dadka qaar waxay qabaan in mugdi ku jira Dastuurku uu sabab u yahay ra’yi kala duwanaanta marar badan soo dhex gashay Madaweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha tan iyo 2004. Oo waxay leeyihiin Dastuurka waa in wax laga beddelaa oo la kala caddeeyaa labada Xafiis mid walba awooddiisa iyo soohdintiisa.

Qaar Dastuurka diyaarintiisa mas’uuliyad ku lahaana waxay ku doodayaan in Dastuurku aanuu ahaan mid wax walba si cad u qeexaya laakiin uu tilmaan uun bixiyo waa mid loogu tala galay. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah, bay qabaan, in meelaha uu mugdiga Dastuuriga ahi ka jiro loo baahan yahay in Madaxda sare ay wadahadal ka galaan oo go’aammo ay isla oggol yihiin ay ka gaaraan ayaga oo hadba xaaladda u fiirinaya. Sidaa darteed waxay qabaan in aan wax laga beddelin ilaa afti loo qaado.

Waxay intaa ku darayaan, in maaddaama dagaal sokeeye laga soo baxay oo loo baahan yahay in kalsooni la abuuro, in aan awood buuxda hal mas'uul gacanta loo gelin karin, ee loo baahan yahay is afgarad in lagu gaaro wadahadal.

Adiga maxay kula tahay?

Fadlan marka aad ra'yi dhiibaneyso, ha ka fekerin Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh iyo midka aad taageersan tahay sabab kasta ku raace.

Hana ka fekerin Madaxdii hore isu qaban jirtay. Isku day in aad ka fekerto labada Xafiis adiga oo aan midna magac ku dul qorin. Sidee shaqo ku socon kartaa? Maxaase dalka u dan ah? Iyo su'aalo kuwaas la nooc ah ah is weydii.

Fadlan aragtidaada ku qor qeybta hoose ee isla boggan, haddii aad karto.

17 comments:

  1. Nothing wrong with the constitution, but its those who is not their responsibility misinterpreting the constitution.
    The system is missing the Supreme Court's role who is to interpret the Constitution and limit the powers of the other branches of government.

    Its judicial to determines which laws and policies are constitutional, or allowable, and which are not. Unfortunately, as long we are missing the Supreme court in Somalia, this political fight will continue.
    I hope the caurt established soon

    ReplyDelete
    Replies
    1. waxay ila tahay in Marka hore laga fekero in Dastuurku ,wax bulshada inteeda badan u aragto in uu ku haboonyahay in lagu dhaqo,,waxaan ka mid ahaa mar Guddigii Dastuurka in ay Diyaariyaan loo xulay 2004 waxaan iska tagay markii laba xukuumadood suuro galin waayeen in la diyaariyo,waxaana laga guuray shuruucdii loogu tala galay ama wadiiqadii lagu heshiiyay in bulshada Somaliyeed loogu Diyaaryo Dastuur la jaanqaadi kara hanaanka dhaqan dhaqaale,ee ay ku noolaan jireen iyo casriga ku hareeraysan, Dastuurka ku meelgaarka ee hada jira, iyo kuwii ka horeeyayba waa Dawligii Ceel, oo Maalin Cidi dan leedahay la day dayo oo la tabi jiray ,waxkastaa waxay u baahanyihiin cid ilaashata, Dadka Somalida inta badan waxay leeyihiin dhaqan Raacato, dhaqanka magaalo hanaankeed, Dastuurkan ama nuuciisa sax kuma aha dhaqankeena raacatada ama waqti dheer ay u bahaanyihiin in labaro, madaxda waxay ka midyihiin raacatada,waana mid walbaa ka akhriyaa Dastuurka meesha uu ka danaynayo
      Mahadsanid by Ahmed M Hassan

      Delete
    2. waxay ila tahay in Marka hore laga fekero in Dastuurku ,wax bulshada inteeda badan u aragto in uu ku haboonyahay in lagu dhaqo,,waxaan ka mid ahaa mar Guddigii Dastuurka in ay Diyaariyaan loo xulay 2004 waxaan iska tagay markii laba xukuumadood suuro galin waayeen in la diyaariyo,waxaana laga guuray shuruucdii loogu tala galay ama wadiiqadii lagu heshiiyay in bulshada Somaliyeed loogu Diyaaryo Dastuur la jaanqaadi kara hanaanka dhaqan dhaqaale,ee ay ku noolaan jireen iyo casriga ku hareeraysan, Dastuurka ku meelgaarka ee hada jira, iyo kuwii ka horeeyayba waa Dawligii Ceel, oo Maalin Cidi dan leedahay la day dayo oo la tabi jiray ,waxkastaa waxay u baahanyihiin cid ilaashata, Dadka Somalida inta badan waxay leeyihiin dhaqan Raacato, ee malahan dhaqanka magaalo hanaankeed, Dastuurkan ama nuuciisa sax kuma aha dhaqankeena raacatada ama waqti dheer ay u bahaanyihiin in labaro, madaxda waxay ka midyihiin raacatada,waana mid walbaa ka akhriyaa Dastuurka meesha uu ka danaynayo

      Delete
    3. This comment has been removed by the author.

