Total Pageviews

Monday 30 November 2015

Adiga iyo Danta Guud

Dadka is dhex yaacaya Soomaaliya dan la’aan ma wada aha. Qof waliba wuxuu ku howlan yahay wax uu u arko in ay isaga dan u yihiin. Waxay noqon karaan dan laga fushado Xafiisyada Dowladda, kuwa gancsiga, hey'adaha caalamiga iyo kuwa Soomaalida iwm.

Dadku uma wada adeegaan danta guud. Falalka shakhsi kasta iyo danta guud waxaa ka dhexeyn kara saddex xiriir midkood oo uu falku ku sifoobi karo.

  • Fal danta guud wax ku biirinaya. 
  • Mid aan waxba ku biirineyn hase yeeshee aan waxba u dhimeyn. 
  • Mid wiiqaya ama toos uga hor imaanaya danta guud.


Is weydii waxa aad ku howlan tahay xiriirka ay la leeyihiin danta guud. Hana isu qiil sameyn ee fadlan inta ay goori goor tahay ka joogso haddii falkaagu uu ka hor imaanayo danta guud.

10 comments:

  1. haddaan Soomaali nahay sidaan umaleeyay ani maba naqaan micnaha saxdaa ee danta guud, waayo markii hore eenala korinayo manaloo sheega waxa Dadka nagala dhexeeya waxa aan gaar ka uleenahay. waxa qof kale leeyahayna marka aan ku dhagno waxaa layiraa usidaaday.

    ReplyDelete
  2. Qof aan weli u hiilinta dalka, Dan Guud, Cadaalad, Sinaan la kulmin
    waxaa halkaas ka ratibmaysa xikmadan: "Ardadu waxay wax ku fahmaan Itus oo Itaabsii", sidaa darteed Dadkaygu waxay u baahan yihiin cid tusta, taabsiisa inay 4-ficil ee kore, hadal u baahnayn Hogaamiye Isha u sara,,,kadib way fullin doonaan,,,,,,Mhs Macallin Yusuf

    ReplyDelete
  3. Anigu danta guud wxn u aqaan inaan qabiilka deriskayga ah kuu duulo, dad ka laayo, dhaqaalahooda burburiyo, ciyaalkooda iyo dumarkooda qixiyo, u diido waxbarasho, caafimaad... Lkn wxn wali xallin la'ahay, sidaan dhibkaas ugu koobi lahaa qabiilka aan cadow u aqaan, intaasi qabiilkaygana way ku dhacdaa markaa kuwa kale weeraro.

    Yaa ii sheegi kara fikir aan qabiilkayga kaliya ku badbaadiyo, oon dhibka ugu koobo "cadowga".

    Soomaaliyeey waal halxidhaale.

    Jawaabtu cid kasta way u furantahay.

    Yusuf Garaad, wll ha ka daalin inaan qalinkaaga ugu hiilisid tolkaa = soomaali oo dhan waa tolkaa. Maanta soomaali waa 2 qabiil: qabiil waa tuugta danta gaarka ah ka hor marisa danta guud. Qabiilka kalena waa midka u diriraya danta guud, sida Yusuf Garaad Cumar. Anigu wxn la qabiil ahay Yusuf Garaad, waayo isku fikir, dan ayaan nahay. Muhiim ma aha inaanaan isku abtirsi ahay.

    "Oodi ab ka dhow". Danta ummaddaa ka wayn odayaal dhintay magacyadooda difaacooda in la isugu hiiliyo - gardarro.

    ReplyDelete
  4. somali waa kurdish iyo kaxun reer hebal buu noqday siyaasigii somaliyeed wariyihii wsarkiisu waxuunoqday reer hebal shiikhii waxuunoqday reer hebal dhlin yaradii waxay noqotay ale maliibaane lagu liibaano sababtoo ah nin kursi doona baa qori usoo dhiibaya markaa buu leeyahay kuduul reer hebal maka isagaa kursi kuhelay ee wiilkii maxuu heley waxuu helay hooyadii buu qixiyay oo hurigii kagubay marka waa ale maliibane lahu liibanay <<<<<<

    ReplyDelete
  5. Yusuf, mowduucan markad soo qaaday waxaa markiiba igu soo dhacay Raga Soomaaliyeed ee tirada badan ee qaarkood canshuurti dalka wax ku soo bartay ee Hotelada waaweyn ee Muqdisho degen, ee u shaqeeya Ajnabiga, ee aan qarsan ee qaarna sida tooska ah ugu shaqeeya Sirdoonka Dalalka Ajnabiga qaarna si dadban iyagoo huwan magac samafal balse warbixino Amni, Dhaqan, Dhaqaale iyo horumarada Siyaasadeed ee Dalka siiya Ajnabi. Waxaa yaab iyo Amkaag ah in qaarkood ay magaalada ka sameeyen network ka garab shaqeeya NISA, dowladduna aanay talaabo ka qaadinin, taas bedelkedi ah Shaqsiyaad aad looga qaddariyo Xafiisyada Madaxweynaha/Ra'iisal Wasaaraha.

    ReplyDelete
  6. ma waxad leedahay adinko is ogayn danta guud hawiiqina
    masha allah waa talo wax ku ool ah

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid Mudane Garaad. waxan rajynaa ineey dad badan qoraalkaaga wax ku qadan doonaan. wana hubaa inaay qoraladadii hore dad badan oo fikrado qaladan aaminsanaa ay wax badan ka badaleen fikarkoodii aniga ayaana kamida kuwas. wana ku mahadsan tahay ee please haka dalaalin inaad dadka somaliyeed uga faa'idaysid aqoontada iyo kartida waxadna tahay masha'alah mahasanid

    ReplyDelete
  8. Wax ka kororso oo is xisaabi inta aad xiligu kaa dhicin

    ReplyDelete