Total Pageviews

Monday 11 May 2015

War Dowlo Warqadow ku Yaal


Dowladda iyo Shabaab midna xaq uma laha in ay saxaafadda u sheegto magacyada ay tahay in ay adeegsato.

Weliba Dowladda mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran bedqabka weriyaha. Ma ahan in ay si ka fiirsi la’aan ah ay u abuurto xaalad khatar gelin karta nafta weriyaha.

Dowladda iyo Saxaafadda xeer ayaa u yaalla. Saxaafaddii Xeerkaas ku xad gudubta ama jebisa qawaaniinta kale ee dalka, hey'adaha Garsoorka ayaa leh wax ka qabashadeeda.

Wixii aan Xeerka Saxaafadda waafaqsaneyn ma ahan marin Dowladeed.

Saxaafaddu waa xor, waxay leedahay Tifatirayaal u madaxbannaan awoodda  uu sharcigu siinayo.

Taladan waxaan ka jeediyay seminaar Muqdisho lagu qabtay bishii Abriil oo  weriyiyaal, bulshada rayidka iyo wakiillo hey'adah Dowladda ee ku shaqada lihi ay fadhiyeen.

Waxaan qabaa in Tifatirayasha loo daayo shaqadooda laguna xurmeeyo.






15 comments:

  1. waxaan u malaynaya hadalkii dawlada ee maalinkii dhoweyd wuxu ahaa BAL KU DAY HADDAY DIIDAANNA KADDAA Tuuryare ma isaga ka masuula ammanka wiilasha yaryarka ah ee kaamirada iyo Microfanka meel kasta la taagan?

    ReplyDelete
  2. Wey ficnan.laheyd walal in aan lenahay dowlad fahamsan ujedada looga fadhiyo in ey qabato aniga waxan u arkaa dowladena in eysan ba war iska heyn oo ey tahay jaantaaa rogan thnks

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. aqoon u ma lihi warbaahinta . laakiiin hadiii ay koox ay la baxdo magac aan ka turjumayn fal ka xun ay gaysanyso soo ma habooon in dawladu ay soo saarto sharci lagu joojinayo magaca ay isticmaasho maadam dawladu ka taliso wadanka

    ReplyDelete
  5. doowladu amar weey bixin kartaa lkn maxaa ka imaan kara ? gurigiisa ayaa lagu hor dilay bes marka waxaa ila haboon in amarkaas lasiiyo wariyaasha radio muqdisho

    ReplyDelete
  6. yuusuf garaadow caalamka saxaafad xor ah meel ay ka jirto maleh marka laga reebo somalia iyo wadamada sida somalia u fashilan siyaasad ahaan iyo amaan ahaan. saxaafada somalia waa in ay ku shaqayso nidaam soo celinkaro amaanka dalka waana in ay ka baaqsato wax walba oo sii dhiiragalinkaro in amni darrido sii jirto. tusaale magaalada adis ababa waxay ku jirtaa caasimadaha aduunka ugu nabdoon hadana saxaafad xor ah kama jirto hadey ka jirtana taasi umey suurta gasheen sidoo kale magaalada riyaad amnigeedu aadbuu u sareeyaa hadana saxaafad xor ah kamay jirto. sidaa daraadeed sxb inta aan u heesayno sheekada ah saxaafadbaa xor ah nabadu waxay naga saarnaanaysaa geed dheer.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Xasan, waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormadaan, kana dhiibatay ra'yi. Horta Addis Ababa iyo Riyaad ma ahan labada caasimadood ee ugu wanaagsan tusaale in loo soo qaato marka laga hadlayo xorriyadda saxaafadda. Waana kula qabaa in xorriyadda saxaafaddu ay xad yeelato si aan qofna loogu xad gudbin amnigana loo dhowro. Laakiin xadkaas waa in uu ku yimaadaa dariiq sharci ah oo ah in xeerka saxaafadda oo Baarlamaanku ansixiyay uu ahaado kan awoodda saxaafadda jaangoynaya, dhowrayan.

      Delete
  7. hadalkeyguna ma aha in aan difaacayo awaamiirta kala gadisan ee saxaafada ay siiyeen dowlada iyo shabaab lakin kiliya waxaan kasoo horjeedaa saxaafad baa xor

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. Saaxafada Soomaaliya ee ka danbeysay intii dowladii hore dhacday waxay qaybta ugu weyn ka qaateen burburkii dalka ka dhacay waana lagala xisaabtami doonaa.

    Waxaan aaminsanahay inay yihiin wariyeyaal ku mashquulsan dhibaatada dalka iyo dadka oo warka wanaagsan sheegidiisa ka doorbida kan xun. Ma arkeysid weriye sheegaaya iskuul la furay ama wax wanaagsan oo ummadda loo qabtey.

    Marka saaxafada Soomaaliya iyo ganacsatadaba waa meesha uu dalku ka liicayo oo ka toosi la'yahay. Dowladu wixii ay dan bido ayey ku dhaqmaysaa waana ku taageerayaa. Saxaafad xor ah caalamka meelna kama jirto dal walba wuxuu aaminsan yahay oo dantiisu ku jirto bay saaxfadiisu faafisaa, waa ra'yiga dadweynaha waxa aan la caburin waddamada galbeedka. Wariyeyaasha qaarbaan af-soomaaliga xitaa sixi karin wax kale iska daayoo. Dalka docodocaynta saaxafadu haka deyso!

    ReplyDelete
  10. Ma Jiro War Udhigma Nolosha Wariyaha

    Xigasho Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  11. Waad mahadsan tahay Yusuf Garaad
    Walaahi qormadaada aad ayeey calooosha ii hurisay walaal waxaan marwalba niyada kuhaayaa sidaan wadanka mar uun aan dhibka heysta uga saari lahaa ilaahey waxan kabaryaa inuu sabab iiga dhigo aniga

    ReplyDelete
  12. Waxa Dhalinyaradaas nala Damac sanaayeen iyo meshan jooogno aad ayeey ukala fogtahay Yusuf marna haka daalin inaad isku daydo inad isbadal kasameyso wadankada waqtigaada inta kadhiman kubixi wadankada oo wadan islaamed dib haugu laban oo dadka dhiira gali iney wadankoda wax kabadalan wadankan kaliya waxa uuubahan yahay ciidan dhisan iyo nin daacad ah oo shacab mideysan laxisaabtamaan
    Mahadsanid Mudane Yusuf

    ReplyDelete
  13. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  14. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete