Total Pageviews

Saturday 21 February 2015

Saaxiibkeey Cabdishakuur Mire Adan AUN





Cabdishakur Mire Adan, Allah ha u naxariistee waxaan isku barannay Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, halkaas oo aabbihiis, Ustaad Mire Adan, iyo hooyadiisba ay macallimiin ka ahaayeen.

Waxaanse si wanaagsan isugu barannay Muqdisho. Waxaa uu ahaa qoraa wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo qoraa sheekooyin badan oo buugaag uu ka daabacay oo ardayda iskuulladu ay akhrisan jireen.

Baaris uu ku sameeyay taariikhda Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2002 wuxuu ka qoray Kutub - Kobacii Islaamiyiinta Soomaaliya.

Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee badda, berigii qaxu dhacayna mar ayuu ku shaqeeyay badmaaxnimo.


Siyaasadda Puntland waxaa uu ahaa raggii la jaanqaaday billowgii ugu horreeyayba. Wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu wakhtiga dheeraa Puntland.

Hadda wuxuu degganaa Muqdisho oo uu siyaasadda ka qeyb qaatay isaga oo Guddoomiye ku Xigeen ka ahaa Xisbiga Daljir.

Wuxuu ahaa nin hadallo geesi, wuxuuna ahaa mufakir isku daya in uu fahmo danaha iyo xiriirrada dadka Soomaaliyeed ee xag bulsho, siyaasad, dhaqaale iyo amni. Una fahmo si ka qoto dheer inta dadka aan aad u fekerini ay meel walba la taagan yihiin.


Wuxuu ahaa nin saaxiibtinnimo iyo aammin gala. Wuxuu ahaa nin Allah ka cabsi leh. Wuxuu ku kalsoonaa Soomaalinnimadiisa mana aamminsaneyn in uu cid marti uga yahay ku lug lahaashada masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Ilaaheey waxaan uga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadiisa.

Hadda ka hor annaga oo joogna Nairobi ayuu iiga warramay khatarta Shabaab. Wuxuu i soo xasuusiyay markii ay in yar ka dib weerareen Westgate. Ka akhriso dhanka bidix ee boggaan. Eeg dhanka bidix ee boggan oo dhag sii si aad u akhrisato wadahadalkii aniga iyo isaga ina dhex maray.


25 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay booqashada bartan iyo akhriska mowduucan.
    Fadlan aragtidaada halkan ku reeb si ay u waarto. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Ilahey ha u naxariisto intii dhimatay kuwa ku dhawacmayna waxan ilahey uga baryayaa cafimaad degdeg ah in u siiyo amiin.

    ReplyDelete
  3. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo, Soomaali maalin walba dad badan oo qaali ah ayay sii lumineysaa

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. Allaha u naxariisto. Su'aalaha qabriga iyo tan qiyaamo Allaha u fududeeyo. Marxuumka Intii hore warbaahintaan ka maqli jiray laakiin imaatinkiisi Muqdisho kadib waxaan ku saaxiibnay FB. Waxaan aan u jeclaaday sida uu markiiba xiriir ula yeeshay min masuuliyiinta sare illaa kabacaseeyaha iyo ciyaalka wargeysyada iibiyo oo uu qormooyinkiisa FB kusoo bandhihi jiray. Wax walboo kale waxa iiga filan sawirka quruxda badan ee uu iiga siiyay shaqsiyada uu yahay. Aad ayaan uga xumahay inaan waayo asagoo kale.

    ReplyDelete
  6. Mohamed, adigaa mudan. Cabdishakur, Ilaaheey ajar ha ka siiyo waanngiisa halk qormo laguma soo koobi karo.

    ReplyDelete
  7. geerida waa xaq ma dhinte waa allah .. lkn waxaa ayaan daro ah in maalin walba la dilo dad qiimaha iyo miisaanka umada ku dhaxle hadana aa layska warsan .. qolyaha fedaralka waxba daba gal ah ma sameeyaan ka hor tag warkiisaba daa ... umadaan illah ayaa u maqan

    ReplyDelete
  8. Ilaahay ha unaxariisto marxuumka.waxa dhacay waa fariin kale oo ina tusaysa baahida loo.qabo.in lamidoobo oo hurdada laga kaco

    ReplyDelete
  9. Allah yarxamu - Abdishakuur wuxuu ahaa Wadani, Wuxuu ahaa nin jecel nabada iyo horumarka Somalia, Wuxuu ahaa Qoraa Bulshada ugu jiray kaalin muhiim ah, Sidoo kalana uga tagay Dhaxal, Wuxuuna si gaar ah ugu Xasuustaa inuu ahaa Sxb-ka dhow ee Warbaahinta Soomaalida

