Total Pageviews

Sunday 12 April 2015

Geyshkayagow Guuleysta


Waxaan u hambalyeynayaa militeriga Soomaaliya oo u dabbaaldegaya sannadguuradooda oo ku beegan maanta 12 Abriil.

Ciidanka oo hadda mushaarkooda aan joogta u helin, daryeel kalena uu iska kooban yahay, haddana waa naftood hurayaal u taagan daafaca dadka iyo dalka Soomaaliya maalin iyo habeen.

Aniga oo ku faxarsan waxaan sawirkiisa soo bandhigay AUN aabbahay Shiikh Cumar Axmed Amiin oo ka mid ah raggii militeriga soo dhisay. Wuxuu ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan wixii beri la oran jiray ururka 8aad ee Gawaarida Gaashaaman oo loola jeedo dabbaabadaha. Tirsiga uu uga jiro militeriga Soomaaliya waa 98.

Xeryaha militeri ee uu ka tirsanaan jiray waxaa ka mid ah 3 ku yaalla Xamar iyo Xamar-Daye - waa Xalane oo la dhihi jiray Bootiko, meesha hadda dekedda ah oo ay ku taallay xero la yiraahdo RAG iyo xero ku taallay Gubadley oo dabridna ay ku sameyn jireen. Waxaa kale oo uu ka shaqeeyay xerada militeriga ee Buulo Burte oo aagga dabridkeeduna uu ahaa buurta Gaala-ka-roor iyo xerada Lama-Galaaay ee Beled Weyne.

Waxaan u hambalyeynayaa isaga iyo ragga kale ee u kacay difaaca dalkeenna berigii xornimada, gaarayna heer dal waliba oo cududdaas oo kale lihi uu ku faani lahaa. Waxaa kale oo aan u hambalyeynayaa ragga maanta u taagan in ciidankeennu uu gaaro in uu si buuxda u hanto daafaca dalka cir, bad iyo berriba. Waxaan leeyahay hambalyo. Ilaaheey ha idinka siiyo abaal.

12 comments:

  1. Fadlan faalladaada halkan ku reeb.

    ReplyDelete
  2. XUS & XASUUS WANAAGSAN.
    AUN AABAHAA & DHAMAAN INTII KA DHIMATAY CXD SOOMALIYEED.
    WAAN KA XUMAHAY MANTA MA HEESANO CIIDAN RASMI AH & DARYEEL CIIDAN TOONA.

    ReplyDelete
  3. Sanad Guuro wacan CXDS Guul Guul
    Guuleysta

    ReplyDelete
  4. Dhamaan intii u dhimatay danta dalka iyo dadka somaliya allaha u naxariisto.
    Ciidanka hada u taagan inay u dhintaan ama ay guul keenaan ayaga allaah garab iyo gaashaan ha unoqdo.

    Hor iyo hada oo la joogaba waxaan dareemayaa hogaan daacada in uu maqnaaa/maqanyahay, ee ciidanku waligii wadani ayuu ahaa, awaamiir qaldan oo aanay diidi karin ayaase la dul dhigi jiray. Intii diidayna waa la daldalay.

    Waxa inaga maqani maahan; aqoonyahay, wadaad, oday dhaqameed ee waa "hogaamiye" (hogaamiye iyo madaxweyne waa kala labo)

    ReplyDelete
  5. Waaa xusuus dahab ah aabao ilahey ha unaxariisto yusuf garaad iyo militerigi hore
    ciidankeena ilahey haku guuleeyo shaqada ay inoo hayaan waana uhanbalyeenayaa ciidanka sanad guuradooda maalinta 12 abril
    adigana mahadsanid sida aad inoola wadaagtay hambalyada

    ReplyDelete
  6. Guulaysta guulaystayaaloow waxaan idiin kugu hambalyaynayaa hawlkarnimadiina iyo daacadnimadiina inkastoo aadnaan sibuuxda xaqiina u helin waad heli doontaan ilaahay ha idinla garabgalo

    ReplyDelete
  7. Aabo Allaah ha u naxariisto. Garaad naaneys miyaa?

    ReplyDelete
  8. Sanad Guuro Wacan ayaan leeyahay Ciidanka Xooga Dalka Somalia

    ReplyDelete
  9. Sidaan u dhan-nahay,
    Sare aan ku nacnoo
    Salaan sare u taagno
    Saraakiishii Soomaaliyeed
    .................
    .............................

    ReplyDelete
  10. Taariikhdu way fiican tahay in dib loo milicsado hadana mararka qaar taariikhdu waxay kugu reebtaa xanuun iyo uur ku taalo markaad is barbar dhigto wixii la ahaan jiray iyo waxa maanta la yahay, 12-ka april waxa maanta la leeyahay waa la xusaya ayadoo ay goboladii wadankeena haystaan ciidamada xabashida laga soo bilaabo gobola gedo ilaa baay iyo bakool, dhinaca kalana waxay xoog ku haystaan gobolada hiiraan, galgaduud iyo shabeelaha dhexe, intaas waxa sii dheer waxay ka dhiseen maamulo ayaga hoos yimaada magaalooyinkeena sida kismaayo iyo baydhabo, waxay ku hawlan yihiin iney dhuusamareebna maamul u sameeyaan,waxa kaloo la rajaynayaa iney ayagana maamul u dhisi doonaan magaalada beledweyne iyo waxay ku daraanba, waxaasoo maamul ah waxa waardiye ka ah ciidamada xabashida waxana dhinaca siyaasada ethiopia u soo wakiilatay ninka aadka looga yaqaan geyigeena waa General Gabre, Generalku waa ninkii hoggaaminaayey xilligii ay ciidamada xabashidu wadankeena dhinaciisa koonfureed mar wada qabsadeen xilligii cabdullaahi yuusuf, Gabre hada wuxuu qabaa dhar shicib ah wuxuuna aad u soo bartay xilligaas sida soomaalida qabiiladooda laysugu diro dabadeedna loogu taliyo, wana ninka ugu awooda badan soomaaliya min ciidan iyo siyaasadba, wuxuu gooyo lagama dabo hadlo haday ahaan lahayd madaxda soomaalida ilaa heer federal iyo heer gobolba asagaana warbixinta loo gudbiyaa marwalba, wuxuu degan yahay magaalada muqdisho wuxuuse isaga gooshaan dhamaan magaalooyinkeena sida kismaayo,baydhabo,dhuusamareeb,beledweyn iyo garoowaba asagoo awaamiirta shaqo soo siiya wixii soo kordhana kasoo dhagaysata maamulayasha asaga hoos yimaada ee uu ku magacaabay magaalooyinkaas.
    Uma malaynayo inaan wax dheeri ah ku daray inaan wax badan ka tegay mooyaane waayo aad uguma sii dhuun daloolo hagardaamooyinka naga dhanka ah, maanta 12-ka april ee la leeyahay waa la xasuusanayaa waa uun murugo iyo calool xumo hakugu kordhiso, weliba dadka waaweyn oo weli nool wadaninimaduna wax uga harsan tahay waxan ka baqayaa iney caro iyo ciil naftu uga baxdo.

    ReplyDelete
  11. Allaha u naxariisto intii soo halgantay uu ka mid yhy aabahaa laakin sida FEISAL MOHAMUD sheegayo raggii hore waddaniyiin ayeey ahaayeen laakin maanta haddii xitaa Milateriga daacad yihiin iyagoo ku shaqeynaya waxaan mushaharka lagu tilmaami karin waxaan ka dhimaney dhinaca hoggaaminta! Allaha noo soo celiyo cududii ay XOOGGA DALKA lahan jireen!

    ReplyDelete
  12. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete