Total Pageviews

Sunday 30 November 2014

Reer Xarar Dheerow xoog xilligiisii lama joogo

Ceel-Huur oo aan ka fogey Xarar-Dheere
Waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee isku dilaya aagga Xarar Dheere in ay Ilaaheey ka baqaan oo ay joojiyaan dilka.

Qof aad dishay kuma cafin karo. Weligaa waxaad noolaaneysaa adiga oo gacan ku dhiigle ah.  Aakhrina meesha ku sugeysa waad garan.

Haddii adiga lagugu dilana, ogow in odayaal aan hadda wiilashoodu dagaalka kugula jirin ay hilib fiican ku qadeyn doonaan, dagaalkana halkaas lagu joojin doono. Golahaas lagu qadeynayana xataa magacaaga lagama sheegi doono. Adiga oo dhami waxaad isu baddeleysaa tiro. Dagaalka intaas ayaa ku dhimatay.

Hooyadaa iyo aabbahaa uun ayaad ka dhimaneysaa.

Ma hubo in ay bloggeyga akhrisanayaan, qofkii si uun u gaarsiiyana ajar Allah ha ka siiyo.

Waxaan madaxda Federaalka iyo kuwo maamullada degaanka, ee ku mansab sheeganaya in ay dadkaas ay ayagu matalaan ugu baaqayaa in ay is xasuusiyaan in ay ayagu dadkaas mas’uul ka yihiin. Magacoodana ay kuraas, Baarlamaan iyo Wasiirro leh ay ku qaateen.

Waxaan ugu baaqayaa in ay si muuqata, oo dhakhsa ah, oo Allah ka cabsi leh ay u gutaan waajibka ka saaran dadkooda oo xabbad ku dhimanaya ama ku barakacaya.

Waa in aad wiilasha dhimanaya ka soo qaaddaan wiilashiinna iyo walaalihiin oo kale. Ogaadana in aad mas’uuliyadda koowaad ay adinka idinku dhacayso. Maalin baa imaan la idinkula xisaabtami doono.


Haddii xilalka aad qaadateen aydnaan horumar kale ku gaarsiin karin degaankaas, waa in aad ugu yaraan xaqiijisaan in dadkaas dhiiggooda la kala badbaadiyo. Oo hadda la kala badbaadiyo.

6 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Yuusuf Garaad khayr Allah ku siiyo Marka hore.....

    Yuusuf Waxaad jeceshahay in colaadda Somalia ay ka istaagaan qaybo ka mid ah Somalia gaar ahaan deegaanada Galgaduud iyo Mudug ee labo maalin kaliya lagu dagaalamay, waxaan u rajeynaa reer Xarar Dheere in colaadda Ilaahey ka qaboojiyo.

    Lkn Yuusufow Ma ogtahay in dadka deggan Magaalooyinka Markacadey, Shalambood, Jannaale, KM50 iyo kuwoo kale ay ka maqan yihiin guryahooda muddo ka badan 6 bilood? Haddii aan kuu sii iftiimiyo, bishii Ramadan dadka magaalooyinkaasi gaar ahaa magaalada Markacadey waxay ku soomeen howdka waayo guryahooda waxay uga soo carareen mooryaan ku labisan dareyska dowladda oo ay hogaaminayaan niman aan ka xasuuto Goobaale, Xasan Jaamici, Qaafow iyo kuwoo kale.

    Aniga oo mar sii horeysay booqday tuulooyin Sh/hoose ku yaalo, waxaan soo arkay tuulooyin gabi ahaan ay gubeen mooryaantaasi sida Sagaaroole, Busley iyo Ceelwareegow.

    Dagaalada Sh/hoose wey socdaan, Warbaahinta Muqdishu waa laga aamusiyey inay ka hadlaan dhibaatada Sh/hoose.

