Total Pageviews

Sunday 18 October 2015

Gar waa loo Islaam


Waxaan daawaday video shir uu xisbiga talada haya ee Kulmiye uu ku qabtay Hargeysa. Nin aan aqaan, oo ilaa yaraanteydii aan aqaannay xaggeygana qiimo weyn ku leh ayaan daawaday oo u cabanaya qaab kolley aniga i damqay.

Mudane Cali Cabdi Saayaq, isaga oo Ashahaadka qiraya ayaan daawaday si uu u caddeeyo in uu Muslim yahay.

Mudane Cali waxaan bartay toddobaatanaadkii aniga oo arday ah. Intii ka dambeysayna waan aqaannay. Deris ama jaar ayaan ahayn. Meel ay iska galaan Wardhiigleey iyo Towfiiq oo ah Degmada Yaaqshiid kana fogeyn Dugsiga Sare ee General Daud ayay ahayd.

Mudane Cali Cabdi Saayaq waxaan ku aqaannay nin Muslim ah, ahalu salaad ah, Allah ka cabsada, ahna nin muruqmaal ah. Nin ladan ayuu ahaa oo reerkiisa dhaqda, baabuur uu isagu leeyahay ku socda, welibana leh hooso Baabuurta lagu sameeyo. Qiyaas nin xilligaas intaa haystay.

Mudane Cali si kale uma aqoon, markii aan Radio Muqdisho ka billaabay shaqo horraantii siddeetanaadkii, ayaan ogaaday in uu yahay nin abwaan ah. Waxaan u maleynayaa ciddii aan hore u aqoon laakiin daawatay video-ga aan ka hadlayo ay ducadiisa ka garteen in uu yahay nin hal abuur leh.

Sida uu hadda ii sheegay fannaan Waaberi ka tirsan, heesihiisa caanka ah ee Cali Cabdi Saayaq waxaa ka mid ah heesta uu ku luuqeeyo Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Suleymaan Tubeec AUN, ee oraneysa Dhool da’ay la Moodyee, Waan kugu Dhadhabayaayee, Dharaarteynu kulannaa, Dhulku ila Wareegee,…

Cali wuxuu ahaa nin sharaf iyo xushmad badan oo dhallinyarada ku dhiirri geliya waxbarashada iyo weliba shaqada markii aan shaqo billowga ahayn.

Inaksta oo xilligii uu dagaalku Muqdisho ka qarxay aan kala go’nay, waxaan haddana dib isugu aragnay Djibouti 1994. Dhowr jeerna Hargeysa ayaan si kooban isugu aragnay.

Anigu ma ogi qofka ay is hayaan iyo waxa ay isku hayaan toona, qormadeyduna taa kuma saabsana.

Mudane Cali Cabdi Saayaq, hadda waa Wasiir Ku Xigeenka Howlaha Guud ee Somaliland.

13 comments:

  1. www.boramapress.com/2015/10/yuusuf-garaad-oo-si-cilmiyaysan-uga.html

    ReplyDelete
  2. SC WR WB Yuusuf
    Runtii waan daawaday videoga uu cali ka hadlayo mana beenin karo hadalkii uu madashaas ka jeediyey jiritaankiisa, maxaa yeelay waxaan markhaati ka ahay in uu bulshadayda dhexdeeda ka jiro dhaqan aad u xun oo ah takoor hayb ku dhisan.
    dadka walaalaha ah ee isku sinjiga iyo sawracaba ah ee soomaaliyeed ma kala sareeyaan mana kala mudna. waxaan aad uga xumahay oo aanu marnaba damiirkaygu qaadanaynin in qof soomaaliland ama umada soomaaliyeedba xil ka rabaa uu afkiisa waxaas oo kale ka yidhaahdo. kuna tilmaamo qof walaalkii ah mid aan waxba tarayn isagoo ku af lagaadoonaya qabiil dhan oo sheikh iyo shariifba leh... illaahay ha sharfo dhamaanba umada soomaaliyeed dhaqankaas xunna ha ka tirtiro

    ReplyDelete
  3. Waa wax aad looga murgooda video gaasi

    ReplyDelete
  4. Waa qormadi labad ee yusuf ka qoro Somaliland week ugu dihii tolow maxa jira ?

    ReplyDelete
  5. waa wax laga xumadaao runtii cunsuriyada intaas la'eg ee lagula kacay ninkaa odagaa ee qiimaha badan sorry

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  7. Waxay is hayaan oo caayay oo tumaal midgaan ah kusheegay Biixi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye markuu cabanayayna cid xaal iyo xumaan siisay goobta shirku kadhacayay kuma arag oo beesha Isaaq waayo aragoodu buuxa. Anagaa xaal siinay waana muwaadin dhab ah Soomaali xalaal ah wadani ah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigu goob joog madasha maad ka ahayd? Waxaan filayaa maya sida Aan hadalkaga ka arkayo! Haddaba aan ku tilmaamee waxaad daawataa haddalka Cabdicasiis Samaale

      Delete
  8. Waxay is hayaan oo caayay oo tumaal midgaan ah kusheegay Biixi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye markuu cabanayayna cid xaal iyo xumaan siisay goobta shirku kadhacayay kuma arag oo beesha Isaaq waayo aragoodu buuxa. Anagaa xaal siinay waana muwaadin dhab ah Soomaali xalaal ah wadani ah

    ReplyDelete
  9. Waa qormo badhan.
    Hebel waan aqaanaa...
    -haye
    -dee haye.

    Waligayba Yuusuf Garaad Waxaan islahaa sidan wuu soo dhaami, laakiin habeen kasta wuu kasii darayaa uun.
    Qof shax guuray lama sii waraysto.

    ReplyDelete
  10. Waa qormo madhan.

    -hebel waan aqaanaa...
    -haye
    -dee haye.

    Waligayba Yuusuf Garaad Waxaan islahaa sidan wuu soo dhaami, laakiin habeen kasta wuu kasii darayaa uun.
    Qof shax guuray lama sii waraysto.

    ReplyDelete
  11. Waa wax aad looga naxo anag oo sheeganayna Islaam in nin wasiir ah hadalad sidaa u foolxun lagu yidhaa Yusuf Wasiir Cali Cabdi waa sidaa aad ku taqanay waa nin hawl kar ah umadana ixtiraam ku dhex leh lakin nin af xumi meel walba wuu joogaa aadna wanu uga xunahay ninkaa khariban ee umadda ku dhex dhuuntay wanan ka xaal marinaynaa Wasiirkayaga

    ReplyDelete
  12. Waxaa murugo iyo xanuun ah, in muwadinad Soomaaliyeed iyo Muwaadin Soomaaliyeed loo niyad xumeeyo. Ma jirto qof doortay ahaanshihiisa, mana jirto sabab loo noco abuurta Rabi inaka abuuray, waxaynan inagu dooranin.

    Waxay ila tahay in shuruucda lagu daro qofkii lagu helo in sharciga lala tiigsado. Waxaana qabaa in maamulka Somaliland uu arintan baaritaan ka sameeyo.

    Waxaan mahad usoo jeedinayaa Mudane Yuusuf Garaad oo marwalba dareen iyo hoga tusaale wanaagsan bulshada la wadaaga.


    Mahadsanid Yusuf.

    ReplyDelete