      Delete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Magacayga waa feisal hariir,yusuf anba weli ma aqrin dastuurkaan waxaanse maqlaa eedda oo dastuurka dusha laga saarayo,ma sahlanan wabaa in dhibaatadan xal laga gaaro haddiiba xaaladu saad tahay sida keliya ee qilaafyadan loo yareyn karo waxay ku xiran tahay hadba sidey madaxdu madaxdu daacadnimo iyo korti hoggaamineed oo fog u ledahay kana sareya dan shaqsi iyo mid kooxeedba marka hadaan la helin madaxdaas asaan ognahay dastuurkaani inuu meel la' yahay waxaan u taagnaanaa waa qilaaf joogta,laaluush joogtaa iyo jahwareer joogtaa.

    ReplyDelete
  4. Yuusufoow hadalka dadka dastuurka wax ka qoray ee talada aad sheegtay qaba haddii dhan laga eego waa sax si loo gaaro is oggolaasho iyo is faham ka dhexeeya mas'uuliyiinta. Laakiin aan ka fiirinno mudane, sida aad ka dhawaajisay immisa ayey halkan mushkiladi kala geeysay Madax Soomaaliyeed....? Haddaba haddii lawaayo qaab loo baddali karo dastuurka uuna u muuqdo Mid maan-gal ah oo aan wax qalad ahiku jirin oo laxariira kala xadeynta awoodaha hoggaanka sare waxay ila tahay in Hal sheey meesha Laga saaro:

    In la tirtiro awoodda xildhibaannada Baarlamaanku ku leeyihiin is khilaafka Madaxda sare; sababtu waxa ay tahay waa ayaga qolada hashoodu dhasho marka khilaaf wax u muuqda ay arkaan siina huriya is fami waa walba; sabab..??? Maxaa yeelay, gafba ha ahaatee, waxa ay u ololeeyaan mooshin si lacag loo helo. ama waxa ay xulafo yihiin garab ka mid ah kuwa is haya.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  5. Dadka sida cilmiyeysan u falanqeeyey khilaafka madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in badan oo ka mid ah waxay sheegeen in khilaafkaan iyo kkilaafyadii kale oo kan horeeyey oo madaxdaan iyo madaxdii ka horaysayba dhexmay ay sababtiisu tahay awoodaha dastuurku madaxda siinayo oo aan kala cadayn.
    Madaxweynaha baarlamaanku soo doorto wuxuu magacaabaa Raysulwasaare dastuuriyan howlaha fulinta asaga oga awood badan oo uusana xilka ka qaadi karin.
    Nidaamka hada lagu socdo oo ah in Raysulwasaaruhu ka awood badanyahay Madaxweyneha, ay soo doorteen baarlamaan sida la shaagay shacabka ma talah, waxay khilaafsantahay dhaqan-siyaasadeedka Soomaaliya oo inta badan madaxweynuhu awooda lahaan jiray wal, walina madaxda laga fujin la’yahay.
    Waxaa la sheegay in sidaas loo yeelay in aan hal masuul oo dabcan aan cirka ka imaanayn ee beel soomaali ah ka dhashay, aan awooda dowlada gacant u wada galin maadaama Soomaalidu awooda dawladeed hab beelaysan ugu dagaashay sidadaana dowladii dhexe ku riday.
    Anniga waxaa ila haboon in meesha laga saaro Madaxweynenimada ama Raysulwasaarenimada oo wadanku yeesho Madaxweyne awood badan ama Raysulwasaare awood badan si khilaafkaan sii noq-noqday meesha looga saaro.
    Hadii laga baqayo in inta xukunku gacanta u galo hal masuul oo sidaan horay u sheegay ka imaan doona beelaha soomaaliyeed mid un ka mid ah oo awooda dowlada ku tagri falo, waa in la dhiso Maxkamada dastuuriga ah oo loo mari karo xilka qaadista masuulka dalka ugu sareeyah hadii uu awooda ku gabood falo. Sidaa si la'eg waa in la helo baarlamaan dhiifoon oo heegan u ah ilaalinta maslaxada dalka iyo madaxda dalka ugu saraysaba.
    Hadii sidoo kale laga baqayo in hal beel dad ka dhashay xukunka iskaga soo dabo noq-noqdaan, waxaa lagu heshiin karaa in 4.5-ka meesha inta laga saaro 5 beelood soomaalida loo qaybsho, 4-tii sanaba masuula ka socda beelaha soomaalid midkood wadanka xukumo, waa hadii aanaan is aaminayn oo aanan siyaasada iyo qabiilka aanaan kala saarayn.

