Total Pageviews

Saturday 20 June 2015

Saaddiq iyo Samatar

Fagaaraha 17
Laban nin oo aan saaxiib nahay ayaa isku dhacay oo Telefishinka hortiisa khilaaf ku dhex maray. Haddii aan adeegsado afka ciyaalka xaafadda, col ayay kala goosteen.

Waa Saaddiq Warfaa iyo Prof. Axmed Samatar. Waxay is qabteen, ka dib markii uu Saaddiq Warfaa oo daaddihinayay Doodda Fagaaraha uu damcay in uu joojiyo Prof. Samatar oo hadalku dhexda u marayo.

Dooddu waxay ka dhacaysay Mareykanka waxayna ku saabsanayd Aayaha Somaliland. Saaaxiibbo aan badneyn ayaa i weydiiyay sida aan u arko iyo labada midka khaladka leh.

Anigu labada midna lama hadal. Cid kale oo goobjoog ahaydna lama hadal. Waxa aan wax ka dhihi karaa waa keliya waxa ay isha Kaameradu ay i tustay. Oo dabcan lagu kabay khibraddeyda qabanqaabada iyo hagidda doodaha iyo weliba aqoonta aan u leeyahay labada nin ee is qabtay.

Sababta aan uga hadlayaa ma aha iyaga in aan barteyda ugu garnaq is leeyahay. Waa in aan hagidda doodaha iyo weliba ka qeyb qaadashadeeda aan wax uga bidhaamiyo weriyayaasha Soomaaliyeed kuwooda aan ku doobba dillaacsan iyo dadweynaha guud.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa dhacdadan oo dad badani ay saxaafadda bulshada ku hadal hayaan. Waxaan soo qaadi doonaa waxa aan arkay, sax iyo khalad waxa meesha ka dhacay sida aan u arko iyo waxa aan is leeyahay waa loo baahnaa in ay dhacaan.

Marka hore aan tilmaamo Saaddiq iyo Samatar iyo Fagaaraha inta aan ka aqaan.

Saaddiq Warfaa oo aan isku barannay Muqdisho, waa nin maskax furan oo dadaal weyn haya. Wuxuu isu xil saaray in uu qaban qaabiyo doodo laga sii daayo TV iyo Youtube. Doodayaasha waxaa mar kasta wehliya dadweyne goobjoog ah oo doodda uga qeyb qaata sacab, su’aalo iyo falcelis. Doodihiisuna waa kuwo macna sameynaya oo in badan oo naga mid ah u ifiya hadba mowduuca la gorfeynayo.

Aniga wuxuu hadda ka hor igu casuumay oo aan kala qeyb galay Fagaaraha 8aad oo Muqdisho lagu qabtay.

Howsha uu wado oo aan culeyskeeda qiyaasi karo darteed, waan ku dhiirri geliyay dadaalkiisa, waxaanna u sheegay in wixii uu gacan iiga baahdo xag aqoon iyo farsamo aan diyaar ula ahay.

Prof. Samatar, waa aqoon yahan bad ah. Codkar hadalyaqaana ah. Shaqo ka billaabay weriyennimo. Macallin iyo cilmi baare ah oo dooddiisu ay xubneysan tahay.

Barnaamijyo aad u tiro badan iyo wareysiyo ayaan wadayeelannay oo xataa mar isagu igu wareystay Bildhaan oo uu isagu Tifatire ka yahay.

Labadu waa niman is yaqaan, waxaana kuu muujinaya sida Samatar uu furitaanka hadalkiisa u ammaanay Saaddiq, oo uu ku tilmaamay ma-daale, arkaya sawirka weyn.

Sida ay wax u dheceen


Samatar oo shaashadda keligii taagan oo hadalkiisa bartamaha uga jira, hadalkana wuu ku raaxeystaaye ogow, ayaa Saaddiq soo garab istaagay, oo inta uu waraaq ka soo goostay buug meesha yiil, billaabay in uu qalin ku qoro xarfo afar igala badnaa igala badnaa. Markaas ayaan anigu wel wel billaabay.

Markii uu waraaqda hor dhigay, ayuu Samatar muujiyay in uu la yaabay, kana xanaaqay. Waxa waraaqda ku qoran isha Kameradu ma arag, waxaanse Samatar ka fahmay in ay ku qornayd STOP.

Samatar wuu aamusay oo aayar fariistay kursigiisa. In yar ka dibna wax buu soo gocday. Inta uu istaagay ayuu mikrofoon la’aan dadka ku wargeliyay in aanuu hadalkiisa dhammaysan. Laba nin ayaa halhaleel u soo istaagay. Saaddiq ayay si akhyaarnimo ah ugu khasbeen in uu u daayo in Professorku uu dhammeysto hadalkiisa.

Saaddiq wuu yeelay. Odayaashiina waxay Samatar ku soo celiyeen mikrofoonka.

Marka hore waraaqihiisa oo qaar dhulka ku dheceen ayuu soo urursaday, isu celceliyay oo si uu u simo salka miiska ugu dhuftay, asaga oo aad arkeyso in uu xaaladda qiyaasayo. Meeshii uu marayay ayuu goob goobay. Muuqaalka dhacayna ma ahayn mid qurxoon oo dabcan wuu saameeyay shucuurtiisa, sida aan qiyaasayana wuxuu kordhiyay garaaca wadnihiisa, oo isaguna kor u qaaday xawaaraha dhiiggiisu ku wareegayo xididdada.

