Total Pageviews

Sunday 26 July 2015

Weerarka Jazeera Palace Hotel

Baabuur weyn oo walxaha qarxaa ay ka buuxaan ayaa maanta lagu weeraray Jazeera Palace Hotel, Muqdisho.

Laba ka mid ah shaqaalaha Hoteelka (maamulka makhaayadda iyo mid ka mid ah ilaalada Hoteelka) iyo askari dowladda ah ayaa ku dhintay weerarka.

Sidoo kale dad goobta marayay iyo qaar dibadda joogay oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa qaraxa ku dhintay.

Dhammaantood Allah ha u naxariisto, ehelkoodana Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Dhaawac aan tiradiisu sugnayn ayaa jira. 

Hal qof oo Shiine ah ayaa isaguna ku dhintay weerarka.

Intaas aan sheegay marka laga reebo, dadka Hotelka deggan iyo inta ka shaqeysa way ka nabad galeen qaraxa, sida uu ii sheegay maamulka Hotel Jazeera.

Qolalka Hoteelka ee aan qaraxu soo gaarin, waxaa qaarkood ka jabay dariishadaha iyo qaarna xataa albaabbada.

Dhowr ruux ayaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen walxo faniinaya laakiin aan ahayn firirka qaraxa.

Masjid yar oo ku dhex yaal Hotel Jazeera ayaa saqafku ku soo dumay dad salaadda casir ku tukanayay.

Maamulka Hotelku wuxuu kale oo ii sheegay in biyuhu qasabaduhu ay socdaan, korontadu joogto, isla markaasna ay makhaayaddu shaqeyneyso.

Anigu waxaan Hoteelkaa joogay laba weerar oo midkood ahaa sannadka cusub 2014 midna ahaa 2012. Runtii shaqaalaha amniga, shaqaalaha kale ee Hoteelka iyo Maamulkaba waxaan ku arkay dhiirranaan, adkeysi iyo mintidnimo aad u sarreysa.

Waxaan xusuustaa habeenkii 2014 laba baabuur oo malahaa nus saac u dhexeeyay midba mar la ina ku qarxiyay, intii u dhexeysayna rasaas lagu asqeeyay Hoteelka. Waxaa yaab lahayd sida ay ilaaladu isaga caabbisay nimanka duullaanka ah, ugana adkaatay.

Waxaa kale oo aan xusuustaa in daqiiqado ka dib la billaabay nadaafad, cashana la bixinayay. Maalintii xigtay waxaa la dayac tiray dhammaan dariishadihii iyo albaabbaadii burburay ama ay wax gaareen.


Hotel Jazeera waxaa deggan Safaaradaha Shiinaha, Qadar, Masar iyo Kenya.

8 comments:

  1. Alle ha u naxariisto inta dhimatay dhaawacana caafimaad ha siiyo.

    ReplyDelete
  2. Congrats shaqaalaha hotel ka.
    Naxariistii janno alle hakawaraabiyo intii ku geeriyootay qaraxa

    ReplyDelete
  3. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay inta uu dhaawacu kasoo gaarayna allaha u boogo dhayo.

    ReplyDelete
  4. Ku gabood-falka nafaf daahir ah iyo hanti dad kale leeyahay, beegsiga aqoonyahanka, baab'inta bidhaanta ilbaxnimo ee bilowga ah iyo waliba dhismayaasha bilaya magaaladan dagaalada ka daashay ayaa noqday waayadan mid la caadasyto kaaga daranee waliba waa lagu faanaa oo inaga ayaa ka danbeeynay, Xishoodkii ayaa laga tagay oo waliba qofka denbiilaha ah waxaa caada ah in uu dhuunto laakiinse waayadaan arini waa ay is rogtay dhiiranaan xoog leh ayaa banaanka lala yimid oo fal-danbiyeed samayntii waxaa ka culus in la sheegto, kuwii falkaas foosha xun ku dhex gaysatay ummad islaam ah waxaa uu yahay nabar caalir ah oo fasas qaaday oo markii la is yiraahdaba waa soo bogsooday laba kacleeya, Eebboow MAgantaa. Inta ku dhimatay Eebbe Raxariistii Fardawso ha ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna Eeboow Caafimaad iyo Cafis ku cuukee.

    ReplyDelete
  5. https://youtu.be/y-a6jzU0YgQ

    John Perkins, waa qoraaga buugga: Confessions of an Economic Hit Man (70 weeks on the New York Timesbestseller list).

    Haddaad akhridid/daawatid hadalladiisa, haddaadan ka quusan Soomaaliya, waxaa ugu yaraan kaa yaraana walwalka/rajada kaa haysa Soomaaliya.

    Waayo wuxuu daahfaydayaa asraar badan ku saabsan sida loo kala adeegto adduunkan. Soomaaliyana adduunkanay ku taallaa...

    Wax walbaa siduu u egyhay ma aha...

    Daawasho/akhris wacan.

    Adduunkanina siduu Alle ugu talo galay unbuu ku socon ilaa dhammaadka.

    Scw.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dadna waxay wali ka maraysaa Hawiye vs Daarood, dhulkii(iyo baddiiba) Soomaaliya la odhan jirayna gacan teenna kuma jiro. Siyaadda waxaynu "kala tashanaa" Nicholas Kay, amniga AMISOM, dhaqaalahana(bad iyo barri)... mooyi. Adba garo.

      Delete
  6. Maxamed Muxumed, Waxaan kugu taageersan ahay in meesha maanta dalkeennu marayo, iyo doodda dadka siyaasadda Soomaaliya hor boodaa meesha ay mareyso in aanay ka tarjumeyn isku dal. Waxaa iyaguna la yaab leh shakhsiyaad weliba aad u badan oo ka tirsan shacabka dulmanaha ah ee haddana u doodaya niman ay u qabaan in ay ayaga u maqan yihiin. Waxaa iyagana Ilaaheey ka baryayaa in aanuu i joojin meesha lagu xisaabin doono ganacsato marna Qaranka dhaca, marna maalgeliya kuwo Qaranka u dhaca ayada oo xaaladdaan uu dalku ku jiro.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aammiin.

      Wxn maqli jiray, "waa maadays adduunyadu, dadkuna way matalayaa".

      Waxaynu dhex fadhinaa shaneemo uu ka socdo filim romantic ah, oo jacaylku dhexmarayo qabiil iyo jahli. Jilayaashiina waa xidigo ku hodmay filim kan(= Hollywood satrs of Somalia), oo guryay ba dibadda ka wada iibsadeen niman shalay sabool ahaa.

      Tigitka aynu filinka ku daawanaa waa qaali: Waa dalkii.

      Midda ugu khatarsan: badida dakeenna filinka ku jirya, ee daawanayaa waynu ognahay inuu filinkani xun yahay, haddana waynu la wada qiiraysannahay, sacab iyo mirqaan, marxbaysiin iyo ku wiirsi kii wax noqda. Inta murugaysan ee caloosha ka ooyaysaa waa inyar.

      Raxmadda Alle yaynaan ka quusannin.

      Insha Allah, waynu ka guulaysan doonnaa labadaas is caashaqay, ee dalkeenna la hadhay.

      Delete