Total Pageviews

Wednesday 5 November 2014

Maxaa loola jeedaa?


Dhowrkii cisho ee na dhaafay Siyaasadda Soomaaliya waxaa hareeyay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Iyaga oo taa ka jawaabaya ayay Qarammada Midoobay (QM) iyo Midowga Yurub (MY) waxay soo saareen laba war oo kala gooni ah oo labaduba walaac muujinaya kuna dhiirri gelinaya labada mas’uul in ay xal gaaraan.

Qalinka uma qaadan anigu in aan faallo ka bixiyo khilaafka madaxda Soomaaliya ama meesha ay iska taageen labadan hey’adood oo labaduba dalkeenna muhiim u ah. Laakiin labada war waxaa gunaanadkooda ku qoran, in Soomaaliya diyaar loola yahay in gacan la siiyo. Halkaa laguma istaagin ee waxaa lagu daray dalalka iyo ururrada ay QM iyo MY ay ka kaashanayaan arrintan.
 
QM waxay qortay “…waxaan si dhow ula shaqaynaynaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Midoobay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kaloo badan annagoo baadigoob ugu jirta xal arrinta loo helo”

Bal in yar dib u milicso, AMISOM, IGAD iyo Ethiopia.

Miyaaneey Ethiopia ka tirsaneyn AMISOM iyo IGAD? Maxaa gooni loogu xusay. Waxaad is dhihi kartaa UK iyo USA labadaba waa la xusay ee maxaan Ethiopia u soo qaatay? Waa su’aal wanaagsan laakiin UK iyo USA xubno kama aha AMISOM iyo IGAD toona. UK waxaa u gaar ah in ay iyadu kaalmo dhaqaale oo badan ay ku bixiso Soomaaliya.

MY wuxuu qoray hadal ay tarjumadiisu tahay: UN, IGAD, AU, US, Ethiopia iyo dhinacyada caalamiga ah ee ay Soomaaliya leeyihiin iskaashiga.

EU iyadu dalka keliya oo ay magaciisa xustay waa Ethiopia. Kuma filnaan IGAD iyo AU.

Waan ogahay in Ethiopia aan deris nahay, ciidammo ay ka joogaan Soomaaliya, aad ay u daneyso arrimaha amniga iyo kuwa siyaasadda ee Soomaaliya. Laakiin sidoo kale Kenya iyo Djiboouti.

Maxaa Kenya, Ethiopia iyo Uganda ka dhigay IGAD? Ethiopia iyada gooni loogu xusayaa? Mana aha dalka ciidammada ugu badani ay ka joogaan Soomaaliya.

Maxay QM iyo Midowga Yurub ula jeedaan arrinkan?

Yaa yaqaan oo i bari kara?



14 comments:

  1. Waa dhiifoonaan iyo aragti-dheeri dadka adigoo kala ah tahay in laga fisho. Malahayga, QM iyo MY waxay ula jeedaan iyaga waxay Soomaaliya ka damacsanyihiin si goonni ah bay Itoobiya uga talogeliyaan.

    ReplyDelete
  2. waa su'aal da'waynoo madax daalinaysee, dadwaynahaa la waydiin.. ayaa laga hayaa ruwaayad magaceedu ahaa SHEEBEEL NAAGOOD,

    Waxay aniga ila tahay, xusida gaarka ah ee loo samaynayo ethiopia inaanay kusalaysnayn
    1. in Ethiopia ay ciidamo ka joogaan, sidaa awgeedna ay mudantahay in la xuso,, waayo uganda ayaaba kaciidan badan hadii arin sidaa yahay!!!!!

    2. in aanay ahayn Ethiopia waxay la jaartahay somalia, sidaa awgeedna danaheeda in la ilaaliyaa waa waajib,,, lana xusaa,,, taana waxa diidaya wadamada kale sida Djabouti iyo kenya oo iyaguna la jaara somalia,,,

    3. Ethiopia kamid maaha wadamada dhaqaalaha ku caawiya somalia, sidaa daraadeed in iyaga iyo kuwa caawiya meel lagu wada suxaa waa arin ay fari ku godantahay,,,

    hadaba hadii aanay ethipia deeq bixiyana ahayn? ciidamada kajooga kuwo lamidi ay wadamo kale ka joogaa? darisnimadana laala wadaago ? waa maxay sababta loo xusay

    anigu abdirashiid ahaan midbaa igusoo dhacaysay, aduunyada hadda siyaabo badan ayaa wax la iskaga dhagaystaaa,
    1. inaad dhaqaale leedahay
    2. inaad population density aad leedahay,
    3. iyo inaad meel strategic ah ku taal.
    wax dhaqaale ah kumo ogin Ethiopia, lkn inay tahay 94.1Million waynu wada ogsoonahay, sidaa awgeed Ethiopia waa tool ka kaliya ee loo adeegsan karo, kashaqaysiinta somalia, si togan iyo si tabanba.