Wuxuu hadalka ku billaabay, isaga oo Saaddiq ka hadlaya, “Dood culus ayuu noo abuurayaa, markaasaanuu garaneyn sida doodda loo maamulo”. “Ma ahan wax la aqbali karo” ayuu daba dhigay.

Axmed waxaa u soo baxday in sidii uu doonayay laga jiiray oo aanuu hadalka u sii wadi karin siiqadii iyo xalladdii looga bartay uguna ugu soo talo galay. Markaas ayuu cudur daartay oo wuxuu ku laabtay kursigiisii oo iska fariistay.

Dhowr jeer oo ay dadku su’aalo weydiiyeen, wuxuu ku gaabsaday in haddii uu dhammaysan lahaa dooddiisa, ay su’aalaha qaarkood jawaabtoodu ay halkaas ku jiri lahayd.

Mar dhexena wuu istaagay oo qolka ka baxay, isaga oo Saaddiq cod hoose ku yiri, wax aan u fahmay, “labadeenna wey noo kala dhammaatay”.

Maxay habboonaa in ay dhacaan?


Midig: YG, Xoosh, Faarax, Buubbaa, Saaddiq & Madeer.
Saaddiq waxay ahayd in uu marka hore ku soo adkeeyo ka qeyb galayaasha doodda in uu wakhtigu yahay lagama gudbaan, qof hal daqiiqad ku darsan karaana aanuu jirin. Welibana uu ku celceliyo oo u laqimo afarta doodaa inta aan goobta la soo fariisin. Marka ay fariistaan uu mid mid u xusuusiyo. Waa laga yaabaa in uu sidaa yeelay.


Waraaqda uu qorayo waxay ahayd in ay ahaadaan laba xaashiyood oo bixinaya digniino laba wakhti oo sii kala yar. Tusaale ahaan mid u sheegeysa in 5 daqiiqo ay u hartay, aakhirkana ay midda kale u sheegto in 1 daqiiqo ay u hartay. Jeebkana waa in ay ugu jirtaa daqiiqad amaba laba, haddii ay Baraka ma leh gaarto, uu ugu dari karo. Waxayna ahayd in waraaqahaas uu soo diyaarsado ka hor inta aan dooddu billaaban. Haddii uu illoobay, waxay qurxoonaan lahayd in uu ku qoro meel aan u muuqan qofka hadlaya.

Marnaba meesha ma aanay qaban aqoonyahan weyn oo arrin xasaasi ah ka hadlaya in mar qura STOP la soo hordhigo.

Midda saddexaad, marka uu Samatar carooday laakiin hadalka joojiyay oo  fariistay, Saaddiq wuxuu bixiyay raalli gelin guud. Wuxuu sheegay in uu xushmad u hayo Professorka iyo inta meesha fadhida, Meeshaas in uu arrinka ugu haro ayay ahayd. Ma habbooneyn in Samatar oo u marti ah, oo hadalku ku bargo’ay, oo careysan, uu ka daba-geeyo oo uu cashar ku siiyo mikrofoonka. “Caddaaladda waa loo baahan yahay in xataa Professerrada iyo qof kasta oo halkan taagani in ay fahmaan”.

Muranka, is jiijiidka iyo isu jawaabidda waxaa ku luntay in ka badan laba daqiiqo. Marka warbaahin laga hadlayana laba daqiiqo oo luntay ma ahan laba daqiiqo oo keliya ee waa wakhti aad uga badan.

Waxaa igala habboonayd in jawaabtu ay ahaato raalli gelin iyo u madax weyneyn Professorka oo oraneysa. Tusaale: aniguba waan jeclaa in aan sii dhegeysto Doodda Samatar, laakiin sidii aan billowgii barnaamijka idiin sheegay wakhti is le’eg ayaan u qoondeyay afarta doodaa. Waxaan rajeynayaa in gunaanadka iyo jawaabaha su’aaluhu ay u noqon doonaan fursad kale.

Samatar waxaan ku aqaan in uu weliba aad ugu wanaagsanaa dhowridda wakhtiga loo qabto. Ma ogi waxa ku dhacay. Wuxuu runtii muujiyay dulqaad xumo. Laakiin in uu wakhtigiisa dhowri waayay waxaa iiga muhiimsanayd sida aan qurxooneyn ee uu u dhaqmay oo martidii ka soo qeyb gashay iyo inta aan anigu ka mid ahay ee daawatay ay ugu hungoobeen. Welibana ay ku sigatay in dooddu ay burburto. Xataa haddii uu Saaddiq ka ba’naa, waxay ahayd in uu dadweynaha xushmeeyo, aragtideyda. Kelmadda uu goobta ka yirina ma habbooneyn lamana joogin golaheega.

Maxaa wanaagsanaa ee meesha ka dhacay?


Waa mar e, iyada oo doodaa miisaan leh uu meesha ka kacay, in haddana aan barnaamijku burburin ee uu halkiisii ka sii socday waxay ahayd wax aad u sarreeya. 

