Total Pageviews

Monday 28 September 2015

Xiddigaha Geeska: Taliye Caadi Iska Dhig


Xarig fannaan kuma cusba Soomaalida. Hadraawi iyo Cabdi-Qays ayaa nool. Cabdulle Raage ayaa na soo maray. Liisku waa dheer yahay.

Sida maanta oo kale, waxaa berigaa jiray dad ku ra’yi ah madaxda ama dano ay ku haysteen dartood, iyaga oo aan loo dirsan is xilqaama oo isku dayi jiray in ay u qiil dayaan xarigga fannaanka. Weliba berigaas fannaaniinta la xiro waxay ahaayeen kuwa isku daya in ay dadka u sheegaan ama ay tusaan wax aanay Madaxdu dooneyn in uu shacabku ogaado ama uu arko.

Rajadu waxay ahayd in nidaamkii militeri ee lala dagaallamay ay la dhammaadaan cabburinta, xad gudubka xorriyadda shakhsiga iyo isku dayga Madaxda oo ahaa in loo nacamleeyo iyada oo aan su’aal la weydiin oo xataa aan la fekerin.

Madaxdii berigaas waxay doonayeen in haddii ay yiraahdaan dhaqaaqa, ay bulshada oo dhami mar qura u dhaqaaqdo dhanka farta loogu fiiqay oo ay welibana isla hesho laafyaha.

Toddobaadkii ciidda waxyaabaha ay dhallinyarada Muqdisho iyo dhexmeerayaasha saxaafadda bulshadu ay aad u hadal hayeen, la xiiseynayay, anigana i soo jiitay waxaa ka mid ah Barnaamij faneedka Xiddigaha Geeska oo aad looga jecel yahay Muqdisho. 

Waan dhibsaday in Xiddigaha lagu xiray Hargeysa iyada oo dembi looga dhigay Nairobi ayaa la idiin fasaxay ee Muqdisho la idiinma fasixin.

Fannaan anigu waxaan u aqaan in uu yahay Biri-ma-geydo.  Sidaa darteed ayaan keligeey fekeray. Waxaan qiyaasay su'aalaha uu sarkaalka Booliska Soomaaliland ee "dembiga" baarayaa uu weydiin karo marka uu mid mid u wareysto Xiddigaha xiran. Ka dibna waxaan mala awaalay jawaabaha uu fanaan kastaa ka bixin karo su’aasha la weydiiyo.

Maxaad Muqdisho u tagtay?
Taageerayaasheeyda, oo ay ka mid yihiin qaar badan oo reer Somaliland ah, ayaa Muqdisho jooga oo aan booqday. Magaceyga iyo horumarka fankeyga ayaana ku xiran in marka aan awoodo ama la iga casuumo aan tago meel kasta oo la iga dhegeysto, taas oo ah meel kasta oo ay Soomaali deggan tahay.

Yaa kuu fasaxay Muqdisho?
Horta xor ayaan u ahay dhaqdhaqaaqeyga. Midda kale, keligey ma aha ee haasaawe doonka, lammaanayaasha, ardayda, xoogsatada, shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, wadaaddada, ganacsatada, diblomaasiyiinta iyo xataa siyaasiyiinta hoose intuba wey isu socdaan. Anigu waxa keliya oo aan uga duwan ahay waa in aan intaas ka wada caansan ahay oo ay saxaafaddu aad uga hadashay socdaalkeyga.

Miyaanad ogeyn in aan ka goosannay Soomaaliya?
Fanku soohdin ma leh. Hargeysaba Magool iyo Maryan Mursal waa laga dhegeystaa.

Calanka Soomaaliya maxaa kuu geeyay?
Hadba taageerayaasheyda aan markaas u heesayo astaanta ay leeyihiin ma khilaafo. Fannaaniinta caalamku haddayba astaan qaadanayaan waxay qaataan midda waddanka ama magaalada ay ka tumayaan ay leedahay. Fanka jilidda ayay ka mid tahay. Aniguna fannaan ayaan ahay ee caadi iska dhig Taliye.

Ma og tahay in aad wiiqday jiritaanka iyo sumcadda Somaliland?
Xaqiiqadu waa taa cagsigeed. Muqdisho oo dhan waa laga ogaa in aan ka nimid Somaliland. Si wanaagsan ayaa naloo soo dhoweeyay. Si wanaagsanna ayaa looga soo qeyb galay barnaamij faneedka aan dhignay. Farxaddii la innagu soo dhoweeyay tu la mid ah ayaa la innagu soo sagootiyay. Taas ayaana sharaf u ah Somaliland ee adigu hadda sumcadda ha ka xumeyn.

F. G. Cinwaanka, su'aalaha iyo jawaabahu waa curis.

33 comments:

  1. "ee caadi iska dhig Taliye."