    ReplyDelete
  6. Dastuurka oo aan kala qeexin cida ugu sareysa awooda laanta fulinta waa sababta koowaad ee jaahwareerka siyaasadeed ee mar walba wadankeenu qoorta lagalo. Soomaaliya waxay lamid tahay wadan leh laba madaxweyne arintaan darteed. Bal fiiri qodobka 90aad iyo kan 100aad ee dastuurka oo Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha mid kasta oo kamid ah awood u siinaya cida magacaabi karta ama xil ka qaadi karta wasiirada.

    Gudiga dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka waxaan kula tali lahaa iney muhiimada koowaad siiyaan nidaamka dowladeed ee la qaadanaayo e.g. Madaxweyne iyo Madax Weyne ku xigeen. Si wadanka uusan mar walba ugu nuglaanin khalal siyaasadeed.

    ReplyDelete
  7. Dastuur aan kala qeexaynin awoodaha rayalsal wazaraha iyo madaxweynaha waxan dhihi karaa waa mid loogu tala galay in shacabka lagu sii jahawareriyo. Marka waxa an dhih laha umada somaliyed dastuurkan ha gubaan tastuur kii alla noo soo dajiyay ha la qaato kas ayaa ah kan kaliya ee nabad noo keeni karo

    ReplyDelete
  8. Awood siman laguma hugaamin karo dal

    ReplyDelete
  9. Mar haddii golaha fulintu oo ka kooban labada xafiis ee madaxweynaha iyo ra'isul wasaraha. Oo go'aan kastooy gaaraan qalad iyo saxba uu san shaqeyn karin ogalaanshaha barlamaanka mooye.
    sabab keeni karta takrifal laga boqo iima muuqato.
    Sidaa daraadeed . Sidaa daraaded si loo hormariyo kala danbeenta dowladnimo
    waa in loo kala qeexaa kan leh go'aanka ugu danbeeya isagoo weliba og awoodda barlamaanka oo diidi kara go'aankiisa.
    wabillahi towfiiq

    ReplyDelete
  10. Isqabqabsiga siyaasadeed waa arin is caadi ah sida aan qabo, maxaa yeelay dowlad walibaa waa dhacdaa in lagu kala aragti duwanaado shaqada dowladda. Somaliya waxey u baahan tahay Hal koox (Xizbi) si uu uyaraado ahdaafta isdiidan ee khilaafka ka dhasho. Hadaba si loo helo hal xizbi oo talada dalka dowrkiisa qaata waa in loo sii gogol xaaraa inta aan lagaarin 2016.

    ReplyDelete
  11. Sideeda dhamba waxaa qalad ah in Madaxweyne iyo Raiisulwasaare la sameeyo. Taasi waxa ay kan kasoo hor jeeddaa dhaqan siyaasadeedka Soomaalida, waana ay adkaandoontaa in labo madax la yeesho. Maxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayay arrintu ku haboonaan lahayd. Maxaa yeelay Soomaalidu waxa ay taqaan madax weyne awood buuxda leh marka jalleecno xilligi Milleteriga. Taas oo macneheedu tahay in madaxweyne kasta ismoodi doono sidi Siyaad barre uu uunan dayneyn Raisulwasaaraha. Dhanka kale haddii aannu fiirinno Raisulwasaaraha in awood uu lahaado waa qalad maadaama uusa doorasho iyo is reebreeb kusoo bixin. Raisulwasaarayaasha awoodda leh sida kan Israil iyo kan Turkiga waa lasoo doortaa. Sidaa darteed qof lasoo magacaabay in dastuurku uu siiyo awood intaa la eg waaba qalad. Isku soo wada duuboo, waxaan dhihi lahaa: dastuurka ayaa qaldan, waana mid loo keenay in lagu daba dheereeyo dhibaatada Soomaalida. Sidaa darteed waxaan oranlahaa wax ha laga beddeelo, hana laga saaro meesha wax Raiisulwasaare la dhaho.

    ReplyDelete
  12. Yuusuf madax iyo dal iyo dastuur toona mahaysatid afkaagaa baryay ee adaa dan usamri doona malaha energy baddan baa kugu jira dalkaan dad kale ayaa leh oo haysta kuwaan is haystana wax awooda umaleh inay heshiiyaana mana xukumaan iyagu inay is diriraan

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dahir, saaxiib xusuusnow halheyskeyga - Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.

      Delete
  13. Hadii aad shirkad u shaqo tago, waxay markiiba ku siineysaa job description, sida mushaarkaada iyo waxa lagaa donayo inaad qabatid iyo waliba saacadaha aad shaqeyneysid. iyo weliba ilaa laguu sheega meesha aad ku badbaadeysid hadii dhibaato timaad halkii aad ka bixi laheyd ee aad iska soo xaadirin laheyd assembly point. raisulwasaaruhu looma sharaxin shaqadiisa waayo saxiixa ugu danbeeyo madaxweynaha ayaa leh ka hor inta aan baarlamaanka la geyn, mar hadii ay sidaas tahay waxay aheyd inuu hibaha dhinaciisa wax ka cunno.

    ReplyDelete