Total Pageviews

Wednesday 1 July 2015

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadashay "Soohdinta Badda"

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya war ay faafisay daqiiqado ka hor ayaa lagu beeniyay war maalmahan la isla dhex marayay.

Warku carrabka kuma dhufan, laakiin waxaa laga fahmayaa in uu ka hadlayo soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee muranka la geliyay.

Warku wuxuu sheegay:  

"Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go'antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS)."

Warka waxaa lagu soo gunaanaday:

"Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay."

Halkan ka daalaco isaga oo dhammaystiran:




No comments:

Post a Comment