    ReplyDelete
  2. Fadlan aragtidaada halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mhdsanid y garaad hadi aan fikir ka dhiibto arinta somalind waxay ila tahay in ceeb tii ugu darneyd thy in fanaan afka somali ku heesaa loo diido dadka maxaad somali ugu heestay waxan somalind ay luqd gooni ah sameysato hadii ay saas unecebtahay somaali

      Delete
    2. Bal ka waramaa Yusuf Garaad iyo inti tageersan, haadi uu wiil yare intuu Alshabaab la soo caweeyo,oo waliba uu calaankooga isku xardhoo oo uu isku soo taswiiro.
      Hadana dib uu aad yar o dhalatay ugu soo nooqdo Xamar.

      Side baad ka yeelaysaan ?

      Soow ninka fiikirkaa alshabaab aminsaan ama iskii iska taga meesha ay ka taaliyan. Waliba laa soo qakhweeya oo hadaan calaankooda madow isku taswiira, soow lama toogto mise lama xiidho ? Ama dawlad xaamar ha noqoto ama UK ama USA.

      Markas hadal iyo dhamaanti, xooriyatul qawlka qof waxaay lee dahay xaad iyo xayndab. Somalilandna waa dal iyo dad xoor ah, dawladodu waa mid ku tiimid one man one vote iyo rabitaan shacbi. Amisom maa keeni.
      Maarkasi Xamar waxaan uga xoroownay sii aayna xeer ka hargeisa lagu maamulo, xamar iyo meel kale la inoga yeedhin.

      Hadab Yusuf Garaadow adigu caadi iska dhiig

      Abdourahim IBRAHIM
      Lyon - France
      Facebook

      Delete
  3. Waxa aan u arkaa xariga fanaaniinta mid ay dowlada somaliland ay ceeb ku tahay marka laga Fiiriyo dhinacyo badan ... Fanaaniintu waa Somali ee Itoobiyan ah Meesha ay Rabaan ayey ka soo heesi Karaan Somaliland Mel xun ayey siyaasada ka fiiriyeen Mida an oo kalana Waa waxa soo Dadjiya burbur Waliba in bulshadii aaminsaneed IN LA GO ay is badal ku keeni karto Mahadsanid moha films Gothenburg

    ReplyDelete
  4. Waxa aan u arkaa xariga fanaaniinta mid ay dowlada somaliland ay ceeb ku tahay marka laga Fiiriyo dhinacyo badan ... Fanaaniintu waa Somali ee Itoobiyan ah Meesha ay Rabaan ayey ka soo heesi Karaan Somaliland Mel xun ayey siyaasada ka fiiriyeen Mida an oo kalana Waa waxa soo Dadjiya burbur Waliba in bulshadii aaminsaneed IN LA GO ay is badal ku keeni karto Mahadsanid moha films Gothenburg

    ReplyDelete
  5. Sheeko jilicsan oo wakhtigii aan ku skhriyey ba u qalmayn ayaan u arkaa waxaan aad malmaluuqday.
    Somaliland gaadhi mayside iska daba saqlee.

    ReplyDelete
  6. Xarig fanaan kuma cusba Somaliya iyo magacayada aad tirisay Yaad ku qancineysaa? BBC Laanta afka Somaliga Markii madaxda lagaaga dhigay,,, Shaqaale badan waxey shaqada uga tageen nin muqdisho kayimid baa BBC Madax ka noqday,, Y Garaadow Ileen doqoni dibir kama dharagto

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hassan Barow ka carar mesha wyo somaliland baad is mooday jareer haduu ka dharko qaxwo ama shaax kulul waxa uu is mooda bilis aniga somaliland baan ahy Yusuf Garad nin saxafad ku garana ma qabno odayashi BBC ka cararayna waraaqado ama shahaado la an ayee u kala yaaceen

      Delete
  7. Waad mahadsan tahay Yusuf garaad. Maskax saliim ah in ey kasoo curatay jawaabo saliim ah ayaan dareemayaa... Jawaab intaasi dhaafsan oo laga bixin lahaayna garan maayo. Xariga xidigaha loo geystayna hadii uusan kaduwaneen xarigyadii fanaaniintii hore loogeysan jiray, waxaa ii muuqaneysa in somaliland rajada yar ee u ifeysa in ey iska ciideynayaan, kala daadsanaana in ey usii socdaan... marka waxaan leeyahay qaladkii inasoo maray dhaxalkiisa aragnayee yaanan dib loo milicsanin.