Taas waxaan ammaanteeda siinayaa waa marka koowaade, Maxamed Ismaaciil oo ay isku jaal ahaayeen Samatar oo Somaliland gooni isu taaggeeda ay qiil u sameynayeen. Wuxuu awooday in uu ka istaago isaguna. Laakiin muu sameyn ee wuxuu u bareeray in uu keligii u babac dhigo Prof. Xuseen Warsame oo ah aqoon yahan, xog ogaal ah, wax bandanna af iyo qoraalba ka yiri Soomaaliya, iyo Geeldoon, oo aad mooddo in dood lagu anqariyay, uuna ku takhasusay, ma ahan keliya, sida dadka wax loogu sheego ee ku darsaday sida dadka xamaasad loogu kiciyo.

Waxaa kale oo aan ammanteeda siinayaa ka qeyb galayaasha, waa inta ii muuqataye, oo aan buuq abuurin ee si deggan barnaamijka uga qeyb qaatay.

Dadaalka ugu weyn ee suurta geliyay in Barnaamijku uu gebagebadiisa gaaro iyada oo aan waxa dhacay loo istaagin waxaa iska leh, Saaddiq Warfaa, oo aan filayo in isagana uu dhiiggu ku kacay, maaddaama dood oo marka horeba abaabulkeeda iyo hagiddeedu ay dhib badan yihiin haddana khilaaf aad loogu jeedo uu meesha ka dhacay.

Waxaan jecleystay markii la gaaray gunaanad, oo ay Samatar soo gaartay, in Saaddiq uu ku marti qaaday, laakiin Professorku uu diiday. Ka dib markii su’aal la weydiiyeyna, Saaddiq hore ugama socone, haddana Samatar ayuu si xushmad leh ugu marti qaaday in uu ka jawaabo. Sidii oo kale ayaa dhacday.

Saaddiq, dib ayuu u dhigtay caradiisa, Barnaamijkana sida ugu wanaagsan ee gunaanadkiisa lagu gaarsiin karay, ayuu ku gaarsiiyay. Taasi waxay khilaafkii dhacay ay u rogtay, mid hadal heyntiisu ay kor u qaaddo daawashada Barnaamijka iyo ka faalleyntiisa oo ay qormadani ka mid tahay.

45 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad wada akhrisay qormadan dheer. Fadlan aragtidaada ku reeb isla boggan.

    ReplyDelete
  2. Dadka qaar ayaa leh ninka Barnaamijka xidhiidhinaayey u u badheedhay profesorka sababtuna markuu arkay inuu geed iskaga soo xidhay nimankii kale tiisi raacsanaayo ayuu ku badh jaray looolll,, ileen halkaa wax u socdaan ma rabo wiilka yariye...

    ReplyDelete
  3. Maansha allah, Yuusuf si wacan baad u taxliilisay. Waa saad sheegtaye Saadiqna waxay ahayd inuu qaab ka yara quruxsan siduu yeelay waqtiga ugu baraarujiyo Samater, Samaterna waxuu balaayo ku dhigay isma laha maqaamka uu bulshda ka joogo iyo dabeeca xumadiisa. Waxay ahayd inuu cadhada dib u dhigto oo dadwaynaha xurmeeyo, marka barnaamijka dhamaadana si gooni ah Saaqid u karbaasho.

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. Yusuf qudhada ayaa Professor-ka ku talax tagay. Ma intii uu ka noqday hungowgii Somali weyn ee uu noqday
    Somaliland ayaad ugu cadhoonaysa? Meesha waxa ka dhacay waxa uu ahaa aqoon daro ka dhalatay barmaamish daadiyaha dooda oo dhinac ahaa oo ahaa nin aan aqoon u lahayn dood qaybinta iyo daadihinta doodaha xasaasiga ah. Sida qadiyadda Somaliland. Waxaad mooda in aad quluubta iyo indhaha dadka hoos uga dhacayso marka ay noqoto qadiyadda Somaliland oo aad si cad u tageerto riyadda beenta ah ee Somali wayn. Qalinkaaagu haka waramo xaqiiqadda iyo runta oo ha iska daayo dhalanteedka iyo riyadda malintii.

    ReplyDelete
  6. Yusuf qudhada ayaa Professor-ka ku talax tagay. Ma intii uu ka noqday hungowgii Somali weyn ee uu noqday
    Somaliland ayaad ugu cadhoonaysa? Meesha waxa ka dhacay waxa uu ahaa aqoon daro ka dhalatay barmaamish daadiyaha dooda oo dhinac ahaa oo ahaa nin aan aqoon u lahayn dood qaybinta iyo daadihinta doodaha xasaasiga ah. Sida qadiyadda Somaliland. Waxaad mooda in aad quluubta iyo indhaha dadka hoos uga dhacayso marka ay noqoto qadiyadda Somaliland oo aad si cad u tageerto riyadda beenta ah ee Somali wayn. Qalinkaaagu haka waramo xaqiiqadda iyo runta oo ha iska daayo dhalanteedka iyo riyadda malintii.

    ReplyDelete
  7. Waxay ahayd in qof walba wakhti ku filan la siiyo si dooda nuxurkeedu u sii socdo. Laakiin waan ku tageer sanahy go'aanka uu profosorku qaatay

    ReplyDelete
  8. Yusufow laba marba qalad waa jiray waa mare saadiq waxaay ahayd inuu usii sheego dadka dooda kasoo qayb galay ka hor inta ayasan imaan doodda inay qudbadoodu kusoo ekeeyan 15 daqiiqo si uu ninkasta usoo qorto doodd aan ka badnayn 15 daqiiqo mida kale waxaan oran karaa hadii ina samatar ay ka dhatay wakhtigii dooda loo igmaday sida aaad sheegtay inuu daqiiqado siiyo digniin ah balse way dhacdayo sal fudaayd iyo seef la boodnimo ayaa jirtay mise waxaa loo dhigi karaa doodu saadiq waay u cuntami waydayoo sagaa isu maleeyay inuu qudbada aqrinayo maqaan waxaan halkaas ku tilmaamo balse haday dhacday dulqaad inuu
    MuujiyIyo baay ahayd ina ismail samatar oo uu kasoo qayb galayaasha u sheego inusan dhamayn karin dulucdii ujeedada hadalkiisa oo wakhtigu ku yaraday balse uu diyaar u yahay inuu ka jawaabu su allaha kasoo qaayb galayaasha lkn halkaa waxaa ka muuqanaysa kalsooni la aan jirtay oo weliba nafsiyan ah , hadalkii ugu danbeeyaye ina ismail kaga baxay deeyrka doodda waxaa ugu danbaysay inta dhegtaydu
    Maqlaysay doodaydu waxaay ka jawaabi lahayd su alahaa halkaa waxaa is waydiin leh ina ismail samatar ilayn waa fadhiyayo ilaa dhamaadka doooda waa sugayaye ma su allaha la waydiiyay ayaa ka jawabistoodii ku cuslaatay

    ReplyDelete
  9. Aadbad uga mahad santey yuusuf garaad sida wanaagsan ee ad noola wadagtey waxay ila tahay marka dood caynkana la qabanayo in wakhtiga la kordhiyo waliba loo qabanayo rag misaan leh oo aqoon yahana ah pro ahmed isamil 15 minutes waxay kaga dhamanayan inta uu hadalka fur furanayo waxan ahay shaqyisadka adka u tageera pro axmed hadalkisana ku raxaysta guul iyo gobinimo somaliland✌✌ rabadaan kareem

    ReplyDelete
  10. Saadiq warfaa iyo prof samatar niman is qaban kara ma ah

    ReplyDelete
  11. Prof. Xuseen Warsame waxuu qaatay waqti dheeraad ah. Haddii sida saadiq sheegayo ay cadaaladi jirto inuu dee prof xuseena laftiisa isna ka jaro bay ahayd.

    ReplyDelete
  12. Waa qormo fiican oo qiimaysay waxii goobta ka dhacay , waxa laga faaiidayaa talooyinka ku duugan ,Samatar waan kula qabaa in qaladka ugu badan isagu leeyahay ,inkastoo qabanqaabiyaha Doodu aanu isu dheeli tirin dadka dooda ku casuuman iyo wakhtiga ay u baahan yihiin , waxa saacad ku fiican laba qof , hadii laga badan yahayna anigu waxaan door bidi lahaa in la gaadhsiiyo dooda 2 saacadood , thanks

    ReplyDelete
  13. Yusuf Garaad Wa ku salamey ,,Aniga .Fakerkayga Doodu Waa Ila Khaldaneyd

    Sababata ,,,,Afarta Qof Ee Mesha Dooda Ka Qayab Galey Waxay Ahyen Rer SL

    Markaa Khalad Ayey Ahayad In uu Kaba Qayab Galo pro,,Ahmed Is,, Samtar ,,

    Doodaan .Sadiq Mihimada Uu ka Halaha Waxay Ahayad Mid Ay Aaad Iskugu Mashuuliyaan Dadka Aminasan Somaliweynta Oo Had Iyo Jeer Ku Dooda Somaliland Dad Bajiraa Badan Oo Xoog Lagu Haysto ,, Oo Aan Ku Dhicin Inaa Ay Dhiibtaan Fakekooda waa fakerkayga

    ReplyDelete
  14. Prof samatar waxaan qabaa wuxuu mudo dheer ku noolaa minnesota waa halka doodu ka dhaceysay dadka halkaan ku nool ama dooda ka qeybgalayey waxay ku yaqaaneen nin u ololeeya somaliweyn prof samatar maantase wuxuu wadaa qadiyadaas mid aad uga fog marka waxaan qabaa in ay ku qasabtay prof samatar in uu aad u dareemayey su, aalaha ku imaan doona oo runtii aan qiil badan loo heli karin marka taasi waxaan dhihi karaa waa sababta prof samatar ku xanbaartay in uu u helo uga baxo dooda waana dareenka dadku intiisa badan qabeen anoo ka mid ahaa dadkii ka qeygalay

    ReplyDelete
  15. Aad baan yuusuf u mahadsantahay falanayntaada sida aad u aragtay falkii u prof ku kacay doodii fagaaraha. Runtii sidaan anigu u arkaa waxay tahay in prof u muuqday qof marka uu xanaaqo aan naftiisa xakamayn karin, aan marka uu xanaaqo dadka kale qaderin ogayna ficiladiisa, qof aan haysan plan B oo markii doodii uu soo qorta uu dhamaysan kari waayay garan waayay in uu haysto fursado kale uu doodiisa ku sii wato. Maanta waxay soomaaliyi wada argagtay qofka runta ah ee prof Ahmed Samatar yahay xanaaqaasi waa ka ku kaliifay in uu qadiyadiisa soomaalinimo ka noqdo. Waxaana qof ahaantiisa sheegay wiil kii yaraa ee yidhi waa adeerkay oo marka gartay laga helo intuu xanaaquu cararaa taasi waa wixii u ka sameeyay doodii fagaaraha. Runtii Axmed wuxuu lumiyay maqaamkii kolay aan anigu iyo Soomaali badiniba u hayeen. Saadiq dooda uun buu daadihinayay haduu yidhi wakhtigaagi waa dhamaaday eed kuma laha , Markii horay ahayd in Porf Axmed in uu practise ku sameeyo doodiisa ogaadana inta minute ay ku qaadanayso in uu doodiisa gudbiyo

    ReplyDelete
  16. Mahadsanid Yusuf waa ku raaxasytay akhrintii faaladaada, runtii waanay soo koobtay wixii meesha ka dhacay. Laakiinse dooddu si cadaalad ah looma daadihin oo maxaa yeelay
    Mr.Saadiq uma muuqan nin dhexdhexaad ah, Pro.Samatar-na wuu ku saxsanaa inuu baxo dooda madaama aanu warbixintii uu kasoo qaybgalayaasha aanu u gudbin.

    ReplyDelete
  17. Yuusuf gari laba nin kama wada qosliso, Hadii aad u bareertey inaad qormo ka sameeso wixii fagaaraha ka dhacay. waxay ahayd in aad garta qof siiso.
    Sadiq ayaan ku amaanayaa sida uu ugu adkeystey xadgudubyada samater
    1. wuxuu ku tilmaamay inuu aqoontu ku yartahay
    2. Labadeena way noo kala dhamaatey.

    ReplyDelete
  18. Mahadsanid Yusuf Garaad Cumar , marwalba waxaad noo iftiimisaa arin muhiima oon anigu ka korodhsado cashar cusub oo ah habka wax loo qoro, taasi darteed aniga ahaan waxaad ii tahay Macalin
    Doodana waxaan u arkaa mid iska caadi ah waayo caalamka dhan doodaha ka dhaca kuwooga sidan oo kale u cul-culus qaarkood waa lagu kala kacaa Prof Samatar waa carooday , inuu ka baxo may ahayn wax qaldan e waxaa ka qaloocdey Carabka markuu sadiiq ku yiri “Dood culus ayuu noo abuurayaa, markaasaanuu garaneyn sida doodda loo maamulo”.
    Sadiiqna waxaan ku dhiiri galinayaa inuu halkiisa ka sii amba qaado oo uu horey usocdo, waana wax loo baahanyahay barnaamijkaasi.

    ReplyDelete
  19. Mahadsanid Yusuf Garaad Cumar , marwalba waxaad noo iftiimisaa arin muhiima oon anigu ka korodhsado cashar cusub oo ah habka wax loo qoro, taasi darteed aniga ahaan waxaad ii tahay Macalin
    Doodana waxaan u arkaa mid iska caadi ah waayo caalamka dhan doodaha ka dhaca kuwooga sidan oo kale u cul-culus qaarkood waa lagu kala kacaa Prof Samatar waa carooday , inuu ka baxo may ahayn wax qaldan e waxaa ka qaloocdey Carabka markuu sadiiq ku yiri “Dood culus ayuu noo abuurayaa, markaasaanuu garaneyn sida doodda loo maamulo”.
    Sadiiqna waxaan ku dhiiri galinayaa inuu halkiisa ka sii amba qaado oo uu horey usocdo, waana wax loo baahanyahay barnaamijkaasi.

    ReplyDelete
  20. Waa mahadsantahay Ustaad Yusuf,sidaada oo kale ayaan u daawaday waxa dhacay ,waxaa ii muuqday proof Samatarkii bulshadu taqiin uu yan ahayn, waxaana u arkayay proofka in ay jirtay xaalad uu ku soo talagalaye ee ayan ahayn caro kadis ku timid,Samatar waa maqlayay in cidwalba la siiyay 15 ragii hortii hadlayna dhawreen saacada ama daqiiqdaha loo qabtay,wax ugaar ah oo lagula heshiiyay hadii aanay jirin, mida kale proof samatar nin dooda ku cusub maahayn, oo waa nin aad loo yaqaan,aan ka soo qaado in uu meel ka dhac dareemay ma nin garanwaayaa xurmada bulshada hor fadhiday iyo mida daawanaysay aan aniga iyo adiguba ka mid ahayn, waan u mahadcelinayaa maxamed ismaaciil oo ay isku dhan ahaayeen in gartay in aan Sadiq warfaa la hadlayn ee xaalku intaa ka durugsanyahay,hadaba waxaa muhiimaha in aan fahamno proof Samatar in ay saamay xoogleh ku yeelatay Caradii uu Xamar ka soo qaaday, waxayna ila tahay in uu Somaliland ka dhiganayo hub uu kula dagaalamo Federaalka Xamar,ayaan niyad ka ahayn citiraaf u raadinta Soamaliland.. waa mahadsantihiin

    ReplyDelete
  21. niman is qaba kara maaha la isma bar bari dhigi karo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sheekada maaha sida aad u dhigtey yusuf ee caydiid gar leh calina gar leh.
      walaal rag wax kala goyn kara noqda NIN CADHOODEY LAGA BEDI

      Delete
  22. Odayga samatar ah way ka dhamaatay markii laga gar helo ayuu cararaa bal eega ixtiraam la'aanta uu ku kacay wadihii dooda iyo dadkii meesha yimidba oo hawlohooda ka sootagay wuu xumeeyay, meesha ma isagaa iskaleh, dadku sharciga kama sareeyaan, isagana wuu ogaa oo yaqaanay sharciga, ee inuu dooda burburiyo ayuu rabay wax kale marabin ee way usocon wayday.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dood aan cadaalad aheyn sxb adiguba waad iskaga kici lahayd

      Nina 24 minit buu hadlayay cidina kamay jarin.. axmed ismail samatarna waa laga jaray isagoo suaashii koowaadba ka jawaabin

      Delete
  23. Qof hadduu cilmi leeyahay waxaa wanaagsan in habdhaqankiisa ka muuqato waayo waa role model, inkastoo caqliga ALLE qofba in siiyey & dabeecad gooniya. ..Annigu dhowr jeer dhageystey Samatar & aqoonyahanno kale oo 2 iyo 3 ah. Dooddooda caro, xanaaq iyo cod dheeri baa qarisa, taas meesha ka saareysa farriintii la rabey in gudbiyaan iyo IMAGE kooda guudba aqoonyahan ahaaneed.

    ReplyDelete
  24. Marka hore salamu calaykum yusuf garaad

    Anigu waxan aaminsanahay inuu ka yari u badheedhay kadib markuu xamili waaysy sida quruxda badan ed uu professorku ukala dhigdhigay hadalka , oo waxaad arkaysay inutuu samatar hadalkiisa watag ka yari kamuu dul dhaqaaqin oo uu xanaaqsanaaba.

    Waa Ta labaade 15 minit kuma filna dooda professor samatar oo 15 minit waabaa intuu furfuranayo dooda .

    Dhanka cadaalada xataa muu eegin kayari oo ninkii kalee ka horeeyay wuxuu hadlayay 23 minit ,

    Mida kald stop waa kalmad akhlaaq daraa ... soo gaabina waa sad ee muu wax dhaama ku idhaahdo

    ReplyDelete
  25. Yuusuf waad ku magasantahay sida aqoonta iyo khibrada saxafinimo ku dheehan tahay ee aad u faalaysay dhacdadaan, waa kula qabaa xoogaaga dhaliisha ah ee aad usoo jeedisay Saadiq, in ay ahayd in uu xasuusin ka hor mariyo intaanu ka joojin Samatar khidbadiisii iyo in ay ku qurux badnayd in uu meel aan muuqanayn kusoo qorto warqadiisa maadama loo arki karo yare xushmad daro. Hase yeeshee Samatar arin aan meeqaamkiisa qalmin ayuu meesha kasameeyay;
    1 ) Saadaiq bilowgii wuu sheegay in afartaan nin nin walba 15 daqiiqo leeyahay waliba dhowr jeer ayuu ku celceliayay, markaa Pro Samatar kama hadal in aysan mudadaasi ku filan waxaana lamalayn karaa marka khibradiisa macalinimo la eego in uu garankaro in ay ku filantahay mudadaani iyo inkale marka haduu bilowgii ka aamusay waxaa loo qaadan karaa in aanu wax war wara ka qabin wakhtiga iyo in uu ka buuxsan karo doodiisa.
    2 ) Waxaan wada daawanay in sharcigaa 15 Daqiiqo lagu fuliyay dhamaan sadexdii nin oo kale aanayna jirin cid siyaado loogu daray
    3)Wuxuu publicly garawsan waayay in wakhti loo qabto, ama layiraahdo waa kaa dhamaaday, body language kiisu waxa uu tusayay in uu u ekaan in aan wakhtiba loo sheegin hada ka hor.
    4 ) Waxa uu si quudhsi iyo islawayni ku jirto uu u aflagaadeeyay shakhsiyana uu u weeraray isla same stage ninkii uu 15 daqiiqo kahor ku amaanayay isla shaqadaan uu hada leeyahay aqoon uma laha wuxuuna ku tilmaamay"madaale markasta arkayay sawirka guud( bigger picture ) " karti iyo aqoona u leh qabashada munaasabadaha noocan oo kale ah.
    6)Ficilkaan uu Samatar ku kacay ee udambeeyay waa kan ugu damage ka wayn ee uu dad iyo taageero badan oo uu haystay ay su aalo badan iska waydiinayaa, wuxuu si ixtiraamdaro ay ku jirto uu uga baxay fagarihiidoodu kasocota, aanuna wax qiimayn ah siin;
    - Ninkii soo casumay ee uu bilowgii ku sheegay saaxiib kii.
    - Ragii Akhyaarta ahaa ee dooda kala qayb qaadanayay.
    -Ninkii ay isku jaalka ahaayeen Xuseen
    - Iyo dad waynihii sharafrta lahaa ee Soomaaliyeed ee dhagaysanayay dooda.
    Ugu dambayn waxaan is leeyahay aqoontayda yar marka dhaliilahaas farsamo ee Saadiq laga reebo Pro Samatar isagaa lahaa khaladkii meesha ka dhacay waayo in uu time kiisa manage gareeyo isagaa laga rabay, hadiiba waa macaline ay doodii la taraaraxday in uu si xushmad leh isagoo ka garaabaya whakhtiga ku dhacay, hadana codsado ilaa mudo macquula in loogu daro, amaba option ka ugu danbeeya isagoo raaliya, caroon, cidna aflagaadayn uu fariisto qaybta labaad ee dooda uu ka faa iidaysto amaba su aalaha jawaaba hooda uu ku dhex darsado wixii uu ka gaari waayay. Mahadsanid Yuusuf Garaad iyo dhamaan akhyaarta akhridaba.

    ReplyDelete
    Replies
    1. muu garawsan waayin waqtiga loo qabtaye STOP baa ka nixisay. in qaab fiican loo ogaysiiyay ahayd. maxaa ku dhacay daadeheeya USA buu joogaabee hhhh

      Delete
    2. Ishaad ka riday! Meel garta lagu naqo baad ka timid. Soomaaliduna badi garta waa niqi jirtay laakiin beryahan gar qaadashaddii ayaa ku yaraatay!

      Delete
  26. sorry! your time is up inuu warqadda ugu qoray ahayd, waa maxay STOP?!. waxaad moodaa ilma yar uu malcaamad ku hayo. inuu barto weeye qaabka dadka wax loogu sheego.

    ReplyDelete
  27. Asc waxay illatahay in YG iyo saadiq ay ka xumaadeen dooda quruxda badan ee samatar iyo somaliland nimada

    ReplyDelete
  28. Faalladan ayaa u dhiganta/ka qurux badan Doodaasi. ARAGTIDAYDA.
    Sababtoo ah qofna kuma daalayo akhrinteedA waa mida labaade waxaad moodaa in aad toos udaawanayso wixii meesha ka dhacay xitaa adoon tv heysan ama aad ka xoga xog ogaal santahay in tii live udaawatay dooda. YAA SALAAM

    MAHADSANID Qoraa Sare Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  29. Faalladan ayaa u dhiganta/ka qurux badan Doodaasi. ARAGTIDAYDA.
    Sababtoo ah qofna kuma daalayo akhrinteedA waa mida labaade waxaad moodaa in aad toos udaawanayso wixii meesha ka dhacay xitaa adoon tv heysan ama aad ka xoga xog ogaal santahay in tii live udaawatay dooda. YAA SALAAM

    MAHADSANID Qoraa Sare Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  30. Rintu waa lama huraan cadalaadu waa lama huraan siiba marka aad dood qeeybineyso 4 qof qofna kuma qancaayo in kan kale ka waqti bato marka Mr samater wuu ku qaldan yahay inuu u hugaansami waayo daadihiyaha barnaamijka dabcan qof moog majiro waqtiga loo qorsheeyay hadii doo laga qeeyb galaayo marka aniga Sadiiq sinaba igulama qaldana. Yusuf adigana warkaadu wuxuu u badan yahay madax salaax ah calina gar leh ceydiidna gar leh

    ReplyDelete
  31. Soomaalidu waxay daawatay ee muuqda Yuusufna sida hufan u faah-faahiyay bay ka caddaalad fali kari waayeen ee maxaad u malaynaysaa?

    Qaarbaa waxaad mooddaa markay Saadiq ugu yeerayaa "ka yar" inay nafta kaga jarayaan.

    Waa run da' aahaan wuu ka yar yahay Samatar oo taa shaki kuma jiro, laakiin wixii meesha ka dhaqay qaladkeeda waxaa lahaa Samatar. Sharciga in isaga loo jebiyo oo si martida kale ka duwan loola dhaqmo ayuu damcay.

    "Naar galee tiiimbadoo"
    Odayga Samatar xaalkiisu meel xun buu marayaa. Soomaalinimo buu qabyaalad ka door biday. Qabyaaladdii uu isu qaawiyayna mid ka xun buu Hargaysa ugu tegay. Hadda wuxuu dhalaaxda u qaadayaa bal in uun in albaabka laga furo.

    Goblan talo aduunyooy maxay galaba meel joogtay!

    ReplyDelete
  32. Marka hore Aqoonyaha Yuusuf Garaad Cumar waad mahadsantahay sida aad noogu bayaamiso faalooyinka, sidan Bulshada muhiimka ugu ah. Khaladka meeshaas ka dhacay waxaa sabab u ahaa Hagayaasha Barnaamijka Fagaaraha, Sabab? Marka hore sidaad sheegtey may sii ogaysiin in qof walbaaba Wakhti cayiman leeyahay,Halka ay ka cadahay in meesha Saadiq dhan u xaglinayey Aqoonyahan Maxamed Ismaaciil oo ay dhan kasoo wadajeedeen Axmed Ismaciil Samatar Wakhti kooban ayuu hadlay, Miyaan la odhan karin wakhtigii isaga Baaqiga u ahaa waxay hayd in loogu daro ninkii ay dhinaca kasoo wada jeedeen, Pro:axmed ismaciil samatar Ha cadhoodo oo khalada ha sameeyo isaga laftiisu laakiin ayaa khaladkaa meesha ka dhacay u sabab ahaa ayay su ,aashu kusoo ururaysaa taasna wey cadahay WAXAANA EEDA ISKA LEHA Saadiq Warfaa..