    Odeyaal Muqdishu ku sugan oo aan ka xusi karo Axmed Diiriye, Maxamed Xasan Xaad iyo C/laahi Khaliif Rooble ayaa aad ugu farxay markii ciidamo lagu sheegay Shabelle State iyo guutada 3aad oo qabiil garabsiinayey ay xoog ku galeen magaalada Marka. Odeyaashan iyagoo og in dadka ay matalaan aysan gudoomiye ka noqon karin deegaanada lagu duulay marka laga eego hanaanka awood qaybsiga qabaa'ilka ee gobolada iyo degmooyinka Somalia.

    Adiga awood uma lihid inaad xaaladaasi wax ka bedesho taasi waan ogsoonahay, Lkn waligaa ma u damqatay dadkaas dhibaatada intaa la eg lagu haayo? Waligaa Post aad ugu caqli celineyso dadkaas indho la'aanta ku socdo ee xataa hayb ahaan aad is xigtaan?

    Waxaan kuu rajeynaa inaad wanaagga ka sii shaqeyso..............

    Salaam........

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mohamud, Saaxiib ajar Allah ha kaa siiyo sida aad iigu baraarujineyso in aan ku li godo colaadda Gobolka Shabeellada Hoose. Waan ogahay in muddo degaankaas dagaal ka taagnaa iyo in uu khasaare naf iyo maalba leh geystay. Beero lagu kala qabsaday, qaarna lagu gubay. Waan u kuur galay waxna waan ka qoray.

      Hadda oo Dowlad Goboleed dhisanayana waxaan rajeynayaa in xal waara uu intii hore ka dhow yahay.

      Mowduuca aan ka qoray hadda ka hor halkan isla bloggan ayaan ku daabacay bishii Juun ee 2014, cinwaanna waxaan uga dhigay “Sidan ayuu ku dhammaan doonaa dagaalka Sh. Hoose”

      http://yusuf-garaad.blogspot.co.uk/2014/06/sidan-ayuu-ku-dhammaan-doonaa-dagaalka.html

      Delete
  3. Yuusufoow adigoo ku mahadsan baaqa xabad joojineed iyo falanqeyntaada caafimaadka qabta, ma isku dayday inaad la xiriirto odayaasha beelaha is dilaya iyo siyaasiyiintooda Xamar jooga hadii aadan deegaanka odayaal ka garaneyn. Waxaan sidaan u leeyahay waxaan ogahay inaad dadkaas dhiig wadaag tihiin. Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. 50 sano ka hor 2 lafood oo jufadayda ka mid ah ayaa 80 nin iska dilay galin kaliya. Dagaalku wuxuu ka kacay gabadh nin u doonanayd oo mid aan waxba ogayn oo la hadlay xabbad kibir beer loo galiyay.

    Markii la isu qalabgurtay ayaa dhallintii oo is hor fadhida oday yidhi: war wiilasha ha isku laynina, rag badan markuu dhinta unbaa la heshiine. Waxaa loogu jawaabay: maanta ma aha maalintii fulay talin jiray.

    Casarkii markii 80 nin la aasay dhaawacuna tiro beelay ayaa xabbid joojin kadib gar loo fadhiistay.

    Odaygii warkiisa la diidaybaa yidhi: war ma raggii dhintay ayaynu siraynay, waa maxay heshiisku?!

    Garaad, Ilaahay abaal iyo xasanaad ha kaa siiyo baraarujinta.

    Wxn ku darsan lahaa: war dad deris Ilaahay ka dhigay isku jufo iyo kala jufaba la kala tagi maayee wiilasha ha sirina idinkoo dan gaar ah wadta, oo Alle ka cabsada.

    Sc wr wb

    ReplyDelete
  5. Maqaal kaan wuu taabtay, adigana kheyr allaha kaa siiyo, hadalka ah odayaal aan wiilashooda Ku jirin dagaal ayaa qado wanaagsan Ku waran doono waa hadal waaya arag,,,,,,, Yusuf aad baad u mahadsantahay,, nabadana aad baad u jeceshahay,, somalinimadana way kugu wayntahay,,, <3 <3 <3 <3

    ReplyDelete