    ReplyDelete
  3. Faisal hariir,waxad og tahay ma kuu sheegaa waaye yuusuf ethiopia waxad sheegtay islana ognanahay iney dan weyn oo ammaan iyo siyaasadeedba wadankena ka leedahay qayb weyna ku leedàhay kala qaybsanaanteena iyo isfaham waageena siyaasadeed marka nimankaan reer galbeedna way ku tixgeliyaan danaha ethiopia somalia ka leedahay arrinkana waa marag kale kuwo badana waa noo horeeyeen,aniga marar badan baan sababtaas aawadeed u taageera niman qoryo wata oo in badanoo naga mida neceb yihiin.
    waxaan ku soo gabagabaynayaa bohola noo qodan sidaan ma ahan sidaan kor tilaabsan lahayn

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. EGAD, UN, EU UMSOM and anyone in our country is taking advantage of this relative division amongst the Somali people in order to exploit and implement policies to their advantage(for example 4.5, new Deal, Dual policy iwh.). All actors and powers in the country leverage their policies in Somalia and pursue their own narrow interests at the expense of our nation. This is partly due to the lack of a “united Somali front” with principle-based approach to dealing with EU, EGAD AND Western and/or any interests in Somalia

    So, for Somalia to liberate itself, what is required is National collective responsibility in order to gain control over our own **security policy**, as well as managing our natural resources to the benefit exclusively to Somali people. Without this achievement, our nation will continue to suffer from political instability, armed conflicts and civilian exodus including the “brain-drain” that has damaged Somalia since the 1991.

    ReplyDelete
  6. sababtoo ah waxaa la rabaa lana diyaariyey inaynu noqono gobol kamida gobolada itoobiya caruurteenuna ay noqdaan adoomo amxaaradu ay ku xamaalato inteena soo hartana noqono kurdi somaliya waa loo tashaday dadkeediina waa hurdaan su'aashuse waxaa weeye goormaynu hurdada ka kacaynaa ???

    ReplyDelete
  7. 1884 Itoobiya shirkii Afrika lagu qaybsaday way joogtay saamigeediina la siiya. Minilik wuxuu Harar qabsaday 1887. Xayle Salaase wuxuu sameeyay AU(AOU), si aan saamigaas dood loo galinin. Mingiste wuxuu Somalia ku dumiyay jabhado S- ka bilowda. Meles wuxuu aabo u noqday qabqalayaashii burburku dhalay. Jawaabta oo kooban: Itoobiya Soomaaliya kaliya beesha caalamka wakiil uga ma aha. Igad lafteeday wakiil ka tahay. IGAD waxay ku socotaa kaartaduu Meles beesha caalamka u jeexay 2007(wikileaks). Tusaale: Jubbaland waxay ku tiirsantahay ciidan ahaan Kenya. Barre Hiiraale iyo Axmed Islaan waxaa gacanta isu saartay Itoobiya(Genaral Gabre). Itoobiya ciyaar ha moodin.

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. Mahadsanid YG dadka adiga oo kale ah ayaa wadanku u baahan yahay WAAYO ARAG, IL DHEER, XEEL DHEER oo meelo badan iyo meel fog wax ka arka kana eega.

    Haddii aan su'aal kale kugu daba darsado Safaarada Itoobiya maxa Madaxtooyada Soomaaliya dhex jedjiyey?

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Anigu ma aqaan sababta ilamana fiicna in xeyndaabka Madaxtooyada oo hadda la weydneeyay ay safaaradi dhex deggenaato. Waxaa safaaraddaas la furay berigii ciidanka Ethiopia ay iyagu gacanta ku hayeen aaggaas. Amniguna uu aad u xumaa. Sidoo kale, safaaradda Djibouti ayaa iyaduna ka furan meel aan tan Ethiopia ka fogeyn.
      Washington haddii aad eegto, waddada Pennsylvania oo uu ku yaallo aqalka cad, ayaa Canada iyo Mexico, oo labduba la deris ah USA ay ka mid yihiin dalal aan u maleynayo in ay 4 yihiin oo safaaraddooda loo oggolaaday in ay ka furtaan waddadaas.

      Delete
  10. Miyaaneey Ethiopia ka tirsaneyn AMISOM iyo IGAD? Maxaa gooni loogu xusay? waxaan raadiyey Su'aasha Yusuf Garad inaan jawaab u helo waxaana ii soo baxay shuruudaha dowlad goboleedyada dalka soomaaliya waxaana qasab ah sedex shardi in laga helo dowlad goboleed kasta oo SOMALIYA laga dhisaayo kan koowaad waa in ay xuduud la leedahay dowlada Ethiopia tan labaadna waa in ay bad leedahay kan sadexaadna waa in cida madax kanoqonaysa waa in Ethiopia raali ka tahay waana sababta caalamku si gaar ah uGu xuseen. dibna u fiiri qaabka loo dhisay loona sameeyey dowlad goboleedyada hada dhisan

    ReplyDelete
  11. Dadka ninka ugu ildheerbaa dadka ugu abaal daran waxaan lala arkaynbaa isaga uun umuuqda

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ayuub, wxd u jeeddaa dabcan "ugu ayaan daran". Waa maahmaah/hees laga soo guuriyay, mid ka mid gabayyadii xikmadda badnaa ee Mutanabbi.

      Delete