Total Pageviews

Friday 24 April 2015

Ka Feker


Celcelis ahaan sannad kasta mar ayaan beddelnaa Golaha Xukuumadda. Madaxweynaha iyo Baarlamaanka soo doortayna nalama dhaafaan afar sano, haddayba gaaraan. Haddana xaaladda wax weyni iskama beddelaan.

Waan qabaa Madaxda wax qabad lagu qanco la imaan weyda amaba dib noo dhigta, in loo tilmaamo in ay hadda ayaga oo keligood ah ay ka baxaan iriddii markii hore ayaga oo la gelbinayo laga soo geliyay. Fursad qofka u hela in uu dalka u adeego, haddii uu ka faa’iideyn waayo waa in awoodda laga fogeeyaa.

Laakiin madaxda in badan waan beddelnay, waanan sii wadi doonnaa in aan beddelno. Waxaanse is weydiinayaa annagu, shacab ahaan, ma u baahan nahay in aan wax iska beddelno?

Maxaan beddelnaa? Ayaad markiiba is weydiin kartaa. Inta aadan jawaab iga filan waxaa ka horreysa in aad is weydiiso in baahi aan u qabno isbeddel bulsho. Bulshaduna waa aniga sadarradan qoraya iyo adiga akhrinaya iyo inta nala midka ah.

Su’aalahaas anigu keligeey kama bixin karo jawaab buuxda. Sababta oo ah waa wax qofka ku xiran oo u khaas ah.

Maxay kula tahay? Isbeddel bulsho ma u baahan nahay? Daruuri ma ahan in aad hadda ka jawaabto.

Ka feker marka hore.

U fiirso.

Jawaabta waxaa laga yaabaa in uu fekerku ka muhiimsan yahay.

11 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada.

    ReplyDelete
  2. yuusuf waad mahadsantahay waxaad na waydiisay su aal haboon, waxkastaahi waxay leeyihiin sabab ay ka soo bilowdaan marka la eego madaxda dalka soomartay qodobo badan ayaa saldhig u ahaa in aysan wax u qabanin sidii looga baahnaa
    1- madaxwaynuhu uma madax banaana in uu soo doorto ra iisulwasaare gudankara hawshiisa aqoontiisuna ku filantahy.
    2- ra iisulwasaruna uma madaxbanaana in uu xukuumad aqoon ku salaysan soo dhiso maxaayeelay waxaa halbeeg ah qabiil ama 4.5 .
    taasi waxay keentay in dadka xilka noo haya aywada noqon waayaan dad aqoontooda ummadda soomaaliyeed ku samatabixiya ayada oo dadkii aqoonyahamiinta ahayeen darbiyada taaganyihiin. Ugudanbayn waxaan oranlaha wax halaga badalo xukuumadaha soo socda oo dadka la dooranayo shuruudobadan ha lagu xidho halka hada qabiilka oo kaliya lagafiiriyo.

    ReplyDelete
  3. Asc sln ka dib yusuf waad ku mahadsantahay.darenka aad nala wadagto mar walbo aniga ahan.waxan qaba ummad walbo ma.gaarto.horumarkeda ama.yoolkeda ilaa ey u diyargarowdo isbadal.bulsho oo ku saabsan himoloyin fog fog lkn somali ahan.wali uma.diyarsanin in aaan isbadal sameyno qiyasteyda gaarka ah mahadsanid

    ReplyDelete
  4. mahadsantahy qoraa yusauf garad. ka dib horta waxaa is bedel u baahan mujtamaca somaliyed oo idil oo ay ugu horeyaan aqoonyahanodwd iyo wax garadkooda sababto ah qofka aqonyahanka raja laga lahaa marki jago uu qabto kama so baxo or wuu ku takro fala iyo dano qaas or qabiil !! sido kale waxgaradkena waana aragnay ... aduunyada markaa eegto dalalka hormarey mujtamac waa la hogaamiyaa marba maskaxdi jirto markaas ayey raacaan ee mujtamac waxba ma hogamiyo ayagana ugu fudud in la bedelo...tusaale 2007 ki somalidu islaamiyiin la tagersana dowlad waa la necbaa oo qofki2010 xasusta qofki wax yar dowlad so qora waa la gaaleysin jiray maanta waa lagu farxaa dowladnima ee marka aniga waxey ila tahay in ay is bedel sameyaan aqoonyahanda iyo waxgaradka oo ay naftooda ku sameyaan ka dib si loo helo hogaan fiican..... waa ra'yigeyga daciidka ah intaa thanks

    ReplyDelete
  5. mahadsantahy qoraa yusauf garad. ka dib horta waxaa is bedel u baahan mujtamaca somaliyed oo idil oo ay ugu horeyaan aqoonyahanodwd iyo wax garadkooda sababto ah qofka aqonyahanka raja laga lahaa marki jago uu qabto kama so baxo or wuu ku takro fala iyo dano qaas or qabiil !! sido kale waxgaradkena waana aragnay ... aduunyada markaa eegto dalalka hormarey mujtamac waa la hogaamiyaa marba maskaxdi jirto markaas ayey raacaan ee mujtamac waxba ma hogamiyo ayagana ugu fudud in la bedelo...tusaale 2007 ki somalidu islaamiyiin la tagersana dowlad waa la necbaa oo qofki2010 xasusta qofki wax yar dowlad so qora waa la gaaleysin jiray maanta waa lagu farxaa dowladnima ee marka aniga waxey ila tahay in ay is bedel sameyaan aqoonyahanda iyo waxgaradka oo ay naftooda ku sameyaan ka dib si loo helo hogaan fiican..... waa ra'yigeyga daciidka ah intaa thanks

    ReplyDelete
  6. Yusuf waxaan shaki ku jirin in isbadal bulsho loo baahan yahay. Waayo hogaanka wadanku waxaa uu kasoo dhexbaxayaa waa bulshada oo ma ahan qof samada uga yimid..

    Saas oo ay tahay ayaa umad amase bulsho inay dariiqa ay kusocoto mid sax ah iyo khaldamba ay u baahan tahay hogaan.
    Hogaankuna waa midka bulshadiisa hadii uu caafimaad qabo u horseedi kara inuu si dhaqso ah u dabiibo wadada saxda ah ku hago.

    Yusuf bulsho waxaa la hara amase hormariya halyeyada u kaca ee kasoo dhexbaxa bulshadaas.
    Hadii xataa bulshadu qaybo badan hagaagsan tahay hogaanka liitaa waakan ku rida god ay sida uga soo kacdaa uu adag yahay.

    Somaliya wax badan ayaa saxid u baahan umana jeedno hogaan dhaba oo isbadaldoona..
    Halka geedigu usodna ma aha xataa meel horay sahan loogu diray ee waa ku nasiibso.

    Gunaanadkaygu waxaa weeye bulshada waa caruur hogaankuna waa waalid.
    Caruur iyo waalidna, waalid ayaa wax saxa.

    ReplyDelete
  7. Haa, Bulshadu waa u baahantahay isbadal weyn oo iyaga ka bilowda si ay madaxda ay doortaan rabitaankooda ugu shaqeeyaan. Hadaan taas la helin waxaan kujiraynaa in aan marti u noqono madax danta Qaranka Dalka iyo Dadka kahormariya danahooda gaarka ah si taas looga hortagaana waa in uu shacabku laftigiisu isbadal isku sameeyaa

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete