Total Pageviews

Tuesday 18 November 2014

Shariifka Kooyi


Shariif Xasan Shiikh Adan, oo ah siyaasi aad u xarfad badan, ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo ay xarunteedu tahay magaalada Baraawe.

Shariif Xasan wuxuu hore u noqday Af hayeenka Baarlamaanka Federaalka, Wasiirka Maaliyadda iyo xilka aan rasmiga ahayn oo ah gacanta midig iyo weliba labada dhegood ee Madaxweynaha.

Hadda oo uu u soo saftay dafka hore ee siyaasad goboleedka, maxay noqon kartaa saamentiisa siyaasadda degaanka iyo tan Federaalku?

Maxay saameyn ku yeelan doontaa maamullada cusub ee aan weli la dhisin ee gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug-Koofureed? Gobolladaas waxaa labada dhinac ka xiga laba Dowlad  Goboleed oo ay Madaxweynayaal ka yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaare hore. Waxaan is weydiinayaa yaa iyaga u soo safan doona?

6 comments:

  1. Cabdi Qaybdiid, Axmed Cabdisalaan iyo goorba Yuusuf Garaad oo reer gobolku aad u jecel yihiin, waa hadow daneynaayo. Iyo dhan ka kale Cali M. Geedi, Cabdullaahi Shiikh Xasan iyo Cabdi Jiinow :). Waa iska iri Yaa.

    ReplyDelete
  2. Marka ugu horaysaa waxaan dhanbaal iyo hanbalyo iyo bogaadin ah halkaan uga dirayaa shacabka soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada koonfur galbeed oo masiirkooda ka tashtay iyo hogaamiyaha la doortay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aada oo aan aaaminsanahay inuu yahay shaqsi xirfad iyo karti u leh samata bixinta maamulka uu madaxtinimada loogu doortay.
    Mida kale ee ah saameynta uu ku yeelan karo maamulada kale ee aad magacaawday waxay aniga ila tahay inuu yahay shaqsi ay wada shaqayn iyo isfahan ku salaysan badbaadinta qaranka soomaaliyeed kala dhaxeyn karo bacdamaa uu waayo aragnimo u leyahay siyaadada somaaliya yahayna mid mar walba tanasul ku dabaqa ariimaha soo foodsaare sida uu ugu tanasukay mabda'ii lixda gobol.

    Guul ayan u rajaynayaa dhamaan umada soomaaliyeed.

    ReplyDelete
  3. Run ahaantii aniga waxaan aminsanahay in dadka degan Sh/hoose, Bay iyo Bakool aysan wax badan ku dheefi doonin Shariif Xasan.
    Haddii aan ifiyo ujeedooyinka Shariif Xasan waxaa ka mid ah:
    1- Inuu dhaqaale ka sameeyo xilka uu helay ee hadda loo dhiibay.
    2- Inuu dhaqaale badan ka sameeyo dekedaha gobolka Sh/hoose gaar ahaan dekedda Baraawe oo goor dhow uu furan doono.
    3- Inuu saameyn balaaran ku yeesho maamul goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismaayo isla markaasina jahawareer badan uu ku rido howlaha federalka.
    4- Isagoo adeegsanaayo maamul goboleedyo daacad u noqon doono inuu noqdo madaxweynaha Somalia (Long Scale Planning).

    ReplyDelete
  4. Yusuf G. Salaan sare Suxufi : Shariif xsan waa kooyi ayaad tiri lkn waxaa is weydiin mudan kooyi ba ma sheeni?

    ReplyDelete
  5. Hal ku dheg soomaaliyeed baa ahaa "ayadoo may lahayd baa mayal ku onkaday",iney saas ahayd ma hubo waxanse uga jeedaa waxa maamul goboleedyada la dhaho ayagoo ahaa wax cadow somali ku liiday,kuna sii kala geeyey aragtida dad badan oo aan ka mid ahay marka la fiirsho aya waxa madax looga sii dhigay intii ugu soomaalinimo liidatay,ugana shisheeye kalkaalsaneyd,dhariif xasan siduu doonobha ku yimaadee waa nin aan nagu cusbeyn intii laga bartana waa na hortaagnaa,maamulada la sheegaayan waxaa madax looga dhigay qarkood rag horey u soo hoggaamin jiray jamhadii wadanka burburka iyo kala qaybsanaanta geliyey,qaarna waxaa madax ka ah qabqablayaashii dagaaladii sokeeye xaraarka nasoo dhadhansiiyey,qaar kalana waxa madax ka ah rag aan horay u soo baranay kartidooda markay timaado soomaalinimo iyo weliba u nuglaanta shisheeyaha deriska,shariif xasan waxaan ka fileynaa inuu addis caasimad ka dhigto,waxaan kaloo ka sugeynaa inuu jahwareer iyo qas ku keeno madaxda xamar fadhigoodu yahay qaasatan guddoomiye jawaari oo ay isku beel kasoo jeedaan marka la raaco halbeega belo ee 4.5-ka,wuxuu kaloo xariif ku yahay dilaalnimo casri ah marka qilaaf dhexmaro madaxda sare asagoo lacag tiro badan ka samayn yaqaan,isku soo xooriyoo soo noqosha shariif xasan waa sifo muujisanaysa inaan weli laga bixin saban xumaankii nagu soo bilowday 1991-kii,somalidii reer guuraga ahayd waxay ku maahmaahi jirtay "ninkii xoolo alle la maago ciidankeedu siiyaa" oo la micno ah wiilal baariyaal oo xoolo dhaqaaleyn og ayuu eebe weyne siiyaa inuu xoolo siintood la doono,alle ayaanse leenahay.

    ReplyDelete
  6. Eeg Axmed Madoobe, Abdi Qeybdiid, Abdweli Gaas iyo Siilaanyo. Kadibna kafikir dekedaha Kismaayo, Baraawe, Hobyo, Bosaso iyo Berbera.
    isku wada dar kadibna aqri linkiga hoose. Waa Maxay Danta Laga Leeyahay Federalism? Yaase Noo Keenay Asal Ahaan? Qiyaas Qorshaha Ku Xiga Kan Muxuu Noqon Karaa?
    http://www.mfa.gov.et/news/more.php?newsid=3708

    ReplyDelete