    ReplyDelete
  33. SC Yussuf Garaad. Waxaan ahaa HOOB JOOGE suaalaha na qaarbaan wax ku lahaa la waydiiyay raga doodayey.
    Horta si fiican baad u falanqaysay wixii muuqaalku ku tusay, waxaanad moodaa inaad meesha fadhiday laguuna daba mari maayo hadalkaa oo waa sidaa aad u tidhi.
    Waxaa dheeraad aan ku darayaa, doodu waxay ku wanaagsanayd Suaalo aan ahayn home work gii afartaa nin loo diray oo qudha laakiin waxay ahayd inuu isagu waydiiyo oo miis wareegsan la fadhiisto. Meeshu se waxay noqotay meel qudbado la jeedinayo.
    Alow sahal amuuraha.

    ReplyDelete
  34. Pro samaatar xanaaqa ayaa ka baday
    Xiiligan oo kale waxa laga rabaa dulqaad
    Lkn odaayka controlka ayuu wayey

    ReplyDelete
  35. Marka horeba inanay dood loogu babac dhigi karin ayay isla garawsadeen,dabeeto qorshohoodu wuxuu ahaa ka dhex gal si uu cadhoodo oo ay uuga lunto ujeedadu.BBCsomali markii uu ahaa prof Somali waynta waxa ay ka waraysan jireen mawduuc walba oo isaga ayuunbaa idaacadda haysan jiray markii uu ka noqday mawqifka Somaliwayna niman kale ayaa halkiisii la galiyey oo ma maqlaysid isagoo doodo laga qayb galinaayo.oo imika kii ay walaalaha ahayeen ee isaguba iskaga dhibaataysan fikirkan ayay wad wadaan,wa wax iska cad mar wal oo dood la qaban qaabinaayo cidda qaban qaabinaysaa ujeedo ayay ka leeday si u jeedaddasi u rumawdana qorshaheeda ayaa la sii dajiyaa sidda ciyaarta oo kale,kuwan soo diyaariyey doodana waab la yaqanaa cidda ay yihiin,oo dood haday yaqanaan tan waaba laga horeeyaa ee mashaqadooda ayay ka doodi lahayeen iyo sidday dadkooda dhibta uuga saari lahayeen.Somaliland iyo Somaliya wax dood xal loogu samayn karo ka wayn waa goaano shacab oo xeel dheer kuna qotama ayaaha mustaqbalka labada jiil ee cidna dawladnimo doonayso cidna dawlad noqonmaysaan aya leeday.

    ReplyDelete
  36. Runtii waxay ahayd Door waqtigeedii kusoo aaday waxayna ku dhamaatay si wngsn wax kastaba ha dhaceen lkn Labada wlaal ee Saadaq iyo Prof-ka waxay guusha raacday Warfaa Gari laba Nin kama wada qos liso. Prof Ahmed marka laga soo tago Aqoonta iyo Waayo aragnimda wxaa jira dabeecad loo dhashay oo aanan la qarin karin waana tan keentay inuu caroodo kana baxo Masrixii dooda.
    S/awgeed Prof Ahmed waa inuu Raali galin guud iyo mid gaar ah bixiyaa.

    ReplyDelete
  37. WAXAAN KU QIYAASO MA AQAANNO.

    Mar waa Cashar, Mar waa Tallo, Mar waa baraarujin, Mar waa Tusaalle fiican, Mar waa ku dayasho, Mar waa hirgalin, Mar waa ka faa'ideesi, Mar waa fursad aan la helin markasta iyo wax kasta oo aad ku tilmaamto.

    Waxaa intaas oo dhan iga keentay Qormo Xiiso badan oo uu qoray Walaalkeen Yuusuf Garaad, taasoo ku socota dhammaan Wariyaasha Soomaaliyeed ee raba in xirfadooda kor u qaadan iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya in wax ka bartaan qaababka looga qeybgalo dooddaha iyo sidda looga qeybgalo.

    Waxaan siiyay waqti, waxaan u akhriyay si miir leh, waxay iiga dhammaatay annigoo xiiso u qaba.

    Ugu dambeen Macallin Yusuf Garaad​, waxaan ku lee yahay Qormooyinka aad qorto waa cashar aan ka faa'dino anniga iyo dad kale oo badan oo aan isku xirfad nahay, adna allaha kaa abaal mariyo, Aamiin Aamin.

    BY: Mohamedkafi01@gmail.com
    Wariye Madaxbannaan

    ReplyDelete
  38. Mahadsanid Yuusuf Garaad runtii waxbadan ayaan ka faa'day inaan aqristo qoraalkan maadaama aan hore u daawaday muuqaalkii dooda.

    ReplyDelete
  39. yusuf garaad,la sheeg in u prof samter geed walba ka af laga deeyo intu profku ka so noqdey sheekada aabeheed go'ay i midnimada lagu sheego.o u meelahaas yusuf kaga tookho aniga samater so shaac bixiyey ama aniga dadka barey yusufaw lagu maqal sxb..qoraalkan o dhana anigu waxan u arka in yusuf rabo in u profka waxooga jalaafeyn ah ku tuur tuuro,lkn samater intaas wu ka weyn yahey,hadana waa nin hantey o heysta quluubta shacabka somaliland o dhan.o aan aheyn tageeradi dabaal joog taynta aheyd ee u xamar kala kul may o kale.

    ReplyDelete
  40. Ishaad ka riday, farshaxan sare yusuf garaad

    ReplyDelete