Total Pageviews

Tuesday 24 February 2015

Kulan Geesinnimo


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Mudane Cali Khaliif Galaydh, oo hore dalka uga soo noqday Ra’iisal Wasaare, dhowaanna loo doortay hoggaanka Khaatumo.

Mar aan Mudane Cali Khaliif  kula kulmay Muqdisho bishii hore, waxaa uu adeegsaday ereyga ah aniga iyo Madaxweynuhu faataxo isuma akhrinno laakiin dan ayaa naga dhexeysa. Ereygaas ayaana laga fahmi karaa halka ay kala joogeen oo dadka qaar ay kala socdeen saxaafadda.

Mar haddii la fahmo in haddii aan Soomaali nahay, si kasta aan u kala aragti duwanaannee ay dani naga dhexeyso, in la iska wareysto waxaan u qabaa in ay tahay tallaabada koowaad ee horseedi karta in laga wada shaqeeyo sidii aan danteenna ku gaari lahayn.

Waan soo dhoweynayaa kulankaas geesinnimo iyo kuwa la nooca ah.

36 comments:

  1. Fadlan aragtidaada ila wadaag oo halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Wan soo dhaweynayaa anigu
    waxan kaloo aaminsahay in danta guud fahankeedu intuu inuu jiro nabaduna inoo jirto

    ReplyDelete
  3. Waa kulan hor usocod leh waan soo dhaweynayaa somali hanoolaato hanaloo duceeyo in quluubteeda Illaah isku soo duwo amiiin

    ReplyDelete
  4. Baribaa wiil ayaa gabadh fara xumeeyey saa la waydiiyeyna maxaad ku samaysay gabadha suu ku jawaabay "waxba kumaan samayn", saa hadana la waydiiyey oo talaw maxaa dhabarka iyo gacanta hool hoolay oo diirka ka qaaday nabarkaa u yeelay suu hadana ku jawaabay "waa rafadkay rafatay." Xasan Sheikh .....

    ReplyDelete
  5. Waa tallaabo geesinimo oo horay loo qaaday. Wax badan ayaase u baahan in la saxo.Sida maamulada laga dhax unkay Khaatumo laga yeeli lahaa siyaasiyan iyo Sool, Sanaag iyo ( Cayn) ineey inta badan shacabka fikirkaan ka siman yihiin. Cayn gobol la yiraah Soomaaliya diiwaanka uguma jirto waxeeyna shaki galinee ineey dadka khaatumo heli karaan 2 gobol oo kaamila ama hal iyo bar xitaa ( sida Galmudug ama gobolada dhexe ). Hadeey sharuudaha dowlad goboleed buuxin karaan, ma qabo in la yiraahdo waxaan xaqiina idinku duudsineynaa si aanan qilaaf uga imaan Puntland ama u carqaladoobin wadahadalada aan mira dhalka aheyn ee Somaliland nagala dhaxeeyo. Soomaaliya waxa ay u burburtayba waa in dad gaara ay u go'aan ka gaaraan masiirka dad kale leeyahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. hadii qabiil loo eego Sool Hal reer oo kaliyaati ma dagaan saxibow kuwaa sidee loogu qancinayaa inay khatumo noqdaan waaba su'aale?,, sanaagsan meel ay ka degaan dadka khatumo sheegta oo ah hal degmo ugu yaraan ma ii sheegi kartaana,, intaanad wax iska qorin oo iska sheeg sheegin dhulka iyo dadka kala baro wuxuu shubaayo kani iyo afarta qof ee la soco ha dhagaysane,, noqo qof ku socda wax jira somaliya reer reer kale ogali ma jiro iyo degaankiisa toona lakin waa loo kala badan yahay dhulka cali khalif been ayuu ku nool yahay dadkiisina waaka buhoodle ku soo ooday ee u diiday inay tagagaan qorilugud loolll

      Delete
    2. ( Hadeey sharuudaha dowlad goboleed buuxin karaan ) Intaas ayaa kuu cadeyneysa inaanan cid u xukumin deegaan eysan laheyn. Hadeey buuxiyaanse sharuudaha oo ah 2 gobol iyo wixi ka badan cidna loo joojin maayo. Anigana khaatumo iyo Puntland iyo Somaliland midna maahi ee waxaan gutay xaqa aan u leeyahay inaan ra'yigeyga ka dhiibto arimaha dalkeyga :)

      Delete
    3. Waxaan xaqiijinaynaa in taabadasi kulanka labadda musuul yahay qeyb ka mid ah din u heshiisiinta iyo isu soo dhawanshaha bulshadda.waxaan aqoon Fiican u leeyahay madaxweynaha khaatumo ,xasan Sheekh laftiisa madaxweynaha dowlada ferderaalka .

      Delete
  6. Ninkaan horuu ugu fashilmay siyaadada Somalia kana haduu ku fashilmay

    Sidaa daraadeef waxba keenimayaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Cali khalif ma waddo dan somaliyeed sheeko qabiil iyo ummad kale eryid waxaan ahayn anigu kuma arko, ninka raba inuu dab iyo colaad ka dhex huriyo Buuhoodle iyo Qorilugud ma keeni karaa dan ka wayn oo Somaliyeed. Waxba yeynaan been isku sheegi Somalidu ma jecela runta ninka nabad ka keeni waayey labadaasi ee xabadda iskugu dhiibay ma keeni karaa taa Somaliyeed ee Yusuf garaad sheegay.

      Delete
    2. ahmed husse soomaalidu waxay tidhaahdaa maroodigu takarta u taagan ma arko ee wuxuu arkaa takarta maroodiga kale ku taagan waxaan odhan karaa fikirkaaga ayaa taas la mid ah waayo colaada maamulka siilaanyo wado ma aragtid ee waxaad aragtaa wanaagga cali wado ee ah mid nimada soomaaliya oo adiga si khaldan kuula muuqta beelaha aad leedahay colaad baa dhextaala ninka coladaa bilaabay waa siillaanyo ilaa hadana sii wadaa waa isaga ee cali shaqaba kuma lahay oo dalkaba ma joojin markii colaadaasi bilaabatay

      Delete
    3. Colaadda Buuhoodle & Qorulugud Siilaanyaa ka wada ee Cali Khaliif kama wado. Cali Khaliff iyo dadkiisuba waxay diideen in 100+ sanno ka hor waxay ku baaba'een in maanta dib loogu celiyo. Wadan Soomaaliland la yiraahdaa ma jirto. Colaadda aad ka hadlaysaa waxay joogsanayaa markaad riyadda beenta ah iska daysaan.

      Delete
  7. waa guul haddii ay wada hadlaan koleyba waxbaa ka soo bixi doona .

    ReplyDelete
  8. Walaal Yusuf waa saad sheegtay waxaa muhiim ah inaynu fahanno inaynu isku dan nahay laakiin siyaasadu waa hadba marka halka ay taagan tahay.

    Hogaamiyaha Soomaaliyeed waa inuu fahmaa in uu hor jooge u yahay ummad dhibaato iyo dagaalo, abaaro iyo barakac ay ragaadiyeen loogana fadhiyo inuu ku hago wadadii ay uga bixi lahaayeen.

    Hogaamiyaha soomaaliyeed waxaan ka sugaynaa inuu na horkeeno qorshe ummaddeena maanta tusi kara hididiilooyin nabadeed iyo horumarineed taas oo aan ahayn khiyaali balse ah mid ku qotonta run ka sheegid, Hogaamiye waa kii kasbada kalsoonida shacabkiisa lana qaysada xanuunka iyo dhibta.

    Soomaalida dad kala fog ma ahan waana dad walaala ah walow ay jiraan xoogaa mugdi ah gudaheena taasna waa laga saari karaa hadaan helno hogaamiye cadaalad fala.

    Madaxda aan u ducayno oo aan la shaqayno si ay niyad sami noogu adeegaan iyagana sidaa si la mid ah waxaa ka rabnaa inay cadaalad sameeyaan oo qofkii lagu helo eex lala xisaabtamaa.

    Federalism ku waxuu u baahan yahay fahan dheeri ah madaxdana waxaan oran lahaa haka feejig naadaan waxii dib inoo celin kara waayo hor u socod baa dantu ku jirtaa.

    Yussuf adigana waxaan ku oran lahaa waxaad ka mid tahay dadka tacliinta leh ee dalka iyo dadkuba fiirsanayaan inaad tusaale wanaagsan noqoto oo khibradaada iyo aqoontaada la wadaagtid ummadda soomaaliyeed ee maanta hiilka u baahan.

    Dhanka aqoon yahanka ayaa dabayshu kasoo dhacaysaa ee halkaas waa meesha ay ka dhutinayso aan eegno oo aqoon yahanku ha buuxsho kaalinkiisa.

    Abdihalim Abdiasis M Abubakar

    ReplyDelete
  9. waanu soo dhowaynaynaa kulankaas hadaanu nahay dhalinyarada isbedl-doonka ah xalku in lawada hadlo ayuu ku jiraa.

    ReplyDelete
  10. Maxaa dan ah oo laga fa idayaa kolbaa mid geed hoostii isku so calemoo saraa in la yidha madaxwaynahaa la kulmay? kan garan la inu dantaa dadkisa ka shaqeyoo, horenaa wuxuu falay tarikhdisaa ka arki kartiid somali waxbaa u kordhin mayan waa gacmo dalis shekaduu.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yaan geed isku caleema saarin? Muhiimaddu waxaa weeye, dadkiisa ma metelaa? Taas baa wax lagu xukmiyaa.

      Delete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. Waxa la dhihi karaa somalia hada eey cagaha la heshay wadii hormarka hadiiba eey madaxda hoganka hayaa eey garteen in dan jirto qolokasta oo isku imaada daan aa isku keenta lagayabee aygoon is rabin in eey halkas dan isla firsadaan waa wax lagu farxo

    ReplyDelete
  13. waxaaan oraankaraaa waaa guull haddii u iskaashadaaan dowlada iyo maamul goballeeda gaar ahaaan khaatumo waayo waa dadka kaliya soomalinimo u dhimanaya
    goballada waqooyi ilaa gumeystihiin wakhtigan xaaridka ha kuwa maalin walba ku dhimanaya qaraxyada ka dhacayaaa mugdhisho misna marnaba way u hurayaaan naftooda difaac dalkood

    ReplyDelete
  14. Waa talaabo dhanka Midnimada loo qaaday, Madaxweynaheenna Xasan Sheikh Maxamuud waan ku taageer-sannahay in uu soo dhaweeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Qaatumo state of Somalia, waxaa la wada ogsoon-yahay in dadka reer Qaatumo ay weli-good u taagnaayeen Midnimada Ummadda Soomaaliyeed hadda iyo Xurnimo doonkii kahorba, marka wey mudan-yihiin in aayahooda ka tash-taan laguna extiraamo. Somaliland iyo Puntland waa in ay ka dayaan Xod-xodo-dagaaleedka ku dhisan Hayb-ku-doon Qabiileed iyo mid Goboleed oo ay ku hayaa Qaatumo State of Somalia, waana in ay Dowladda Soomaaliya u aqoonsataa sida Dowlad Goboleed-yada Dismay, hadii ay wax-dhimanyihiina loo dhameys-tiraa haday u dhan-yihiin sharuudahii laga rabay, Mida kale waxaa Dowladda Soomaaliyeed ku waajib ah in ay ka ilaaliso Qabaa'ilka dhul iyo dad boobka ku haya Qaatumo State of Somalia. Mahadsanid Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  15. waad mahad santahay yuusuf waa shaqo aad Ummadda u haysid hadaalin mahadsanid in badan

    ReplyDelete
  16. waxaa muhiim ah inaan fahano inay jirto dan dadka isku tolaysa nin walbaa fikirkaasa gaar ah isaga led ladka iyo dowladana waa inaga dhex kulankiina kulan khyraad inshaallah

    ReplyDelete
  17. Geesinimo iyo cali khaliif kala dheer hadii uu geesi yahay intuu ciyaalkiisii qurbaha gestay fidno iyo dagaal lama yimaaden deegaankii uu ka soo jeeday oo nabad ah.
    Ninkaan waxan u arkaa nin kursi jacaylka meel qaldan ka galay, Waa run somalidu waa isku dan lkn cali khaliif waxaad mooda inuu garanin halka ay dantiisa iyo danta deegaankiisa ay ku jirto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Cali Khaliif wuxuu ka soo hor jeedaa reerkan raba inay dowlad qabiil samaystaan ee SNM & reerkan kale ee raba inay Soomaali qolo-qolo u kala geeyaan ee SSDF. Adiguna labadaa mid ka mid ah caqligoodii baad ku hadashay.

