Total Pageviews

Saturday 29 August 2015

Gunaanadka Carwada Buugaagta ee Muqdisho



Xalay waxaa la igu casumay in aan hago Dood ku saabsan saameynta shisheeye ee dhaqanka iyo af Soomaaliga. Waxay ahayd Dood lagu soo gunaanaday Carwada Buugaagta ee Muqdisho.

Waxaan aad u jecleystay qorayaasha iyo cilmi baarayaasha culculus ee  dooddii xalay, sida Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Jawaahir Cabdalla Xaaji, Maxamed Shiikh Xasan iyo Axmed Johari Bilaal.

Waxaa iyaguna i cajab geliyay dhallinyarada faraha badan ee wiilal iyo gabdho leh iyo dadweynaha kale ee halkaa isugu soo baxay, oo weliba kuwoodii hadlay ay muujiyeen faham, codkarnimo iyo daneyn i cajab gelisay.

Isugeyn waxaan ku faraxsan ahay sida quruxda badan ee loo soo abaabulay munaasabaddaas. Waxayna ka mid tahay waxyaabaha i rumeysiiya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin aqoon iswedyaarsi iyo horukac haddii lagu dhiirri geliyo, gacanna lagu siiyo in ay is abaabulaan.

Sawirradu waa saddexdii maalmood ee ay Carwadu socotay.

3 comments:

  1. Waxaan qabay waligeyba in dhallinyaradu u baahi qabto hoggaan haga oo tusaale u noqda. Xooggooda hadba ciddii doonto ayaa dan wanaagsan/xun ku qunsan karta. Yuusuf Garaad ku mahadsanid warbixintan kooban

    ReplyDelete
  2. adigoo mahadsan link doodaas aan ka heli karo ma ii sheegi kartaa?

    ReplyDelete
  3. I am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com

    ReplyDelete