Total Pageviews

Thursday 2 July 2015

Gaas


Khudbadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdweli Gaas ayaan dhegeystay. Waa khudbadda uu la doontay maalin aan is leeyahay kuma habbooneyn khudbaddaas oo kale - waa 1-da Luulyo.

Waxaan aad u dhuuxay qeybta ku saabsan nabadda iyo colaadda iyo shirka Cadaado aragtida uu ka qabo.

Aniga oo dareensan arrinta uu mudane Gaas ka gubanayo, garowshiyana u haya, haddana ma jecleysan sida uu ugu talax tegey buunka colaadeed ee isugu jira hanjabaadda iyo erayada qadafka ah ee ku wajahan walaalihiisa Soomaaliyeed ee la deriska ah, maamul ahaanna aad uga da'da yar.

Waan og ahay oo khibraddeyda saxaafadda ayaa i bartay in reer Mudug ay caan ku yihiin hadal toos ah oo adag iyo hanjabaad aan waxba la isula harin, laakiin aan la isugu dhammaan sida la isugu gooddinayo si le’eg.

Haddana aqoonyahan, Ra’iisal Wasaare hore, Murashax Madaxweyne, iyo mas’uul loo doortay in uu hago Puntland oo hadalka sidaa u kulul jeediyay, ma ahan in la iska dayo in la iska dhega tiro.

Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Puntland iyo Baralaamnka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa la gudboon in haddii maamul la dhisayo la xaqiijiyo in uu ahaado mid wax noo kordhiya haddaan Soomaali nahay. Waa in uu ahaadaa mid aan noo horseedin colaad, nabadda yar oo hadda la haystana aan wax u dhimin.

Haddii sida muuqataa uu ugu yaraan hal dhinac aamminsan yahay in maamulka la dhisayaa uu nabadda wax u dhimayo ma ahan in la isku qanciyo in uu dhinaacsi isagu khaldan yahay ama uu ujeeddo kale ka leeyahay. 

Waa in laga fariisto, la is tuso oo la is taabsiiyo lana saxo ama la iska qanciyo.

Colaad ugu yaraan laba dhinac ama ka badan ayay dhex martaa. Laakiin si ay colaadi u qaraxdo shuruud ma ahan in labada dhinac ay rabaan in ay is dagaalaan. Xataa shardi ma ahan in labada midkood uu diyaar u yahay in isagu uu daandaansado dhanka kale.

Waxay ku imaan kartaa kala shaki oo keliya.

Hadallada Madaxweyne Gaas waa kuwo u baahan in inta ay khuseysaa ay si xilkasnimo, biseyl iyo isu garaabid ku saleysan ay u wadahadlaan si inta ay hadal joogto la isu fahmo oo xal loo gaaro.

Wiil Soomaaliyeed oo careysan ninkii xabbad ka badbaadiya ayaan anigu Hoggaamiye u aqaan.

37 comments:

  1. Mahadsanid in aad akhrisay. Maaddaama dhinacyo kala duwan laga soo gelayo bartaan, fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb si qof kasta oo qormada halkan ku akhriya aad ula wadaagto. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Puntlant madaxwaynaheda abdiweli bay arintu si gara utaabanaysaa malaha haduu isagaa reer galmudug noqonay hadii sikale loo dhigo tolow hadii isaga madaxwayne looga dhigo galmudug malah wuuba aqbalilaha. Lkn imika haduu yeelo faroolaa odhanaya puntland umaad dhalan si uu kursigiisa u ilaaashado buu dagal ugelinyaa kuwii ku odhanlahaa puntland umaad dhalan. Dhinac kale marka laga eego galkacayo waxay puntland noqotay markii lasanod khatumo noqotay amaba somaliland awood kula waregtay oo tolow puntland maxaaranba lagu dhisay yusuf ? Bal halkaa noo iftiimi mahadsanidin

      Delete
  2. Puntland iyadaa hindistay federaalkan iyaduuna gadaal kala qaraaraaday, waxaan isla garan la'nahay mabaa'di'da federaalku ma deegaan wadaag ayeey noqon mise abtir wadaag?
    Hadii puntland loo yeelo damaceeda waxa eey horseedi doontaa in reerkasta halkuu dago aan loosoo dhaafin.

    ReplyDelete
    Replies
    1. hal xaqiiq baan idiin sheegayaa waa run puntland iyadaa dhashay federal iyadana dhashay dowladda maanta jirta lkn taasi macnaheedu ma ahan maadaama aan federal diidanahay si aan u xumeeyo dhamaan horumarka dowlad nimada soomaaliya waa in aan colaad abuuro oon sheegto dhul maamul kale ka taliyo taasi waa fodadii laga bartay ree muqdisho walahi baana waxba lagu dheefayn

      Delete
  3. Aniga waxaan kutalin laha Somalia haloo kala qeeybiyo ethopia iyo kenya

    ReplyDelete
  4. Yusuf Garaad mahadsanid, Anigu waxaan aaminsanahay inuu in isfahwaaga ay abuurayaan Puntland waayo waxay rabaan ayan ahayn wax suurta gelaya. waxay rabaan in dadka isku haybta ah dhinac la isugu saaro oo isku dawlad noqdaan(waa sida Puntland ka doonayso Ceerigaabo ama gobolka Sanaag inay ka dhigto inkastoo aanay awood u lahayn), iyadoo ay ka hoboonaan lahayd in Puntland muujiso masuuliyad oo Gobolka mudug dadka deggan oo dhan kasbato oo ay Puntland ka mid noqdaan ama haddaanay dadka gobolka degan isku wadi karin ay uga tanaasulaan Maamulka cusub, laakiinse Gobol la kalaqaybiyaa meesha kuma jirto waa ceeb.Madaxweyneha Puntland wuxuu ka xanaaqsan yahay arrin uu ku fashilmeen(midaynta iyo iskuwadka dadka

    ReplyDelete
  5. Aqoonyahanadii ayagaaba qabqablayaashii kadaran hadayba durbaan colaadeed tumayaan waxaana dhibkaas keenaya nin walba qabiilkiisa ayuu madaxwayene unoqday marka ninkii cida geel usoo dhaca ayaa nin fiican ah oo la abaal marinayaa marka yaan lala yaabin madaxwayne gaas

    ReplyDelete
  6. yuusufow mafahmin sababta aad ugu mujaamalaynayso ama afmacaynayso MR GAAS sabtoo ah dadka cadaado joogaa wax xumaan ah oo ay kagaleen punttland iyo gaas toona maanan maqan , puntland ayadaa somalia qasab uga dhigtay federal in laqaado , waxaan xasuustaa MR. FAROOLE oo lahaa haddii federalka laqaadan waayo somalia waan ka go'aynaa! waxaan kaloo layaabay puntland sida aan qabyaalada looga xishoonayn , xasan sheekh iyo jawaaji ayaa sawiradooda gab laladhacay sharmaarkana lama soo qaadin! qaabka uu u hadlay GAAS waa mid aad uhooseeya , waxaa qof daawaday iisheegay in gudoomiyaha Gaalkacyo qaybta PL uu yiri MW.xasan waxaan ku qasbi doonnaa inuu puntland viza usoo qaato! adiga waxaan ku bartay qoraaladaada cinwaan fiican iyo mowduuc fiican ayaad doorataa laakiin meesha aad wax uwado marar badan lama fahmo igana raali ahaw , marka gardarada looma sinna ee qofka leh runta kasheeg hana u af macaynin , maamulka puntland kajira siyaasad aad u qaab daran ayuu isticmaalaa, dadka ajnabiga ah ayaa xitaa layaabay dhaqan xumada siyaasaded ee meesha taala , nin qoraa ah ayan arkay oo leh somalia qaybaha ay ukala baxday PUNTLAND ayaa ugu yaab badan mana goosan mana joogta , waana runta meesha taala , mahadsanid

    ReplyDelete
  7. DFS & PL heshiisyadii hore ee galeen waxaa muuqata in mar kasta la dhinac marayo. Gudoomiyaha cusub markii la doortey buu durbaan colaadeed tumey oo uu iska indha tiray xaqiiqda Mudug taal, isagoo yiri Buurtinle maamulkeygu ku egyahay, Tan kale DFS dastuurkii lagu heshiiyey wey hareer martey, iyadoo raadineysa dano khaaseed oo la xariira 2016, halka ay dagaal ciidan iyo mid siyaasaddeed u adeegsatey Jubbaland oo 3 gobol ah. Waxaana loo fasiran karaa qabyaalad qaawan.

    ReplyDelete
  8. Maasha Allaah. Waxaad ula hadashay si oday nimo ah, soomaali nimo leh oo islaam nimo leh. Adigu waajibkaaga waad gudatay. Ineey diidaan iyo ineey yeelaanse waxeey ku xiran tahay inta ay quseeyso. Hadaan ra'yigeeyga cabiro waxeey ila tahay ineeysan reer Mudug nimo ka saareynin Cabdiwali xilka ka saaran isku haynta iyo midnimada umada iyo nabad kuwada noolaanshahooda. Soomaali maanta uma baahna buun colaadeed iyo hadal xanaf leh. Galmudug weey ogyihiin ineeysan ka talinin kana talin doonin wixi Nugaal ka soo koofureeya dastuurkeey doonaan haku qortaane. Puntland weey og yihiin ineeysan maamulin maamuli doonina wixi Galgaduud ka rogmada. Hadii Puntland dastuurkeeda ku xusan yahay gobolka Mudug oo aan faahfaahin kale la socon, ha u diidin Galmudug ineey iyana Mudug ku xustaan dastuurkooda illaa uu gudiga xuduudeynta xad ukala yeelo. Hadeey Shaqeyn weyso Cabdiweli 80,maadki ayuu dalka isaga tagay oo xabad iyo raadka ey reebi karto ma yaqaanee casharkii horay u dhaafay haku soo ceshado oo masuuliyadeeda aaqiro iyo aduun isaga ha qaato.

    ReplyDelete
  9. Yussuf arrinta uu hadlay Gaas runta ka sheeg iskana dhaaf hadalka jilcan reer puqland SI fiican uma hadlaan waxbana kama reebtaan xumaatooda ayaa inagu badatay

    ReplyDelete
  10. Nin doonaa ha hadlee sida aan fadhi Ku dirirada iyo suuqa ka maqlaayay reer putland hadalkaa waa ka simanyihiin, ugaaraan meelay u doodo iyo meelay dagto lahay, colkii baxaana waa kooda cidii yeedhaana waa kooda, cawo iyo ayaan male..

    ReplyDelete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  13. gaas aniga waxey ila tahay inuu ku washaay qabiil waxaan la yaabanahay nin soo maray wasiir, raisul wasaare, musharax madax weyne , hadana ah hogaamiye maamul goboleed inuu u hadlo sida mooryaan isbaaro u taalo. waa wax laga xishoodo lagana faano GAAS QABIIL QARAN MA NOQDEE RAADI QARANKII SOOMALIYEED OO HADII LAGU DOORAN LAHAY MADAXWEYNE SOOMALI OO DHAN MA WAXAAD GEYN LAHEEYD GAROOWE

    ReplyDelete
  14. Aniga waxaan ayidsanahay qoraalka Yusuf waayo Gas hadal nin masuuk ah kumuusan hadlin. Federally markay PL u olaleynesay baa waxaay taagereen Jubaland oo qolo rabtay in lix laga dhigo. Shacabkii way aqbaleen in sadax iyo sadax loo kala qaado waayo midnimadii Soomaliya baa ku jirtay. Konfur Galbeed waay tanaasushay ee Puntland waxaan oran lahaa Mudug ka tanaasul oo ogolow inaay raacday Galguduud.

    ReplyDelete
  15. ASCW, Yusuf Garaad si hufan oo waayo aragnimo iyo wadaninimo ayaad u dhigtay figradaada waana figrad wanaagsan. Aniga waxay ilatahat in arinta dhinacayda ay qusayso ay si mugweyn uga wada hadlaan oo aan la yaraysan.Arinta xadka Galmudug awalba weynu naqaanay meeshay tahay wax iska bedelayna ma jiraan, Puntlandna way jirtay Galmudugtaan iyo tii horeba ka hor xuduud bayna lahayd waxna iskama bedelin. Galmudug waxay ku biirtay Xubin iyo xeeb iyo Ahlusanah Waljameeca inkastoo Ahlusunihii daowlad kale samaysteen, laakiin dhinacaan Puntland iyo Galmudug xaduudoodii hore waxba iskama bedelin. Sidaa la adligeed waxan ila muuqataa qolodaan cusub ee Galmudug iyo DF in ay dib isugu noqdaan oo ay meesha ka saaraan xaduudayadu waa Nugaal taas oo aan xaqiiqo ahay ilaahayna ogyahay inagauna aan ognahay. Tan ugu muhiimsan oo aan Yusuf Garad kala midka aan ahay waxaa weeye saaxiibayaal hadeer shido hor leh oo aan macna badan lahayn oo dad iyo duunyo badan aan ku weyno oo aan isla booskii ku soo noqono waa ceeb ,.waana tan maantay somaali halkaas dhigtasy. Ramadaan Mubaar!

    ReplyDelete
  16. Ustaad Yusuf Garaad ma garan wax laga garaabo oo reer Puntland laga xumeeyay, magacaga Galmudug layiraah ma garanayo goorta uu hantidooda ka mid noqday, magaranayo canaayada in maamulka lagu dhisayo cadadaado la amaano ka imaan karta, magaranayo sabab qabyaaladeed oo loo caayo madaxda Qaranka Qaarkood, ma garanayo hanjabaad loo jeedin karo dad maamul dhisanaya sidaa awgeed , maahan dhaqan mas,uuliyadeed wixii ay ka yiraahdeen waxa ay ka dhibsadeen meeshaas, waase mahadsanyihiin qolyaha Galmudug oo aan jawaab colaadeed bixin

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. Yuusuf Garaad adoo mahadsan hadalkaaga waxaa ugu muhiimsan waa in dadka arinku quseeyo ay kawada xaajoodaan.Hadaadan isyeelyeelayn waad taqaadnaa sida dalka lookala dagan yahay waxaadna tahay Suxufi weyn iyo Siyaasi utartamay Xilka Dalka ugu sarreeya haatana ku milan Siyaasadda Dalka iyo Aqalka dalka looga arrimiyo. Waxaa ku oran lahaa Tolkaa la tali oo yaan dadka dib loogu celin wixii lasoo maray oo ha iimaansadaan intay dagan yihiin. Rumeyso ama ha rumeysan waa Habeenkii xalay ahaa oo tagay in Gaalkacyo Dhuusomareeb laga xukumo. Gaas hadalkiisuna waa wixii uu ku dhaartay oo aha Dastuurka Puntland...

    ReplyDelete
  19. Waa qoraal aan wax badan ka duwaneyn talada iyo damaca cadaado lagu hayo

    ReplyDelete
  20. Qof walba garaadkiisa ayuu hadla qof walbana gogoshiisa ayuu jiifta nin raga waa ki gogoshiisa nabad tahay bal hadalkeyga adinka le fasira

    ReplyDelete
  21. Qof walba garaadkiisa ayuu hadla qof walbana gogoshiisa ayuu jiifta nin raga waa ki gogoshiisa nabad tahay bal hadalkeyga adinka le fasira

    ReplyDelete
  22. xaradhere iyo hobyo ma,xeebtaad ka rabtaaaaaaaaaaaaaaa

    ReplyDelete
  23. Yusuf Garaad, aad ayaad ugu mahadsan tahay iftiiminta mid ka mida arimaha murugsan ee dalkeena Somalia. Waa run hogaamiyuhu waa inuu si hufan oo taxadar leh u doortaa hadalada iyo fariinta uu dirayo - in badan oo wax magarada ayey dhagahooda ku dhaceysaa fariinta Hogaamiyaha. Somaliya maanta uma baahna goodin iyo Xoog waxey baahi u qabtaa Xeel iyo samata bixin.
    Mahadasanid marlabaad.

    Othman A. Farole

    ReplyDelete
  24. Hada kahor ninbaa neef ari ah intuu soo bireeyay, suuqa keenay. Qoraxdii ayaa ku dhacday iyadoon hal cad laga gadan. Intuu saas ufiiriyay ayuu yiri "Yaa mar uun harageedii iigaceliya. Hada aduunka waxey ka mareysaa yaa Somalia harageedii ku celiya.

    ReplyDelete
  25. hadii la yidhaahdo halka reer hebel daganyihiin ayaa xuduud ii ah waa nasiib darro waana taa ta abdiwali ka gubanayaa oo waxaabu leeyahay mudug intaas oo degmo ayaan ka dagaa hadaan reer qansax ah ....... HITLER ayaa lahaa waa in halkii qof jarmal ahi joogaba la xoreeyaa .... dee abdiwali taas ayuu ku adkaysanayaa ...

    ReplyDelete
  26. Wali waxaan urinayaa qabyaalad. Waayo? Muxuu sidaa adag uugu hadlay? Sida adag ee uu uuga hadlay waa sidee? Waxaad moodaa in aynu wada dhageysanay hadana nasiib daro _ruugcadaaga weynow in yarna nagaad xasuusin. Waxaan ku la wadaagnay dareen adiga kugu kooban, dareenka dhinaca kalena waxba noogamaad sheegin. RAMADAN KARIIM.

    ReplyDelete
  27. NIN QAB WAYN IYO NIMAAN UQABIN MARNA MA HESHIIYAAN!!!
    somalidu hada wey kadaashay dagaal qabiil lkn dadeey wali dantoodu kujirtaa ineey huriyaan dagaalo qabiil si ey wax un uga faaidaan..... somalidu maantay sifiicaneey isku dhex gashay oo wxa laga soo gudbe nin reer hebel ayaa inta joogo. muhiimad mau arko in maamulka galmudug lugu daro qeebtaas muranku kataagan yahay, lkn suaashaa waxey tahay: murnkaas majogsan doonaa hadii laga kaaftoomo qeebtaas?!!! sababtuna waxey tahay wxa cad wxa puntland kagubaneeso mana ahan gobolkaas mudug oo israaca!!!!!!!!!
    ANYWAY meeshee kagalaanaa kagaleenaa
    cirka hasoo dumiyaan

    ReplyDelete
  28. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  29. Haddii Gaas oran lahaa cadaado waxay ka mid tahay maamulka Puntland, Saxafiga maxay khibradiisu u sheegi lahayd, ama muxuu ka dhadhansan lahaa, Colaada yaa hurinaya ma ninka duulaanka ku ah meel uu hadda uun magaceeda maqlay mise ninka halkaa dagan?

    ReplyDelete
  30. Waa laga yaabaa in sidaa si ka hufan in Gaas u hadli karey, laakiin taa waxa igala yaab badan Saxafiga khibrada badan ee hal dhinac wax ka dhadhansada, taa waxaan ka wadaa, kama maqna marka khibradiisa loo eego, in Soomali is laysay, gogol nabadeed oo la dhigay oo si toos ah ugu heshiiyeen ma dhicin, in kastoo loo baahnaa, xataa hantidii khaaska ahayd Ayaan la isu celin, hadii la kala guurey oo oo qaybtii isku deegaan ah ama is fahmi karta, maamul ay ku kala nabad galeen umadda kalana ku nabad galiyeen samaysteen, (Sida S/land iyo P/land) su’aashu waa maxay hadda? Waxa la ogyahay Maamulka Galmudug horeyba waa u jirey, Puntland collaad kama dhaxayn in kastoo waliba daris dhow la ahaa, hadda shidada waxa keenay, Degaan hoos yimaada Puntland in 20 sano ku dhow, wax shaqo ahna aan kulahayn Galmudug ayaa xamar looga soo sheegay inay iyagu maamulkooda ku darsadaan, waa yaabka 1aad.
    Ma xuma in somaali wada hadasho waxna isku darsato haddaan dhib ka wayni ku jirin, laakiin haddii Galmudug doonayso inay maamulka balaariso soo ma haboonayn inay wax ka waydiiso cidda ay qusayn karto ama ay taabanayso oo kala tashato. Waxad qiyaastaa nin gurigiisii koowad aad ku jirto oo Buurtinle mid labaad ka unkaday inaad habeen madow tiraahdo “anaa kula wareegey wixii hadda laga bilaabo” markaana uu u qaato ninkii gurigii kowaad qaatay ayaa kan labaad kugu haysta, maadaama aadan waxba kala tashan, sow colaad maad muujin, oo ma’aha yaabka 2aad.
    Saxafiga khibradiisu maxuu arintan u dhadhansan waayey, soo maaha yaabka 3aad.
    Waa run, Puntland federal ayay u janjeertaa, waa sida ay u arkaan in lagu kala nabad gali karo, xaala hadda jirta, waana waxa lagu heshiiyey ee dastuurka soomaalidu ku dhisan yahay (DFS dowlada federalka ee soomaalia), si arintan loo xumeeyo soo maaha in la yiraahdo ha la walaaqo…ilaa bari halla sheegto ..iyaduna waa yaab kale.
    Xataa waxaan macqul u arkin Wax garadka Galmudug qayb kamida oo degan koonfurta Gaalkacyo..oo ku dooddaya arintani waa siyaado, haddii Puntland sheegan lahayd Caddaado Guriceel iwm sidoo kale waan ka xumaan lahayn…Laakin Saxafiga khibradda badan taas uma muuqato…nin meel u caddahay meel ka madow ayay soomaali hore u tiri.

    ReplyDelete
  31. horta yusuf garad wxd tahay waayo arag lkn ta kuma diidani inad fikirkaaga aad cabirto eese wxn ku darsan in c.weliba uusan is oran erayada aad ka kululaateen ee uu aha mid macne weyn ku fadhiya ka ahaan bulsho reer puntland iyadoo puntland la tusay hadalo aysan u qalmin hada iyo hadhowba waayo waayo puntlaand wa hindisihii federalka lknsebeni aadamka ayaa wxa uu ka sameeysanyahay dad xun iyo kuwa sax ah ooo og puntland waxa ay ka gaysatay in dowlad somalia ah ay dib usoo laabato
    thanks y.garad
    BY:MOHAMED KAABBE

    ReplyDelete
  32. horta yusuf garad wxd tahay waayo arag lkn ta kuma diidani inad fikirkaaga aad cabirto eese wxn ku darsan in c.weliba uusan is oran erayada aad ka kululaateen ee uu aha mid macne weyn ku fadhiya ka ahaan bulsho reer puntland iyadoo puntland la tusay hadalo aysan u qalmin hada iyo hadhowba waayo waayo puntlaand wa hindisihii federalka lknsebeni aadamka ayaa wxa uu ka sameeysanyahay dad xun iyo kuwa sax ah ooo og puntland waxa ay ka gaysatay in dowlad somalia ah ay dib usoo laabato
    thanks y.garad
    BY:MOHAMED KAABBE

    ReplyDelete