Total Pageviews

Wednesday 26 November 2014

Khilaafka ka dib


Afartii Madaxweyne ee Soomaaliya ugu dambeeyay waxay xilalka ka xayuubiyeen isu geyn tobaneeyo Ra’iisal Wasaare ka dib markii ay isku qabteen siyaasadda ama maamulka ama labadaba. Hal Madaxweyne ayaa isaguna is casilay ka dib markii ay Ra’iisal Wasaaraha is qabteen, caalamkuna kala saftay Ra’iisal Wasaaraha.

Inahaas oo dhami waxay ku tusayaan in khilaafka labada Xafiis aanuu ahayn wax u gooni ah Madaxdeenna maanta joogta.

Waxaan hubaa in si uun looga gudbi doono khilaafka hadda taagan.

Laakiin aniga su’aasha aan jeclaa in aan is weydiinno oo jawaab u wada raadinno waxay tahay waa maxay casharka aan ka baran karno dhibaatadan soo noqnoqotay, ilaa iyo haddana la la’ yahay Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare ka badbaaday?

Marka xaaladdan laga gudbo, maxaa la sameyn karaa si mustaqbalka dhow iyo kan fogba looga baaqsado iska hor imaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha?

6 comments:

  1. Asc wad mahadsantahay walal yusuf aniga 3 shey ayan is leyshay 1aad in lahelo hogaan xal doon ah ooo aan ehey xildoon 2 umad rabto run iyo dib unheshiisiin sax ah oo aan ajnabi faraha lasoo galin 3 wixi lagu heshiyo oo si ficil ah loo hirgaliyo ayadoo rabitan shacab ah uu jiro thnks

    ReplyDelete
  2. Yuusuf waxad kasoo sheekaysay wixii soo dhexmaray madaxweynayaal magac uun ahaa iyo raysul wasaareyaashoodii oo ayaguna magac uun ahaa wixii oo lagu sheego awood ku dirir ayagoo awoodooduba xadidan tahay sidaan ognahayba,anigu waxan isleeyahay sababta kow ka ah waa nafti hafarnimo oo maba jirto wax gacan ugu jira marka laga reebo ciidamo shisheeye oo ku gadaaman,safar ay dibedaha ugu anaba baxaan,shirar ay dibedaha uga qayb galaan,madaxtooyada oo hoyna u ah xaafiisyana u ah,xoogaa dhaqaale ah oo goorba shisheeyaha laga helo,waxaa kaloo sababaha lagu sheegaa njdaamyada magaceed ee dowladeed ee loo sameeyey oo aan kala qeexneyn hawshoodu waxay midwalba tahay,dabcan arrimihii kala qaybsanaantii qabyaaladeedna waa meeshii,waxaan hubaa haddii somaliyi wax ayadu ku heshiiso,waxna qoroto in dawadii la helay,intase beesha shisheeye oo tixgelinayaa danaha dowladaha deriska ah ee soomaaliya ay waxan dhimana noolyen ahayn nagu qulaaminayaan ma sahlana in arrintan xal loo helo

    ReplyDelete
  3. waxa looga gudbi karaa in la helo sharci cadaynayso labada mas,uul midkood in uu sareeyo hada marka fiiriso dastuurka waa yara isku mid marka wadanka dhan mid ha loo daayo inta kalena ha noqdaan dad loo taliyo sidaas ayaa fiican hal qofna waa lala xisaab tami karaabalse markastaa in lagu mashquulo labada mas,uul wareer waaye dalkana deb u dhac ayay ku keeneen dastuurka waa in lagu cadeeyaa madax wayne ayaa sareeyo hadii kale raisulwasaare ayaa sareeyo midkood hala cadeeyo

    ReplyDelete
  4. Garaad, waa su'aalo muhim ah.

    Wxd mooddaa in marka ay Madaxwayne iyo RW is qabtaan, ay is qabteen Hawiye & Daarood!

    Aragtidayda, waxaynu khilaafkan soo noqnoqday barannay, in sharciga dalka u qoran uunan qeexnayn. La jiifiyaana bannaan...

    Xalka: awoodda ha loo daayo MW, sida Faransiis, Maraykan iyo Kiiniya. Ama RW sida Engiriis, Swiidan iyo Itoobiya. Haddaan kalsooni qabaaisha u dhexaysa ama axzaab dadwaynuhu doortaa jirinna ha laga dhigo tookaysi: maanta Hawiyoow tali, barri Daaroodow na hag, saadanbe Diroow na hoggaami, saakuun Raxanweyneey na na horqaad iwm.

    ReplyDelete
  5. Markastoo niyad wanaag jiro xal ayaa jira. markasta oo ay cadaalad jirtana nabad iyo nolal ayaa jirta. Markastoo walaalnimo jirtana wanaag iyo wadanka dhisma ayaa jiri.

    wixii intaa kasoo horana sow islugoyn ma aha.

    ReplyDelete
  6. Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer ,dawo ma u heleysa Hawiye Dameerkaad biyaha ku dhaamin jirteen,jawaabtu waa maya,horta labadda isku uraaya taladda Somaliya horta ha la waayo.

    ReplyDelete