Total Pageviews

Saturday 28 March 2015

Warfaafin mise Sirfaafin


Saxaafaddu waa mas’uuliyad culus. Waxayna qeyb ka tahay mukhaabbaraadka qeybtiisa aan qarsooneyn ee loo yaqaan “open source” iyo weliba qeybtiisa Falanqeynta.

Weriyaha waa lagu tababbaraa marka uu warku wax u dhimi karo nafta bani’aadam ama xorriyaddiisa, marka uu dhaawici karo amniga qaranka iyo sida laga yeelo.

Weriyayaal aan tababbar qumman u helin ayaa jira, waxaana wehliya dad badan oo hadda adeegsada saxaafadda bulshada hase yeeshee aan wax tababbar ah qaadan, isla markaana aan ogeyna in ay mid u baahan yihiin.

Weerar marka uu dhaco inta badan dhinaca weerarka soo qaaday xaruntiisa howlgalku waxay leedahay qaab ay ula xiriirto shakhsiyaadka faltanka ku jira. Telefoon ama hab kale ayay adeegsadaan si ay u kala warqaataan, talana isugu biiriyaan sida ay wax u dheceen iyo marba meesha ay xaaladdu mareyso.

Xaruntu waxay xuuraansataa idaacadaha iyo baraha internetka gaar ahaan baraha bulshada. Waxay ka eegtaa xog hor leh oo talo ku kordhin karta una sahli karta in ay yoolkooda gaaraan.

Marka haddii faahfaahin laga bixiyo tirada ciidanka howgalka ku jira, hubka ay sitaan, tabta ay adeegsanayaan ama jihada ay ka galayaan dagaalka, goorta ay billaabayaan weerarka ama gurmad u yimid waxay keeni kartaa in la is wargeliyo oo laga gaashaanto.

Xataa haddii la sheego ciidanka dagaalka gelaya midka uu yahay, waxaa laga yaabaa in magaciisa keliya laga fahmo hubkiisa iyo tabtiisa.

Hotel Maka
Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha la wadaago qaar ka mid ah casharrada laga baran karo weerarkii shalay ee Hotel Maka iyo khaladdaadka ay saxaafaddu gashay ee laga yaabo in ay khatar gelin karaan naf bani’aadam.


Howgalka oo socda ayaa la arkayay sawirrada dad saqafka fuulaya, si ay ugu dhuuntaan.

Waxaa igu maqaal ah in dadka qaar uu waagu ugu baryay iyaga oo saqafka saaran, habeenka oo dhanna ay sawirradoodu wareegayeen baraha bulshada inkasta oo Hotelka la haystay.

Haddii la sheego in ay dad ku dhuumanayaan qolalka qaarkood waxay keeni kartaa in lagu baraarugo lagana warhelo.

Waxaan arkayay qof facebook ku soo qoray codsi ah in loo soo duceeyo macallinkiisa iyo dhowr arday oo uu sheegay in uu la xiriiray iyaga oo ku dhuumanaya qol dabaqa dhexe ee Hoteelka ah.

Bal qiyaas khatarta ay macallinkaas, ardaydiisa iyo kuwa la xaaladda ahi ay geli karaan haddii warkaasi uu gaaro dableyda hoteelka kula jira.

Waxaan arkay sawirro ciidanka Booliiska oo aagag iyo awaamir kala qaadanaya oo gadaashooda camera lala soo istaagay ee howlgalkii oo socda la soo daayay.

Dhanka kale, waxaan arkayay saxaafadda qaar oo shalay galab soo qoray in weerarkii la soo afjaray. Taas oo khalad ahayd, waayo waxaan ka warqabnaa in ilaa saaka la haystay Hotelka inkasta oo aan xilliyada qaar xabbad la maqlin.

Bal qiyaas qofka qolkiisa ama meel kale ku dhuumanayay ee haysta internet ee rumeysta in weerarka la soo afjaray. Maxaa markaas la gudboon? Dabcan dibadda ayuu u soo baxayaa. Waxa ku xiga ilama aha in qofkii warka khaldan soo qoray uu sidaa ku talo galkiisu ahaa.

Xabbad in aan shanqarteeda la maqal macnaheedu khasab ma ahan in uu yahay in howlgalkii dhammaaday.

Saxaafaddu haddii ay goobjoog tahay waxay sheegi kartaa in aan wax rasaas ama qarax ah la maqlin hadda, laakiin in howlgalku dhammaaday iyo in kale ma aha in ay iyadu ku dhawaaqo. Waxay u taallaa Booliiska oo ay tahay in laga soo xigato.

