Total Pageviews

Wednesday 3 June 2015

Madaxbannaani Maaliyadeed



World Economic Fourm Africa (sawir hore)

MasterCard ayaa maanta ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Premier Bank oo ah Banki Soomaaliyeed, oo bixinaya MasterCard, oo  lacag lagula bixi karo waxna looga iibsan karo dalka gudihiisa, dibaddiisa iyo weliba Online.

Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank la qaateen wadahadal muddo socday.

Madaxa Afrika ee MasterCard, Daniel Monehin, ayaa sheegay in Premier Bank uu yahay Banki si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu horistaago u raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. 5000 oo MasterCard ayaa lagu wadaa in uu sannadkan bixiyo Premier Bank.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan Caynte, oo ka qeyb gelaya shirka ayaa ku tilmaamay in maanta ay maalin taariikhi ah. Astaanna waxay u tahay, ayuu yiri,  madaxbannaanida maaliyadeed ee Soomaaliya oo in badan ka caagganayd in ay ka qeyb qaadatao dhaqaalaha adduunka. Hadalkaas waxaa Wasiirka ka soo xigtay Business Wire.

Soomaaliya, maaddaama in badan laga hor taagnaa dhaqaalaha adduunka, si horumar dhaqaale oo hanaqaada loo dhiirri geliyo, waxaa loo baahan yahay in la hirgeliyo nidaamka electronic ahaan wax lagu kala iibsado si loola saanqaado hannaanka caalamiga ah ee hubinta iyo xeerarka maaliyadda, ayuu yiri Daniel Monehin.

Agaasimaha Maamula Premier Bank, Mahat Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in ay hadda macaamishooda u suurta gelin karaan in nidaan huban, qiima macquula ah ay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ay wax uga gataan [ayaga oo aan isticmaalin lacag caddaan ah].

Premier Bank waxaa ruqsadda siiyay xeerarkiisana uu u hoggaansan yahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Ruqsaddiisa tirsigeedu waa 0011. Bankiga oo hadda laba laamood ku leh Muqdisho, wuxuu qorsheynaa in uu laamo kale ka furo Muqdisho iyo magaalooyin waaweyn oo dalka ah.

Idaacadaha iyo wargeysyada ganacsiga iyo maaliyadda ee adduunka kuwa ugu waaweyn ayaa maanta  hadal haya MasterCard in uu gaaray Muqdisho.

19 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ila wadaag. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. waa wax aad loogu farxo in manta MasterCard lagu isticmaalo gudaha wadanka somalia ayadoon ognahay wixii wadanku soo maray iyo heererka ganacsiga somalia soo maray waxaan aad ugu mahad celinaa ganacsatadii howshaan adag dhabarka saartay waxaan filaa in uu wax badan kusoo kurdhin doono dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha yusuf adna waad ku mahadsanahay war bixintaada.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdulkadir, weliba in lagu isticmaalayo gudaha dalka keliya ma ahan. Gudaha dalka ayaa laga bixinayaa.

      Delete
  4. Waa guul waxana rajeynayaa in hanaankan electronic ga ah uu ku baaho wadanka oo dhan

    ReplyDelete
  5. masha allah wa wax lagu farxo allaha nosiyadiyo hormarka iyo rajada dhow e muqata well done Premier Bank.

    ReplyDelete
  6. Waa tallaabo horay loo qaaday oo kurteen na farxad gelineysa. Yuusuf mahadsanid. Qoraalka weero qaar ayaanan fahmin. Ma igu caawineysaa inaad bal ii fasirto? Bilo ayaan dhex geliyay

    -Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo Afrika diiradda saaraya oo ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayuu MasterCard ka sheegay in ay Premier Bank( la qaareen) wadahadal muddo socday.

    -...si xirfadeysan loo maamulo oo buuxiyay dhammaan shuruudaha lagu horistaago u (raadgadidda lacagta iyo kuwa macaamilaqoonta. )
    Meel kale 'nidaan huban' ayaa ku qoran. Ma qalad dharka qoraalka ah baa?
    Sawirka hooostiisa meel baa 'bore' ku qoran. Malahayga 'hore' baad ula jeedday. Waad mahadsantahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Shakir, su'aalo dhowr ah ayaad i weydiisay. U raadgadidda lacagta waxaan ka wadaa money laundering. Macaamilaqoonta waxaan ula jeeda know you customer. Hubal waa la hubo. Kuwo kale khaladdaad weeye qoraal, waana saxay. Aad baad u mahadsan tahay.

      Delete
    2. Yusuf waad mahadsantahay walaal.

      Delete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. Ustaad Yusuf: Waa sheeyy aad u wanaagsan oo mudan in lagu farxo. Laakiin aniga wali lugbaa ii laaban. Waxaan is leeyahay, madax banaani maaliyeed ma imaan karto inta lacagta la adeegsanayaa tahay mid qalaad. Madax banaani maaliyadeed oo dhab ah waxay imaaneysaa marka uu Sh.So. gunnimada ka baxo, ee uu noqdo lacagta looga adeegto gudaha dalka.

    ReplyDelete
  9. laakiiin xoogaa ma moodaa in ka badbadis ku jiro war bixinta

    ReplyDelete
    Replies
    1. Cabdishakuur, Sida maxay? Maxaa kuugu muuqda ka badbadis?

      Delete
    2. Way Fiicantahay Arrintaan Adduunku Hadda Electonic Ayaa Hawsha Fududeeya Waxaanse Yuusuf Garaadoow Ka Jeclaan Lahaa In Shilling Soomaali Debiyada Xamar LagaLa Baxo Halka Beddelkeeda Doolar Lagala Baxayo Waase Hadii Bangiga Dhexe & Lacag Cusub Oo La Daabaco Isla Saan Qaadaan Mahadsanid

      Delete
  10. yuusuf waxaad sheegtay in bankiga dhexe damaanad siiyey premiera bank hase ahaate bankiga dhexe ee soomaaliya wakhtiga hadda lagu jiro dhaqaalo mahaysto uu ku damaanad qaadi karo wixii dhib ah ee bankiga ka yimaada marka sidee ayey suurto gal u noqonaysaa wixii dhib timaada inuu xalilo mahadsanid

    ReplyDelete
  11. Waa waqti hore in la soo dhaweeyo waayo wadanku lacag sax ma lah bank dhexe oo shaqeeya malihin sicir ama rate market malihin marka waa hab lagu dhiig miiranayo shacabka somaliyed waana hubaa waa prepaid lagu dalacayo shilinba shilin ama high interest at least 70% marka laguna curyaaminayo habka xawaaladaha ama money wires system wadanku wax badan oo ka horeeya buu u baahan yahay

    ReplyDelete
  12. Waa horumar wanagsan aadbaana usoo dhawaynayaa madaxdii ka shaqaysay arintaani waxay abuuraysaa tartan xaga bankiyada somalida dhexdooda..

    MAHADSANID YG

    ReplyDelete
  13. Haddii darbiyada aynu kala baxno dolar, oo mobilada aynu ku qaadano dolar, bank accounts keena kista noogu jirtaana ay noo ahaato dolar, so. sh.kiina uu ku jiro kiliya faraqa maamada caanaha gado, yuusufow ma u muuqanaa in aynu ku joogno wadadii guusha.?

    ReplyDelete