    Mahadsanid mr.garaad

    ReplyDelete
  8. Xariga fanaaninta iyo diidmadii qaxootigii yamennloo diday iney kadagan markabka waa colaad hada iyo kow larabo in dadka laga dhex abuuro Somali land cagaha dhulka dhiga yaa dhaho

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdi Mohamed Fahan ciyaarta. Somaliland waxaa jooga SOOMAALI OO DHAN looma diido cidna OROMO iyo CARAB ayaa xitaa ka buuxa, Tii markabku wuxuu ahaa mid dawlada xamar masuul ka tahay intay markab soo kiraysay oo UN la soo heshiishay oo shir jaraaid qabatay ayay tidhi xeebaha soomaalia oo dhan waa laga soo degi karaa markabkiina tidhi dadka berbera gee Siday xukunto. Ogow dadka soomaliyeed markii Puntland diyaarada diiday inay ka soo degaan berbera ee ay tidhi ka baxa puntland somaliland waxay tidhi welcome. markaa waxaa la diidayey in dawlada xamar ka talisaa isu muujin inay xukunto xamar. laakiin sida kale gaadhiga xamar ka baxa iyo diyaaraduba way sii maraan Hargeysa kuna degaan fiisana loogama baahna. marka se dawlada somaliya amaro socdaalka ah soo rogto waa la diidaa taasina waa siyaasad. ee la qabso sxb

      Delete
    2. aniga waxeey illtahy in eey qalad tahy in laxaro fanaan oo sabab looga dhigaayo yaa kufasaxay taasne waxeey ceeb kutahy dhamaan maamulka somaaliland

      Delete
  9. Yusuf Garaad Waad Mahadsantay Marka Hore Marka Labaad Dhinac Dawlada Somalia Ayaad U Xaglinaysaa Kama Aha Maqaal Ee Waxay Kaa Tahay Weerar Jiritaanka Somaliland ah Waxan Ku Sheegaya Laakin In Jiritaanka Somaliland Aan Fanan Iyo Cidkale Toona Loo Daba Fadhisan Karin Sharciga ayaana La Marinayaa Xidigaha Geeska Haduu Sharcigu Qabto Waa La Xumaya Hadii Kale Waa Lasii Daynayaa wabilaahi tawfiiiq

    ReplyDelete
  10. Waa qoraal fiican oo macquul oo qadarintisa leh. Mahadsanid

    ReplyDelete
  11. SC. Yusuf Xidigaha geesku waa shaqaale dawladeed oo mushahar ka qaata Dawlada sida lagu soo eedeeyay, maaha dad caadi ah sida aniga iyo malaa adiga oo aan xil hayn ama dawlad u shaqayn. laakiin dadka siyaasiyiinta ah ee Somaliland u dhashay ilaa ay u shaqaynayaan Somalia waa ka mamnuuc somaliland, Suldaanku sidoo kale oo xilbuu hayaa oo qarankan u hayaa. XORIYADA laga hadlo halkan USA ba kuma haysano , waaba Somalia. Ciyartowgii Dennis Rodman waatii N Korea lagu qabsaday maxaad u tagtay, Cuba dadka maraykanka ahi mamnuuc bay ka ahaayeen. Tani way ka duwan tahay oo sidaa Korea iyo Cuba shacabka laysuma diidin laakiin dadka xilalka haya sharciga Somaliland ayaan ogolayn laba canlayska. mida kale Xidigaha dawladaa soo saartay waxaanay ahaayeen role model dhalinta ah, waxaa ka danbaysa siyaasad inaan dhalinta somaliland u hanqal taagin SOMALIA ilaa ay dawlad gaara noqdaan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. af aa igu yaalo aa u hadleesaaa,
      xidagaha geeska waxaaa soo saaray,
      mursal muuse
      qadra sineemo
      axmad wali furunle
      asma love
      iyo laabsaalax oo aas aasay, 4ta hore ethiopia ayee ka wada yimaadeen,
      tan ah maamul ayee ka qaadaan mushaar waxaaa beeniyay gudoomiyaha kooxda, adigu maxaa ku cadeen kartaa

      intaas ka dib somaliland hadaaa dowlad u taqaan, anigu waxaa u aqaaanaaa urur aan go'aan iyo mooqif cad midna laheen,

      somalida aad maanta ka carareesan, adinkaa lugihiina ku doontay majirto cid ama dowlad idin qasabtay, ma jirto cid idiin baaqday ee anaga nagu soo biira idin dhahday,
      isla sal fudeedki iyo mooqif xumadi ayaa maanta anaga noo xag xaganeesaan adinkana isku caburineesaan,

      walina mooqif xumadi iyo sal fudeedka ayaa caruurtaas u xirteen,
      qaxootigii yamen ee masaakiinta ahaa i ciqaabteen hadana mooqif xumo waa ku adkeesan weeseen go'aankiini xumaa oo wasii deeseen,

      siyaasiinta ayaaa muqdisho to hargeysa
      hargeysa to muqdisho iskaga kala goosha muqdisho waa kasoo dhamaaday leh iyo mid muqdisho waa usocdaa leh
      aan kuusoo qabto fardowsa yuusuf xaaji aadan iyo hurre buubaaa
      marka muuqif cad yeesha anagana hana xag xaganina eee goosta adinkoo carruurta iska xirin

      Delete
  12. Dhallintaa fannaaniinta ah xariggoodu waa awood-sheegasho. Soomaaliya waa mid dal ah dadkeeduna waa walaalo aan kala maarmin. Ruuxii siyaasi aan han lahayn u jiibunayaa se isagaa khiyaaliya ku daali.

    ReplyDelete
  13. aad bn uga xumahay xariga dhalinta da'yarta ah oo aan siyaasad ku lug lahay

    taasna waxy dhaawicikartaa walaalnimada dadka afka soomaaliga ku hadla iyo fankaba

    mahadsanid yuusuf garaad

    ReplyDelete
  14. Anigu waxan u arkaa in maamulka Hargaysa uu qalddhabaayo. Hadda wuxu meel kaga dhacay qodobka 13aad ee Xuquuqda Aadamaha oo odhanaaya, " Socdaal in la sameeyaa waa xor." Markaa yaynaan la yaabin maamulkan indho la'aanta gudcurka gudaaya.

    ReplyDelete
  15. Calanka itoobiya hadduu xiran lahaa
    Cidu lama hadasheen.
    Waa horu-mar aaynu gaarnay
    Haddii eeynu nahay soomaali.

    ReplyDelete
  16. aad bn uga xumahay xariga dhalinta da'yarta ah oo aan siyaasad ku lug lahay

    taasna waxy dhaawicikartaa walaalnimada dadka afka soomaaliga ku hadla iyo fankaba

    mahadsanid yuusuf garaad

    ReplyDelete
  17. yusuf mahadsanid walaal waa abuur aad u wanaagsan

    ReplyDelete
  18. Somaliland wax kasta oo xun way sameeyeen 24 kii sano eey jireen,Mar aay gabar ayr xirtaan, mar aay dadka suuqa ku dhex boobaan sababtoo ah waa somali kale, iyagoo iska caytamaya mar walba, nacayb fara badan ooy somali oo dhan u hayaan. waxaa oo dhana maaha dhibaato somali kasoo gaadhaye waa arinkaan gooni ugaasadkaa waxa cuqdadaa dhan abuuray,,,, REE SOMALILAND HAL SUAAL BAAN WAYDEENAYAA,,,,,,HARTA AQOONSIGA MARNA MA ISKU DAYDEEN SOMALI IYO ADUUNKABA IN AAD SI DAGAN OO IQYAAR NIMAA UGA DHEXRAADISAAN??????

    ReplyDelete
  19. Waa Hal abuur wacan Yuusufoow. Anigu waxaa dhihi lahaa dhalin yaradaa ha la iska sidayo waa bilaa dambi.
    Jigjiga soo tii la tagey???

    ReplyDelete
  20. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  21. Wan Ku salaamay Yuusuf Garaad arrimahaan Waa xasaasi dadka qaar xamaasada ayaa meel xun ka tuurta anigase fikirkeyga Waa Soomaaliland Saxaafadeeda iyo Fanaaniinteeda xoriyad ha siiso marna ma u maleynayo waxa ay sameeyeen fanaaniinta in ay qadiyadooda wax u dhibeyso.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  22. Waa salaaman tihiin
    Waxaa ku darsanayaa hal taasoo ah in aay dhamaaneeyso arintaan qaadan doontana waqti noqona doonto mid aan loo laban hadii kalena dhasha in aay saxaafada oo idil ka wada haajiraan somaliland

    ReplyDelete
  23. Waa salaaman tihiin
    Waxaa ku darsanayaa hal taasoo ah in aay dhamaaneeyso arintaan qaadan doontana waqti noqona doonto mid aan loo laban hadii kalena dhasha in aay saxaafada oo idil ka wada haajiraan somaliland

    ReplyDelete
  24. Aniga waxan u arkaa Yusuf Garaad qormadani in ay taabaneyso ninka Taliyaha wax baraya in uu liito dhanka aqoonisya Sharciga
    FIKIRAT
    Reer Mogadishu waad hormarteen nin walba oo shaqaala ah waxa uu u soo xamaali doonanaya sanadahani wa dhankena ee idinkana balaayo iska dhiga jileeca dhaafa reer xamarnimada iska dhaafa kii imaaado fanaan oo ka imaado hargeysa Caasimada labaad ee Somaliya ha la tarxiilo sida KSA wayo Hogaamiyaha Xidigaha Geeska xalay waxa uu dhahyay anaga ma awoodno in aan qaadano calanka Somaliya waxa ay aheed wa photoshop ee Reer Hargeysa ciyaarta ka daaya facebooka

    ReplyDelete