Waxaan arkay dadka telefoonka u diraya qof kasta oo ay yaqaannaan oo hoteelkaas fariisan jiray ama ay ogaayeen in uu deggan yahay.

Dabcan waxay u danqanayaan qofkaa ka maqan amaba war jacayl dartiis ayay u wacayaan.

Qiyaas telefoonku marka uu soo dhaco haddii ay maqlaan dableyda hoteelka dhex meereysanaya ayaga oo qoryo garwaaxiidsan, farqaha ku sita banbaanooyin lagana yaabo in ay u dheer tahay jaakad ay walxaha qarxaa ku rakiban yihiin.

Xataa haddii telefoonku mayeere yahay, mugdi marka la joogo iftiin ayuu bixinayaa. Qofka damca in uu ka jawaabo sow ma dhici karto in codkiisa uu ku soo hago malaggiisa?

Dhanka kale, qofka telefoonka haysta haddii uu booliisku ka soo wici lahaa si uu ugu gurmado, sow ma dhici karto in uu telefoonku mashquul ku yahay wicitaankaaga wardoonka ah? Intaas oo dhan haddii aanay dhicin sow bateriga ka dhammeyn maayo wicitaankaagu.

Ugu dambeyntii, haddii aad ogaato qof ku dhintay goobta, waxaa habboon in sawirkiisa iyo magaciisa midna aanad markiiba soo gelin saxaafadda. Waxaa ka habboon in horta aad wargeliso ehelkiisa ama aad ka dhowrsato daabacaadda ilaa ay cid kale wargelineyso ehelka marxuumka. Haddii aad meyd sawireyso, uma jraysid warqadda aqoonsiga, markaa uma baahnid in aad sawir ku dhow oo wajigiisa iyo dhaawacyada jirkiisa gaaray ay muuqdaan.

23 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by a blog administrator.

      Delete
    2. madaxda haku mashquulin taada raaco mida kale lifaqan waxa looga hadlaayo waxa waye in aragti la isku dhaafsado qof shaqsiyan w=in wax lagu sheego wa mamnuc taas an kugu tala walal

      Delete
  2. Waa arimo ay aad umuhiim utahay in laga hadlo loogana digo dadka
    mahadsanid sidaad inoola wadaagtay

    ReplyDelete
  3. dhibka jiro an is lee yahay wa labo qayb oo kala ah saxafada iyo qolyaha amniga warfaafinta u qabilsan an ku hormaro saxafada saxafadu waxay ku tartaman news shabakadi ugu horaysay sheegtay noqo tas oo keeni karto been iyo qal qal amni mida kale qolyaha amniga waxay dhahan ayunko aan wali hawlgalka an so gaba gabayn wa so afjarnay hawlgalka si ay iskaga dhegan dad wax qabtay aniga ahaan waxaan is dhehi karaa inta qodob aa ka hadashay inay jiraan dad u dhintay asbaabahas dartood thnkz yusuf garaad lifaqan wa mid ka muuqato aragti an la dhacay

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. Runtii saxafi ma ihi , saxaafadana waxba kama aqaan, lkn waxaan hubaa in qormadaadu tahay cashir ama siminaar aad iyo aad u qima badan . Waliba waxaa kujirta warbixin cidkasta quseeso oo ka turjumeeyso sida loodhaqmayo ama layelayo markii xaaldaan oo kale eey dhacdo. Waxbadan ayaan kabartay oo garaadkeeyga iyo garashadeeydaba waxkataridoono. Ilaaheey ka sokoowna aad iyo aadban kuugu mahadcelinayaa Yuusuf Garaad. Sidoo kale waxan kaa codsan lahaa in aad shircigaas aad taqaan ku biiriso Wasaarada Warfaafinta Qaranka iyo heey adii aad isleedhay weeyd haqan galinkartaa.
    Markale ayaan si qalbi furan kuleeyahay mhadsanid Macalinkii aan cashirka waxtarka lahaay kabartay maanta.

    ReplyDelete
  6. waan arkay shalay kahaldaadkaas . runtii intooda badan umaanan arkin inay leeyihiin khatarta intaas leg . darsi balaaran baad nasiisay garaad aad baad umahadsantahy .

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. Yusuf-garaad wad mahadsantahay, waxan filaya inay tahay markii saddexaad ee aad arinkan ka hadasho, in la qaato oo lagu dhaqmana way tahay, tallada aad soo jeedisayna in la weeleeyo ayay mudantahay, waar hooy saxafadeey intaas uun qaata xiliyada ay qaraxyada iyo arimaha ammaanka ah ee lamid ka ahi dhacayaan , ninkii wax ku dhaama inaad wax ka qaadataayi maaha ceeb, fadlan taladan wa dhaxal gal hala qaato , waan ka baxay

    ReplyDelete
  9. Qormo cilmiyeysan! Mahadsanid Yusuf.