      Delete
  18. inkasta oo aan ogahay inay jiraan dad aan ku farxayn kulanka labada masuul haddana waxaan odhan karaa waa talaabo dhinaca wanaagsan looqaaaday xasan sheekh iyo cali khaliif ma jirin colaad weyn oo u dhaxaysay balse waxaa jirtay arimo siyaasadeed oo ay ku kala duwanaayeen oo aan odhan karo mar haddii ay wada hadleen xal ayey u heli karaan soomaalidu waxay ku maah maahdaa midho gunti ku jira looma daadiyo midho geed saaran maamulka khaatumo wuxuu ogol yahay oo diyaar u yahay in aan soomaaliya la kala goyn halka maamulka siilaanyo doonayo in soomaaliya labo laga dhigo marka labadaa nin ma ninka jooga ee soomaali nimada raba ayaa mudnaanta leh mise ninka raba inuu tago ayaa mudnaanta muranka labada nin u dhaxeeyaa intaas ayuu ahaa oo xasan sheekh aad ugu adkaysanayey inta uu siilaanyo xal ka gaadhin in aanu khaatumo la hadal waxaan rajaynayaa ka tegi rabana in xal latuso kan joogana wanaag la tuso ee aan xal

    ReplyDelete
  19. Cali baryo kuma noqon . Waana Libaax rug cadaa ah. Libaaxna nin gana og nin galadana og . Soomaaliya Allaha guuleeyo . Runtii waa geesiyaal aan kala dhicin.

    ReplyDelete
  20. Aan mid ogaanno haddii aan nahay Soomaali; Kulan kasta oo dhex mara dad masu'uuliyiin ah danteenna ayaa ku jirta waana inaan bogaadinno oon u ducayno.

    ReplyDelete
  21. waxaan u arkaa kulamadii aan waxba soo kordhin jirin waayo xubin iyo xeeb iyo galmudug oo deegaan ka taliya ayaa la aqoonsan wayay waaba khaatumo oo aan hal degmo ka talin

    ReplyDelete
  22. Ali waa mudanyahay xilka loo doortay, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh wada hadlaana waa guul Soomaali Weyn usoo hoyatay.
    Si wanaagsan ayan usoo dhaweynayaa, shaqo wacan madaxda dalka.

    ReplyDelete
  23. aadbaan uso dhawaynaya wadahadalada labada madaxwayne...mana lakala maarmo waa la isku baahan yahay...ilaah hakadhigo mid wax ku ool ah

    ReplyDelete
  24. s/c,qofkii buka ama nacayb hadalkiisa ka muuqdo warkiisu wax ka soo qaad ma leh sidaan arko anigu,dadka degaanadaas dega Taariikh iyo dadnimo intaba cid qarin kareaa ma jirto,degaankana ,dhulka ay degaan ee asalka u leeyihiin wuxuu ka badan yahay laba gobol iyo dheeraad ,

    Tan kulanka Mudame Galayr iyo Mudane Hassan Sh waa taariikhi waana isu soo dhopwaansho buuxa waana soo dhoweynayaa ,wixii caadifads iyo cuqdad ah inta ku hawlan baan u dhaafayaa

    ReplyDelete
  25. Wax khaatumo la yiraahdaa horta ma jirtaa, halkayse ku taalaa amase ka talisaa? Xasan Sheekh ma wuxuu qaabilay Cali Khaliif Galayr oo aan wada naqaano wuxuu yahay run ahaantii sharaftuu iska qaaaday xasan sheekh

    ReplyDelete
    Replies
    1. Khaatumo dad baa samaystay? Ma dadkaad tirtir ileen inkiraad meel ku geyn mayso'e?

      Delete
  26. Kulankan waxaan odhankaraa waa talaabo dhanka horumarka loo qaaday. Waa talaabo uu soo dhaweynayo qof kasta oo damiir fiyow oo Somalinimo ku jiro. Cida dhibsanaysa ama ku sasaysa kulamada caynkan oo kale ah waxaan qabaa waa cadawga umada Somaliyed.

