Total Pageviews

Friday 12 June 2015

Iswareyso oo Run isu Sheeg


Waa Jimcadii u dambeysay Ramadan ka hor. Aan is xusuusinno in qof waliba uu keligiis si deggan isu xisaabiyo. Adiga oo aan qofna ku xumeyneyn, qofna iska dhicineyn, qofna is maqashiineyn, qofna ugu roonaaneyn. Keligaa isu warran.  

Waxaa habboon in aan ka dhowrsanno aadanaha. In aan isu axsaan falno, gaar ahaan, aan u axsaan falno Soomaalida faraha badan ee saboolka ah, agoonta, waayeelka taakulada u baahan, qaxootiga iyo guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed.

Qofka cibaadeysta iyo midka aan cibaadeysan, Ilaaheey ayay kala dhexeysaa.

Midda na wada khuseysaa waa sida uu qofku ula dhaqmo inteenna kale. Kan hantida dadweynaha qori ama qalin ku dhacaya, midka awoodda dowladda si gurracan u adeegsanaya, kan shaqada loo diray dayacaya, midka aan ammaanada xafidin, midka u bareera in uu qof dilo, kan dilka amraya, midka fududeynaya iyo qof kasta oo mid kale waxyeelaya.

Waa xilli ay habboon tahay in uu qofku isagu is qabto oo joojiyo xumafalka. Haddii uu samafal ku beddeli karana kaba sii wanaagsan.

Is wareyso oo si dhab ah isugu warran. Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

10 comments:

  1. Mashaa allah waa isbararajin xag allah mahadsanid walal

    ReplyDelete
  2. Ilaah hakaa abaal mariyo. Waa wacdi waagan iyo waano, dhiiri galinna eey dheertahay.

    ReplyDelete
  3. Ilaahow Nacafi

    Jazaakalaah YG

    ReplyDelete
  4. Ilaahow Nacafi

    Jazaakalaah YG

    ReplyDelete
  5. masha allah waa arin aad u wanaagsan .........hadal qiimo badan baad soo qortay, ilaahay hakaa abaal mariyo intii wax ku qaadanaysa waad hoga tusaalaysay

    ReplyDelete
  6. Waan ogaa inaad qoraa tahay , laakiin inaad Sheekh wax wacdiya tahay ma ogayn , markaa waa arrimo wanaagsan waxyaabaha aad ka hadashay..

    ReplyDelete
  7. Waan ogaa inaad qoraa tahay , laakiin inaad Sheekh wax wacdiya tahay ma ogayn , markaa waa arrimo wanaagsan waxyaabaha aad ka hadashay..

    ReplyDelete
  8. Maasha Allah hadal qiime leh oo wakhti sax ku soo beegmay. Ilaahay ha inagu anfaco aad baan ugu baahan nahay haddaan somali nahay inaan wada noolaansheheena hagaajino.

    ReplyDelete
  9. Maasha Allah hadal qiime leh oo wakhti sax ku soo beegmay. Ilaahay ha inagu anfaco aad baan ugu baahan nahay haddaan somali nahay inaan wada noolaansheheena hagaajino.

    ReplyDelete
  10. Waa Qoraal ad uu qiimo badan wll
    Waa xilli ay habboon tahay in uu qofku isagu is qabto oo joojiyo xumafalka. Haddii uu samafal ku beddeli karana kaba sii wanaagsan.

    Is wareyso oo si dhab ah isugu warran. Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

    ReplyDelete