    ReplyDelete
  10. Darsi ku haboon xiligan sax da ah

    ReplyDelete
  11. waxaan oran lahaa wariyayaasha saxaafahada siiyo wararka in ey u baahnaayeen tababaro degdeg ah .iyo Casharo ey ku kala gartaan kuna kala fahmaan waxyaabaha ey soo gudbinhayaan open source.

    ReplyDelete
  12. Wad ku mahadsabtahay wana in wax la bara ciyalkaan dagalada ku dhax dhashay

    ReplyDelete
  13. waad ku mahadsan tahay waxaadna tahay wakiil buuxa oo u adeega shacabka soomaaliyeed soona saara barnaamijyada aadka u baahan yihiin dhanka siyaasada iyo dhanka saxaafadaba waana kaaga mahadcelinayaa aniga Aadan Wiifoow ah

    ReplyDelete
  14. Allah ha ku barakeeyo yuusuf wa xaqiqo anigana åka marag ah qof dhahaye macalin kayga international relations ka arday qofka sedexas so qorey . En lkn waxey ila tahay mid kale in aad ka ilowdey ''' mesha waxa ku duulay cadow cadowkuna dantooda waa colaad huris . Dad baa waxan arkaye comments ku so qoraaye meshas reer hebel ayaa lagu laayey waxana suura gal ah cadowga somaliyed in aay arkaan qpraalkas waxaana suura gal ah in aay ugaarsadaan reerkaas ee dadka qaar carab baabeyn si colaad ugu dhalato hadii ay dhacda midaas qofka comments gas bixiye ma dareemi garo fikirkiisa waxuu dhaliyey lkn iska hadal ama dowlad eedeyn ayee ka tahay marka somali waa hoog sheeg allah ha u naxariisto

    ReplyDelete
  15. Allah ha ku barakeeyo yuusuf wa xaqiqo anigana åka marag ah qof dhahaye macalin kayga international relations ka arday qofka sedexas so qorey . En lkn waxey ila tahay mid kale in aad ka ilowdey ''' mesha waxa ku duulay cadow cadowkuna dantooda waa colaad huris . Dad baa waxan arkaye comments ku so qoraaye meshas reer hebel ayaa lagu laayey waxana suura gal ah cadowga somaliyed in aay arkaan qpraalkas waxaana suura gal ah in aay ugaarsadaan reerkaas ee dadka qaar carab baabeyn si colaad ugu dhalato hadii ay dhacda midaas qofka comments gas bixiye ma dareemi garo fikirkiisa waxuu dhaliyey lkn iska hadal ama dowlad eedeyn ayee ka tahay marka somali waa hoog sheeg allah ha u naxariisto

    ReplyDelete
  16. Waa talo mu'hiim ah oo aad in badan kahadashay haddey Saxaafadda iyo Dadkuba Cashar kabaranayaan.

    ReplyDelete
  17. waa talo iyo aqoon isku jirta mahadsanid

    ReplyDelete
  18. Waa qormo xikmad iyo cilmi la isku laray xambaarsan. Mahadsanid mudane Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  19. ASC, Mudane Yuusuf Garaad, waan ku sallaamay, intaas kaddib, haddii aan arar yer ka dhiibto qoraalka aad nala wadaagtay, waxaan dhihi lahaa waa mid faa'ido weyn u ah suxufiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa ku nool Soomaaliya, oo aan helin tabbabar iyo aqoon kororsi saxaafadda la xiriira.

    Intaas kaddib waa sax marka laga hadlaayo weerarkii Hotel Makka Al-Mukkaram iyo kuwa kale ee ka dhacay dalka, waxay u baahan tahay xirfad iyo wariye xasilloon in uu ka soo warramo dhacdooyinka noocan oo kale.

    Ugu dambeen waxaan kaa codsan lahaa in aad noo soo qorto casharada noocan oo kale ee muhiimka noo ah, annagana allaha naga dhigo kuwa ka faa'ideesta.

    Mahadsanidiin.

    By: Mohamedkafi Ali Mumin

    ReplyDelete
  20. Waxaan Jeclaan lahaa
    Maadama aad tahay Wariye Qibrad iyo Taqasus Dheeraad u leh Warbaahinta Caalamiga iyo Midda Gudahaba inaad Tababar Voluntary ah siiso.
    Inta aad ka gaarto Kuwaan Mansabkii Wariya nimo Godka ku riday.

    Mahadsanid: Yusuf Garaad

    ReplyDelete