Total Pageviews

Thursday 2 July 2015

Saxaafad Madaxbannaan Maxaa loola Jeedaa?


Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa yiri “Jeclaan lahaayaa in BBC ay joojiso in ay ISIS ugu yeerto Jamhuriyadda Islamiga ah".

Sabab wuxuu ka dhigay, in ISIS aanay ahayn Jamhuriyad Islaami ah, isla markaasna ay Muslimiin badan dhibsanayaan marka ay maqlaan in magaca Islaam la siinayo.

Wuxuu sheegay in uu ka doorbidi lahaa in loogu yeero ISIL oo ah magaceeda oo la soo gaabiyay.

Xaqiiqadu waxay tahay in David Cameron oo ah hoggaamiyaha UK aanuu awood u lahayn in uu go’aan ka gaaro eraybixinta iyo magacyada ay BBC adeegsaneyso.

Qofkii aan aqoon macnaha, halkaa ha ka dheehdo waxa loola jeedo marka la leeyahay saxaafad madaxbannaan.

Eray cusub u bixiya ma dhihin ee wuxuu sheegayaa in uu jeclaan lahaa in magaca oo la soo gaabiyay sida dalka UK loo yiraahdo in tanna loogu yeero magaceeda oo la soo gaabiyey.

Inkasta oo Cameron uu yahay Hoggaamiye shacabku soo doortay, gacantiisa kuma jiro go’aankaasi. Waa shaqada Tifatirayaasha BBC.

Dowlad haddii ay Dimuqraaddi tahay, waxaa ka adag saxaafadda oo ah indhaha iyo dhegaha shacabka oo toosh ka daba sidata Dowladda, kana madax bannaan.

Saxaafaddana waxaa ka adag Sharciga mana dhaafi karto.

6 comments:

  1. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
  2. Qaar badan oo kamida madaxda hay'adaha dowlada ayaa marka laga hadlo arin Qusaysa Hay'ada ay ka shaqeeyaan u arka wax shaqsiyan ah oo markiiba saxaafada iyo suxufiga la dirira xitaa haday aqoon durugsan u leeyihiin kartida Suxufiga.

    Hey'ada dowladda Soomaaliya u qaabilsan warfaafinta madaxdoodu waxay aaminsan yihiin inay ku hadlaan afka madaxda dowlada Halka ay tahay inay u hadlaan shacabka.

    ReplyDelete
  3. Haa waa tusaale wayn oo sawir inaga siisay saxaafadda madaxa bananaan.

    Lkn haddii ay saxaafadda madaxa banaan tahay mid socod barad ah sida midda somalia oo wax ay hambaynayso dal diin iyo sharci aanay toona jirin maxaan yeelaynaa?

    ReplyDelete
  4. UK iyo David Cameron tusaale uma noqon karaan Soomaalida iyo madaxdeeda. Marka aan daacad warano, waa umado kala horreeya qarniyaal. Ma hubo xitaa in Uk sanadihii 1700 xitaa fahamkooda macnaha xornimada hadalka iyo tan saxaafada inuu keenan la mid ahaay.

    Madaxdeena hay'adaha qaar waxeey dhasheey xilligii uu kacaanka curtay intii ka dambeeysan ama inyar ka horba. kadibna wexeey kusoo dhex jireen 25 sano oo yaa xoog leh laysku maamulaayay. Madaxda waaweyn laftooda waxba ma dhaamaan oo ineey gumeeysi kusoo dhex barbaareen kadibna 10 sanoo kufoo kac ah ay kusoo jireen ayeey dheer yihiin.

    Qaladka yaa leh? Waxaan ogahay in aysan hay'adaha saxaafada aysan aqoon laftooda waxa ay tahay saxaafad madax banaan. Qofka soomaaligaana uusan aqoon madax banaanida hadalka. Markeey sidaas tahay waxaa dhaceeysa in kuwaan laga xoog badan iyagana aysan aqoon xuduudooda iyo xuquuqdooda. Waxaa dhalanaayo is fahmi waa dhan kasto ka imanaayo, madax ay ku adagtahay ineey u hogaan samaan sharcigi hortaada lagu qoraayay oo ay u haystaan ineey iyaga ka weyn yihiin iyo Shacab aan aqoon waxeey xaq u leeyihiin iyo wixi xaq loogu leeyahay.

    Xalku muxuu yahay? Waxeey ila tahay in lasameeyo ururo rayid ah oo dadka doodo u qabta abuura fahan ka duwan midka aan ka haaysano waxa ay dimoqaraadiyad tahay. Marka aan abuurno bulsho faham saxan ka haysata xaqooda iyo xaqa lagu leeyahay, waxaa kasoo baxaayo madax aqbalsan ineey dhowraan xuquuqdii ay shalayto haysteen intii ay shacabka ahaayeen.Yaanan u qaadan in wax walba sahal isku badali doonaan samir iyo dulqaad waa inaan yeelanaa.

    ReplyDelete
  5. Warkaas biya dhiciisa waxan ufahmay inaa saxaafada aan loo meerin iney UGUS ugu yeeraan Al-shabaab. Saxaafaduna goaankeeda hala haato, talo wixi ahna haloo gudbiyo.
    Warkaas waa ila qumanyahay aniga.
    Mahadsanid mudane Garaad.

    ReplyDelete