    ReplyDelete

  27. Kani waa dal baaba'y
    Waa qoom is duudsiyay
    Reer reer u kala degay
    Anaa dahaba anaa daran
    Anaa daain abid
    Ugu dooran baa badan
    Ninwaliba dantiisuu
    Degelkaa u joogaa
    La iloow dantii guud
    Dayartiyo caruurtii
    Daadxoor kaxaysoo
    Siday beri danbaabeen
    Loo tuur dad qaladkii
    Duli baa la jecelyahay
    Dulmigaa la dhawraa
    Daacadaa la cayrshaa
    Xaaraantaa la doogtaa
    Xalashaa la daahaaa
    Qabiilkaa sidii dayax
    La daawadaa habeenkii
    Hogaankoodu waa doqon
    Damiin waa ka daran yahay
    Dadkii way xasuuqeen
    Qaarna way dayoobeen
    Darxumay ku noolyihiin
    Qaarna Habar dugaagiyo
    Loogu deeqyay cadawgii
    Caruurtaa ka sii daran
    Gaajo Iyo darxumo iyo
    La daaleen aqoon li'i
    Haweenkii bal daymood
    Dayac bay la liitaan
    Ragoodii wax qaad iyo
    Mirqaan bay duljoogaan
    Qaarna way dikriyayaan
    Quraankay dudubiyaan
    Deriskay qalaan duhur
    Hadana farax duceeyaan
    Waxa ay daninayaaan
    Durduradii janada iyo
    Farduus dacaladeedii
    Xuural cayntii daahnayd
    Duuduub in loo siin
    Qaarna waa Diyaasbaro
    Da'yartii hablaha wadhan
    Midmid bay u dooxaan
    Wixii dagan ma dhaafaan
    Doktoor baan ka ahay yurub
    Lacagtaydu deeqaay
    Dalkeeneey badh goysaa
    Isagoo daciifoo weliba
    Hoogeveen ka dawarsada
    Danyartii dhulka tubnayd
    Dolar toban u tuur tuur
    Denmark baan ka soo galay
    Baasaboor dad leeyihiin
    Oo ku duugoobay jeebkii
    Hadba dacal ka soo Saar
    Toban Dumara u dhamee
    Wuxuu dago wuxuu dilo
    Wuxuu dunida la afrogo
    Gabdhihii dam kawada sii
    Waxa Kaa ka sii daran
    Damiirlaawe ganacsade
    Faaiido doonka ah
    Unaxayn dalkiisii
    Cuduraada dilaaga ah
    Dawadooda kala dhige
    Kiimikada dilaaga ah
    Wadamada duqoobiyo
    Dal shisheeye soo diray
    Ku daabule dalkiisii
    Danyartiyo masaakiin
    Duruuftooda kama naxe
    Jumlo Iyo tafaariiq
    Dawo Iyo faraajiin
    Duuduub u wada liqe
    Alaabtoodu waa duug
    Tayo Iyo dux maleh
    Waxa hadhay mid daalina
    Danaystaha siyaasiga
    Dal shisheeye laga hago
    Dabadhilifka iibsaday
    Dadkiisiyo Dalkiisii
    Ee Doolar dhaafsaday
    Calankeena dahabka ah
    Dumarkii intaasay
    Dhex dabaalanaayaan!
    Dadyoow yaabay aniguye
    Damjadiid ayay tahay
    Maandeeq hasheenii
    Dadku wada lahaayeen
    Hadmay doogsadeen keli
    Duulaan ku qaateen
    Dawladiina yeesheen
    Duul ka yimi Itoobiya
    Sierallione jabuutiyo
    Yugandhayskaa dumarkii
    Dawarsada intuu yidhi
    U dukhuulay Waaberi
    Kolkay dunidu maqashee
    Dayaxii ku soo baxay
    Qaar cusub ku sii daray!
    Dadyoow yaabay aniguye
    Damiirkii xaguu tagay?
    Soomaalaay daboolaay
    Xaqa daadafeeyaay
    Soomaalaay qabiil Iyo
    Xumaan daadaheeyaay
    Soomaalaay damiirlaay
    Caruurteda dubataay
    Soomaalaay daweeyaay
    Meel aan damqanahayn
    Soomaalaay dastuurlaay
    Diinteeda xoortaaay
    Dhamaanteed is dooxdaay

    ReplyDelete