Total Pageviews

Monday 9 February 2015

Khatar


Shalay subax waxaan Muqdisho ka raacay dayaarad Airbus ah. Markii ay damacday in ay kacdo oo ay foodda la gashay dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan si ay u duusho, ayay markiiba soo kala wareegtay oo ay sameysay U-noqosho. Waxaan joojiyay akhriskeygii aniga oo isku dayaya in aan ogaado sababta aan ugu sulaaxeyno  jihadii aan ka nimid.

Waan naxay markii ay indhaheygu qabteen dayaarad kale oo bartanka u fadhida dhabbaha ay dayaaraddaan saarnaa ay damacday in ay ku roorto. Sawirka halkan ka muuqda ayaan ka gaarsiiyay markii aan ka fogaaneynay dayaaradda kale.


Xog buuxda kama hayo sida ay wax u dheceen. Ma ogi cidda khaladka leh. Mana ogi in ay iyaduna dooneysay in ay duusho iyo in ay soo degeysay. Laakiin daqiiqado yar ka dib ayaan haddana dib u soo noqonnay oo si nabad ah uga duulay isla dhabbihii.

Hadda oo ay soo badanayaan duullimaadyada Muqdisho kuma qanci karno wax ka yar in mar kasta dayaarad kasta oo degeysa ama kacaysa loo hago si 100% sugan oo badqabkeeda aan wax u dhimin.

Si taas loo xaqiijyo waa in shaqaalaha dadaalka badan ee duullimaadyada haga la  xaqiijiyo in ay tiro ahaan, aqoon iyo tababbar ahaan, daryeel ahaan, mooraal ahaan iyo teknoolojiyad ahaanba ay karaan, rabaanna in ay sida ay tahay u gutaan mas’uuliyadda culus ee saran. Waana in ay leeyihiin feejignaan si buuxda indhaha, dhegaha iyo maankaba ugu haysa howsha nolol ama geeri ah ee hortaalla. Waa in lagu kormeeraa lagulana xisaabtamaa.

8 comments:

  1. Alxamdulillah! haddii Rabbi halistaa naga badbaadiyay. Waa qalad in baylootyadu ay ku socdaan hadba inta ishoodu qaban karto sida darawallada oo kale.

    ReplyDelete
  2. inta reer hebel dadka lagu shaqo geynayo waxay adagtahay in la gaadho shaqaale xirfadlayaal ah oo ka soo bixikara hagida diyaaradaha iyo masuuliyadda saaran

    ReplyDelete
  3. Mr Yusuf Garaad Waad mahadsantahay la wadaagitaankaaga akhbaartaan laakiin Yusuf cid kaaga dhow madaxweynaha maleh ee fadlan isaga la socodsii si uu ula hadlo qolyaha qaabilsan arinta airport ka kheyr ayaan kuurajeynayaaa

    ReplyDelete
  4. Mr Yusuf Garaad Waad mahadsantahay la wadaagitaankaaga akhbaartaan laakiin Yusuf cid kaaga dhow madaxweynaha maleh ee fadlan isaga la socodsii si uu ula hadlo qolyaha qaabilsan arinta airport ka kheyr ayaan kuurajeynayaaa

    ReplyDelete
  5. Mr Yusuf Garaad Waad mahadsantahay la wadaagitaankaaga akhbaartaan laakiin Yusuf cid kaaga dhow madaxweynaha maleh ee fadlan isaga la socodsii si uu ula hadlo qolyaha qaabilsan arinta airport ka kheyr ayaan kuurajeynayaaa

    ReplyDelete
  6. Walahi dalku wuxu Ku jira kabasho laga weyn karo fol xumo Iyo kuf kuf wa in hay ad walba dalka ka mid ah ay sameyso is xilqamid

    ReplyDelete
  7. Walahi dalku wuxu Ku jira kabasho laga weyn karo fol xumo Iyo kuf kuf wa in hay ad walba dalka ka mid ah ay sameyso is xilqamid

    ReplyDelete
  8. Mahadsanid Yusuf Garad Omar mar walba si dhaw ula soco arimahan o kale

    ReplyDelete