Total Pageviews

Saturday 8 November 2014

Anigaa kaa Shiish badan - SHEEKO GAABAN


Laban in ayaa ku dooday anigaa kaa shiish badan iyo anigaa kaa shiish badan. Dhowr waxyaabood oo ay shiisheen labaduba isku si ayay ula heleen. Markii ay wax kale oo dhan ku kala bixi waayeen, labada ninna ay ka go’nayd in mid la reebo, ayaa midkood talo soo jeediyay. Wuxuu ku taliyay in ay madaxa xiirtaan, oo markaa digo geel madaxa midba mar loo saaro kan kalena laga rabo in uu xabbad kaga tuuro digada madaxa saaran asaga oo aan qofka wax gaarsiin.

Madaxa ayaa la xiirtay. Ninka koowaad ayaa qoriga qaatay. Midka kalena madaxa ayuu digo saartay. Ninkii koowaad ayaa soo toogtay oo digadii ka tuuray asaga oon ninka labaad xagatin gaarsiin.

Ninkii labaad ayaa qoriga loo dhiibay, ninkii shiishka wanaagsanaana waxaa madaxa loo saaray digo. Ninkii labaad ayaa soo shiishay oo xabbaddii soo riday.
Madaxa ayay xabbaddii uga dhacday ninkii koowaad.

Markii uu sii nafbaxayay wuxuu yiri - Waan kaa saxsanaa oo anigaa kaa shiish badan.

1 comment: