Total Pageviews

Wednesday 1 July 2015

Nuxurka War Saxaafadeedka Soohdinta Badda


War Saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ee sheegaya mowqifka Dowladda Soomaaliya ee soohdinta badda ee aan la wadaagno Kenya waxaa iigula muhiimsan hal eray oo laba jeer soo laabtay. Ereygaasi wuxuu ku jira weedha labaad iyo midda saddexaad. Halkaan ayaan ku soo guuriyay aniga oo eraygaas khad culus ku muujinaya.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay WELI ku adkeysaneyso , ayna ka go'antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana WELI furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay .
Intaa ayaan uga baxay.


6 comments:

  1. waa laba jumladood oo is diidaayo

    ReplyDelete
  2. war saxaafaddeedkaan waa mid burinaayo siina kordhinaayo walaacii iyo kalsooni daradii aan ka qabnay hogaanka hadda talada haayo. ilaahey baa xaq u wali ah

    ReplyDelete
  3. marka aan fiiriyo Erayga Yusuf Ku sayoo cel-celi yahay oo ah WELI,waxaa igala muuqata in Dowaladda Kenya wasiirkeda Arrimaha dibadda ee Amina waxii ay sheegysay in wax ka jiraan,

    ReplyDelete
  4. Waxan u arkaa dabacsanaan wali iney jirto dowladane ay rabto shacabka ine qanciso balse waxaa meesha ka cad sida wasiirada arimaha dibadda e kenya ee sheektay dabcan si hoose waa loo wada hadli karaa wali inta ay howsha taagantahay fari kama qodna

    ReplyDelete