Total Pageviews

Friday 31 July 2015

Hambalyo GalMudug

GalMudug waxaan ugu hambalyeynayaa wax ka beddelka Dastuurka qodobkiisa ku saabsan soohdimaha Dowlad Goboleedka cusub.

Baarlamaanka GalMudug wuxuu si dastuurka ku qoray in soohdinta woqooyi ee GalMudug ay tahay Puntland. Maaddaama la yaqaan oo ay qoran tahay soohdinta Puntland waxay tallaabadani muujineysaa ka noqoshada qodobkii markii hore tuhunka dhaliyay.

Arrintaas waxaan rajeynayaa in ay dawo u noqotay kala shakiga soo dhex galay beelweynta Soomaaliyeed ee Gobolka Mudug.

Puntland iyo GalMudug waxay u baahan yihiin in ay isla fariistaan oo ay hoos u daaddegaan, iskuna af gartaan sidii ay u wada maamulan lahaayeen Gaalkacyo oo ah caasimadda Gobolka Mudug.

Tallaabada GalMudug ee geesinnimo, waxayna ka tarjumeysaa xaqiiqada degaankaas ka jirta oo markii hore la baal maray.

Ma fiicna in Gobol la kala qeybiyo oo qabiil dartiis loo kala gooyo, laakiin waxay dhaantaa in la is colaadiyo oo la isku mashquulo, halkii la iskaashan lahaa gacmahana la is qabsan lahaa.

Xujada labaad ee hadda hortaalla GalMudug waa in ay xal dastuuri ah u hesho, shuruudda ku qoran Dastuurka Federaalka ee ah in si loo dhiso Dowlad Goboleed loo baahan yahay in ay isku biiraan ugu yaraan laba Gobol.

10 comments:

  1. Waa go'aan loo qaatay sidii saxda ahayd oo ubaahan in la isku soo jiido dadka isku abtiga ah in la isku soo jiido. Mida labaad waa in distoorka wax laga badalo si uu u sharciyeeyo gobol iyo badh in uu noqon karo maamu goboleed.

    ReplyDelete
  2. Waa go'aan loo qaatay sidii saxda ahayd oo ubaahan in la isku soo jiido dadka isku abtiga ah in la isku soo jiido. Mida labaad waa in distoorka wax laga badalo si uu u sharciyeeyo gobol iyo badh in uu noqon karo maamu goboleed.

    ReplyDelete
  3. fufuraan siyaasaded ayey la timid galmudug waxeyna u muuqdan xaldoon lkn putland aya lagaraa sodoo kale xalku walagama maarmaan.

    ReplyDelete
  4. Haddii baarlamaanka Galmudug geesinimo muujiyeen si xal looga gaaro muranka kala dhexeeya Puntland, baarlamaanka fedaralku dastuurka qaranka wax maka badali donaa si Galmudug loo badbaadsho?

    ReplyDelete
  5. Ma garanayo hahbalyada wariye yusuf garaad u diray galmudug mana arko wax isbadal ah oo ay sameysay waa arin barabagaandu ah oo siyaasadeed waxaan kale oo aad ula yaabay erayga waa khalad in mudug la kala gooyo mudug aad baan ula yaabay waana ogyahay in wariye yusuf garaad uu la socdo xaalada dhabta ah ee gobalka mudug labadaan aragti ee uu yusuf xusay iyo siduu u dhigay ma ahan il duuf laakiin waa arin in badan oo somaliyed fahmeyso gobalka mudug 1991 buu kala go, ay cida sababta u aheydna qof daacadi waa ogahay marka waa aragti aan ka madaxbanaaneyn siyaasad iyo wax yaabaha aan horumarka cidna horeyna ugu gaarin hadana lagu gaari maayo kan intaa dareemi la, a waqtiga ayaa insha alaah wax u sheegi doons

    ReplyDelete
  6. Waa heshiis iyo go'aan qaadasho wanaagsan haddii lagag dhabeeyo oo ay GalMudug kaga dhabayso kuna midaysantahay. Waxa aan ka sii afeefanayaa kartida iyo daacadnimada siyaasiyiinta GalMudug ilaa Muqdisho, waayo, intaan ka warqabo, weli ma arag mana maqlin wax inta ay dhisteen ku heshiiyeen. Waxa u caado iyo dhaqan ahayd looma dhamma iyo 2 garab ama ka badan oo loo sii kala jajabo, iyo shicibka oo garabyadaas kala taageera, taas oo ku dambaysa khilaaf dhaliya dagaallo sukeeye.

    Waxaan u rajaynayaa guul iyo nabad in ilaahay waafajiyo.

    ReplyDelete

  7. Kulanka Shibli(su'aalo diini ah),
    Somali Channel:

    Naag hinaastay(N.H): "Sheekh, naag xun oo la ila qabo ma furi karaa anigu"?

    Sh. Shibli(SH.SH.): "maanan fahmin su'aasha".

    N.H.: "yacni, haddaan dalqad ku furo naagta la iga daba keenay, oon mobile ka odaygayga msg ahaan ka diro, iyadana u diro dalqaddaasi soo ma dhicin oo odayga kama guban?"

    SH.SH. "Wax ka jiraa ma jiro dalqaddaas, diinta ciyaarta ha laga daayo, hana la barto".

    Sheekadaas ayaan soo xasuustaa markaan arko siyaasiyiin iyo maamullo isku haysta jihada iyo masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa ka sii daran taageeraysheenna oo ka indho la' ama iska indha tira in aysan dalqadda(=talada) dalku ka go'in, laa dowlad, walaa dowlad goboleed walaa siyaasi Soomaaliyeed.

    Waa jilayaal mushar(iyo booli) badan hela.

    In fact madaxdeenna waxaa ka miizaan culusus wakiillada dalalka iyo hay'adaha ay taladeennu(amni iyo siyaasadba) ka go'do ee Soomaaliya jooga, sida: Gen. Gabre, N. Kay iyo afhayeenka IGAD.

    Masjidka ciyaarta ha laga daayo...


    ReplyDelete
  8. https://youtu.be/HpO2hx6v9lw

    "Soomaali Waa Dhalad"
    Maanso aad u qurux badan

    ReplyDelete
  9. Puntland , Waa maamul ka amarwayn DF wuxuuna gordadinyaa Gumeysi maskaxeedd ilaa qabiil iyo habiilna wa la qirayan wax ay ahaayen dadkasi marna Somali khair uma soo jeedan waxaana dhibay Erayga soomaal oo eeysan ka dhaxmuuqan ,,,

    ReplyDelete
  10. Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

    FadoExpress là một trong những top công ty chuyển phát nhanh quốc tế hàng đầu chuyên vận chuyển, chuyển phát nhanh siêu tốc đi khắp thế giới, nổi bật là dịch vụ gửi hàng đi mỹ, gửi hàng đi nhậtgửi hàng đi pháp và dịch vụ chuyển phát nhanh đi hàn quốc uy tín, giá rẻ

    ReplyDelete