Total Pageviews

Tuesday 25 November 2014

Adeegsiga khaldan ee ereyga mucaarad


Saxaafadda Soomaalida qaarkeed, oo ka warramaysa wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka, ayaa yiri - Xildhibaannada mucaaradka ayaa jeex jeexay mooshinka kalsoonida lagala noqonayo Xukuumadda.

Bal u fiirso? Mucaarad miyaa daafaca Xukuumad la ridayo?

Ma aqoon darraa u geysay mise daneysi? Ma ogi anigu. Laakiin Saxaafaddaasi waxay si khaldan u adeegsaneysaa ereyga mucaarad. Sababta oo ah mucaarad dowlad ma daafaco ee wuu ridaa. Mucaarad waxaa Xukuumad ku ah ciddii rideysa, muxaafadna waxaa ah kan daafacaya. Waa marka Xukuumad laga hadlayo.

Laakiin Baarlamaankeenna arrinta hortaalla ma ahan mid mucaarad iyo muxaafad loo kala saari karo. Xataa Golaha Wasiirrada ayaa qaar doonayaan in ay ridaan Xukuumadda, sidaa darteedna mucaarad iyo muxaafad midna laguma tilmaami karo Wasiirkaas.

Markaa waxaa ila habboon, in mucaarad haddii la isticmaalayo la raaciyo waxa mucaaradka uu qofkaasi ku yahay. Sida Xildhibaannada mucaaradsan Xukuumadda. Iyo Xildhibaannada mucaardsan mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Xukuumadda.

Waxaase ka habboon in laga dhowrsado adeegsiga mucaarad iyo muxaafad marka laga hadlayo arrintan miliqsan ee xataa Golaha Xukuumaddu ay ku kala qeybsan yihiin. 

Sheeg xildhibaanku waxa uu doonayo ama diiddan yahay, ka dibna akhristaha u daa go'aanka ah in qofkaasi mucaarad yahay iyo in uu muxaafad yahay.


4 comments:

  1. Waa erey bixin saxan Garaad, saxaafaduna waxay u baahan tahay erey bixin saxan oo Af-Soomaaligeeda laga soo shaqeeyey qof tifaftire ah wey u baahan yihiin dhamaan inta wax ku qorta aaladaha internetka,idaacadaha iyo wargeysyadaba.

    ReplyDelete
  2. Mucaarad = qarandumis, dibusocod, horumardiid, danayste, waxmagard iwm. Waa fikirkii la igu habay een ku barbaaray xilligii dawladdii dhexe ee kalitaliska ahayd. Lkn markaan waynaaday een waliba ku koray Yurub, wxn bartay, in mucaarad iyo muxaafadku ay yihiin dheellitirka maamulka dalka ka arrimiya. Haddii mucaarad xor ah la waayo qoys labada waalid mid dhintay. Ubadku waa rajo ama agoon. Lkn markaan taariikhda Soomaalita ogahay, waan fahmi karaa, in erayga mucaarad dad badan ula dhadhamayo sifooyinka aan ku turjumay ee kacaankii barakaysnaa inagu maskaxxalay( brain wash). Cabudhinta mucaarad(fikir) xor ahi waa wixii Soomaaliyaa iilka dhigay. Ilaahay madax bilaa mucaarad ah adaan kaa magan galnay.

    ReplyDelete
  3. Yuusuf waxaad tahay nin si fiican u yaqaan luuqadiisa hooyo iyo waliba sida loo adeegsado, kalimadan ay adeegsanayaan dadka u badan da'yarta suxufiyiinta ahna waa la fahmayaa waxa loola jeedo, laakiin waxa u baahan in wax laga badalo ma aha eriyada Af-soomaaliga sida Madaxweyne in Ra'iis lagu badali Mucaarad macno kale loo raadiyo.
    Af-soomaaligu waa sidii uu Nabi Aadam ku ogaa ee waxa isbadalay waa dadka afkaa ku hadala waxa isbadalka u baahana waa iyaga luuqada ma aha.
    Isbadalka luuqada waxba ma soo kordhiyo, laakiin isbadalka dadku wax weyn ayuu soo kordhin.

    ReplyDelete