    ReplyDelete
  10. geeridu waa xaq qofkastaana wuu dhadhamin kulun nafsun daaiqatul mowd intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto intii ku dhaawacatayna ilaahay ha u fududeeyo balse waxaa yaab leh ilaa hadda in aan xal loohelin dadkan umaddii soomaaliyeed xaqdarada ku laynaya dadka huteelka lagu laayey oo aanu wax isu ahayn markii geeridooda la iisheegay ma qiyaasi kari karo sidii aan u gariiray inkasta oo aan ogahay in qofna in aanu wakhtigiisa dhaafayn haddana jidhku danqasho madayanayo marka laguu sheego qof aadan xanuun ku ogayn oo lagu yidhi hadda ayuu dhintay ilaahay soomaali xaqa ha garansiiyo hana soo hadeeyo

    ReplyDelete
  11. Anigu ma aqoon marxuunka, balse waxaan aad ugu qancau wanaaga ay intii taqaanay ka sheegeen. Waxaan aad ula yaabay, hadalkiisii u dambeeyay ee uu twiterka ku qoray. Waxaad moodaa in Allah SWT uu sii ogeysiiyay in uu u safari doona meel ka wanaagsan tan uu markaas ku sugnaa. Wuxuu yiri, "Waa la guurayaa, waxaa loo guurayaa dooga iyo meesha daruurtu roobku ka hilaacday ee indhaha u roon" waxaan is leeyahay waa hadal qof elhu kheyr ah uu Allahii aburrtay sii ogeysiiya meesha uu aduunka ka dib tagi doono. Waxaan Allah oga baryayaa, meeshaa uu tilmaamay inuu maantay ku suganyah oo Jantul Fardowsa. Amiin

    ReplyDelete
  12. Eebe naxariistii jano haka waraabiyo dhaamn intii ku geeryoootey qarxii shalay, sido kale marxuumka si gara ayaan ugu tacsiyaynayaa waayo qoonta uu la god galay maaha mid meel kale aan ka helayno, adiguna wad mahsanahay sxb yusuf garaad

    ReplyDelete
  13. Geeridu waa xakh weyna wada sugeysaa balse waxaa la gam ila, ahay sida aqoonyaha nadeena loo dhamey nayo joogto yee nokhote murugadani
    Allaha u wada naxariisto dhamaantood.
    Dadkaasi waa kuwi. Aa lahaa markaa khurbaha. Ka guurto aa caffe wada cabtaan..Oo la sheekeysatid
    Allaahu akbar

    ReplyDelete
  14. EEBE ha u naxariisto Abdishaku Mire Adam & dhamaan intii ay dhagar qabayasho dileen.

    Wuxu ahaa shaqsi niyad furan oo soomalinimadu ku weyn tahay isla markaana aan marna u fahansanayn siyaasada sida guracan ee badi dadkeenu u yaqaan.

    ReplyDelete
  15. Alle ya raxma janada allaha ka waraabiyo geeridu waa xaq qof walbana wey sugeysaa saqiir iyo kabiirba aniga aqoon uma lihi lkn siday ay dadka uga hadlayan geeridisa ayaan ka fahmay inuu ahaa nin fcn

    ReplyDelete
  16. Alle haunaxariste marxumka eheladii iyo somali
    weynba samir iyo insane Alle hanagasiiyo

    Waxaan farayaa somali weyn Jihaad kadhan ah
    Dadkan kusoo duulay dalkooda iyo doubtless wanna
    in muwaadinkastaa kaqeyb qataa sidii loo wiiqii ahahaa cadawgaa islamka iyo jiritaanka umadan

    ReplyDelete
  17. walaal Cabdishakur wuxuu ahaa walaal,saaxiib,qoraa,aqoonyahan,siyaasi,waxgard waxaan leeyahay Allaha unaxriito asaga iyo intii lageeriyootay, waad ku mahadsantahay taariiqdii aad nalawadaagtay samir iyo iimaana allaha nagasiiyo
    By Ayan Ladane

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ayan, waad ku mahadsan tahay adiguna. Ilaaheey ha u naxariisto walaalkeen.

      Delete
  18. Ilaahey ha unaxariisto Amiiiiiiiiin

    ReplyDelete
    Replies
    1. C/shakuur mirre wuxuu ahaa
      nin taariiq ku leh somalia
      gacan kaxaqdaran ayaa dishey
      janadii fardowso allaha kawaraabiyo
      sxbkeena iyo sxbadeena kale ku dhintay qaraxii shalay kadhacay central hotel
      amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

      Delete
  19. Yusuf Garaad aad ayaad ugu mahad santahay sidaad war bixitaan qoraalkeedu quruxda badan yahay noogu soo gudbisay. Aqoon uma lahayn lakiin Qoraaladiisa iyo qaabkuu wax u cabiro ayaan Websideyada iyo baraha Bulshada ku arkay dhowrgoor.

    ReplyDelete
  20. Allah ha u naxariisto dadkii aan waxba galabsan ee cadawgu xamar ku gumaaday ,
    Soomalidu inay arintaan talo adag ka yeelato ayaa loo baahan yahay oo aysan nagu soo noqnoqon ileen dadku maahan masago baxaysee.

    ReplyDelete
  21. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete